In la haysto carruur ku jirta iskoolka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay in la haysto carruur ku jirta iskoolka. Waxaad akhrin doontaa nooca mas’uuliyad ee saaran carruurta iyo nooca mas’uuliyad ee iskoolku leeyahay. Waxaad xitaa akhrin doontaa wax ku saabsan kuwa ka shaqeeya iskoolka iyo macalimiinta doorkooda.

Macallimiin iyo arday hareeraha ka fadhiya miis oo wada hadlaya.

Qoraalkan wuxuu xitaa ku saabsanyahay in iskoolku ahaado meel amaan ah iyo in ardayda oo dhan ay tahay inay helaan fursado isku mid ah. Waxaad xitaa akhrin doontaa wax ku saabsan raad ku yeelashada iyo sida ardaydu ay raad ugu yeelan karaan iskoolka.

Carruurta oo dhan waxay xaq u leeyihiin waxbarasho. Waxbarashada aasaasiga ah waa khasab oo waa bilaash.

Gudaha Iswiidhan waa khasab oo waa bilaash dugsiga hoose-dhexe ee carruurta laga bilaabo sanadka ilmuhu buuxiyo lix jir. Carruurtu waxay xitaa xaq u leedahay dugsi xanaano laga bilaabo da’da hal sano.

Iskoolka mas'uuliyadiisa

Iskoolka ayaa leh mas'uuliyadda in ilmuhu dareemo wanaag marka uu joogo iskoolka iyo in carruurta oo dhan helaan fursad isku mid ah inay wax bartaan. Iskoolka ayaa leh mas'uuliyadda inay sameeyaan waafajinaha loogu talogalay dhammaan carruurta sidaas u baahan.

Iskoolku waa inuu tallaabo qaado haddii ilmo lagu xadgudbo ama loola dhaqmo qaab kale. Haddii adigu waalid ahaan aad u aragto in iskoolku aanu tallaabo qaadin waa inaad u sheegto macallimiinta ilmaha ama maamulaha iskoolka.

Dhammaan kuwa ka shaqeeya iskool waxaa waajib ku ah inay Adeegga arrimaha bulshada wargeliyaan haddii ay ka shakiyaan in ilmo xaaladiisa guriga aanay fiicnayn ama u dhibaataysanyahay qaab kale. Iskoolka waxaa ka jira nidaamyo ah sida wargelinta ku socota Adeegga arrimaha bulshada loo sameynayo.

Waalidka mas'uuliyadooda

Adigaaga haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmo iskool dhigta ayaa mas'uul ka ah inaad xanaanayso ilmaha si uu uga faa'iideysan karo waxbarashada iskoolka. Waxaa jira qaabab badan oo qofku u taageeri karo ilmahiisa. Waa muhiim inaad u sheegto in iskoolku yahay muhiim, inaad hubsato in ilmuhu aado iskoolka iyo in ilmuhu sameeyo casharada guriga. Waxa kale oo muhiim ah in ilmuhu helo cunto nafaqada fiican, xasilooni iyo hurdo ku filan.

Waayo kuwa ka shaqeeya iskoolka?

Dugsiga xanaanada

Dugsiga xanaanada waxaa ka shaqeeya macallimiinta dugsiga xanaanada iyo daryeelayaasha carruurta. Xitaa macallimiinta sawirka-, masraxa- iyo muusiga way ka shaqayn karaan dugsiga xanaanada. Qofka madaxda ka ah dugsi xanaano waxaa lagu magacaabaa madaxa dugsi xanaano. Waa madaxa dugsiga xanaanada qofka leh mas'uuliyadda ugu sareysa ee dugsi xanaano.

Dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare

Dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare waxaa ka shaqeeya noocyo kala duwan oo macallimiin ah. Fasalada 1–3 (qaybta hoose) macallin ayaa leh mas'uuliyadda ugu muhiimsan ee fasal oo carruurta bara maadooyinka badankooda. Qofkaas macallinka waxaa badanaaba lagu magacaabaa macallinka fasalka. Waxaa kale oo jira macallimiin waxbarasho gaar ah u haysta inay dhigaan maadooyin cayiman. Iyaga waxaa lagu magacaabaa macallimiin maado. Qaybta hoose waxay macallimiinta maado badanaaba dhigaan ugu horeyn maadooyinka waaqiciga ah sida nijaaradda, muusiga, sawiridda iyo isboortiga.

Qaybta dhexe, qaybta sare iyo dugsiga sarena waxaa jira macallimiin xitaa maadooyinka cilmiga sida tusaale ahaan Iswiidhishka, taariikhda iyo aqoonta bulshada.

