Nala soo xidhiidh

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22/12-2025

Miyaad la kulmeysaa dhibaatooyin farsamo ama miyaad haysaa su’aalo kale oo ku saabsan Informationsverige.se? Nagala soo xidhiidh dhanka ii-maylka! Haddii aad rabto in aad hesho macluumaad dheeraad ah oo aan ahayn waxa ku jira boggan intarnetka waa in aad la xiriirto hay’ada dawladeed ee mas’uulka ka ah macluumaadkaas.

Noo soo dir ii-mayl haddii aad hayso su’aalo ku saabsan boggan intarnetka

Waa lagugu soo dhawaynayaa inaad ii-mayl u soo dirto annagayaga joogna Informationsverige.se haddii aad

  • hayso su’aalo ku saabsan boggan intarnetka
  • hayso talooyin ku saabsan waxa aan wax ka qori karno
  • la kulanto dhibaatooyin farsamo marka aad isticmaalayso boggan intarnetka.

Dhanka ii-maylka waxaan ku jawaabi karnaa oo keliya af Iswiidhish iyo af Ingiriisi.

La xiriir hay’adda dawladeed ee saxda ah haddii aad rabto macluumaad dheeraad ah

Haddii aad rabto macluumaad dheeraad ah oo aan ahayn waxa ku jira boggan intarnetka waa in aad la xiriirto hay’ada dawladeed ee mas’uulka ka ah macluumaadkaas. Informationsverige.se kaama caawin karto arrimaha gaarka kuu ah, tusaale ahaan haddii aad rabto inaad codsato magan-gelyo.

Hay'addee dawladeed ayaan la xiriiraa?

Hay’adda Socdaalka ayaad la xiriiraysaa haddii aad hayso su’aalo ku saabsan magan-gelyada, haajiridda, oggolaanshaha shaqo iyo sharciga deganaanshaha.

Xafiiska Shaqada ayaad la xiriiraysaa haddii aad hayso su’aalo ku saabsan in la raadiyo shaqo iyo wixi ku saabsan hawlaha la qabsashada qofka dalka ku cusub.

Degmadaada ayaad la xiriiraysaa haddii aad rabto inaad dheeraad ka ogaato barashada bulshada ee loogu talagalay dadka dalka ku cusub ama af Iswiidhishka loogu talagalay ajnabiga.

Qasnadda Caymiska ayaad la xiriiraysaa haddii aad hayso su’aalo ku saabsan gunnada la qabsashada iyo sida loo bixiyo lacagtaas.

Hay'adda Canshuuraha ayaad la xiriiraysaa haddii aad hayso su’aalo ku saabsan lambarka shakhsiga ah, caddeynta shakhsiga ah ama diiwaan-gelinta dadweynaha