Markii qof u geeriyoodo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 21/12-2022

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay marka qof dhinto. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan aasyada iyo nooca caawimaad ee aad heli karto si aad u diyaariso aas. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan wakhtiga ka dambeeya marka qof dhintay iyo waxa muhiim ah in laga fikiro markaas.

Laba gacmood oo haya iftiin daaran.

Sawir: Pixabay

Qoraalkan wxuu ku saabsanyahay xitaa dhaxalka iyo arrimaha kale ee sharciyan iyo dhaqaale ahaan ee iman kara marka qof dhinto. Waxaad xitaa ka fikiri doontaa sida aad mawqif uga istaagayso in la noqdo deeq bixiye xubin jirka ah.

Waxaad xaq u leedahay nolol fiican nolosha oo dhan. Waxaad xaq u leedahay in aan lagu takoorin sababtoo ah da’da. Waxaad xitaa xaq u leedahay caafimaad fiican. Iyadoo aan ku xirnayn da’da aad tahay waxaad xaq u leedahay xiriiryada bulsho, dakhli iyo amaan. Waxaad xaq u leedahay inaad ka qaybqaadasho ku lahaato bulshada oo dareento inaad raad ku yeelan karto noloshaada.

Gudaha Iswiidhan qofka haysta caafimaad fiican wuxuu ku noolaan karaa nolol firfircoon oo micno leh sanado badan.

Si la mid ah sida qaybaha kale ee nolosha waxaa jirta taageero iyo caawimaad la helo marka aad gabowdo. Tani waxaa lagu magacaabaa xanaanada waayeelka oo waxay qayb ka tahay dawladda dadweynaheeda daryeesha ee Iswiidhishka.

In la dhinto waxaa lagu magacaabaa xitaa in la geeriyoodo oo qofka dhintay waxaa lagu magacaabaa geeriyoodaha. Waa isku mid micnahoodu. Dadka ku dhinta Iswiidhan badankoodu waxay ku dhintaan isbitaal ama hoyga daryeelka waayeelka. Haddii qof ku dhinto guriga waa in dhakhtar yimaado oo xaqiijiyo in qofkan dhintay. Haddii qofkan dhawaan helay daryeel caafimaad waxaad la xiriiri kartaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee mas'uulka ka ah. Iyaga ayaa hubin kara in dhakhtar yimaado. Adigu waxaad xitaa wici kartaa lambarka qaylo dhaanta 112 una sheegaysaa waxa dhacay.

Mararka qaarkood waa in dhakhtar baaro jirka qofka geeriyooday si loo ogaado sababta qofkan u dhinta. Markaas ka dib ayaa maydka la saaraa gaadiid loona qaadaa isbitaalka. Dhaqamada iyo diimaha kala duwan siyaabo kala duwan ayay u maareeyaan meydka. Haddii aad jeceshahay ka hor intaan meydka la saarin gaadiidka waxaad la hadli kartaa dadka u yimi in ay qaadaan meydka.

Waxaa markastaba jirta wakhti lagu sii nabadgelyeeyo qofka geeriyooday. Isbitaalka iyo hoyga daryeelka waayeelka waxaa badanaaba laga helaa qolal gaar ah si dadka qaraabada ah ay u awoodaan in ay arkaan meydka oo ku sii nabadgelyeeyaan qofka geeriyooda. Badanaaba ilayska qolka wuu yaryahay. Waxaa badanaaba xitaa jira shamac shidan iyo laga yaabee ubaxyo ku jira quraarada ubaxyada. Laga yaabee in adigu aad waxyaabo kale jeceshahay. Daryeelka caafimaadka waxay markastaba isku dayaan in adiga iyo qaraabadaadu aad ku sii nabadgelyeysaan qaabka aad idinku jeceshihiin.

Marka qof dhinto waxaa mararka qaar laga faa'iideystaa xubnaha jirka ee meydka oo la siiyaa qof xanuusanaya oo u baahan xubin noocaas ah. Tani waxaa lagu magacaabaa in lagu deeqo. Haddii aad doonaysid in aad xubnahaaga jirka u bixiso deeq ahaan ka dib markaad geeriyooto waxaad u sheegi kartaa qaraabadaada. Adigu waxaad xitaa ka diiwaan gelin kartaa Diiwaanka deeqaha xubnaha jirka. Tani waxaad adigu ka samaynaysaa Maamulka arrimaha bulshada boggooda. In lagu deeqo xubin jirka ah waxay qof kale siin kartaa fursada in qofkaas ku noolaado nolol fiican iyo nolol dheer.

Caadooyin noocee ah dhinaca geerida ayaa ka jira dalka ama dalalka aad hore ugu soo noolayd?

Muxuu yahay fikirkaaga ku saabsan in lagu deeqo xubin jir?

Aaska

Aasaska waxaa badanaaba la waafajin karaa caadooyinka kala duwan iyo dhaqamada. Tani waxay muhiim u noqon kartaa qofka geeriyooday iyo qaraabada.

