Bulshada loogu tala galay wayeelka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay in qof waayeel ah ahaan loogu noolaado bulshada Iswiidhishka. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan xanaanada waayeelka ee Iswiidhishka iyo nooca caawimaada aad heli karto marka aad gabowdo.

Sawir farshaxan oo ah dad waayeel ah oo lugeynaya, dhaansaya, fadhiya kursi dheer, fadhiya kombiyuutar hortiisa oo cunto ku cunaya hoyga dadka waayeelka ah.

Waxaad akhrin doontaa xitaa wixii ku saabsan muhiimadda in la lahaado saaxiibo fiican, qofku daryeelo caafimaadkiisa iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah nolol fiican iyo cimri dheer.

Waxaad xaq u leedahay nolol fiican nolosha oo dhan. Waxaad xaq u leedahay in aan lagu takoorin sababtoo ah da’da. Waxaad xitaa xaq u leedahay caafimaad fiican. Iyadoo aan ku xirnayn da’da aad tahay waxaad xaq u leedahay xiriiryada bulsho, dakhli iyo amaan. Waxaad xaq u leedahay inaad ka qaybqaadasho ku lahaato bulshada oo dareento inaad raad ku yeelan karto noloshaada.

Gudaha Iswiidhan qofka haysta caafimaad fiican wuxuu ku noolaan karaa nolol firfircoon oo micno leh sanado badan.

Si la mid ah sida qaybaha kale ee nolosha waxaa jirta taageero iyo caawimaad la helo marka aad gabowdo. Tani waxaa lagu magacaabaa xanaanada waayeelka oo waxay qayb ka tahay dawladda dadweynaheeda daryeesha ee Iswiidhishka.

Daryeelka waayeelka

Tusaale: Anna waxay heshaa caawimaad dhinaca nolosha maalinlaha ah

Anna, 75 sano jirta, oo sheekaynaysa: "Anigu waxaan weligayba jeclaa in aan keligay is dabaro xitaa haddii aan qaabab kala duwan carruurteyda caawimaad badan uga helay. Imminka markaan noqday waayeel waxaan u baahanahay caawimaad dhinaca waxyaabaha la qabto maalinlaha si badanaaba aad ah. Gabadhayda Sara iyo wiilkayga Adil labaduba wax badan ayay shaqeeyaan. Waxay leeyihiin qoysas gaar u ah oo ma haleelaan in ay iga caawiyaan wax kasta. Laakiin Iswiidhan waxaa ka jira sharci sheegaya in dadka waayeelka ah ee u baahan taageero iyo caawimaad ay xaq u leeyihiin inay taas ka helaan bulshada. Waxay ila tahay in taasi aad u fiicantahay! Carruurtaydu way i soo booqdaan badanaaba inta ay awoodaan oo i caawiyaan marka ay haleelaan. Telafoonka ayaanu ku wada hadalnaa ku dhawaad maalin kastaba."

Bulshooyinka oo dhan way daryeelaan dadkooda waayeelka ah, laakiin tani waxay u dhacdaa qaabab kala duwan. Dalal badan qoyska dhow ayaa daryeela dadka waayeelka ah oo waa caadi in waalidku u guuraan carruurtooda iyo carrurta ay sii dhaleen marka baahida in la is caawiyo ay korodho. Dalal kalena, sida tusaale ahaan Iswiidhan, dawlada iyo degmooyinka ayay mas'uuliyad weyn ka saarantahay in ay hubiyaan in dadka waayeelka ah helaan caawimaada ay u baahanyihiin. Sharciga adeega bulshada ayaa maamula taas. Iswiidhan caadi ma ka aha in dadka waaweyn ay la noolyihiin waalidkooda.

Ma garanaysaa sida ay tani uga shaqayso dalka ama dalalka aad horey ugu soo noolayd?

