Ku maqnaanshaha xanuun
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 31 1 2020
Haddii aad xanuusanayso waxaad xaq u lahaan kartaa inaa dhesho guno. Xuquuqyo kala duwan ayaa jira haddii aad tahay shaqaale ama shaqo raadiye ama haddii aad ku jirto fasax waalidnimo. Waxaa kale oo jira qawaaniin kala duwan kuna xiran dhererka wakhtiga aad xanuusanaysay.
Haddii aad xanuusato waa inaad diiwaan gelisaa inaad xanuusanayso si aad xaq ugu yeelato gunada bukaanka ee laga helo Qasnada Caymiska. Gunada bukaanka waa guno ku meel-gaar ah taas oo magdhabid u ah dakhliga shaqo ee aad wayday ilaa inta aad caafimaadayso ee dib u shaqayn karto mar kale.
Intay leegtahay gunada bukaanka ee aad helayso waxay ku xirantahay dakhligaaga. Qawaaniinta khuseeya gunada bukaanka way kala duwanyihiin iyadoo ku xiran haddii aad ahayd bilaa shaqo, shaqaale ama qof haysta shirkad.
Marka aad gunada bukaanka ka codsanayso Qasnada Caymiska waa inaad codsigaaga raacisaa caddaynta dhakhtarka taas oo muujinaysa sababta aanad u shaqayn karin. Qasnada Caymiska ayaa samaynaysa qiimeynta ku saabsan haddii shuruuda gunada bukaanka aad buuxisay iyo haddii kale.
Si aa xaq ugu yeelato gunada bukaanka waa inaad xanuusanayso ugu yaraan afar meelood meel ahaan ka mid ah wakhtigi aad shaqayn lahayd, raadin lahayd shaqo ama ku jiri lahayd fasax waalidnimo. Adigu waa inaad xitaa ku jirtaa caymiska Iswiidhan.
In la qiimeeyo xaqa loo leeyahay guno
-
SGI
Inta ay leegtahay gunada bukaanka ee aad helaysaa waxay ku salaysantahay SGI, ggunada bukaankaloona dhaweeyay dakhligaaga. Waa Qasnada Caymiska ta go'aamisa SGI-gaaga kuna salaysan inta ay leegtahay lacagta aad shaqayso calaa sanad.
-
Adigaaga xanuusanaya ee ah shaqaale
Haddii aad tahay shaqaale oo aad xanuusato waa inaad wargelisaa shaqo-bixiyahaaga inaad xanuusanayso. Maalinta ugu horeysa ee aad xanuusanayso waa maalin ka reeban, tani micnaheedu waa in aanad wax guno ah helayn ku helyan maalintaas. Maalinta 2-14 waxaa mushahaarada xilliga aad bukto bixinaya shaqo-bixiyagaaga. Mushahaarada bukaanka waa boqolkiiba 80% ka mid ah mushahaaradaada caadiga ah. Shaqo-bixiyahaagu wuxuu codsan karaa shahaado dhakhtar taas oo muujinaysa sababta aanad u shaqayn karin, laakiin caadiyan wax shahaado ah looma baahna toddobada maalmood ee ugu horeeya xilliga xanuunka.
Ka dib maalinta 14-aad ayaad gunada bukaanka ka codsan kartaa Qasnada Caymiska.
-
Adigaaga shaqo raadiye ah ee xanuusanaya
Shaqo-raadiye ahaan xitaa waxaad xaq u yeelan kartaa gunada bukaanka haddii aad xanuusato oo sidaas darteed aanad raadin karin ama geli karin shaqo. Shaqo-raadiye ahaan waxaad xaq u yeelan kartaa gunnada bukaanka isla bilowga wakhtiga xanuunka. Qofku waa inuu wargelinta xanuunka ka sameeeyaa Qasnadda Caymiska qaybta adeegeeda qofku iskii u sameeyo.
Adigu waa inaad Xafiiska Shaqada ka diiwaan-gashaneed inaad ahayd shaqo-raadiye si aad xaqu ugu yeelato gunada bukaanka ee shaqo-raadiyaha.
-
Adigaaga xanuusanaya ee ku jira fasax waalidnimo
Haddii aad xanuusanayso oo aanad hayn karin ilmahaaga xilliga wakhtiga aad ku jirto fasaxa waalidnimo waxaad taas badelkeeda heli kartaa gunada bukaanka oo lagu badalay gunada waalidka. Si loo helo gunada bukaanka ee qofka ku jira fasaxa waalidka waxaa waajib ah in awoodaada inaad daryeesho ilmo ay hoos u dhacday ugu yaraan boqolkiiba 25 isla markaana aad haysato SGI go'an, gunada bukaanka ee ku salaysan dakhliga.
-
Adigaaga shirkad gaar ah leh ee xanuusanaya
Haddii xanuusato oo aad leedahay shirkad gaar kuu ah xitaa waxaad xaq u yeelan kartaa gunada bukaanka.
Haddii shirkadaadu thaay mid saamilay waxaad xisaabsantahay inaad shaqaale ka tahay shirkadaada. Tani micnaheedu waa in shirkada saamilayda ahi bixinayso mushahaaradaada bukaanka taas oo baddel u ah mushahaaro caadi ah oo lagu siiyo 14-ka maalmood ee ugu horeeya ee aad xanuusanayso. Ka dib ayaad codsan kartaa gunada bukaanka.
Adigaaga haysta shirkad gaar ah waxaad keligaa dooran kartaa inta ayaamood ee aad doonaysid inaad bilaa lacag la'aan ahaato. Adigu waxaad si atomaatiig ah u helaysaa 7 maalmood oo bilaa lacag ah haddii aanad adigu samayn doorasho kale.
-
Gunada dhaq-dhaqaaqa
Gunada dhaq-dhaqaaqa waa guno loogu talogalay adigaaga u dhaxeeya 19–30 sano ee iyadoo ay sabab u tahay xanuun, dhaawac ama hoos u dhac awood aan shaqayn karin wakhti buuxa ugu yaraan hal sano. Adigu xitaa gunada dhaq-dhaqaaqa waad heli kartaa haddii aad u baahantahay inaad sii dheerayso iskool tegistaada iyadoo ay sabab u tahay xanuun ama hoos u dhac awooda ah.
-
Lacagta bukaanka
Lacagta bukaanka waa guno taas oo aad heli karto haddii aad u dhaxayso 19 iyo 64 sano oo aad leedahay xanuun ama hoos u dhac awooda ah taas oo keenay in weligaa aanad awoodi doonin inaad shaqayso, iminka iyo mustaqbalka labadaba.