Sidan ayaan u shaqaynaa
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 17/12-2025
Informationsverige.se waxaa loogu talagalay in adigaaga ku cusub Iswiidhan aad uga hesho macluumaadka isla meel keliya – ahna luqad aad adigu fahmayso. Anagayaga ka shaqayna boggan intarnetka waxaanu joognaa Maamulka gobolka ee Västra Götaland. Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan sida aan u shaqayno.
Waxaanu wadashaqayn la leenahay hay’adaha dawladeed iyo ururada
Anagayaga ka shaqayna Informationsverige.se waxaanu wadashaqayn la leenahay Hay’adda Socdaalka, Xafiiska Shaqada iyo hay’ado dawladeed oo kale iyo ururo badan. Qaabkaas ayaanu ku ogaanaa wixii cusub ee la qorayo iyo haddii aanu u baahano in baddal lagu sameeyo wax ah macluumaad.
Qoraallada waxaa dib u eegis ku sameeya khubaro
Dhammaan qoraallada ku yaal Informationsverige.se xaqiiqdooda waxaa dib u eegis ku sameeya khubaro ka socda hay’ado dawladeed iyo ururo. Micnihii adigu waad ku kalsoonaan kartaa in macluumaadku yahay sax.
Waxaan rabnaa inaan qorno qoraallo loo dhan yahay
Waxaan ku dadaalnaa in aanu qorno qoraalo loo dhan yahay. Taas waxaan ula jeednaa in aanu isku taxalujino in aan u qorno si adigaaga akhrinayaa aad u
- fahamto waxa ku qoran qoraalka iyo waxa ay tahay in aad sameyso ka dib marka aad akhrido
- aragto in waxa ku qoran qoraalka ay adiga ku khuseyso.
Mararka qaarkood waxaan ka codsanaa dadka ku cusub Iswiidhan inay akhriyaan qoraallada oo ay noo sheegaan sida ay u arkaan. Markaas ayaanu tusaale ahaan ogaanaa haddii ay jiraan wax ah macluumaad meesha ka maqan ama adag in la fahmo.
Su’aalo iyo jawaabo
Luqadda aan turjumayno waxaan dooranaa iyadoo ku salaysan tirakoob ka yimi Hay’adda Socdaalka. Tirakoobku wuxuu muujinayaa luqadaha ugu badan ee ay ku hadlaan dadka ah magan-gelyo doonka ama ku cusub Iswiidhan.
Informationsverige.se si joogto ah ayaa loo cusboonaysiiyaa. Markaan helno qoraal dhammaystiran oo af Iswiidhish oo qof khabiir ah ku sameeyay dib u eegis ayaan u baahanaa in aan dalbano turjumidda qoraalkaas. Markaas ka dib ayaanu daabacnaa qoraalka.