Cashuur iyo caddaynta dakhliga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 27/3-2024

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay cashuurta iyo caddaynta dakhliga. Lacagaha aad u bixiso cashuur ahaan waxaa hesha dawladda si ay dawladdu u bixiso waxyaabo ay ka mid yihiin kaalmada carruurta, kaalmada kirada iyo gunnada bukaanka. Lacagaha cashuuraha waxaa xitaa laga bixiyaa iskoolada, daryeelka bukaanka, booliiska iyo maktabadaha.

Waxaa la buuxiyaa caddeynta dakhliga.

Qoraalkan waxaad ka akhrin doontaa sida nidaamka cashuurta ee Iswiidhishka u shaqeeyo. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan caddaynta dakhliga iyo sida aad u sameynayso caddaynta dakhliga.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin shaqo. Tani micnaheedu waa xaqa in aan lagaa reebin nolosha shaqada. Meesha aad ka timi, nooca jinsiga aad tahay ama da’da aad tahay maaha inay raad ku yeelato fursadahaaga dhinaca shaqo.

Waxaa jira xuquuqo dhowr ah oo la xiriira shaqada. Tusaale ahaan waxaad xaq u leedahay xaalado shaqo oo caddaalad ah, xaqa mushahaaro isku mid ah dhinaca shaqada isku midka ah iyo xaqa in laga mid ahaado urur shaqaale. Waxaad xitaa xaq u leedahay nasasho iyo wakhti firaaqo lagaga maqnaado shaqada.

Waxaa xitaa xuquuq u ah waalidka inay awoodaan inay isku dhex daraan nolosha qoys iyo shaqo. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo sameynta shaqo waxyeello leh ama ka xannibaysa ilmaha horumarkiisa iyo tegista iskool.

Waa maxay cashuur?

Canshuurtu waa kharash loogu talogalay in lagu bixiyo kharashyada dawladeed. Inagu waxaynu cashuur ka bixinaa dakhligeena, iyo alaabta iyo adeegyada.

Cashuurtu waxay dakhli weyn oo muhiim ah u tahay dal. Gudaha Iswiidhan waxaa lacagahan loo isticmaalaa daryeelka bukaanka, iskoolka, jidadka, gaadiidka dadweynaha, maktabadaha iyo waxyaabo badan.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo cashuuro ah. Tusaale waa cashuurta aad ka bixiso mushahaaradaada marka aad shaqayso. Cashuurtan waxaa lagu magacaabaa cashuurta dakhliga. Cashuurtan si otomaatig ah ayaa looga jaraa mushahaaradaada ka hor intaan mushahaarada lagu siin adiga. Mushahaarada ku soo dhacda xisaabtaada bangiga micnihii waa lacagta aad haysato in aad ku noolaato.

Nidaamka cashuurta ee Iswiidhishka wuxuu ku dhisanyahay in dadka shaqeeya lacag badan ay bixiyaan cashuur dheeraad ah. Waxaynu cashuurta siinaa degmada iyo gobolka aynu ku noolnahay. Cashuurtu way ku kala duwanyihiin degmo kastaba. Badanaaba waxay tahay boqolkiiba 29–35 ka mid ah dakhliga. Kuwa leh dakhliyo ka sareeya heer gaar ah waxay bixiyaan xitaa cashuur la siiyo dawladda.

Caddaynta dakhliga

Hey'adda cashuuraha waa hey'adda dawladeed ee gudaha Iswiidhan mas'uulka ka ah in shakhsiyaadka gaarka ah iyo shirkaduhu bixiyaan cashuur.

Sanad kastaba waxaa khasab ah in dhamaan dadka lacag shaqeeyay u sheegan arintan Hey'ada Cashuuraha. Tani waxaa lagu magacaabaa caddaynta dakhliga. Tani waxay khuseysaa shakhsiyaadka gaarka ah iyo shirkadaha labadaba.

Hey'ada Cashuuraha ayaa bilowga sanadka foomka caddaynta dakhliga u dirta qofka ay tahay inuu sameeyo caddaynta dakhliga. Foomkan waxaa ku qoran inta ay leegtahay lacagta aad shaqaysay sanadkii la soo dhaafay. Adigu waa inaad hubisaa in macluumaadkani yihiin sax.

Haddii macluumaadkan sax yihiin waa inaad oggolaataa caddayntan dakhliga. Adigu waxaad ku oggolaan kartaa caddaynta dakhligaaga iyadoo aad dirayso fariinta sms, wacdo, isticmaasho app-ka Hey'ada Cashuuraha ama adeega elaktarooniga ee Hey'ada Cashuuraha bogeeda intarnatka. Adeega elaktarooniga ahi waa af-iswiidhish oo keliya.

Haddii macluumaadka caddaynta dakhliga aanay saxyihiin waa inaad adigu baddashaa. Adigu waxaad caddayntaada dakhliga ku baddeli kartaa gudaha adeega elaktarooniga ee Hey'ada Cashuuraha bogeeda intarnatka. Adeega elaktarooniga ahi waa af-iswiidhish oo keliya.

Haddii aanad fursad u haysan inaad caddaynta dakhliga ku dirto dhanka fariinta sms, wacdo, isticmaasho app-ka ama adeega elaktarooniga ah, markaasi waxaad caddaynta dakhliga ku samayn kartaa foomka warqada ah una diri kartaa Hey'ada Cashuuraha.

Haddii aanad helin oo foomka caddaynta dakhliga aan laguugu soo dirin guriga, xitaa markaasi waxaa waajib kugu noqon karta inaad samayso caddaynta dakhliga.

Bogga intarnatka ee Hey'ada Cashuuraha waxaad foomka caddaynta dakhliga ka dalban kartaa adeega dalbashada ee Hey'ada Cashuuraha. Adeega dalbashada waa af-iswiidhish oo keliya.

Haddii aad hayso su'aalo ku saabsan caddaynta dakliga waxaad la xiriiri kartaa Hey'adda Cashuuraha. Adigu waxaad u diri kartaa telafoon, ii-mayl ama booqan kartaa xafiis adeeg. Xafiisyada adeegga ayaad ka heli kartaa caawimaada dhinaca su'aalaha kala duwan ee Hey'adda Cashuuraha, Qasnadda Caymiska iyo Hey'adda arrimaha hawl-gabka ay ka shaqeeyaan. Halkaas ayaad ka heli kartaaa hagid iyo talobixin, iyo caawimaada dhinaca foomamka iyo codsiyada.