In la raadiyo shaqo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 4/10-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay in la raadiyo shaqo. In la raadiyo way adkaan kartaa oo qaadan kartaa wakhti dheer. Adigu waad ogtahay inaad doonayso shaqo, laakiin laga yaabee in aanad garanayn waxa aad doonayso ama ka shaqayn karto. Halkee ayaa laga helaa shaqo banaan iyo sidee ayaa qofku u codsadaa? Laga yaabee inaad waayo-aragnimo u leedahay xirfad aad doonayso inaad sii wado ku shaqaynteeda? Laga yaabee inaad doonayso inaad ku shaqayso wax aanad horey u sameyn?

Qoraalkan waxaad ku akhrin doontaa sida qofku u raadiyo shaqo iyo nooca caawimaad ee qofku heli karo dhinaca shaqo raadintiisa.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin shaqo. Tani micnaheedu waa xaqa in aan lagaa reebin nolosha shaqada. Meesha aad ka timi, nooca jinsiga aad tahay ama da’da aad tahay maaha inay raad ku yeelato fursadahaaga dhinaca shaqo.

Waxaa jira xuquuqo dhowr ah oo la xiriira shaqada. Tusaale ahaan waxaad xaq u leedahay xaalado shaqo oo caddaalad ah, xaqa mushahaaro isku mid ah dhinaca shaqada isku midka ah iyo xaqa in laga mid ahaado urur shaqaale. Waxaad xitaa xaq u leedahay nasasho iyo wakhti firaaqo lagaga maqnaado shaqada.

Waxaa xitaa xuquuq u ah waalidka inay awoodaan inay isku dhex daraan nolosha qoys iyo shaqo. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo sameynta shaqo waxyeello leh ama ka xannibaysa ilmaha horumarkiisa iyo tegista iskool.

Arbetsförmedlingen

Xafiiska Shaqadu waa hey'ad dawladeed taas oo ay tahay inay kaalmo ka gaysato suuq shaqo oo si fiican u shaqaynaya. Xafiiska Shaqadu waxay shaqo raadiyaha ka taageertaa inuu helo shaqo iyo in shaqo bixiyuhu helo shaqaale cusub.

Xafiiska Shaqada calaamadeeda.

Xagee ayaa dadku la xiriiraan si loo helo caawimaad in la helo shaqo gudaha dalka ama dalalka aad horey ugu noolayd?

Miyaad waayo-aragnimo u leedahay wax la mid ah Xafiiska Shaqada?

Waxaad shaqo u raadin kartaa qaabab kala duwan:

  • Adigu waxaad booqan kartaa Goobta shaqooyinka banaan (Platsbanken) ee Xafiiska Shaqada bogeeda intarnatka kana raadin kartaa shaqo dhanka ogeysiisyada ku saabsan shaqooyinka banaan.
  • Waxaadla xiriiri kartaa shirkadaha shaqaalaysiinta. Shirkad shaqaalaysiin waxay shaqaale ka kireeyaan shirkado kala duwan.
  • Waxaad la xiriiri kartaa shirkadaha shaqaalaha qora. Shirkad shaqaale qortaa waxay dad u heshaa shirkad doonaysa ina shaqaalaysiiso shaqaale cusub.
  • Waxaad ka jawaabi kartaa xayaysiisyada joornaalada maalinlaha ah ama ku yaala Intarnatka.
  • Waxaad la xiriiri kartaa shaqo bixiye.
  • Waxaad weydiin kartaa dadka aad garanayso.

Miyaad isticmaashay Xafiiska Shaqada boggiisa intarnatka?

Maxaa shaqooyin banaan ka jira meesha aad ku nooshahay?

Xirfadaha gudaha Iswiidhan

Adigu waxaad caawimaad ka heli kartaa adeega Hitta yrke haddii aanad hubin nooca xirfad ee kugu haboon ama waxa xirfadaada micnaheedu ka yahay gudaha Iswiidhan. Hel xirfada waa adeeg dijitaal ah oo Xafiiska Shaqada ay soo saartay.

Gudaha adeegan Hitta yrken waxaa ku jira macluumaad ku saabsan:

  • Waxa xirfadaha kala duwan micnahoodu yahay.
  • Inta ay leegtahay fursada in la helo shaqo ah dhinaca xirfad cayiman.
  • Nooca waxbarasho iyo waayo-aragnimo ee ay tahay inaad haysato si aad u hesho shaqada xirfado kala duwan.

Waxaa kale oo jira filimo sharaxaya qaar badan oo ka mid ah xirfadahan.

Waa maxay fikradaha aad ka qabto nolosha shaqada ee Iswiidhan oo waa noocee xirfadaha adigu aad xiiseynayso?