Iskool waxaa kale oo laga heli karaa macallimiin takhasus ah iyo kalkaaliyayaal arday. Macallimiinta takhasuska leh waxay haystaan waxbarasho ah inay wax u dhigaan ardayda u baahan taageero gaar ah. Kalkaaliyayaasha ardaydana waxay ardayda ka taageeri karaan waxyaabo kala duwan inta lagu jiro wakhtiga maalinti ee iskoolka. Ardayda iskool waa inay xitaa helaan dhakhtar iskool, kalkaaliso caafimaad oo iskool, la taliye, dhakhtar cilmi-nafsi iyo macallimiin takhasus leh.

Iskool waxaa ka shaqeeya xitaa shaqaalo kale oo badan, tusaale ahaan waardiye, hogaamiye wakhti firaaqo, la taliye waxbarasho, cunto kariye iyo qof ka shaqeeya maktabadda iskoolka.

Qofka madaxda ka ah iskool waxaa lagu magacaabaa maamule. Waa maamulaha qofka leh mas'uuliyadda ugu sareysa ee iskoolka.

Waa kuwee doorarka xirfadeed ee ka jira iskoolka dalka ama dalalka aad horey ugu soo noolayd?

Doorka macallinka

Macallin waa qofka mas'uul ka ah in la qorsheeyo oo la socodsiiyo waxbarashada iyo in la dhiibo shahaado. Laakiin macallin wuxuu xitaa leeyahay waajibaad badan oo kale.

Waa inay jirto is aaminaad u dhaxaysa macallimiinta iyo ardayda. Ardaydu waa inay aad u dareemaan amaan gudaha fasalka oo ay ku dhiiran karaan inay sheegaan haddii ay jirto wax aanay iyagu fahmayn. Haddii arday dareemo in macallin uu dan ka leeyahay waxaa sii fududaanaysa in wax la barto. Waxaa xitaa sii fududaanaysa in mas'uuliyad weyn la qaado dhinaca iskoolka oo laga qayb qaato oo raad lagu yeesho.

Macallin waa inuu arko oo u fiirsado arday walba. Tusaale ahaan in la weydiiyo ardayda sida wax ugu socdaan xilliga casharka ayaa macallin ku ogaan karaa waxa ay iyagu fahmeen iyo waxa aanay fahmin. Macallinka ayaa markaas waxbarashada waafajin kara oo tusaale ahaan u sharraxi kara qaab kale.

Sidee ayaa ay tahay in macallin fiican ahaado?

Iskool loogu talogalay dhammaan

Gudaha Iswiidhan si xor ah ayaa loo dooran karaa iskool. Tani micnaheedu waa in dadka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha ay xaq u leeyihiin inay ilmaha boos uga codsadaan dhammaan dugsiyada hoose-dhexe ee ku yaala degmadan. Dadka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha waxay xitaa boos ka codsan karaan dugsiyada hoose-dhexe ee madaxa banaan, kuwa ku yaala gudaha iyo banaanka degmada ilmuhu ku noolyahay labadaba.

Iskoolku waa inuu isku qiimo ahaado dalka oo dhan. Tani micnaheedu maaha inay tahay in waxbarashada u qaabaysnaato si isku mid ah meel walba. Ardaydu way kala duwantahay oo taasi way u fiicantahay fasal iskool. Waxaynu dhammaanteen ku kala duwanahay aasaaska, waayo aragnimooyinka iyo awoodaha. Iskoolku waa inuu taas u arko wax fiican oo waxbarashada iyo deegaanka iskoolka waafajiyo ardayda kala duwanaanshooyinkooda.

Iskoolka waxaa mas'uuliyad gaar ahi ka saarantahay ardayda ay ku adagtahay inay gaaraan hadafka oo waa inay ku casuumaan taageero dheeraad ah kuwa u baahan taas. Iskoolka hadafkiisu waa in ardayda oo dhan ay awoodaan inay ka qaybqaataan waxbarashada gudaha fasalkooda wakhtiga oo dhan laakiin mararka qaarkood waxaa ka sii fiicnaan karta in wax lagu barto gudaha koox yar.

Macallimiinta iyo iskoolku waa in filitaano sare ay ka filayaan ardayda oo dhan. Iyagu waxay filayaan in horumar ay dhammaantood sameeyaan, maaha oo keliya ardayda uu iskoolku u fududyahay. Xitaa ardayda u baahan taageero dheeraad ah waa inay sameeyaan horumar.

