Dawlad dadkeeda daryeesha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay dawladda shacbigeeda daryeesha ee Iswiidhan. Waxaad akhrin doontaa wax ku saabsan waxa dawlad shacbigeeda daryeesha tahay iyo sida siyaasiyiinta Iswiidhishka u dhaqangeliyeen isbaddalo si loo yareeya farqiyada dhaqaale loona abuuro bulsho xasiloon oo siman.

Waxa kale oo aad akhrin doontaa wixii ku saabsan in gudaha Iswiidhan ay dawladdu qaado mas’uuliyad weyn si loo hayo daryeelka shacbiga oo waxaad heli doontaa tusaale ah sida Iswiidhan u dooratay inay u habayso dhowr hawlood oo bulshada u ah muhiim.

Waa maxay bulsho siisa dadkeeda daryeel iyo dawlad dadkeeda daryeesha?

Dalalka ay ka jiraan iskoolo, dugsiyo xanaano, isbitaalo, hoyga dadka waayeelka, isgaarsiin fiican iyo waxyaabo kale waxaa badanaaba lagu magacaabaa bulsho siisa dadkeeda daryeel. Dalal badan waxay leeyihiin daryeel dadweyne oo sare laakiin dalalka kala duwan waxay doortaan qaabab kala duwan si loo abuuro daryeel dadweyne iyo in la habeeyo bulshada.

Waxaa yimaada xilliyo ah nolosha markaas oo aynu u baahanahay caawimaadda bulshada. Dhamaanteen waynu xanuusan karnaa ama waxaa nagu dhici kara shilal. Laga yaabee in adigu aad u baahato qallitaan ama aad dhali doonto ilmo. Haddii uu kugu dhaco cudur xun waxaa daryeelka caafimaadka kharashkiisu noqdaa lacag badan. Haddii aad bilaa shaqo noqoto laga yaabee in aanay kugu filnayn lacagtaadu in aad bixiso lacagta raashinka iyo kirada. Gudaha Iswiidhan waxaynu dhisnay bulsho ku dhisan in adigu aad caawimaad hesho haddii aad u baahato taas.

Gudaha Iswiidhan dawladda waxay mas'uuliyad weyn ka saarantahay adigaaga ku nool dalkan. Adigu waa in aad awoodo in aad lahaato dakhli aasaasi ah oo si fiican u noolaato xitaa haddii aad tahay bilaa shaqo, xanuusanayso ama aanad shaqayn lacag badan. Dalalka doortay in ay daryeelka dadweynaha ka bixiyaan lacagta canshuurta waxaa lagu magacaaba dawladdaha dadkooda daryeele.

Waa maxay micnaha mujtamac siiya dadkiisa daryeela?

Ma bixin kartaa dhowr tusaale oo ah caawimaad aad adigu ka heli karto bulshada?

Gudaha mujtamac siiya dadkiisa daryeel waa in dadka oo dhan is caawiyo. Tani waxa aynu u samayn karnaa qaabab kala duwan. Hal qaab waa in aynu wadajir u bixino waxyaabaha dadka oo dhan u baahanyihiin. Tani waxaynu samaynaa inagoo u marayna in la bixiyo canshuurta. Dhammaan dadka ku nool dalka waa in ay bixiyaan canshuurta la siiyo dawladda. Xitaa shirkaduhu way bixiyaan canshuuraha iyo khidmadaha la siiyo dawladda. Marka la barbardhigo dalal badan waxa aynu leenahay canshuuro sareeya gudaha Iswiidhan maadaama aynu dooranay in aynu oggolaano in dawladdu bixiso lacagta iskoolada, daryeelka bukaanka iyo waxyaabo badan oo kale.

Miyaad garanaysa inta ay leegtahay canshuurta la bixiyo gudaha Iswiidhan?

  • Gudaha iskoolka waxa aad waxbarasho ka helaysaa macallimiin adiga oo aan bixin lacag. Macallimiinta mushahaarooyinkooda waxaa laga bixiyaa canshuuraha.
  • Marka aad xanuusato waxa aad daryeel caafimaad ka helaysaa rug caafimaad ama isbitaal. Daryeelka caafimaad waxaa laga bixiyaa canshuurta.
  • Haddii jid jajabo una baahdo in la hagaajiyo waxaa hagaajinta jidkan laga bixiyaa canshuurta.

