Helitaanka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12 1 2021

Waxaanu doonaynaa in dadka ugu badan ee suurtagal ah ay awoodaan inay isticmaalaan Informationsverige.se Boggan wuxuu sharaxayaa sida boggan intarnatka u buuxinayo sharciga ku saabsan helitaanka adeeg dadweyne oo dijitaal ah, wixii dhibaatooyin ah dhanka helitaanka iyo sida aad adigu noogu soo sheegi kartid wixii gabaabsiyo ah si aanu u hagaajino.

Waa sidee helitaanka boggan intarnatka?

Boggan intarnatka wuxuu qayb ahaan waafaqsanyahay sharciga helitaanka adeeg dadweyne oo dijitaal ah.

Maxaad samayn kartaa haddii aanad isticmaali karin qaybo ka mid ah boggan intarnatka?

Haddii aad macluumaad uga baahantahay Informationsverige.se iyadoo ah qaab kale oo aan ahayn ka ku jira boggan intarnatka maanta markaas waad nala soo xiriiri kartaa oo codsan kartaa in lagu siiyo nuxurka oo qaab kale ah. Wakhtiga jawaabta caadi ahaan waa 2 ilaa 3 maalmood oo shaqo.

Sheegida gabaabsiyada ku jira boggan intarnatka helitaankeeda

Waxaanu ku dadaalnaa goor kasta inaanu fiicnaysiino helitaanka boggan intarnatka. Haddii aad hesho dhibaato aan lagu sharraxin boggan, ama haddii aad u aragto in anagu aanan buuxin shuruudaha sharcigan, markaas waa/waxaad awoodaa inaad noo soo sheegto si aanu u ogaano dhibaatada jirta.

Waxaad xitaa halkan ku codsan kartaa waxa ku jira ama ku soo sheegi kartaa gabaabsiyada:

  • Telafoon: 010-224 40 00 (sheeg in informationsverige.se tahay mawduuca)

Ka warhaynta

Hey'adda dawladeed ee maamulka dijitaalka (DIGG) ayaa mas'uul ka ah ka warhaynta dhanka sharciga helitaanka adeega dadweynaha ee dijitaalka ah. Haddii aanad ku qanacsanayn sida aanu u maarayno aragtiiyahaaga waxaad la xiriiri kartaa DIGG oo u sheegi kartaa arrintan.

Macluumaad farsamo oo ku saabsan boggan intarnatka helitaankiisa

Boggan intarnatka wuxuu waafaqsanyahay heerka AA Web Content Accessibility Guidelines version 2.1.

Nuxurka aan la helayn waxaaa lagu sharaxay halkan:

  • Qaar ka mid ah pdf-yadii gaboobay ma waafaqsana helitaankan. Waxaanu hagaajin doonaa kolba marka aanu waafajino helitaankooda.

  • Informationsverige.se kommer från januari 2021 inte längre att stödja användningen av Internet Explorer och kommer inte att kunna garantera full funktionalitet framöver. Vi rekommenderar att du använder Google Chrome, Mozilla Firefox eller Microsoft Edge.

Sidan ayaanu u tijaabinay boggan intarnatka

Tifatirayaashayada takhasuska ku ah helitaanka bogga intarnatka ayaa hubiyay oo tijaabiyay boggan intarnatka. Tijaabinta iyo baaritaanka kediska ah waxaa loo sameeyaa si isdaba joog ah, dhowr mar bishiiba.

Waxaanu xitaa ka shaqaynaa hubinta iyo sii fiicnaysiinta boggan intarnatka iyadoo la adeegsado caawimaada Siteimprove iyo Google Analytics.

Boggan intarnatka waxaa la daabacay 24 Oktoobar 2018.
Warbixinta waxaa la cusboonaysiiyay 12 janaayo 2021.