Iskoolku waa inuu xitaa hubsado in ardayda oo dhan haystaan xuquuqo iyo fursado isku mid ah in ay horumaraan, taas oo aan ku xirnayn jinsi, shakhsiyadda jinsi, diin ama caqiido kale, hoos u dhac awoodda laxaadka ah, qawmiyadda laga soo jeedo, dookha noocyada galmada iyo da'da. Iskoolada qaarkood tani way ku adkaan kartaa oo waxaa jiri kara sababo kala duwan oo arrintan ah. Waxay ahaan kartaa inay gabaabsi ku yihiin macallimiin aqoon leh. Waxay xitaa ku xirnaan kartaa in iskoolkan ku yaaloo xaafad faquuqan ama in ardaydu aanay dardargelin ka haysan waalidka iyo dadka kale ee waaweyn ee u dhow. Tani badanaa waa sababo isku darsamay. Iskool leh dhibaatooyin badan wuxuu xitaa noqdaa mid ardaydu aanay jecleyn. Ardayda qaarkood waxay raadsadaan iskoolo kale haddii ay fursad helaan. Tani waxay raad ku yeelan kartaa iskoolka dhaqaalihiisa oo sii adkayn kartaa in iskuulku sii fiicnaysiiyo xaaladan.

Iskoolku waa inuu meel amaan ah u ahaado ardayda oo dhan. Carruurtu waa inay mar walba la hadli karaan macallimiinta iyo dadka kale ee waaweyn ee iskoolka haddii ay u arkaan in si xun ay ula dhaqmeen arday kale ama dad waaweyn oo jooga iskoolka.

Cidnaba maaha in lagu dhibo takoorid, dhibaato jinsiyan ah ama hab dhaqan kale oo xad gudub ah gudaha iskoolka. Iskoolku taas ma oggola. Iskoolka waxaa waajib ku ah inay ka shaqeeyaan sidii taasi aanay u dhicin.

Hab dhaqan xadgudub ah wuxuu ahaan karaa tusaale ahaan in macallin arday ugu yeero qof buuran fasalka hortiisa, in arday qaato buugta arday kale ama in qof wejiga ka sameeyo calaamado xun. Xadgudubyada jinsiga waa dhacdo galmo la xiriirta taas oo xadgudub ku ah qof sharaftiisa. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in qof u eego qof kale qaab galmo muujinaysa ama in qof taabto qof kale oo aan doonayn sidaas. Waxa kale oo ay ahaan kartaa hadalo, tusaale ahaan amaan aan la doonayn iyo soo jeedin la xiriirta galmo.

Haddii ilmo ama arday lagu dhibo hab dhaqan xadgudub ah, takoorid ama dhibaatooyin jinsi ah marar soo noq-noqday waxaa badanaaba tan lagu magacaabaa in dhowr qof isku kaashadaan in qof la dhibo.

Waa muhiim in adigu waalid ahaan aad kala hadasho ilmahaaga waxa ka dhacaya nolosha ilmaha, tusaale ahaan dhinaca dugsiga xanaanada, iskoolka iyo intarnatka. Hadddii adigaaga ah waalid aad ogaato in ilmahaaga loola dhaqmay si xun ama la isu kaashaday in la dhibo waxaa jira qaabab dhowr ah in aad caawiso ilmahaaga. Waxaad la xiriiri kartaa macallimiinta ilmahaaga ama maamulaha iskoolka. Iskoolka waxaa waajib ku ah inay ku caawiyaan. Waxaad xitaa la xiriiri kartaa Wakiilka carruurta- iyo ardayda oo qayb ka ah hey'adda dawladeed ee Kormeerida Iskoolada.

La dhaqan xadgudub ah, takoorid iyo dhibaateynadu mararka qaarkood waxay noqon karaan kuwa aad khatar u ah oo waxay noqdaan dhacdooyin dembi ah. Dhacdooyinka dembiga ah waa in mar walba la wargeliyo booliiska.

Carruurtu xaq ayay u leeyihiin xorriyadda diinta. Tani micnaheedu waa in carruurtu xaq u leeyihiin inay ku dhaqmaan diintooda xitaa gudaha iskoolka, gudaha dugsiga xanaanada iyo hoyga wakhti firaaqaha. Ma jirto wax tusaale ahaan ka hor istaagaya ilmo in tusaale ahaan duco lagu duceysto ka hor wakhtiga cuntada.

Iskooladu waa inay isku dayaan inay ardayda u fududeeyaan inay ku dhaqmaan diintooda, laakiin ma nidaamsana sida iskoolku ay tahay inuu sameeyo. Tani iskool walba isagaa go'aansanaya.