Hoyga dadka waayeelka ah iyo caawimaada guriga

Marka aad noqoto waayeel waxaad degmada ka codsan kartaa in aad hesho taageero dhinaca hawlaha maalinlaha ah. Adigu waxaad tusaale ahaan heli kartaa caawimaad dhinaca adeega, nadiifinta, karinta cuntada iyo isticmaalka musqusha. Tani waxaa lagu magacaabaa adeega guriga oo micnaheedu waa in aad caawimaad ku hesho gudaha gurigaaga.

Haddii aad u baahantahay caawimaad dheeraad ah oo aanad sii degganaan karin guriga waxaa jira hoy gaar ah looguna talogalay dadka waayeelka ah kaas oo aad u guuri karto. Hoygaas qaarkood waxaa jooga shaqaale maalinti oo dhan iyo habeenki oo dhan. Waxaa lagu magacaabaa hoyga waayeelka. Badanaaba dhammaan dadka halkaas deggan waxay leeyihiin qol gaar u ah ama guri laakiin dhammaan kuwa doonaya way ku kulmi karaan. Waxaa jira qolal lagu kulmi karo oo tusaale ahaan lagu daawado tiifiiga, wax lagu akhristo, lagu dhageysto muusig iyo waxyaabo kale oo badan. Haween iyo rag labaduba way ka shaqeeyaan hoyga waayeelka iyo adeega waayeelka loogu yimaado gurigooda.

Qoraalkan waxaa lagu sharraxayaa noocyada kala duwan ee hoyga iyo taageerada la siiyo dadka waayeelka ah. Sidee ayaa adigu aad jeclaan lahayd in aad u noolaato marka aad waayeel noqoto, maxay kula tahay?

Taageero noocee ah ayaad dooni lahayd?

Amaanka hoyga waayeelka

Hoyga waayeelka ma ku noolid keligaa oo waxay amaan u tahay adiga iyo qaraabadaada labadiinaba.

Iswiidhan waxaa caadi ka ah in ragga iyo haweenka labaduba shaqeeyaan oo waxaa adkaan karta in la haleelo in qofku hayo xitaa waalidkiisa. Haddii aad leedahay waalid gaboobay oo ku nool hoy ama haysta adeega guriga loogu yimaado waxaad ogtahay in ay helaan cunto, dawooyinka iyo caawimaada ay u baahanyihiin maalin kasta. In waalid kuu joogaan hoy micnaheedu maaha in aad iyaga dayacday. Adigu waad soo booqan kartaa iyaguna way ku soo booqan karaan.

Adigu xuquuq ayaad leedahay noloshaada oo dhan oo waa in aad hesho caawimaad si aad u hesho kuwaas. Hoyga gaarka ah iyo adeega guriga qofka lagu siiyo waa laba tusaale oo ah waxyaabaha adiga lagaa caawin karo marka aad gabowdo. Waxa kale oo lagaa caawin karaa gaadiidka dadka tamarta daran, wehel ku raaca, qaylo dhaanta amaanka, qalab la adeegsado iyo waxyaabo dheeraad ah. Haddii aad u baahantahay qalab la adeegsado, tusaale ahaan taageerada gaariga la riixo ee socodka ee shaagaga leh, waxaad la xiriiri kartaa rugta caafimaadka.

Haddii aad doonaysid in aad dheeraad ka ogaato daryeelka waayeelka ama codsato daryeel waayeel waxaad la xiriir kartaa degmadaada, caadiyan adeega arrimaha bulshada.

Caafimaadka iyo gabowga

Tusaale: Hanna iyo Rosa waa dad waayeel ah oo keligood degan

Hanna waxay deggantahay keligeed. Waxay u aragtaa in ay aanay xiiso lahayn in ay keligeed isu kariso cunto markaas badanaaba waxay iibsataa cunto diyaarsan. Iyadu si fiican uma seexato oo badanaa way daalantahay wakhtiga maalintii. Dhakhtarkeedu wuxuu u sheegay in ay tahay in ay joojiso sigaar cabista laakiin tani way ku adagtahay, iyadu waxay sigaar cabaysay sanado badan. Hanna ma awoodo in ay la kulanto saaxiibada badanaaba sidii ay dooni lahayd. Iyadu guriga ayay badanaaba joogtaa oo daawataa tiifiiga habeenkii. Marka ay arrimo leedahay waxay raacdaa baska ama baabuurka.

