In waayeel lagu noqdo dalka Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.
Sawir farshaxan oo ah dad waayeel ah oo lugeynaya, dhaansaya, fadhiya kursi dheer, fadhiya kombiyuutar hortiisa oo cunto ku cunaya hoyga dadka waayeelka ah.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay in lagu gaboobo gudaha Iswiidhan.

Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan xuquuqaha iyo fursadaha ay dadka waayeelka ahi leeyihiin iyo nooca caawimaad ee jirta in la helo. Waxaad akhrin doontaa xitaa wixii ku saabsan takoorida ku salaysan da’da iyo waxa aad sameyn karto haddii laguu geysto taas.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay xitaa hawl-gabka iyo sida dhaqaalahaaga ay raad ugu yeelato marka aad waayeel sii noqoto ee aanad shaqayn. Waxaad ka fikiri doontaa sida aad ugu noolaan karto nolol fiican oo firfircoon ka dib nolosha shaqada iyo sida aad u daryeeli karto caafimaadkaaga marka aad waayeel sii noqoto.

Waxaad akhrin doontaa xitaa waxa aad u baahantahay inaad ka fikirto marka qof qaraabo dhow ahi dhinto.