Waa caadi in la wakiisho xafiis qaabilsan aaska marka qofku leeyahay aas. Waa shirkad ka shaqaysa in ay caawiso qaraabada in ay qorsheeyaan oo qabanqaabiyaan aasyada. Adigu waxaad wakiilan kartaa xafiis qaabilsan aaska iyadoo aanay ku xirnayn nooca diinta aad ka tirsantahay. Adigu waxaad xitaa la xiriir kartaa baadari, baadariga yuhuuda, imaam ama wakiil kale oo diini ah si loo helo caawimaada in la qorsheeyo aaskan. Doorasho kale waa in lala xiriiro degmada wakiilkeeda aaska. Waa qof eegi doona in dadka aan xubno ka ahayn Kaniisada Iswiidhan loo aaso si ku haboon iyaga.

Munaasabada aaska

Munaasabadaha aaska waxaa lagu qaban karaa meelo kala duwan. Munaasabadan waxaa lagu qaban karaa tusaale ahaan kaniisad, kaniisad yar ama dhismi kale oo diini ah. Markaas wakiil diin matalaya ayaa qabta munaasabada aaska. Adigu waxa kale oo aad dooran kartaa in aad samayso aas ah bilaa qaybo diiniyan ah. Tani waxaa lagu magacaabaa aas hanti goosi ah. Tani waxaa tusaale ahaan lagu qaban karaa kaniisada aaska, jardiino ama deegaanka banaanka.

Ku aasida dhulka iyo gubidda

Sida dhaqanka Iswiidhishku yahay waxaa meydka la geliyaa sanduuqa meydka. Xilliga aaska hoos ayaa loo dhigaa sanduuqa meydka oo la geliyaa dhulka meel ku taala jardiinada kaniisada ama goobta aaska. Marka gubiddana waxaa la gubaa sanduuqa meydka oo meydka ayaa noqda dambas. Ka dib ayaa dambaska la geliyaa dhoobo oo dhoobadaas lagu aasaa jardiinada kaniisada ama goobta aaska. Waxaa la dooran karaa haddii qofku rabo dhagax xabaal ama in dambaska aan la calaamadin meesha la dhigay. Adigu waxaad xitaa dambaska ku faafin kartaa meel kale oo aan ahayn goobta aaska. Laga yaabee meel gaar u ahayd qofka geeriyooday. Haddii ay sidaas tahay waa in aad oggolaansho ka codsato Maamulka gobolka.

Sida ku cad sharciga aaska waa in xabaalida dhinaca sanduuqa meydka ama gubidda meydka ay ku dhacdo hal bil gudaheed laga soo bilaabo dhimashada. Gobolada qaarkood waa in qofka dhintay lagu aaso dhowr maalmood gudahood. Badanaaba way suurtagashaa in la habeeyo.

Haddii aad doonaysid in aad qofka dhintay ku aasto dalka dibediisa markaas xafiiska aaska ayaa kaa caawin kara gaadiidka.

Samee wargelinta dhimashada

Waa muhiim in aad wargeliso qoyska, qaraabada iyo saaxiibada qofka dhintay xaalada dhimashada sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah. Hey'addaha dawladeed iyo shirkadaha ceymiska waxay ku ogaadaan dhimashada dhacday si ootomaatig ah laakiin shirkado kale oo badan waa in adigu laf ahaantaada aad la xiriirto. Laga yaabee in qofka dhintay uu si joogto ah u bixin jiray lacagta joornaalo, rukumasho telafoon iyo rukumashooyin kale taas oo ay tahay in aad joojiso. Haddii kale xisaabaadkan way sii soconayaan in ay yimaadaan. Laga yaabee in xitaa aad doonaysid in aad xirtid qofkaas xisaabtiisa baraha bulshada.

In qof qaraabo ah dhintay badanaaba waa arrin naxdin leh. Way adagtahay in la ogaado wax kasta oo ay tahay in qofku sameeyo marka qofku ku jiro tiiraanyo iyo murugo.

Bogga hagida ee Dadka laga dhintay waxaad ka helaysaa macluumaad aad u baahan karto wakhtiga ugu horeeya ka dib xaalada dhimashada. Halkaas waxaa ku jira tusaale ahaan liistada hubinta waxyaabaha la qabtay taas oo fiicnaan karta in la raaco.

Xuquuqda dhaxalka

Marka qof dhinto markaas qof kale ayaa hela qofka dhintay lacagtiisa iyo alaabtiisa. Tani waxaa lagu magacaabaa dhaxal. Waxaa jira sharciyo go'aaminaya qofka leh dhaxalka, tani waxaa lagu magacaabaa xuquuqda dhaxalka. Xuquuqda dhaxalka way kala duwantahay dhinaca lamaanaha is guursaday iyo kuwa aan is guursan.

Haddii qofka geeriyooday xaas ahaa

Haddii qofka geeriyooday xaas ahaa markaas lamaanaha ayaa dhaxlaya wax walba. Carruurta ay wada jir u leeyihiin way dhaxlaan marka lamaanuhu dhinto. Laakiin haddii qofka geeriyooday ay carruur isu lahaayeen qof kale markaas carruurtaas qaybtoodi dhaxalka markiiba way helayaan.

