13 Sebtembar doorasho ayaa ka dhacaysa Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 7/7-2026

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

13-ka Sebtembar doorasho ayaa ka dhacaysa Iswiidhan Adigaaga codeynaya waxaad ka mid ahaanaysaa oo go’aaminaysaa kuwa maamuli doona Iswiidhan. Saddex doorasho ayaa isku mar dhacaya: doorashada baarlamaanka, gobolada iyo degmooyinka.

Adigu waad codeyn kartaa doorashada gobolka iyo doorashada degmada, xitaa haddii adigu aanad ahayn muwaadin Iswiidhish ah

Adigu waad codeyn kartaa doorashada gobolka iyo doorashada degmada haddii aad tahay 18 jir oo aad ku jirtey diiwaan-gelinta dadweynaha ee Iswiishan ugu yaraan saddex sano. Maaha khasab in aad adigu ahaato muwaadin Iswiidhish ah si aad u codeyso dhanka doorashooyinkaas.

Si adigu aad u codeyso dhanka doorashada baarlamaanka waa in aad tahay muwaadin Iswiidhish ah oo aad buuxisey 18 jir. Adigu waa in xitaa aad ku soo jirtay diiwaangelinta dadweynaha ee Iswiidhan xilli ka mid ah xilliyada.

Waa maxay sababta loo codeeyo?

In la codeeyo waa xuquuq dimoqradiyad oo waa qaab raad loogu yeelan karo bulshada gudaha Iswiidhan. Waa wax xor loo yahay in la codeeyo. Qofka doorta in uu codeeyo wuxuu ka mid ahaanayaa oo go’aaminayaa waxyaabo badan, tusaale ahaan sida iskoolka iyo daryeelka bukaanka ay tahay in ay uga shaqeeyaan halka aad adigu ku nooshahay.

Saddex codeeye ayaa ka sheekaynaya sababta ay u codeynayaan doorashada

Sawirka Elie Beiruti

Elie Beiruti

Miyaad codeyn doontaa doorashada?

– Haa, aniga waxaan u arkaa inay aad u tahay muhiim. Anigu waxaan ku noolaa Iswiidhan 36 sano. Markii ugu horeysay ee aan halkan ka codeyn karayay waxaan ku fikiray "Ugu dambeyntii!". Dalkii aan horey ugu noolaa waxaa jirtay khiyaamo badan ka hor intaan natiijada doorashada la helin. Iswiidhan way ka duwan tahay wixii aan u bartay.

Waa maxay sababta loo codeeyo?

– Waa wax xor loo yahay in la codeeyo gudaha Iswiidhan, qof walba isaga ayay u taalaa haddii ay doonayaan inay codeeyaan ama aanay codeyn. Waa xuquuq aad leedahay. Haddii qofku leeyahay ra’yi oo doonayo inuu fiicnaysiiyo bulshada markaas qofku wuxuu isticmaalayaa codkiisa.

Sawirka Caasha Maxamed Cadnaan

Caasha Maxamed Cadnaan

Sababtee ayaad u codeynaysaa doorashada?

– Waa qaab lagu badali karo bulshada haddii qofku u arko in ay jirto caddaalad daro ama haddii tusaale ahaan la rabo in la sii fiicnaysiiyo iskoolka ama daryeelka bukaanka. Waa qaab qofku codkiisa ka dhigi karo mid la maqlo. Kuwa aynu doorano ayaa wakiil inaga ah, dadweynaha. Dhammaan qaybaha aduunka dadka ma ku haystaan xuquuqdan dimoqraadiga ah.

Sawirka Sausan Ismail

Sausan Ismail

Miyaad codeyn doontaa doorashada?

– Dabcan waan codeyn doonaa.

Sababtee ayaad u codeyneysaa?

– Sababtoo ah waa waajib in la codeeyo. Codkaygu wuxuu keenayaa isbaddal ah in Iswiidhan ahaato dalka aan doonayo inay ahaato. Waxaan u codeynayaa siyaasadda aan doonayo in Iswiidhan ay lahaato.

– Dad badan ayaa aaminsan in codkoodu aanu wax micno ah lahayn, laakiin gudaha Iswiidhan waa la xisaabiyaa cod kasta. Dimoqraadiyaddu maaha wax dhayal-dhayal ah markaas waa in dadka oo dhan isticmaalaan codka ay run ahaanti haystaan. Adigu waxaad samayn kartaa cod banaan haddii aanad garanayn xisbi aad u codeyso.