Ku saabsan Informationsverige.se - Ku hagaha bulshada Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/11-2023

Informationsverige.se waa bog intarnat oo ku saabsan bulshada Iswiidhishka oo ku qoran luqaddo dhowr ah. Waa laga isticmaali karaa kombiyuutar, shaashad yar iyo moobil.

Halkan waxaa ku jira ugu horeyn macluumaad iyo aalad loogu taloglay adigaaga ah magangelyo doon ama dhawaan helay sharciga deganaansho laakiin xitaa qaybo muhiim ah looguna talogalay adigaaga la shaqeeya dadka ka tirsan kooxahaas.

Filimka ku saabsan Informationsverige.se

Maxay tahay sababta ay u jirto Informationsverige.se?

Dadka oo dhan waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan macluumaadka ka soo baxay hey'addaha dawladeed. Bogga intarnatka waa in uu caawimaad kuu noqodo kuna siiyo fursado kordhay in aad laf ahaantaada raad ku yeelan karto xaaladaada gudaha Iswiidhan.

Maxaad adigu ka heli karta Informationsverige.se?

Dhanka Informationsverige.se waxaad ka helaysaa warbixin uruursan kuna saabsan bulshada Iswiidhishka. Adigu waxaad ka akhrin kartaa sida Iswiidhan loo maamulo iyo sida aad uga mid ahaan karto ee raad ugu yeelan karto. Adigu waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan sida taageerada dhaqaale u shaqayso iyo sida daryeelka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka ee Iswiidhan u shaqeeyo. Waxaa jira xitaa boggag leh waxyaabo loogu talogalay hanuuninta bulshada, boggag aad ku bilaabi kartid inaad ku tababarato Iswiidhishka iyo boggag ku jiheysan adigaaga ah waalid.

Adigu waxaad xitaa ka helaysaa macluumaad ku saabsan hey'addaha dawladeed ee aad xiriir la yeelan doonto wakhtigaaga ugu horeeya ee dalkan. Adigu waxaad kala socon kartaa sida ay wax u shaqeeyaan laga bilaabo marka aad codsato magangelyo ilaa marka aad adigu ka qaybqaadasho ku yeelanayso bulshada Iswiidhishka ee aad shaqaynayso ama wax baranayso.

Yaa mas'uul ka ah Informationsverige.se?

Maamulka gobolka Västra Götaland ayaa mas'uul ka ah in la maamulo Informationsverige.se iyadoo wadashaqayn la leh maamulada gobolada kale ee Iswiidhan. Dawladda ayaa bixisa kharashka Informationsverige.se.

Sidee ayaanu qoraalada ugu qornaa Informationsverige.se?

Maamulada gobolada waxa ay wadashaqayn la leeyihiin Xafiiska shaqada, Hey'adda Socdaalka iyo hey'addaha dawladeed ee kale iyo ururro, si macluumaadka ku qoran boggan intarnatka u yahay mid markaas taagan oo sax ah.

Qoraallada waxaa qora tifatirayaasha Informationsverige.se ama khubarada dhinaca mawduucyada kala duwan. Qoraalada ay qoraan tifatirayaasha waxaa hubiya khubarada dhinaca mawduucyada kala duwan. Qorayaashu waxa ay haystaan ilo wareed oo badan oo kala duwan markay ka shaqaynayaan qoraaladan. Tifatirayaasha Informationsverige.se waxa ay nidaamiyaan dhammaan qoraalada si ay u sahlanaadaan in la akhriyo una sahlanaadaan in la fahmo.