In qoys la dhiso oo lala noolaado carruur gudaha Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.
Sawir farshaxan oo ah qol fasal ah, qoys fadhiya kursi dheer, goob lagu ciyaaro, hooyo wadata carruur iyo haweenay uur leh.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay in qoys la dhiso oo lala noolaado carruur gudaha Iswiidhan.

Adigu waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan in la ahaado waalid gudaha dal cusub, waxaadna wax dheeraad ah ka ogaan doontaa noocyada taageero ee kala duwan ee bulshadu ku casuumi karto qoysaska carruurta haysta. Adigu waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan carruurta xuquuqdooda, iyo waalidka xuquuqdooda iyo waajibaadkooda.

Mawduucan wuxuu xitaa ku saabsanyahay carruurta caafimaadkooda oo waxaad ogaan doontaa cidda aad la xiriirayso marka ilmo jiranyahay, ku dhacdo caafimaad darro maskaxiyan ah ama yeesho dhibaato ah si xun u isticmaal daroogo ama khamri.

Adigu waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan nidaamka iskoolka Iswiidhishka iyo sida ay tahay in la haysto ilmo dhigta iskoolka Iswiidhishka.