Carruurta xuquuqdooda iyo Heshiiska Xuquuqda Carruurta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 5 10 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Carruurta xuquuqdoodu waxay ku qorantahay Heshiiska Xuquuqda Carruurta, kaas oo Iswiidhan saxeexday. Waa dawladda ta leh mas’uuliyadda ugu sareysa si loo hubsado in Heshiiska Xuquuqda Carruurtalagu dhaqmo. Waxaa xitaa muhiim ah in waalidku ogaado nooca xuquuqda carruurtu leeyihiin si ay u taageeraan ilmahooda si ay u awoodaan in xuquuqdoodu rumoobaan.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay carruurta xuquuqdooda iyo Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Adigu waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan Heshiiska Xuquuqda Carruurta, waxa xuquuqaha ku jira qaraarkan micno ahaan u leeyihiin waalidka iyo cidda ay tahay inay ku dhaqanto qaraarka carruurta.

  • Xaqa loo leeyahay nolol qoys

    Carruurtu waxay leedahay xuquuq gaar ah, waana bulshada mas’uuliyadeeda in la hubiyo in xuquuqdan rumoobaan. Carruurta oo dhan waxay leedahay xuquuq isku mid ah, waana isku qiime. Maaha in ilmo la takooro.

    Carruurta xuquuqdooda waxaa lagu ururiyay Qaramada Midoobey qaraarkeeda xuquuqda carruurta, Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Waxa ku qoran waxyaabo ay ka mid tahay in carruurta oo dhan ay xaq u leeyihiin inay ku koraan amaan iyo in waxa u fiican ilmaha mar walba la siiyo muhiimad xilliga go’aan khuseeya carruur. Waxa kale oo ku qoran in carruurta laga ilaaliyo dagaal iyo cudurro iyo in aragtida ilmaha la ixtiraamo.

Heshiiska Xuquuqda Carruurta

Heshiiska Xuquuqda Carruurtawaxaa ku jira xuquuq ay tahay in dhammaan carruurta aduunka ay lahaadaan. Qaraarkan wuxuu khuseeyaa dhammaan carruurta ah da'da 0–18 ee ku nool ama jooga dal. Iswiidhan way saxeexday Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Tani micnaheedu waa in xuquuqda ku jirta Heshiiska Xuquuqda Carruurta ay khuseyso dhammaan caruurta ku nool gudaha Iswiidhan, ma ku xirna haddii ay yihiin muwaadin Iswiidhish ah, haddii ay si ku meel gaar ah ugu noolyihiin Iswiidhan ama haddii ay yihiin magan-gelyo doon. Qoraalkan waxa lagu sharraxayaa dhowr ka mid ah xuquuqaha ku qoran Heshiiska Xuquuqda Carruurta, laakiin maaha dhammaantood.

Heshiiska Xuquuqda Carruurta mabaadi'diisa aasaasiga ah

Heshiiska Xuquuqda Carruurta waxaa ku jira 54 qaanuun, laguna magacaabo qodobo. Qodobada oo muhiimadoodu waa isku mid, laakiin waxaa jira afar qodob oo hagid ah oo ay tahay in aynu ka fikirno marka aynu akhrinayno qodobada kale.

Afartan qodob waa Heshiiska Xuquuqda Carruurta mabaadi'diisa aasaasiga ah:

  • Qodobka 2 wuxuu ku saabsanyahay in carruurta oo dhan ay isku qiimo tahay oo leedahay xuquuq isku mid ah. Maaha in ilmo la oggolaado in la takooro.
  • Qodobka 3 wuxuu ku saabsanyahay carruurta waxa dantooda ugu fiican ah. Siyaasiyiinta, hey'addaha dawladda iyo maxkamaduhu waa inay mar walba ka fikiraan waxa ugu fiican ilmahan dhinaca dhammaan go'aanada raad ku yeelanaya ilmo.
  • Qodobka 6 wuxuu ku saabsanyahay in carruurta oo dhan ay xaq u leeyihiin inay noolaadaan oo horumaraan.
  • Qodobka 12 wuxuu ku saabsanyahay in carruurtu xaq u leeyihiin inay sheegaan aragtidooda, iyo in dadka waaweyn ay dhagaystaan ilmaha.