Waxaa jira waxyaabo badan oo kale oo laga bixiyo canshuurta, sida tusaale ahaan:

  • Daryeelka waayeelka
  • Xanaanada carruurta
  • Adeega arrimaha bulshada
  • Caddaaladda iyo qaanuunka
  • Qaabilaada qaxootiga
  • Dhaqanka

Dalal kale waxa ay doorteen in ay daryeelka dadweynaha u habeeyaan qaab kale. Qaar badan oo dalalkaas ka mid ah ma bixinaysid adigu canshuur badan oo la siiyo dawladda. Halkaas waxa aad haysan wax dheeraad ah dhinaca lacagta aad shaqayso. Laakiin dalalkaas tusaale ahaan daryeelka bukaanka iyo iskoolada maaha bilaash. Adigu waxaad u baahan kartaa in aad keydsato lacag sanado badan si aad carruurtaada u geliso iskool oo lacag badan ayuu noqon karaa kharashka daryeelka caafimaadka haddii aad xanuusato. Tani waxa ay keeni kartaa in dhammaan dadka xanuusanayo aanay helin daryeelka caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Way u fiicantahay Iswiidhan iyo daryeelka dadka Iswiidhan haddii dadka ugu badan ee suurtagal ah ay caafimaad qabaan oo wanaag dareemayaan. Markaas ayaa dad badan shaqayn karaan oo bixin karaan canshuur oo kaalmaynayaan daryeelka dadka.

Waa maxay kharashka booqasho dhakhtar gudaha Iswiidhan?

Waa maxay kharashka qalliin?

Waa intee kharashka dalka ama dalalka aad horey ugu soo noolayd?

Hadaf muhiim u ah Iswiidhan waa in dadka jooga dalka oo dhan ay wax akhriyaan, wax qoraan oo wax xisaabiyaan. Sidaas darteed ayaa iskoolku bilaash u yahay dhammaan carruurta joogta Iswiidhan, oo dhammaan carruurtu waxay ay leeyihiin xaq weyn oo isku mid ah in ay tagaan iskoolku. Waxa ay tahay in xitaa ay tahay in carruurta oo dhan dhigtaan iskoolka tobban sano gudaha Iswiidhan. Iskoolku waa ku waajib dhammaan inta u dhaxaysa 6 iyo 16 sano. In wax laga barto jaamicad iyo jaamicad sare xitaa waa bilaash.

Waxbarashadu way u fiicantahay horumarka dal. Ma bixin kartaa dhowr tusaale dhinaca sababta ay u fiicantahay?

Gudaha dawlad dadkeeda daryeesha waxa ay dawladdu mas'uul ka tahay marka aad gabowdo. Dawladdu waxay kaydisaa qayb ka mid ah canshuurta la bixiyo si ay lacag kuugu tallo marka aad joojiso shaqada. Markaas ayaa dawladdu bixisaa lacagtaada bil kasta. Lacagtaas waxaa lagu magacaabaa hawlgabka.

Kuwaasi waxay ahaayeen dhowr tusaale dhanka sida dawladda dadkeeda daryeesha ee Iswiidhan u shaqayso. Si tani u noqoto suurtagal waxaa loo baahanyahay in dhammaan dadka awooda ay sameeyaan sidaas, shaqeeyaan oo bixiyaan canshuur. In aynu bixino canshuur waxay xitaa dawladda ka caawisaa in la ilaaliyo oo lagaga dhabeeyo xuquuqda bani'aadamka ee dadka oo dhan. Canshuurta waxaa loo isticmaalaa tusaale ahaan in lagu hubsado in aynu leenahay caddaaladda qaanuunka, daryeelka bukaanka iyo waxbarasho bilaash ah.

In la bixiyo canshuur waxay dawladda u suurtagalisaa in la bixiyo tusaale ahaan daryeelka bukaanka iyo waxbarashada. Ma bixin kartaa tusaale ah wax kale oo dawladdu lacag ka bixiso?