Ku saabsan Informationsverige.se
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 17/12-2025
Informationsverige.se waa bog intarnet looguna talagalay adigaaga ku cusub Iswiidhan. Halkaan waxaad ka heli kartaa macluumaad ka yimi hay’adaha dawladeed ee Iswiidhan kuna saabsan shaqada, hoyga, daryeelka, dhaqaalaha iyo waxyaabo kale oo badan. Boggan intarnetka wuxuu ku qoranyahay kow iyo toban luqadood.
Loogu talagalay adigaaga ku cusub Iswiidhan ama dhawaan helay sharciga deganaansho
Informationsverige.se waa bog intarnet oo leh warbixino loogu talagalay adigaaga ah qof
- magangelyo-doon
- helay sharciga deganaansho ee qaxoonti ama dadka kale ee u baahan gaboodka
- ka soo cararey dagaalka ka jira Yuukarayn
- yimi Iswiidhan iyadoo aan waalidkaa kula socon.
Boggan intarnetka waxaa xitaa ku jira waxyaabo loogu talagalay barashada bulshada: "Ku saabsan Iswiidhan". Halkaas waxaad ka heli kartaa qoraalo xoogaa dheer kuna saabsan Iswiidhan iyo bulshada Iswiidhishka.
Macluumaad ka yimi hay’ado dawladeed – kow iyo toban luqadood
Macluumaadka ku jira Informationsverige.se waxay ka soo baxeen hay'adaha dawladeed ee Iswiidhan. Boggan intarnetka wuxuu ku qoranyahay kow iyo toban luqadood. Luqad kasta oo aad doorato haddana nuxurka ku jiraa waa isku mid dhammaan boggagan. Haddii aad door-bideyso in aad dhageysato qoraalka waxa aad isticmaali kartaa badhanka ”Dhageyso nuxurka”. Badhanku wuu ku shaqaynayaa luqadaha ku jira boggan intarnetka marka laga reebo af Soomaaliga iyo af Tigrinya.
Filimkan waxaad ka ogaanaysaa macluumaadka aad ka heli karto Informationsverige.se.
Su’aalo iyo jawaabo
Maamulka gobolka Västra Götaland ayaa mas’uul ka ah Informationsverige.se iyagoo wadashaqayn la leh maamulada gobolada kale ee Iswiidhan. Maamulada gobolada waa hay’ado dawladeed. Dawladdu ayaa bixisa kharashka Informationsverige.se oo hawshaas u xil-saartey Maamulka gobolka Västra Götaland.
Guji calaamadda aduunka ee ku taal halka ugu sareysa ee boggan. Ka dib dooro luqadda aad rabto inaad akhrido.
Guji muraayadda weyneynta ee ku taal halka ugu sareysa ee boggan oo ku qor ereyga aad raadinayso gudaha afar-geeska. Ereyga aad raadinayso ku qor luqadda aad dooratey.
Hoosta cinwaanka bog kasta waxaa laga helayaa badhan leh qoraalka "Dhageyso nuxurka". Guji badhanka si nuxurka bogga laguugu akhriyo.