Kakor

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 9/12-2022

Boggan waxaa ku jira waxa lagu magacaabo kakor (cookies). Kaka waa fayl yar oo qoraalo ah oo boggani ku kaydiyo kombiyuutarkaaga.

Haddii aanad doonayn inaad isticmaasho cookies waxaad dooran kartaa in aanad aqbalin cookies dhinaca gudaha akhriyaha shabakadaada. Haddii aad tani samayso markaasi ma isticmaali kartid dhamaan hawlaha ku jira boggan.

Sidan ayaanu u isticmaalnaa kakor

Informationsverige.se waxay kakor u isticmaashaa si boggan intarnatka loogu fiicnaysiiyo soo booqdayaasha. Waxaanu qaadnaa tusaale ahaan tirakoob aan qof loo raadraaci karin. Wax macluumaad shakhsi ah, sida e-boosto ama magac, ma laga kaydiyo soo booqdaha.

25-ki Julaay 2003 waxaa dhaqan galay sharciga ku saabsan iskaarsiinta elaktarooniga ah. Si taasi waafaqsan waxaa khasab nagu ah inaanu idinku wargelino:

  • in boggan ay ku jiraan cookies,
  • waxa cookies loo isticmaalo iyo
  • sida cookies la isaga ilaalin karo.

Waxaa jira laba nooc oo ah kakor

Kaka joogto ah wuxuu ku haraa kombiyuutarkaaga xilli wakhti go'an ah. Tani waxaa loo isticmaalaa tusaale ahaan dhinaca shaqooyinka sheegaya waxa cusub tan iyo markii ugu dambeysay ee aad booqatay boggan. Tani waxaa kale oo loo isticmaali karaa in aad xusuusato haddii aad samaysay isbaddelo. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in la xusuusto luqada aad dooratay.

Kaka muddo ahi wuxuu si ku meel gaar ah ugu kaydsamaa xusuusta kombiyuutarkaaga xilliga wakhtiga aad ku jirto bog intarnatka ah. Kaka muddo ah wuu baa'baa marka aad xirto akhriyaha shabakada.

Iska xir shaqada kak

Haddii aanad aqbalin in kakor la isticmaalo waxaad iska xiri kartaa kakor ku jira akhriyaha shabakadaada nidaamyadeeda amaanka.

Raadadka ku dhex jira halka fiidiyowga laga daawado

Bogga intarnatka waxaa ku jira filimo ay leedahay Informationsverige.se oo kuwaas waxay ku habaysan yihiin in aanay isticmaalin raadyo. Waxa kale oo jira filimo ka yimi hey’ado dawladeed iyo ururro kale oo kuwaas waxay lahaan karaan raad-raacyo hawl-gashan.

Raadadka ku jira halka fiidiyow laga daawado waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin kala duwan. Waxay noqon karaan raadad hawl leh, raadad loogu talogalay amaan kordhay, raadad dhinaca in la baaro isticmaalka iyo raadad dhinaca xayeysiisyada ah iyo in aragtida laga dhigo mid shakhsiyan ah. Tusaale ah macluumaadka raadadku ay ururin karaan waa:

  • cinwaankaaga IP
  • nooca aaladda aad adigu isticmaasho
  • nooca bog akhriye ee aad isticmaasho
  • luqadaha aad ku hagaajisatay
  • bogga intarnatka ee aad ku jirta ka hor inta aanad dhag ka siin filimka.

Marka aad dhag ka siiso filim Youtube ama filim Vimeo ah waxaad isla markaas oggolaatay isticmaalka raadadka. Adiga ayaa keligaa hagaajin kara sida raadadka isticmaalkoodu noqonayo gudaha bog akhriyahaaga. Dhowr bog akhriyayaal waxay xitaa fursad kuu siinayaan inaad intarnatka ku jirto adigoo aan lagu garanayn. Tani waxay tahay in dhammaan raadadku ka sifeysmayaan taariikhda marka aad xirto dariishadda bog akhriyaha.