Hawlgab iyo taageerada dhaqaale ee kale

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay hawl-gabkaaga. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan da’da hawlgabka ee gudaha Iswiidhan, in aad lacag hawl-gab ka heli karto dhowr dal wakhti isku mid ah iyo in aad xaq u yeelan karto lacagta haw-gabka ee qofka weli nool marka qof qaraabo dhow ah dhinto.

Waxaad xitaa akhrin doontaa sida aad raad ugu yeelan karto lacagta hawl-gabka intay leegtahay oo waxaad arki doontaa dhowr tusaale oo ah xisaabinta inta ay leekaan karto lacagta hawl-gabka marka aad joojiso shaqada.

Waxaad xaq u leedahay nolol fiican nolosha oo dhan. Waxaad xaq u leedahay in aan lagu takoorin sababtoo ah da’da. Waxaad xitaa xaq u leedahay caafimaad fiican. Iyadoo aan ku xirnayn da’da aad tahay waxaad xaq u leedahay xiriiryada bulsho, dakhli iyo amaan. Waxaad xaq u leedahay inaad ka qaybqaadasho ku lahaato bulshada oo dareento inaad raad ku yeelan karto noloshaada.

Gudaha Iswiidhan qofka haysta caafimaad fiican wuxuu ku noolaan karaa nolol firfircoon oo micno leh sanado badan.

Si la mid ah sida qaybaha kale ee nolosha waxaa jirta taageero iyo caawimaad la helo marka aad gabowdo. Tani waxaa lagu magacaabaa xanaanada waayeelka oo waxay qayb ka tahay dawladda dadweynaheeda daryeesha ee Iswiidhishka.

Tusaale: Kerstin iyo Lennart waxay noqon doonaan hawl-gab

Kerstin waa 67 jir oo waxay noqon doontaa hawlgab. Iyadu waxay ku soo shaqaysay kalkaaliso caafimaad qayb badan oo ka mid ah nolosheeda. Iyadu waxay xitaa wakhti nus ah ka soo shaqaysay dukaan oo dhowr sano waxay ahayd bilaa shaqo. Iyadu waxay leedahay saddex caruur ah oo markii carruurtu yarayd may shaqayn jirin. Markaas guriga ayay joogtay oo hayn jirtay carruurta. Sanadahaas waxay heshay gunnada waalidka oo baddel u ahayd mushahaaro. Markay Kerstin dib u bilowday in ay shaqayso may helin mushahaaro sare sida dadka ay wada shaqaynayeen. Iyagu way shaqaynayeen sanadihii ay Kerstin guriga la joogtay carruurta. Mushahaarooyinkan farqigoodu wuxuu ahaa dhowr kun oo karoon bishiiba. Kerstin waxay ka welwelsantahay in lacagtu aanu ku filnaan doonin raashinka, kirada iyo xisaabaadka bil walba marka ay noqoto hawlgab. Laga yaabee in ay tahay in ay codsato kabitaanka kirada.

Lennart xitaa waa 67 jir. Isagu madax ayuu ka soo ahaa shirkad weyn sanado badan oo wuxuu haystay mushahaaro sareysa. Lennart xitaa wuxuu leeyahay saddex carruur ah laakiin wuu sii watay in uu shaqeeyo markay carruurtu yarayd. Wuxuu haystay mushahaaro uu ka heli shaqo-bixiyihiisa intii noloshiisa shaqo oo dhan uu ku jiray. Lennart ma ka welwelsana in lacagtu aanay ku filnaan doonin markuu noqdo hawlgab. Isagu wuxuu rajaynayaa nolol firfircoon hawlgab ahaan oo waxaa u qorshaysan inuu aad u safro oo ciyaaro goolaf.

Adigu raad ayaad ku yeelan kartaa hawlgabnimadaada

Hawlgab waa lacagta aad helayso marka aad noqoto waayeel ee joojiso shaqada. Nidaamka hawlgabka siyaabo kala duwan ayuu uga shaqayn karaa dalalka kala duwan.

Lacagtaada hawlgabka waxay ka koobnaan kartaa qaybo kala duwan. Qabta ugu weyn badanaaba waxay ka timaadaa dawladda. Taas waxaa lagu magacaabaa lacagta hawlgabka ee guud. Qayb kale waxay ka iman kartaa shaqo-bixiyayaashi aad soo lahayd. Qaybtan waxaa lagu magacaabaa hawlgabka adeega. Adigu xitaa lacag ayaad keligaa u keydin kartaa hawlgabkaaga. Taas waxaa lagu magacaabaa keydka hawlgabka. Qaybahan kala duwan ayaa wadajir u noqoda isugeynta hawlgabkaaga.