Sida ku cad sharciga iskoolkana iskoolada madaxa banaan waxay yeelan karaan jiheyn diini ah. Iskoolada degmadu leedahay ma loo oggola taas. Gudaha iskool leh jiheyn diini ahna ardaydu tusaale ahaan way wada tukan karaan subax walba ama lahaan karaan cunto iskool oo la haboonaysiiyay. Waa inay ahaato wax si xor ah loo doorto in laga qaybqaato wax diini ah oo noocan oo kale ah. Waxbarashadan laakiinse waa inay mar walba xor ka ahaato waxyaabo diini ah.

Ardayda oo dhan way helayaan guddida caafimaadka ardayda. Iyadoo la sii marayo guddida caafimaadka ardayda ayaa ilmuhu la kulmi karaa kalkaalisada caafimaadka ee iskoolka ama dhakhtarka iskoolka. Waxaa jira xitaa la taliye iyo dhakhtar cilmi-nafsi oo lala hadli karo haddii ilmuhu murugeysanyahay ama dareemayo liidasho cilmi-nafsi ahaan. Dhammaan shaqaalaha ka shaqeeya guddida caafimaadka ardayda waxaa waajib ku ah xog qarinta sirta. Tani micnaheedu waa in aan loo oggolayn inay waxyaabo ku saabsan ilmaha uga sheekeeyaan dadka kale haddii ilmuhu aanu oggolaan taas. Wax ka reeban waa haddii shaqaalaha guddida caafimaadka ardayda ay ogaadaan ama ka shakiyaan in ilmo khatar ugu jiro in waxyeelo soo gaarto.

Maxaa adigu qof weyn ahaan sameyn kartaa si aad u ogaato haddii ilmo dareemayo in la isku kaashaday in la dhibo ama lagu xadgudbay gudaha iskoolka?

Saameynta in raad lagu yeesho iskoolka

Dhinaca iskoolka Iswiidhishka waxaa aad looga hadlaa dimuqraadiyada. Mid ka mid ah hadafka iskoolka waa in ardaydu ku koraan inay noqdaan dad waaweyn oo leh ka qaybqaadasho oo qaada mas'uuliyad dhinaca waxa wadajirka u ah bulshada. Ardaydu waa inay bartaan inay ku noolaadaan dimoqradiyad oo gartaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda. Sidaas darteed waxbarashada waxaa badanaaba ku jira waajibaad ay ardaydu ku tababaranayaan waxa dimuqraadiyad tahay.

Maanta waxaynu haysanaa iskool kaas oo ardaydu ay ku bartaan inay si xor ah u fikiraan oo waxay fursad u haystaan inay raad ku yeeshaan waxbarashadooda. Macallinka ayaa hogaamiye u ah kooxda, laakiin xiriirka u dhaxeeya arday iyo macallin waa mid siman.

Iskoolka Iswiidhishka wuxuu leeyahay mabda'yo ka yimi Qaramada Midoobey sharraxaadeeda guud ee xuquuqda bani'aadamka. Mabda'a wuxuu ku saabsanyahay sida aynu isula dhaqano carruur ahaan, dhalinyaro ahaan iyo dad waaweyn ahaan. Taas micnaheedu waa in cidnaba aan loo oggolayn inay qof kale ula dhaqmaan si xun dhinaca gudaha iskoolka Iswiidhishka. Carruurta oo dhan waa inay lahaadaan fursado isku mid ah.

Ma ku filna oo keliya in iskool baro dimuqraadiyada. Waxbarashada waa in loo socodsiiyo qaab dimuqraadiyad ah. Ardaydu waa inay ka qaybqaataan qorsheynta iyo qiimeynta waxbarashada maalinlaha ah oo doortaan koorsooyin, maadooyin, mawduucyo iyo hawlo. Qaabkaas ayay ardaydu ugu tababaranayaan inay qayb ahaadaan oo raad ku yeeshaan.

Ardaydu waxay xaq u leeyihiin saameyn ku yeeshaan waxbarashadooda iyo deegaankooda shaqo. In saameyn lagu yeesho iyo fursada in raad lagu yeesho waxay kordhisaa xiisaha in wax la barto oo la qaado mas'uuliyad gaar u ah.

Waxaa jira qaabab kala duwan in raad lagu yeesho. Kulamada fasalka iyo guddida fasalka waa laba qaab oo carruurtu ay raad ku yeelan karto fasalka gaarka u ah. Iskoolada badankooda waxaa ka jira xitaa guddi arday taas oo raad ku yeelan karta iskoolka oo dhan. Guddida ardayda waa koox arday ah oo ka tirsan fasalada kala duwan iyo sanad-dugsiyeedyada iskoolka. Guddida ardayda waxay ka shaqeeyaan arrimaha badanaaba khuseeya ardayda iskoolka oo dhan, tusaale ahaan qawaaniinta nidaamka ee iskoolka, meesha halka baaskiilada la dhigto ay tahay inay ahaato ama arrimaha jedwalka.