Qofkee ayay tahay inuu ku dhaqmo Heshiiska Xuquuqda Carruurta?

Dadka waaweyn oo dhan waxay mas'uul ka saarantahay inay ixtiraamaan, ilaaliyaan oo xoojiyaan carruurta xuquuqdooda. Waa dawladda Iswiidhan ta leh mas'uuliyadda ugu sareysa ee in Iswiidhan ay kaga rumeyso waxa ka qoran qaraarka carruurta. Tusaale ahaan waa in Iswiidhan sharciyadeeda iyo qawaaniinteeda gaarka u ah ay waafaqsanaadaan xuquuqaha qaraarka carruurta. Hey'addaha dawladda, maxkamadaha, degmooyinka iyo gobolada xitaa waxaa saaran mas'uuliyadda inay fuliyaan Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Tani micnaheedu tusaale ahaan waa in:

  • siyaasiyiinta gudaha degmo ay weydiiyaan carruurta sida aragtidoodu tahay ka hor intaanay go'aamin wax raad ku yeelanaya carruurta.
  • haddii ilmo waalidkiisu kala tagayaan oo aanay heshiis ku ahayn meesha ilmuhu ku noolaanayo markaas waa in maxkamadu weydiiso waalidka iyo carruurta labadaba sida ay doonayaan inay arrintu ahaato.
  • degmooyinku waa inay ka fikiraan waxa ugu fiican ilmaha marka ay tusaale ahaan dhisayaan guryo cusub, meel lagu ciyaaro ama iskool.
  • daryeelka caafimaadka iyo bukaanka iyo iskoolada waa inay ka shaqeeyaan in aan ilmo la takoorin.

Qaabkee ayay tahay in waalidku raaco Heshiiska Xuquuqda Carruurta?

Heshiiska Xuquuqda Carruurta wuxuu sheegayaa in dawladdu ay leedahay mas'uuliyadda ugu sareysa ee in la damaanad qaado xuquuqda carruurta. Laakiin adigu waalid ahaan ama qofka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha waxaad muhiim u tahay in la ilaaliyo xuquuqda ilmahaaga oo aad hubsato inay rumoobaan. Heshiiska Xuquuqda Carruurta wuxuu noqon karaa tilmaan iyo taageero dhinaca waalidnimada.

Waalidku waa inay raacaan sharciyada, kuwaas oo tixgelinaya Heshiiska Xuquuqda Carruurta.

Heshiiska Xuquuqda Carruurta waxaa ku qoroan in waalidka ama qofka kale ee haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha ay mas'uul ka yihiin barbaarinta iyo horumarka ilmaha. Tani waa xaq iyo waajib labadaba.

In la ahaado qofka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha micnaheedu waa in la haysto mas'uuliyadda ilmaha oo la hubiyo in ilmahan xaalad fiican haysto. Badanaaba dadka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha iyo waalidku waa qof isku mid ah.

Waalidka iyo kuwa kale ee haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha waxay xaq u leeyihiin taageero laga helo bulshada, tusaale ahaan degmada ama daryeelka caafimaadka iyo bukaanka.

Dhowr tusaale oo ka mid ah xuquuqda ku jirta Heshiiska Xuquuqda Carruurta

Maxaa run ahaanti micno ah oo Heshiiska Xuquuqda Carruurta u leeyahay carruurta, waalidka iyo dadka kale ee waaweyn ee ku jira noloshooda maalinlaha ah? Taas ayaad wax dheeraad ah ka akhrin doontaa qoraalka soo socda. Qoraalkan waxaa lagu sharraxayaa dhowr ka mid ah xuquuqaha ku qoran Heshiiska Xuquuqda Carruurta, laakiin maaha dhammaantood. Qoraalkan waxaa ku jira tusaalooyin ah sida adigu waalid ahaan aad uga fikiri karto dhinaca xuquuqaha kala duwan.