Dhammaan dadka ka shaqeeya ee ku nool Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin hawlgabka guud laakiin inta ay leegtahay lacagta hawlgabka ee aad helaysaa way kala duwantahay. Tani waxay ku xirantahay waxyaabo ay ka mid tahay inta ay leegtahay mushahaarada marka aad shaqayso iyo inta sano ee aad shaqaysay. Sanad kasta oo aad shaqayso waxaad ku sii helaysaa lacag hawlgab oo sii sareysa. Inta ay leegtahay lacagta hawlgabka waxay xitaa ku xirantahay haddii aad leedahay shaqo-bixiye lacag siiyaa hawlgabka adeega iyo haddii adigu keligaa aad keyd u dhigto hawlgabka.

Haweenku guud ahaanba waxay haystaan lacag hawlgab oo ka hooseysa ta ragga. Tani waxaa sabab u ah dowr wax. Badanaaba way hooseeyaan mushahaarooyinka dhinaca xirfadaha ay haween badan ka shaqeeyaan, way badanyihiin haweenka shaqeeya wakhti nus ah iyo in haweenku qaataan qayb badan oo ka mid ah fasaxa waalidnimo. Haweenku xitaa badanaaba waa kuwa xanaaneeya carruurta iyo qaraabadu marka ay xanuusanayso.

Markaad ku nooshahay xiriir lamaane ah oo mid idinka mid ah heli doono lacag hawlgab oo hooseysa marka la barbardhigo qofka kale markaas waxaa jira qaabab kala duwan oo lagu kabo taas. Idinku tusaale ahaan waxaad bilaabi kartaan keydin lacag hawlgab oo gaar u ah qofka idinka mid ah ee shaqeeya lacag yar.

Qaab u qaabaysan saddex xagal kaas oo muujinaya saddexda nooc ee lacagta hawl-gabka ee gudaha Iswiidhan: Lacagta hawl-gabka ee guud, Lacagta hawl-gabka ee adeega iyo Lacagta hawl-gabka ee gaarka loo leeyahay.

Sidee ayuu shaqeeyaa nidaamka hawlgabka ee dalka ama dalalka aad hore ugu soo noolayd?

Sidee ayaa xaaladaada dhaqaale noqonaysaa marka aad noqoto hawlgab ayaad u malaynaysaa?

Da'da hawlgabka

Adiga ayaa keligaa go'aaminaya marka aad gelayso hawlgabnimo ee ay kuu bilaabmayso lacagaha hawlgabka. Adigu ugu horeyn sidaas waxaad samayn kartaa marka aad tahay 62 jir oo waxaad xaq u leedahay in aad shaqayso ilaa inta aad buuxinayso 68 jir. Adigu waad shaqayn kartaa xitaa ka dib marka aad buuxiso 68 jir haddii adiga iyo shaqo-bixiyahaagu aad ku heshiisaan sidaas. Kolba marka aad wakhti dambe doorato in aad qaadato hawlgabkaaga waxaa sii kordhaysa lacagta aad helayso bil kasta. Maadaama dhererka nolosha cel-celis ahaan ee Iswiidhan kordhay markaas da'da aad ugu horeyn qaadan karto hawlgabkaga kor ayuu u kacayaa. Si taas la mid ah ayay tahay da'da dhinaca dhererka wakhtiga aad xaq u leedahay in aad shaqayso. Adigaaga leh shirkad gaar kuu ah ayaa keligaa dooranaya marka aad joojinayso in aad shaqayso.

Hawlgab laga helo dalal badan

Adigaaga ku soo noolaa ama ka soo shaqeeyay dalal kale waxaad xaq u yeelan kartaa lacag hawlgab oo aad ka hesho dalalkaas. Haddii ay tahay dal ah gudaha Midowga Yurub/Iskaashiga dhaqaale ee Yurub ama dal ay Iswiidhan la leedahay heshiis waxaa Hey'adda Hawlgabka kaa caawin kartaa in aad ka codsato lacagahaas. Wargeli Hey'adda Hawlgabka kuwa ay yihiin dalalka aad ka soo shaqaysay.

