Ku socota adigaaga ka shaqeeya arrimaha magan-gelyo doonka iyo dadka dalka ku cusub
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 13/1-2026
Miyaad la kulantaa magan-gelyo doon iyo dadka dalka ku cusub dhanka xilkaaga ee dhanka degmo, hay´ad dawladeed ama bulshada rayidka ah? Fadlan Informationsverige.se la wadaag oo u isticmaal in ay ahaato halka aad ka soo qaadanayso macluumaadka dhanka shaqadaada!
Bogagga boggan intarnetka ee loogu talogalay adigaaga ah xirfadley
Informationsverige.se waxa ay leedahay qayb gaar ah oo loogu talagalay adigaaga la shaqeeya magan-gelyo doonka iyo dadka dalka ku cusub ama iyaga la kulma wax ah dhanka hawl kale. Qaybtan bogga intarnetka ah ayaad tusaale ahaan
- u isticmaali kartaa qaab taageero dhanka waxyaabaha ku jira barashada bulshada ee "Ku saabsan Iswiidhan"
- ka daawan kartaa filimo ku saabsan sida aad boggan intarnetka ugu isticmaali karto shaqadaada
- ka dalban kartaa waxyaabo ah macluumaad oo iska diiwaan-gelinaysaa soo bandhigyada boggan intarnetka
- ka codsan kartaa in aad hesho warsidaha ka yimaada Informationsverige.se.
Akhri sida aad u isticmaali karto nuxurka
Ma rabtaa in aad nuxurka ku jira Informationsverige.se isticmaasho dhanka hawshaada? Fadlan ka fikir in lagaaga baahanyahay inaad raacdo nidaamyadayada.