Waxbarasho waxay keen kartaa shaqo

In wax la barto waxay ahaan kartaa qaab lagu kordhiyo fursadaha dhinaca shaqo. Waxaa jira noocyo badan oo waxbarasho. Dhinaca jaamicad ama jaamicad sare waxaad ku baran kartaa xirfado badan, tusaale ahaan macallin, dhakhtar ama kalkaaliye caafimaad.

Adigaaga horey u haystay waayo-aragnimo ama waxbarasho dhinaca xirfad waxaad u baahan kartaa inaad ku dhammaystirto waxbarasho kooban si aad u awooddo inaad wax la mid ah kaga shaqayso gudaha Iswiidhan.

Dhinaca xirfadaha ay ka jirto baahi weyn oo shaqaale waxaa jirta waxa lagu magacaabo jidka dhakhsaha ah. Waa jid dhakhso ah kuna aadan shaqo oo loogu talogalay adigaaga horey u haystay waayo-aragnimo ama waxbarasho dhinaca xirfad.

Waxaa jira xitaa waxbarashooyinka suuqa shaqada. Waa waxbarashooyin kooban, ku jiheysan xirfado ah xirfadaha ay ka jiraan gabaabsi dhinaca shaqaale haysta waxbarasho.

Hel shahaado iyo caddaynta aqoontaada

Haddii aad haysato waxbarasho ama waayo-aragnimada dhinaca shaqo laakiin aanad haysan warqad iyo caddaynta arintan waxaad sugi kartaa aqoontaada. Haddii aad sugnin ku samaysid aqoontaada waxaad dhamaysan kartaa waxbarashadaada oo heli kartaa shaqo si dhakhso ah.

In sugnin lagu sameeyo aqoontaada micnaheedu waa inaad sharaxayso oo qiimeynayso waayo aragnimadaada iyo waxa aad taqaano. Waxaad helaysaa fursada inaad muujiso aqoontaada dhinac waaqici ah iyo caqliyan iyadoo loo marayo wareysiyo, imtixaano iyo imtixaano shaqo.

Xafiiska Shaqada ayaa kaa caawin karta sugninta. Waxaad helaysa caawimaada in la qiimeeyo nooca heerka aqoontaadu tahay iyo haddii aad u baahantahay waxbarasho dheeraad ah si aad uga shaqayn karto xirfad cayiman.

Xafiiska Shaqada ayaa sugnintaada ku qoraya caddayn aqooneed ama shahaado aqooneed.

Miyaad leedahay waxbarasho ama waayo-aragnimo xirfad taas oo aad u baahantahay in la qiimeeyo?

Qiimaynta shahaadooyinka wabarasho ee dal kale

Haddii aad haysato waxbarasho aad ku soo dhammaysay dalka dibediisa oo heer dugsi sare, ka dib dugsi sare ama heer jaamicadeed ama waxbarasho xirfad waxaa waxbarashadan kuu qiimeyn karta Guddida jaamicada iyo jaamicadaha sare boggooda intarnatka. Qiimeyntan waa bilaash.

Xirfadooyinka qaarkood waxaa nidaamiyaya sharciga Iswiidhan. Waxeeyna lee yihiin shuruudo lagu buuxinaayo si looga shaqeeyo xirfadaas, shuruuda waxeey ahaan kartaa in loo heeysto shahaadadada xirfada. Si looga shaqeeyo xirfad nuucaas ah waa in qofka uu ogalaansho ka codsadaa Hey'adda dowladeed oo ka mas'ul ah xirfadaas. Tusaale ahaan, dhakhtarada ama kaalkalisada caafimaadka waa in ogalaansho ka codsadaan Hey'adda maamulka bulshada (Socialstyrelsen). Xirfadaha waxbarashadana waa in qofka ogalanshada ka dalbada Hey'adda dugsiyada (Skolverket).

Tusaale: Alireza waa inuu helo in waxbarashadiisa la qiimeeyo

Alireza wuxuu haystaa waxbarasho kalkaaliye caafimaad oo uu kaga soo shaqeeyay Iiraan tobban sano. Isagu wuxuu Iswiidhan yimi hal sano ka hor oo imminka wuxuu rabaa inuu ku shaqeeyo wax la mid ah halkan. Si uu taas u sameeyo wuxuu u baahanyahay in loo aqoonsado inuu kalkaaliye caafimaad ka yahay gudaha Iswiidhan.