Rosa iyadana keligeed ayay deggantahay. Iyadu socod dheer ayay samaysaa maalin kasta waayo si fiican ayay u seexataa marka jirku daalanyahay iyo marka ay hesho hawo dabiici ah. Marka Rosa ay hurdada ka kacdo waxay markastaba dareentaa in ay nasatay oo firfircoontahay. Wakhtiga maalintii waxay la kulantaa saaxiibadeed. Iyagu waxay badanaaba ku kulmaan maktabadda. Mararka qaarkood cunto ayay wada karsadaan. Mar walba waxay ku darsadaan khudaar cagaar ah oo badan iyo mararka qaarkoodna cunto ah bilaa hilib.

Marka aad waayeel noqoto waxaa isbaddasha nolosha. Siyaabo kala duwan ayaad taas u dareemaysaa. Qaabka ugu cad waa in jirku isbaddalay. Marka aad gabowdo jirkaaga iyo maskaxdaadu uma shaqeeynayaan si la mid ah sidii markii aad da'da yarayd. Muruqyadu sidii hore xoog ma u aha, dheelitirnaanti way ka liidataa sidii hore oo xusuustuna ma u fiicna sidii hore. Waxaa qofka ku adkaan karta marka taasi dhacdo. Waxaa dhib ahaan karta in laga fikiro in adigu aad gaboobi doonto. Laakiin adigu raad ayaad ku yeellan kartaa isbadalladan. Adigu waxaad xitaa samayn kartaa in kuwaasi ay xilli dambe oo nolosha ah dib ugu dhacaan. In la tababaro jirka iyo maskaxda ayaad ku hayn kartaa caafimaadkaaga oo wakhti dheer firfircoonaan kartaa.

Gabowgu wuxuu ahaan karaa wakhti aad u fiican oo ka mid ah nolosha. Markaas ma shaqaysid oo adiga ayaa go'aansan kara keligaa waxa aad doonaysid in aad samayso maalintii. Laakiin si loogu noolaad nolol firfircoon waxaa muhiim ah in aad leedahay caafimaad fiican.

Caafimaadku wuxuu u shaqeeyaa sidii xisaab bangi oo wax lagu keydsaday. Haddii aad si joogto ah ugu rido lacag waxaa kuu taala wax badan oo aad kala baxdo marka aad gabowdo. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in aad daryeesho caafimaadkaaga xilliga nolosha oo dhan.

Qaab nololeed oo caafimaad leh

Waa muhiim in la xusuusto in adigu aad raad ku yeelan karto caafimaadkaaga xilliga nolosha oo dhan. Marnaba ma laga habsaamin in la bilaabo in la cuno raashin nafaqo leh iyo in la bilaabo samaynta tababar. Tababarka awoodda wuu u fiicanyahay da' kasta oo waa caadi in tababar lagu sameeyo guriga. Socod lagu soo lugeeyo banaanka xitaa aad ayuu u fiicanyahay, weliba wakhtiga maalintii si aad u hesho iftiinka maalintii. Iftiinka maalintii wuxuu keenaa in aad dareento wanaag jir ahaan iyo maskax ahaan labadaba. In la sameeyo tababar si aad u xiiqdo waxay kordhisaa xaaladda guud ee caafimaadka oo keentaa in aad si dheeraad ah wax u awooddo. Tababarku wuxuu u fiicanyahay wadnaha iyo xitaa maskaxda oo uu muhiim u yahay. Haddii aad si joogto ah u tababarato waxaad u seexanaysaa si fiican, helaysaa xusuus fiican, awood feejinaan oo fiican iyo faa'iidooyin badan oo kale. Maskaxdu waxay doonaysaa in ay barato waxyaabo cusub nolosha oo dhan. Waxaa jira qaabab badan oo loo samayn karo taas. Tusaale ahaan in aad wax akhrido, ka mid noqoto urur ama ciyaarto qalab.

