Daganaanshaha dalka Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.
Sawirka farshaxan guryo, duur iyo haro biyo, guri gaduudan oo ku yaal baadiyaha iyo kijo.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay in lagu noolaado Iswiidhan. Waxaad akhrin doontaa waxyaabo muhiim u ahaan kara in la ogaado si loogu noolaado Iswiidhan.

Waxaad tusaale ahaan akhrin doontaa sida aad u raadinayso guri, xiriirka hey’addaha dawladda iyo waxa aad sameynayso haddii uu kugu dhaco shil, dab, cudur adag ama laguu geysto dembi. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan hawlaha kala duwan ee adigu aad sameyn karto wakhti firaaqahaaga.

Waxaad xitaa ka fikiri doontaa sida aad ugu noolaan karto si deegaanka ugu fiican dhinaca noloshaada maalinlaha ah iyo sababta ay muhiim u tahay in la daryeelo deegaanka.