Alireza wuxuu la xiriiray Maamulka arrimaha bulshada si waxbarashadiisa uu ka helay Iiraan loogu ansaxiyo. Maamulka arrimaha bulshada waxay Alireza waxbarashadiisa barbardhigtay waxbarashada Iswiidhishka si loo eego haddii ay is waafaqsanyihiin. Haddii waxbarashadan ay ansax noqonto wuxuu helayaa aqoonsi oo wuxuu raadin karaa shaqo kalkaaliye caafimaad ahaan ah gudaha Iswiidhan. Haddii aan la ansaxin waa inuu dhammaystiro waxbarashadiisa.

Turjumidda shahaadooyinka ajnebiga

Haddii shahaadadaada dalka dibediisa la qiimeynayo waa in marka hore loo turjumo Iswiidhis. Turjumiddan waa inuu sameeyo turjubaan haysta aqoonsi turjubaan. Xafiiska Shaqada wuxuu kaa caawin karaa in shahaadada laguu turjumo. Haddii shahaadadu ku qorantahay Ingiriisi, Faransiis, Jarmal, Isbaanish ama luqaddaha dalalka waqooyiga Yurub ma loo baahna in la turjumo.

Haddii aad leedahay hoos u dhaca awooda laxaadka ah, xanuusanayso ama dhaawac tahay

Haddii aad leedahay hoos u dhac laxaadka ah taas oo raad kugu yeelatay jir ahaan iyo caqli ahaan waxaa tani lagu magacaabaa in la leeyahay hoos u dhac laxaadka ah. Adigaaga leh hoos u dhac laxaadka ah waxaad leedahay xuquuq gaar ah xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon:

Xaaladaha saamayn ku yeelan kara awooddaada shaqo ama waxbarasho waxaa ka mid noqon kara:

  • Haddii aad qabto dhibaato aragga, sida inaad aqoonsato qof meel dheer jooga ama inaad akhriso qoraal far yaryar.
  • Haddii aad qabto dhibaato maqalka, sida inaad maqasho waxa laga wadahadlayo ama ay sanqartu dhibeyso dhegahaaga.
  • Haddii aad tusaale ahaan la xanuunsan tahay culays xagga maskaxda, niyadjab, hurdaxumo, wax isku taxalujinta iyo xasuusta oo kugu adag ama waxfahamka oo kugu adag.
  • Haddii jirku ku xanuunayo, sida inay kugu adag tahay inaad fariisato, istaagto ama socoto ama inaad gacmaha isticmaasho.
  • Haddii qoyska dhibaato ka jirto, sida si xun u isticmaalka khamri iyo maandooriye, qof ehel oo xanuunsan ama gacanqaad guriga ka dhaca.

Taageero si looga qayb qaato hawlaha Xafiiska Shaqada

Haddii aad raadinayso shaqo waxaa muhiim ah inaad ka qayb-qaadato hawlaha aad shaqo ku helayso. Haddii aad Xafiiska Shaqada u sheegtay inaad leedahay hoos u dhac awoodaada ah markaasi hawlahan waxaa lagu haboonaysiin karaa awoodaada. Waxaa Xafiiska Shaqadu ay xitaa ku siin karaan fursado taageero gaar ah dhanka suuqa shaqada.

Xafiiska Shaqada ayaa si wada-jir ah adiga kuula eegaya nooca taageero ama ku haboonaysiinta aad u baahantahay. Xafiiska Shaqada waxaa ka shaqeeya dad aqoon u leh hoos u dhacyada awooda ee kala duwan iyo noocyada kala duwan ee taageero ee jira. Si wada-jir ah ayay adiga kuula qorshaynayaan sida aad uga qayb qaadan karto hawlo ku haboon awoodaada.

Waraaqadaha codsiga

Marka aad shaqo codsaneeysid waxaad u direeysaa waraaqadda uu shaqa dhiibaha rabo. Inta badan shaqo dhiibaha waxuu rabaa in aad u dirto waraaqada shakhsiyeed (personligt brev) iyo warqada wax soo qabadka (CV).

Waraaqada codsiga/waraaqada shakhsiyeed

Waraaqada shakhsiyeed ama waraaqada shakhsiyeed waxaad ka warami kartaa sababta aad uu xiiseeyeeyso shaqadaan ama shirkadaan. Sido kale waxaad sharaxeeysaa sababta aad shaqada ugu qalanto iyo khibradooyinka aad lee dahay. Waa muhiim in waraaqada shakhsiyeed tahay mid uu haboon shaqada aad codsaneeysid.

Warqadda shaqo dalabka wa iney ahaataa mid gaaban, qiyaastii warqadda A4 waa caadi.