Maxaa kuugu muhiimsan adiga in aad samayso maanta si aad caafimaad u dareento wakhti dheer noloshaada?

Qoyska iyo saaxiibada

Maaha oo keliya jirka iyo maskaxda waxa isbaddala marka adigu aad gabowdo. Xitaa nolosha bulsho ahaan way isbaddali kartaa. Qoyska iyo saaxiibadu waa qayb muhiim ah oo nolosha ka mid ah.

Waayeel badan waxay dareemaan kelinimo. Waxaa jiri kara sababo badan oo kala duwan oo arrintan ku aadan. Laga yaabee adigu in aad wayday saaxiibo ama lamaanahaagi. Laga yaabee in adiga ay kugu adagtahay in aad socoto taas oo keentay in ay kugu adagtahay in aad u baxdo bulshada. In la joojiyay shaqada waa isbaddal kale oo weyn iyo in aan lala kulmin saaxiibadii lala shaqayn jiray maalin kasta waxay keeni kartaa in aad dareento kelinimo. Sidaas darteed waa muhiim in la lahaado saaxiibo aad la kulmi karto marka aad gasho hawlgabnimo. In la noqdo hawlgab micnaheedu waa in la joojiyay shaqada. Iswiidhan caadi ahaan waxaa hawlgab la noqdaa xilliga da'da 65 sano.

Marka aad joojiso in aad shaqayso waxaad xitaa dareemi kartaa in aan laguu baahnayn. Qaab lagula kulmi karo dadka kale oo lagu sii wato in kaalmo lagu kordhiyo bulshada waxay ahaan kartaa in laga mid noqdo urur. Waxaa jira ururo badan kuwaas oo qabanqaabiya hawlo loogu talogalay waayeelka. Tusaale ka mid ah urur noocan ah waa ururka qaran ee dadka hawlgabka ah, PRO.

Caafimaad darada maskax ahaan

Caafimaad darada maskax ahaan, sida walbahaarka iyo niyad jabka, caadi ayay tahay dhinaca dadka waayeelka ah. Laakiin dadka oo dhan ma raadsadaan daryeel caafimaad oo sidaas darteed daryeel caafimaad ma u helaan dhibaatadooda. Sababtu waxay ahaan kartaa in caafimaad darada maskax ahaan badanaaba loo arko qayb dabiici ah oo ka mid ah gabowga, laakiin sidaas maaha.

In la xanuusado ama lagu tiirsanaado dad kale waxay kordhin kartaa khatarta in qofku u nuglaado dhibaato dagaal. Ragga waayeelka ah iyo haweenkaba waxaa soo gaari karta dhibaato dagaal laakiin haweenka ayaa si dheeraad ah ugu nugul. Iyaga waxaa soo gaari karta dhibaato ay sabab u tahay in ay gaboobeen iyo in ay yihiin haween labadaba. Dagaalku wuxuu ka jiri karaa dhamaan noocyada xiriiryada u dhaxeeya dadka. Qofka dagaalka samaynayaa badanaaba waa qof ka ag dhow qofka kale. Dhammaan dadka loo gaysto dhibaato dagaal waxay xaq u leeyihiin in ay taageero iyo caawimaad ka helaan bulshada. Wax farqi ah ma u dhaxayso haddii aad tahay qof da' yar ama waayeel ah.