Haddii qofka geeriyooday aanu xaas ahayn

Haddii qofka geeriyooday aanu xaas ahayn markaas carruurta ayaa dhaxlaysa wax kasta. Haddii aanay jirin wax carruur ah waxaa dhaxlaya waalidka. Haddii waalidku dhinteen waxaa dhaxlaya walaalaha ama walaalaha carruurtooda.

Haddii aanay jirin cid dhaxlaysa

Haddii aanay jirin cid dhaxlaysa qofka dhintay waxaa qofka dhintay lacagtiisa iyo alaabtiisa hela Sanduuqa guud ee dhaxalka. Sanduuqa guud ee dhaxalka wuxuu maal-geliyaa mashruucyo caawiya in la xoojiyio carruurta, dhalinyarada iyo dadka leh hoos u dhac awoodda ah.

Dhaxalka carruurta ka yar 18 sano

Haddii carruur ka yar 18 ay dhaxlayaan waxaa ilmuhu caawimaad ka helaa qof wakiil ah oo daryeela dhaxalkan. Wakiilku waa qof dadka kale ka caawiyo dhaqaalahooda. Wakiilka waxaa magacaaba maamulka degmada.

Dardaaran qoraal ah

Haddii aad qorto dardaaran qoraal ah waxaad go'aamin kartaa qofka ku dhaxlaya marka aad dhimato. Laakiin waxaa jira qawaaniin ay tahay in aad raacdo. Haddii tusaale ahaan aad leedahay carruur markaas waxa iyagu ay mar walba xaq u leeyihiin in ay helaan qaybtooda dhaxalka ah. Su'aal mar walba sharci yaqaan ka hor inta aanad qorin dardaaran qoraal ah.

Dadka wada nool iyaga oo aan is guursan (lamaane wada nool) ma isu dhaxlaan si ootoomaatig ah. Haddii lamaane wada nool ay doonayaan in ay is dhaxlaan waa in ay qoraan dardaaran qoraal ah.

Caawimaad ka hel sharci yaqaan

In la qaybiyo dhaxalka oo la maareeyo wax walba oo kale marka qof dhintay way adkaan kartaa, gaar ahaan haddii qofku aanu haysan dhalashada Iswiidhan. Way badanyihiin waxyaabaha ay tahay in la ogaado laakiin xafiiska aaska ayaa ku caawin kara. Iyagu waxay leeyihiin sharci yaqaano gaar u ah ama kaa caawin karaan in aad la xiriirto sharci yaqaan.

Diiwaan gelinta hantidii iyo deyntii uu qofku ka dhintay

Diiwaan gelinta hantidii iyo deyntii uu qofku ka dhintay waa dukumentiga dhamaan hantida iyo deymanka qofka dhintay lahaa. Dadka dhaxlayaa waa in ay sameeyaan diiwaan gelinta hantidii iyo deyntii uu qofku ka dhintay.

Waxa qofka dhintay ka tagay

Waxa qofka dhintay ka tagay waxaa lagu magacaabaa wax kasta, lacag iyo alaab labadaba, ee ka hartay qofka dhintay. Dadka xaqa u leh in ay dhaxlaan ayaa mulkiile ka ah dhaxalka qofka dhintay.

Heshiiska qaybinta hantida dadka isqaba ama lamaanaha wada nool ah iyo dhaxalka xilliga xaalad dhimasho

Marka qof xaas ama la noolaa lamaane uu dhinto waa in lamaanahan dhamaan, ama qayb ahaan, alaabtooda loogu qaybiyo si siman labadaba. Tani waxaa lagu magacaabaa heshiiska qaybinta hantida iyo dhaxalka dadka isqaba ama lamaanaha wada nool ah. Heshiiska qaybinta hantida iyo dhaxalka dadka isqaba ama lamaanaha wada nool ah waa in la sameeyo maadaama ay jiri karaan dhowr qof oo xaq u leh qofka dhintay alaabtiisa. Iyaga waxaa lagu magacaabaa dhaxal-qaate.

Nus ka mid ah hantida iyo dhaxalka dadka isqaba ama lamaanaha wada nool ah waxaa yeesha qofka nool ee soo haray. Nuska kalena waa in loo qaybiyo dhaxal-qaatayaasha. Tani waxaa lagu magacaaba qaybinta hantida laga dhintay. Haddii qofka dhintay aanu xaas ama lamaane lahayn waxaa la sameeyaa qaybinta hantida isla markiiba, iyadoo aan lahayn heshiiska qaybinta hantida iyo dhaxalka ee dadka isqaba ama lamaanaha wada nool ah.

Dhaxal-qaadasho

Dhaxal-qaadasho waa marka dhaxal-qaatayaashu qaybsadaan qofka dhintay alaabtiisa iyo lacagtiisa. Tusaale ahaan marka lacag laga xawilayo qofka dhinta xisaabtiisa bangiga loona dirayo xisaabta bangiga ee dhaxal-qaate ama marka dhaxal-qaate la wareegayo qofka dhintay gurigiisa.