Sidan ayaad u qarinaysaa booqashadaada
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 23/12-2025
Booqashadaada dhanka boggaga intarnatka ee kala duwan waxay ku kaydsamaan akhriyaha boggaga intarnetka, tusaale ahaan gudaha Google Chrome ama Safari. Haddii aad rabto inaad qariso boggaga aad booqatay waxaad masixi kartaa taariikhda bog akhriyahaaga. Halkan ayaad ka helaysaa warbixin ku saabsan sida aad u masaxayso taariikhda ku jirta bog akhriyayaasha kala duwan.
Tir-tir taariikhda ku jirta kombiyuutar
Tir-tir taariikhda ku jirta moobil ama shaashad yar
Isticmaal intarnet qaab gaar ah si looga taxaddaro in taariikhdaadu kaydsanto
Bog akhriyayaasha badankooda waxaad ka daari kartaa qaab lagu magacaabo in si gaar ah loo isticmaalo intarnetka ama in intarnetka loo isticmaalo qaab qarsoodi ah. Markaas ma kaydsamayso taariikhdaada ku jirta bog akhriyaha aad intarnetka kaga jirto.