Ku saabsan boggan intarnat-ka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/12-2023

Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan boggan Informationsverige.se.

In la helo boggan intarnat-ka

Dhinaca Informationsverige.se waxaa laga helayaa kadino ku haboon kooxda ay ku jiheysanyihiin ama dhinaca xiisaha. Halkan waxaad ka helaysaa kadinka warbixinta loogu talogalay:

  • adigaaga codsaday ama codsan doona magan-gelyo
  • adigaaga dhawaan helay sharciga deganaansho
  • adigaaga ka yar 18 sano ee yimi Iswiidhan iyadoo waalidkaa aanay kula socon

Waxaa kale oo jira kadin leh warbixino ku saabsan sida Iswiidhan u shaqayso, looguna talogalay adigaaga doonaya inaad dheeraad ka ogaato Iswiidhan.

Si loo helo aragti guud dhinaca nooca warbixinaha ku jira boggan intarnat-ka waxaad dhag ka siin kartaa kadinada kala duwan oo wixi dheeraad ah ka akhrin kartaa halkaas. Qawaaniintu way kala duwanaan karaan haddii aad tahay magan-gelyo doon ama haddii aad heshay sharciga deganaansho.

Kadinadan badanaaba waxaad ka helaysaa cinwaano isku eeg. Tusaale ahaan ku saabsan shaqo, guri, daryeelka iyo dhaqaalaha. Haddii aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka ogaato sida Iswiidhan u shaqayso ee dhinaca mid ka mid ah arrimahan waxaad marka hore dhag ka siinaysaa kadinka aad u aragto inuu kugu haboonyahay ka dibna cinwaanka aad xiisaynayso.

Boggan intarnat-ka waxaa kale oo aad ka helaysaa boggag aad ka bilaabi karto tababarka iswiidhishka, boggag aad waxyaabo dheeraad ah ka ogaan karto haddii aad tahay waalid jooga Iswiidhan iyo boggag ku saabsan koorsada Maadooyinka cilmiga bulshada iyo alaabta koorsada "Om Sverige".

In wax laga raadiyo boggan intarnat-ka

Halka ugu saraysa ee boggan intarnat-ka waxaa laga helayaa sawirka quraarada weynaysada. Haddii aad dhag ka siiso quraaradan weynaysada waxaad ku qori kartaa kalmada aad raadinayso ee luqada aad dooratay. Tani waxay keeni kartaa inaad si sahlan u hesho warbixinta aad raadinayso.

Luqada iyo turjumida

Markii ugu horreysay ee aad gashay Informationsverige.se waxaad dooratay luqadda boggan intarnat-ka lagu arkayo. Goobta boggan waxaa lagu turjumay dhowr luqadood. Adigu waxaad kala dooran kartaa:

  • Af-Carabi
  • Af-Daari
  • Af-Ingiriisi
  • Af-Faransiis
  • Af-Faarsi
  • Af-Ruush
  • Af-Soomaali
  • Af-Isbaanska
  • Af-Iswiidhish
  • Af-Tigrinya
  • Af-Yuukrayn

Haddii mar dambe aad doonaysid inaad doorato luqad kale oo aan ahayn tii aad markii hore dooratay waa inaad dhag ka siisaa sawirka kubada aduunka ee yar ee xagga ugu sareysa. Ka dib dooro luqada aad doonaysid.

Macluumaadka ku saabsan gobolada iyo degmooyinka Iswiidhan ilaa hadda waxaa lagu helayaa carabi, ingiriisi, soomaali, iswiidhish iyo tigrinya.

Haddii boggan aan lagu helayn luqada aad dooratay ee halkan Informationsverige.se markaasi waxaa boggan lagu arkayaa Iswiidhish.

Xiriiryada boggag kale iyo boggag intarnat-ka ah

Adigu waxaad dhag ka siin kartaa xiriiryada aad xiisaynayso. Xiriiryadan waxay furi karaan boggag kale dhinaca Informationsverige.se kuwaas oo aad ka heli karto warbixino dheeraad ah. Waxaa kale oo laga heli karaa xiriiryada bog intarnat-yo kale, tusaale ahaan Hey'adda Socdaalka ama Hagida daryeelka caafimaadka ee 1177.