CV

Curriculum Vitae ee laga soo gaabiyay CV, waa afka laatiinka. Mecnaheedna waa in sheeko ku saabsan nolasha. CV:ga waxaad uga warameeysaa hadafka aad ka lee dahay shaqooyinka, khibradooyinkaada shaqo, waxbarashadaada iyo aqoontaada. Sido kale waxaad ka warami kartaa sida aad tahay shakhsi ahaantaada.

Sido kale CV:ga waxaad uga si gaaban uga warami kartaa waxaa aad ku soo qabatay shaqooyin hore iyo waxbarashadaada waxa ee ka koobneed. Shahaado iyo cadeeyn waxaad geeyn kartaa markii aad lee dahay wareeysiga ama haddii uu shaqo dhiibaha ku weeydiyo.

Muujinta rabida shaqada

Haddii aad dooneeyso in aad meel ka shaqeeysaa ee laakin laheeyn soo bandhiga shaqooyinka banaan, waxaad uu muujin kartaa rabida shaqada. Waxaad markaas uu direeysaa CV:gaada iyo waraaqad aad uga warameeysid sababta aad uu dooneeysid in aad ka shaqeeyo goobtaas shaqo iyo waxa aad ku fiican tahay.

Wareeysiga shaqaaleeynta

Wareeysiga shaqaaleeynta waa wareeysi uu qofka shaqo dhiibaha la yeesho qofka soo codsaday shaqada. Waxaa jiro waxyaalo qaarkood oo loo baahan yahay in lagu fakaro markii la tagaayo wareeysi. Waa fiican tahay in aad wax ku saabsan shirkada akhrisato iyo in aad ku fakartid khibradaha aad lee dahay oo keenaayo in aad shaqada uu haboon tahay. Waxaad tusaale ahaan warbixita ka raadin kartaa internetka. Taasi waxeey uu cadeeyn doontaa in shaqada aad dalbatay hami uu heeyso.

Su’aalo noocee ah ayaa lagu weydiin karaa?

Miyaad ogtahay sida aad isugu diyaarinayso wareysi shaqo?

Takooridda xilliga raadinta shaqo

Marka aad codsato shaqo waa in si caddaalad ah laguula dhaqmo. Maaha in adiga lagu takooro marka aad raadinaysid shaqo. Taasi waxay ku qorantahay sharciga. Inkastoo ay saas tahay way dhacdaa in dad la takooro marka ay raadinayaan shaqo.

Waxa ah takoorid way kala duwanaan kartaa xaalad ilaa xaalad. Mararka qaarkood waa in maxkamad go’aamiso haddii ay taasi tahay takoorid. Waa tan laba arrimood oo ah takoorid oo go’aan lagaga gaaray maxkamad:

Tusaale: Eva may helin shaqo sababtoo ah inay tahay haweenay

Eva waxay shaqo ka raadisay dukaan raashin oo way timi wareysigi shaqada. Intii lagu jiray wareysiga ayaa qofka madaxda ahi in aanay heli karin shaqadan sababtoo ah inay tahay haweenay. Qofka madaxda ah ayaa ku micneeyay in uu hadal badan jiri doono haddii ay noqdaan haween badan oo jooga goobta shaqada. Shaqadi waxaa la siiyay nin. Maxkamad ayaa dukaanka raashinka ku xukuntay inay takooreen Eva.

Tusaale: Nadiira may doonayn inay samayso gacan qaad – waa loo diiday shaqo

Nadiira waxay raadsatay shaqo turjubaan ah oo way timi wareysigi shaqada. Markii Nadiira timi wareysiga waxay ninkii madaxda ahaa ku salaantay iyadoo gacan saartay laabteeda. Iyadu may doonayn inay gacan qaado qofka madaxda ah sababtoo ah inuu ahaa nin. Markaas ayaa qofki madaxda ahaa joojiyay wareysigii oo sheegay in salaan farqi ku kala samaysa ragga iyo haweenka ay tahay mid sharaf ridid ah oo ay keeni karto dhibaatooyin ka dhaca goobta shaqada. Maxkamad ayaa ku xukuntay qofka madaxda ah inuu takooray Nadiira. Maxkamaddu waxay ku micneysay in qofka madaxda ah aanu shuruud kaga dhigi karin Nadiira inay ku khasbantahay inay u salaanto qaab gaar ah.

Haddii adiga laf ahaantaada lagu takooro

Haddii aad u aragto in lagu takooray waxaad tusaale ahaan la xiriiri kartaa xafiiska ka hortaga takooridda si aad u hesho talobixin iyo taageero. Adigu waxaad xitaa warbixin iyo ashkato u gudbin kartaa Wakiilka xagga takoorka.

Haddii aad xubin ka tahay urur shaqaale waxaad la xiriiri kartaa iyaga si aad u hesho talobixin iyo caawimaad.