Takoorida da’da

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay takoorida da’da, micnihii in adigu aanad helin fursado la mid ah kuwa dadka kale sababtoo ah da’daada. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan takoorida da’da ee nolosha shaqada iyo waajibaadka shaqo-bixiyaha saaran. Waxaad heli doontaa tusaale ah waxa ahaan kara takoorid dhinaca nolosha shaqada oo waxaad ogaan doontaa waxa aad sameyn karto haddii aad ay kula tahay in lagu takooray.

Sawir farshaxan oo ay ku jiraan afar qof oo isku xiga oo gacanta ku haysta CV. Labada qof ee ugu weyn waxaa korkooda ka sareeya isku tallaab guduud ah.

Waxaad xaq u leedahay nolol fiican nolosha oo dhan. Waxaad xaq u leedahay in aan lagu takoorin sababtoo ah da’da. Waxaad xitaa xaq u leedahay caafimaad fiican. Iyadoo aan ku xirnayn da’da aad tahay waxaad xaq u leedahay xiriiryada bulsho, dakhli iyo amaan. Waxaad xaq u leedahay inaad ka qaybqaadasho ku lahaato bulshada oo dareento inaad raad ku yeelan karto noloshaada.

Gudaha Iswiidhan qofka haysta caafimaad fiican wuxuu ku noolaan karaa nolol firfircoon oo micno leh sanado badan.

Si la mid ah sida qaybaha kale ee nolosha waxaa jirta taageero iyo caawimaad la helo marka aad gabowdo. Tani waxaa lagu magacaabaa xanaanada waayeelka oo waxay qayb ka tahay dawladda dadweynaheeda daryeesha ee Iswiidhishka.

Waa maxay takoorida da'da?

Takoorida da'da micnaheedu waa in aanad heli fursado la mid ah kuwa dadka kale, sababta keliyana tahay in aad ka yartahay ama ka da' weyntahay dadka kale ee aad isku xaalad tihiin. Tani waxay soo bixi kartaa dhinaca waxbarashooyinka, shaqada, isbitaalka, maktabadda ama meelaha kale ee dadka kala da'da duwan ka qaybqaataan hawl isku mid ah. Iswiidhan waxaa mamnuuc ka ah takoorida da'da. Laakiin waxaa jira waxyaabo ka reeban. Tani waxay badanaaba khuseysaa carruurta iyo dadka da'da yar. Carruurta ka yar 18 sano tusaale ahaan ma codeyn karaan doorasho mana iibsan karaan khamri iyo toobaako.

Takoorida dhinaca nolosha shaqada

Dhalinyarada iyo dadka waayeelka ah labadaba waxaa ku iman karta takoorid da'da ah. Takoorida da'da ee nolosha shaqada waxay badanaaba ku saabsantahay in shaqo-bixiye rumeysanyahay in dadka waayeelka ah aanay si xoog ah u shaqayn karin sida dadka da'da yar, ama in dadka da'da yar aanay lahayn aqoon weyn oo la mid ah sida waayeelka.

Takoorida da'da ee nolosha shaqada waa dhibaato weyn, waxay ku tahay qofka ay ku dhacdo iyo shirkadda labadaba. Da'da lagu noqdo hawlgab ee Iswiidhan kor ayaa loo qaaday oo kor ayaa loo qaadi doonaa mar kale. Haddana dad badan dhinaca nolosha shaqada waxay dareemaan in la dooran waayay iyaga ay sabab u tahay da'dooda.

Adigu waxa aad xaq u leedahay in aad shaqayso ilaa inta aad buuxinayso 68 jir. Intaa wixi ka dambeeya waa in shaqo-bixiyahaagu ogolaado taas. Haddii aad bilaa shaqo noqoto waxa aad xaq u leedahay qasnadda shaqo la'aanta ilaa inta aad buuxinayso 65 jir.

Takoorida da'da way dhici kartaa isla xilliga da'da 40 sano marka aad raadinayso shaqo. Haween ka badan rag ayaa dhibaatadan ku dhacdaa.

Maxaa shaqo-bixiye iyo dadka shaqaalaha ahi samayn karaan si aan cidnaba loogu dhibin takoorida da'da?

Hel caawimaad

Mararka qaarkood way adkaan kartaa in la ogaado haddii qofka lagu dhibay takoorid. Waxa kale oo qofka ku adkaan karta in uu cadeeyo in lagu takooray sababtoo ah da'diisa, tusaale ahaan haddii qofku aanu helin shaqo ama awoodin qaadashada amaah bangi. Mararka qaarkood waxaa qofka intaas u dheeraan kara in lagu takooray sababo dhowr ah oo kala duwan isku mar, tusaale ahaan da'da iyo jinsiga labadaba. Qofka takoorida sameeyay laga yaabee in aanu u samayn si ula kac ah. Laakiin haddana tani way ahaan kartaa takoorid.

Waxaa jirta caawimaad la heli karo haddii aad u aragto in lagu takooray.

  • Adigu waxaad caawimaad iyo taageero ka heli kartaa dhinaca xafiiska ka hortaga takoorka, haddii uu ku yaalo meesha aad degantahay.
  • Haddii ay ka dhacdo goobtaada shaqada waxaad la hadli kartaa qofka madaxda kuu ah ama wakiilka shaqaalaha u qaabilsan arrimaha nabadgelyada iyo caafimaadka. Shaqo-bixiyahaagu waa in uu baaro arrintan oo ka shaqeeyo sidii loo hakin lahaa takoorid ka dhacda goobta shaqada.
  • Haddii ay ka dhacdo goobtaada shaqada oo aad xubin ka tahay urur shaqaale markaas iyaga ayaa ku caawin kara.

Adigu waxaad xitaa warbixin iyo cabasho ku saabsan takooridan u gudbin kartaa Wakiilka ka hortaga takoorida (DO). DO waxay ugu horeyn isticmaashaa warbixinaha iyo cabashooyinkan si ay u eegto in sharciga la raaco ee maaha in la xaliyo xaaladaha dad gaar ah.

Maxaa adigu aad samayn kartaa haddii lagu takooro?