Adigu waxaad xaq u leedahay caafimaad jir iyo maskax ahaan ugu fiican ee suurtagal ah, markaad da' yar tahay iyo markaad waayeel tahay labadaba. Waa in aad awooddo in aad caafimaad dareento, si fiican wax u cunto oo dareento in aad ka qaybqaadasho ku leedahay bulshada xitaa marka aad noqoto waayeel ee aanad shaqayn.

Waxaynu noolaanaa wakhti dheer

Dadku cimrigoodu wuu dheeryahay gudaha Iswiidhan. Dad badan waxay ku noolyihiin nolol firfircoon sanado badan ka dib hawlgabnimada. Dhererka nolosha ee cel-celis ahaan gudaha Iswiidhan waa 82 sano dhinaca dadka ku nool dalka oo dhan. Dhinaca haweenka waa qiyaastii 84 sano iyo dhinaca ragga oo ah 80 sano.

Intee in leeg ayaad u malaynaysaa in uu yahay dhererka nolosha ee cel-celis ahaan ee dalka ama dalalka aad horey ugu soo noolayd?

Gaadiidka iyo safarada waayeelka

Degmooyin badan dadka waayeelka waxay si raqiis ah u safraan ama bilaash ku safraan baska, tareenka dhulka sare mara ama tareenka dhulka hoostiisa mara, si kastaba ha ahaatee waa wakhtiyo cayiman oo maalintii ka mid ah.

Degmooyin badan waxay leeyihiin xitaa gaadiid dadweyne oo gaar ah looguna talogalay dadka waayeelka ah. Badanaaba waxaa lagu magacaabaa gaadiidka dabacsan. Basaskani way ka yaryihiin basaska caadiga ah oo waxay u soo socon karaan agta gurigaaga. Waxay leeyihiin dhul hoose si dadka wata qalabka socodka caawiya ee shaagaga leh ama kursiga dadka naafada ah ay si fudud u soo geli karaan. La xiriir degmadaada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah kuna saabsan sida aad u isticmaali karto gaadiidka dabacsan ee meesha aad ku nooshahay.

Waayeelka ay ku adagtahay in ay dhaq-dhaqaaqaan xitaa iyagu way heli karaan gaadiidka dabacsan. Adigaaga dalbanaya gaadiidka dabacsan waxaad taksi u raaci kartaa meesha aad u safrayso. Safaradani badanaaba wax yar ayay ka qaalisanyihiin gaadiidka dadweynaha laakiin way ka raqiisanyihiin safar taksi oo caadi ah. Si aad u awooddo in aad hesho gaadiidka dabacsan waa in aad ka codsato maamulka degmada. Adigu waa in xitaa aad raaciso shahaado aad ka heshay dhakhtar taas oo sheegaysa in adigu aanad raaci karin gaadiidka dadweynaha.

Fursadaha Intarnatka

Laba qof oo waayeel ah oo hor fadhiya kombiyuutar yaala miis.

Tusaale: Fouad wuxuu bartay inuu isticmaalo intarnatka

Fouad, 69 jir: "Anigu waxaan ka soo shaqeeyay warshad noloshayda oo dhan oo weligay ma isticmaalin kombiyuutar dhinaca shaqadayda. Markaan noqday hawlgab guriga ma ku haysan wax kombiyuutar ah. Aniga waxaa i xanuuna jilbaha oo waxaa igu adag in aan banaanka u baxo. Markaan joojiyay shaqada waxa bilaabantay in aan dareemo kelinimo. Laba sano ka hor ayaa gabar aan dhalay ii iibisay kombiyuutar oo waxaan galay koorso kombiyuutarka ah looguna talogalay dadka ay ku cusubtahay taas oo degmadu qabanqaabisay. Waxaan helay saaxiibo cusub oo aan xiriir la leeyahay ku dhawaad maalin kastaba. Waxaan xitaa xiriir dib ula yeeshay saaxiibadii iyo qaraabadii joogtay Lubnaan. Waxaanu ku wada hadalnaa fiidyow maadaama ay aad u xiiso badantahay in aanu iska aragno."

