Helitaanka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 14/1-2026

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho nuxurka ku jira Informationsverige.se iyadoo ku salaysan awoodahaaga. Taas waxaa lagu magacaabaa helitaanka. Annagayaga ka shaqayna boggan intarnetka ayaa si joogto ah dib u eegis iyo tijaabin ugu samayna sida helitaanku yahay. Halkan ayaad ka akhrin kartaa waxa aanu isla meel dhignay iyo waxa aad samayn karto haddii ay kula tahay in helitaanku leeyahay gal-dalooloyin.

Waa sidee helitaanka boggan intarnatka?

Informationsverige qayb ahaan wuxuu waafaqsanyahay sharciga ku saabsan helitaanka adeeg dadweyne oo dhijitaal ah. Taas micnaheedu waa in bogga intarnetka hawlihiisa farsamo ay si weyn u buuxinayaan shuruudaha sharciga ee helitaanka laakiin waxaa jira dhowr ah gal-daloolooyin.

Nuxur aan la heli karin

Informationsverige.se waxay leedahay gal-daloolooyinka soo socda ee dhanka helitaanka:

  • Qaabka ah in cod lagu akhriyo ma lagu isticmaali karo af Soomaaliga iyo af Tigrinya. Gal-daloolkan maaha suurtagal in tallaabo laga qaado maadaama adeeg-bixiyuhu aanu haysan taageerada dhanka luqaddahan.
  • Bog akhriyaha Internet Explorer si buuxda ma loogu isticmaali karo boggan intarnetka. Gal-daloolkan ma laga qaadi karo tallaabo maadaama Internet Explorer wakhtiga imminka la joogo aan lagu samayn dib u cusboonaysiin.
  • Qofka booqda boggan intarnatka iyadoo la adeegsanayo akhriyaha shaashadda ma maqli karo soo jeedinaha ku jira boggaga ka muuqda qaybta raadinta.
  • Sawiradda ka muuqda boggan intarnatka qaarkood waxaa ka maqan qoraalo kale oo sharraxaya ahna qoraalka sawir ee loo akhriyo qofka isticmaalaya akhriyaha shaashad.

Waxaanu cuskanaynaa ka reebnaanshaha miisaan culus leh dhanka ku haboonaanshaha ee qaar ka mid ah nuxurka ka yimi qaybo shaqo oo kale, sida waafaqsan sharciga 12 § ee ku saabsan helitaanka adeeg dadweyne oo dhijitaal ah. Tani micnaheedu waa in aanu u aragno in ay qaadan lahayd wakhti aad u dheer in la haboonaysiiyo nuxurkaas.

Waxaanu ku qiimeynay in si miisaan culus aan loo haboonaysiin karin nuxurka ah sida soo socota:

  • faylasha pdf ee ay sameeyeen qaybaha shaqo ee kale ee aan gaarsiisnayn heerka helitaanka
  • filimada ay soo saareen qaybo shaqo oo kale ee aan gaarsiisnayn heerka helitaanka.

Waxaad codsan kartaa nuxurka isagoo ah qaab kale

Haddii aad u baahan tahay inaad hesho nuxurka Informationsverige.se oo ah qaab kale oo aan ahayn ka maanta jira markaas waad nala soo xiriiri kartaa. Soo dir ii-mayl oo sheeg nooca nuxurka aad rabto iyo qaabka aad u rabto. Caadi ahaan waxaanu kuugu soo jawaabi doonaa 2–3 maalmood oo shaqo gudahood.

Haddii aad rabto inaad sheegto gal-daloolooyin ah dhanka helitaanka

Waxaanu ku dadaalnaa wakhti kasta inaanu sii fiicnaysiino helitaanka boggan intarnatka. Waxaa lagugu soo dhaweynayaa inaad nala soo xiriirto haddii aad hesho gal-dalool aan ku sharraxnayn boggan ama haddii aad u aragto in boggan intarnetku aanu buuxinayn shuruudaha sharci. Nagula soo xiriir dhanka ii-mayl ama telafoonka.

Waxaad xitaa halkan ku codsan kartaa nuxur ama ku sheegi kartaa gal-daloolooyin:

Talafoonka; 010-224 40 00 (sheeg in Informationsverige.se tahay mawduuca)

Haddii aadan ku qancin caawimadayada

Haddii aanad ku qancin sida aanu u maareynay aragtiyahaaga waxaad la xiriiri kartaa Hay’adda dawladeed ee maamulka dhijitaalka (DIGG) una sheegi kartaa arrintaas. Hay’adda dawladeed ee maamulka dhijitaalka (DIGG) ayaa mas´uul ka ah in ay hubiso in dhammaan hay’adaha dawladeed ay raacaan sharciga ku saabsan helitaanka adeeg dadweyne oo dhijitaal ah.

Boggan waxa la cusboonaysiiyay Abriil 28, 2024.