Carruurta oo dhan waa isku qiime

Carruurta oo dhan waa inay lahaadaan fursado iyo xuquuqo iski mid ah. Maaha in ilmo la oggolaado in la takooro. Taas micnaheedu waa in ilmo aan loola dhaqmin si ka liidata qof kale sababtoo ah in ilmahan tusaale ahaan:

  • leeyahay jinsi gaar ah.
  • leeyahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah.
  • leeyahay waalid ku dhashay dal cayiman.
  • leeyahay diin gaar ah.
  • leeyahay qoys hodan ama sabool ah.
  • ku hadlo luqad gaar ah.

Tusaale ahaan waa in gabdhaha iyo wiilasha labaduba awooddaan inay doortaan inay ciyaaraan kubadda cagta ama dhaansiga.

Carruurta marnaba maaha in loo geysto dhibaatooyin, cunsuriyad, dhowr qof isku kaashadaan in qof la dhibo ama la dhaqan kale oo xadgudub ah. Waa muhiim in adigu waalid ahaan aad kala hadasho ilmahaaga waxa ka dhacaya nolosha ilmaha, tusaale ahaan dhinaca dugsiga xanaanada, iskoolka iyo intarnatka.

Carruurta wanaagooda ayaa kaalinta kowaad ah

Marka dadka waaweyn gaarayaan go'aan raad ku yeelanaya ilmaha waa inay mar walba ka fikiraan waxa ugu fiican ilmaha. Marka tusaale ahaan siyaasiyiinta, hey'addaha dawladeed, iskoolada iyo maxkamaduhu go'aaminayaan waxyaabo raad ku yeelanaya carruur waa inay mar walba ka fikiraan waxa ugu fiican ilmaha. Tani waxay khuseysaa iyadoo aan ku xirnayn haddii ay tahay ilmo keliya ama koox carruur ah kuwa raad uu ku yeelanayo go'aankan.

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay noolaadaan oo horumaraan

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay noolaadaan oo horumaraan. Iyagu wax badan ayay u baahanyihiin si ay ugu horumaraan qaab fiican, tusaale ahaan guri, xasilooni, jeceyl, daryeelka bukaanka iyo waxbarasho.

Carruurtu mararka qaarkood waxay u baahan karaan caawimaad dheeraad ah iyo taageero, tusaale ahaan dhinaca casharada guriga lagaga soo shaqeeyo ama taageero dhinaca xiriiryada. Carruurta qaarkoodna waxay u baahanyihiin dawooyin ama qalab caawimaad oo dheeraad ah, sida kursiga dadka aan socon karin ama aaladda dhegaha.

Waa ugu horeyn waalidka iyo dadka kale ee haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha kuwa ay saarantahay mas'uuliyadda in carruurtu ku koraan xasilooni oo helaan baahidooda oo laga haqabtiro. Haddii waalidku u baahanyahay taageero ayaa bulshadu awooddaa, tusaale ahaan adeegga arrimaha bulshada, ku casuumaan taageero iyo caawimaad.

Carruurtu waa inay sheegaan waxa ay tahay fikradoodu

Carruurtu waxay xaq u leedahay inay sheegaan waxa ay tahay fikradooda ku saabsan waxa raad ku yeelan kara noloshooda, oo dadka waaweyn waa inay dhegaystaan. Hey'addaha dawladda iyo maxkamaddaha waa inay tusaale ahaan weydiiyaan ilmaha waxa fikradoodu tahay oo dhegaystaan ilmaha marka ay go'aaminayaan waxyaabo raad ku yeelanaya ilmaha. Tusaale ahaan waa in siyaasiyiinta degmo weydiiyaan carruurta waxa fikradoodu tahay ka hor intaanay iyagu go'aamin wax raad ku yeelanaya carruurta.