Intee in la'eg ayay noqonaysaa lacagtaada hawlgabka?

Waa kuwan afar tusaale oo ah inta ay leegtahay lacagta hawlgabka ee aad heli karto bil walba. Tusaalooyinkan waxaa lagu xisaabiyay in aad lahayd shaqo-bixiye bixiyay canshuur iyo khidmadaha shaqo-bixiyaha ee mushahaarada oo xitaa bixiyay lacagta hawlgabka ee adeega.

  • Adigu waxaad dhalatay 1985. Adigu waxaad timi Iswiidhan 2015 oo bilowday in aad shaqayso wakhti nus ah 2023. Marka aad noqoto 68 jir waxa aad Iswiidhan ka shaqaysay 30 sano. Intii lagu jiray sanadahaas waxaad lacag helaysay cel-celis ahaan 15 000 karoon bishiiba. Marka aad noqoto hawlgab waxaad heli doontaa qiyaastii 10 000 karoon bishiiba ka hor canshuurta.

  • Adigu waxa aad dhalatay 1965. Adigu waxa aad Iswiidhan timi 2015 oo bilowday in aad shaqayso wakhti nus ah 2018. Marka aad noqoto 68 jir waxaad Iswiidhan ka shaqaysay 15 sano. Intii lagu jiray sanadahaas waxaad lacag helaysay cel-celis ahaan 25 000 karoon bil walba. Marka aad noqoto hawlgab waxaad heli doontaa qiyaastii 10 000 karoon bishiiba ka hor canshuurta.

  • Adigu waxaad dhalatay 1985. Adigu waxa aad Iswiidhan timi 2015 oo bilowday in aad shaqayso wakhti nus ah 2018. Marka 68 jir aad noqoto waxa aad Iswiidhan ka shaqaysay 35 sano. Intii lagu jiray sanadahaas waxaad lacag helaysay cel-celis ahaan 30 000 karoon bil walba. Marka aad noqoto hawlgab waxaad heli doontaa qiyaastii 16 000 karoon bil walba ka hor canshuurta.

  • Adigu waxa aad dhalatay 2000. Adigu waxaad timi Iswiidhan 2019 oo bilowday inaad shaqayso wakhti nus ah 2020. Marka 68 jir aad noqoto waxa aad Iswiidhan ka shaqaysay 48 sano. Intii lagu jiray sanadahaas waxaad lacag helaysay cel-celis ahaan 35 000 karoon bil walba. Marka aad gasho hawlgabnimo waxaad heli doontaa qiyaastii 22 500 karoon bishiiba ka hor canshuurta.

Adigaaga aan sanado badan ku noolayn Iswiidhan marka aad noqoto hawlgab waxaad heli doontaa lacag hawlgab oo hooseysa ama wax lacag hawlgab ah haba yaraatee ma helaysid. Adiga waxaad haysataa fursada in aad raadsato taageero dhaqaale oo dheeraad ah, tusaale ahaan kabida kirada iyo taageerada masruufka waayeelka ee Hey'adda Hawlgabka.

Lacagta hawlgabka marka qof qaraabo oo kuu dhow dhinto

Haddii qof qaraabo kuu dhow dhinto waxaad xaq u yeelan kartaa nooc lacag hawlgab ah taas oo lagu magacaabo lacagta hawlgabka ee dadka laga dhintay. Lacagta hawlgabka ee qofka laga dhintay waxay ku jirtaa lacagta hawlgabka guud oo waxay ka koobantahay lacagta hawlgabka carruurta, lacagta hawlgabka qofka laga dhintay, lacagta hawlgabka dib u habaynta iyo lacagta hawlgabka haweenayda laga dhintay. Si aad xaq ugu yeelato lacagta hawlgabka ee qofka laga dhintay waa in qofka dhintay uu mar um ka soo shaqeeyay ama ku noolaa Iswiidhan. Inta ay leegtahay lacagta hawlgabka qofka laga dhintay waxay ku xirantahay inta ay leegtahay lacagta hawlgabka ee qofka dhintay heli lahaa.

Adigu ma u baahid in aad laf ahaantaada codsato lacagta hawlgabka ee qofka laga dhintay marka qof qaraabo kuu dhow ahi dhinto. Hey'adda Hawlgabka markasta way ogaataa marka qof dhinto oo baartaa haddii ay jiraan dad laga dhintay oo xaq u leh lacagta hawlgabka ee qofka laga dhintay.