Wada shaqaynta u dhaxaysa waalidka iyo iskoolka

Gudaha Iswiidhan waxaa jirta in laga filayo waalidka inay ka qaybqaadashu ku lahaadaan hawsha iskoolka ee ilmahooda. Waalidka, macallimiinta iyo ardayda ayaa si wadajir ah uga shaqeeyaa sidii carruurtu ay u heli lahaayeen xaalada ugu fiican ee suurtagal ah gudaha iskoolka. Shaqaalaha iskoolka waxay doonayaan in waalidku ay ku firfircoonaadaan dhinaca nolosha carruurtooda iyo in waalidku ogaadaan oo fahmaan waxa ardaygu ka sameeyo gudaha iskoolka.

Waalid ahaan waxaa lagugu casuumi doonaa wada hadalka horumarka. Xilliga wada hadalka horumarka ayaa ardayga iyo macallinku ka hadlaan sida wax ugu socdaan dhinaca maadooyinka kala duwan iyo hadafyada horumarka ee ay tahay in ilmuhu lahaado ka hor nus sanad-dugsiyeedka soo socda. Waxaa xitaa jiri kara su'aalo adigu waalid ahaan ay tahay inaad ka sii fikirto ka hor kulankan. Haddii aad leedahay af hooyo oo aan ahayn Iswiidhish waxa aad xaq u leedahay turjubaan xilliga wada hadalkan.

Adiga waxaa xitaa lagugu casuumi doonaa kulanka waalidka. Kulanka waalidka waxaa macallimiinta iyo mararka qaarkood maamulaha iskoolka ka hadlaan sida iskoolku u shaqeeyo, sida jedwalku u eegyahay, sida fasalku u shaqeeyo, wixii ku saabsan mabda'a iskoolka iyo waxyaabo dheeraad ah.

Waxaa xitaa adigu aad heli kartaa fursad aad ku muujiso xiisahaaga fasalkan iyadoo loo sii marayo tusaale ahaan caawinta xaflad fasal ama safar fasal. Tani wuu jecelyahay iskoolku oo waxay kaalmeysaa qoyska oo dhan fahamkooda dhinaca iskoolka.

Iskoolo badan, iyo dugsiyo xanaano, waxay ardayda iyo waalidka kula xiriiraan dhinaca ii-maylka iyo aabyo. Waxaa aad kuugu sii fududaanaysaa adigaaga waalidka ah inaad hesho macluumaadka ka imanaya iskoolka haddii aad haysato kombiyuutar ama moobil casri ah iyo cinwaan ii-mayl ah.

Waalid ahaan mar walba waad la xiriiri kartaa macallin, maamulaha iskoolka ama kooxda caafimaadka ardayda si aad u weydiiso su'aalo ama kala hadasho wixii ku saabsan ilmahaaga.

Waa maxay khataraha jira ee in qofku aanu ka qaybqaadan hawsha iskoolka ee ilmahiisa?

Haddii aad hayso aragtiyo ama aanad ku qanacsanayn wax ah gudaha iskoolka

Haddii aad hayso aragtiyo ama aanad ku qanacsanayn wax khuseeya ilmhaaaga hawshiisa iskoolka waxaad la xiriir kartaa macallin ama maamulaha iskoolka. Haddii ay kula tahay in macallin ama maamuluhu aanu ku dhegaysan waxaad la xiriir kartaa hogaanka iskoolka. Hogaanka iskool degmo waa degmada aad adigu ku nooshahay. Hogaanka iskool madax banaan waa maamulka iskoolka. Haddii ay kula tahay in aragtiyahaaga weli aan muhiimad la siinayn waxaad dacwad u diri kartaa Kormeerka Iskoolada. Kormeerka Iskoolada waa hey'adda dawladeed ee ka warhaynta iskoolada Iswiidhishka. Hey'ad dawladeed oo ka warhayn waa hey'ad dawladeed oo hubinaysa in hawsha, tusaale ahaan iskool, ay ka soo baxdo shuruudaha laga rabo.

Guurid

Ka fikir in haddii aad guureyso oo aad haysato carruur dhigata dugsiga xanaanada ama iskool laga yaabee aad u baahantahay inaad ilmahaag u codsato boos cusub oo dugsi xanaano ama iskool cusub. La hadal degmada wixii ku saabsan waxa ansaxa ka ah gudaha degmadaada.