Fouad maaha keligii. Boqolkiiba 6% ka mid ah dadka ku nool Iswiidhan aad ama marnaba ma isticmaalaan intarnatka. Taasi waa in ka badan 600 000 qof. Badankoodu waa 65 jir ama ka weyn. Qaar badan oo ka mid ah way dooni lahaayeen inay isticmaalaan intarnatka in ka badan inta hadda ay sameeyaan. Qaar ka mid ah ma awoodaan maadaama ay leeyihiin hoos u dhac awoodda laxaadka ah taas oo caqabad ku ah. Qaar kalena ma garanayaan sida ay samayn lahaayeen.

Sidaas maaha in ay arrintu ahaato. Waxaa jira fursado waaweyn oo ay leedahay intarnatku. Marka laga reebo in lala kulmo saaxiibada waxaad ku dhamaysan kartaa arrimo badan. Waxaad ku bixin kartaa xisaabaha, ku dalban kartaa tigidho oo weliba kula kulmi kartaa dhakhtar adigoo guriga jooga oo haysta caawimaada kombiyuutar ama telafoon casri ah. Ilaa iyo hadda way fiicnayd in la isdabaro iyadoo aan la haysan intarnat laakiin adeegyo badan oo bulshada ah ayaa noqday dijitaal. Hey'addaha dawlada waxaa mas'uuliyad ka saarantahay in dadka oo dhan ay fahmaan boggagooda intarnatka oo isticmaalaan adeegyadooda dijitaalka ah. Laakiin adigana waxaa ku saaran mas'uuliyad gaar ah in aad isku deydo in aad barato. Waxaad la xiriiri kartaa hey'ad dawladeed haddii ay jirto wax aad fahmi wayday.

Waxaa jira dad u isticmaala intarnatka in ay dadka ku khiyaameeyaan oo ku geystaan dembi. Adigu weligaa ha dhiibin lambarada sirta ee gaarka kuu ah ama lambarka xisaabta bangiga oo ha siin dad aanad garanayn ama ha samayn wax aad u dareentay in aanad hubin. Waxaa jirta qaabku aad ku awoodo in aad adeegyada uga fuliso intarnatka qaab amaan ah. Waxaa lagu magacaabaa aqoonsiga elaktarooniga ah. Iyadoo la adeegsanayo caawimaadda aqoonsiga elaktarooniga ah waxaad aqoonsigaaga ku muujin kartaa dijitaal si aad intarnatka uga samayso tusaale ahaan arrimaha bangiga. Waa in xitaa aad lahaato aqoonsiga elaktarooniga ah si aad u samayso arrimaha qaarkood sida tusaale ahaan Qasnadda Caymiska iyo hey'addaha dawladeed ee kale boggagooda intarnatka. Waxaad la hadli kartaa bangigaaga si aad u samaysato aqoonsiga elaktarooniga ah. Tusaale dhinaca aqoonsiga elaktarooniga waa BankID. Ha gelin aqoonsigaaga elaktarooniga ah haddii qof kaala soo xiriiro telafoonka ama baraha bulshada ee intarnatka.

Dad badan waxay u arkaan in intarnatku adagtahay. Adigu qof aad taqaano ayaad ka codsan kartaa in ay ku tusaan. Adigu waxaad xitaa tegi kartaa koorso. Degmooyinka ayaa badanaaba diyaariya koorsooyinka dadka ay ku cusubtahay aqoonta dijitaalka ah sida ka Fouad dhigtay. Mararka qaarkood waxaa jira koorsooyin gaar ah looguna talogalay waayeelka oo kuwaasi badanaaba waa bilaash. Waxaa xitaa jira kombiyuutaro leh intarnat oo laga amaanaysto maktabadda. Waxaad la xiriiri kartaa degmadaada oo weydiin kartaa fursadaha jira.