Carruurta waa in laga ilaaliyo rabshad dagaal ah iyo xadgudub

Heshiiska Xuquuqda Carruurta iyo sharciyada kale ee gudaha Iswiidhan way mamnuucayaan wax kasta oo ah rabshad dagaal oo lagula kaco carruurta. Gudaha Iswiidhan waxaa mamnuuc ka ahayd in la garaaco ama rabshad kale oo dagaal lagula kaco carruurta tan iyo 1979.

Mamnuuciddan waxay khuseysaa dhammaan iyo meel walba – gudaha guriga iyo gudaha bulshada oo dhan.

Rabshad dagaal oo lagula kaco carruur waa marka qof ilmo xanuujiyo. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan:

  • Rabshad dagaal oo jir ahaan ah: Rabshad dagaal oo jir ahaan ah waa dhammaan qaababka dagaal lagula kaco jirka. Xitaa garaacis fudud, in la jiido timaha iyo in la qanjiiriyo waa rabshad dagaal oo jir ahaan ah.
  • Dagaal maskax ahaan ah: Dagaal maskax ahaan ah wuxuu ahaan karaa hanjabaad, cabsi gelin, in la iska indhatiro ama meel lagu qufulo ilmo. Waxa kale oo ay ahaan kartaa in ilmo loogu yeero waxyaabo xun iyo waxyaabo nacasnimo ah tusaale ahaan qof nacas ah ama qof aan qiimo lahayn. Dagaal maskax ahaan ah wuxuu dhaawici karaa dareenka ilmaha ee isku kalsoonida iyo horumarka weliba si la mid ah rabshada dagaalka ee jir ahaan.
  • Xadgudubyo galmo ah: Dhammaan dhacdooyinka galmo ee dhaca iyadoo qof aanu raali ka ahayn waa xadgudubyo galmo. Dhacdo galmo lala sameeyay ilmo mar walba waa xadgudub.
  • Guurka khasabka ah iyo guurka carruurta: In la khasbo ama lagu khiyaamo ilmo in loo safro dal kale si loogu guuriyo.
  • Goynta xubnaha taranka iyo gudniinka gabdhaha iyo haweenka.
  • Dembiga in carruur lagu khasbo araga ama maqalka dembi: Waa sharci darro in lagu dhibo carruur inay arkaan ama maqlaan dembiyada qaarkood dhinaca xiriir dhow. Carruur maaha inay u baahdaan inay arkaan ama maqlaan tusaale ahaan jir-dil, hanjabaad ama xadgudubyo galmo oo u dhaxeeya waalidka, walaalada ama qaraabada. Tani micnaheedu waa in rabshad dagaal oo dhex maraysa waalidka ay xitaa tahay rabshad dagaal oo lagula kacay ilmo. Dembigan waxaa lagu magacaabaa dembiga in carruur lagu khasbo araga ama maqalka dembi.
  • In ilmaha aan la siin daryeel fiican oo ku filan: Waalidka iyo dadka kale ee haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha maaha inay faraha ka qaadaan inay ilmaha siiyaan tusaale ahaan cunto, dhar iyo daryeelka bukaanka.

Carruurtu waxay doonayaan in dadka waaweyn arkaan, wax weydiiyaan oo wax qabtaan

Waa dhammaan dadka waaweyn mas'uuliyadooda inay ilaaliyaan carruurta oo hubsadaan in aan iyaga loo gaysan rabshad dagaal iyo xadgudub. Dadka waaweyn oo dhan waa inay wax ka qabtaan marka ilmo loo gaysto rabshad dagaal. Ma ku xirna haddii ay tahay rabshad dagaal maskax ahaan ah, dagaal jir ahaan ah, rabshad dagaal oo galmo ah ama rabshad iyo cadaadin la xiriira dhowrista sharafta qoyska.

Cid walba oo ka shakisan in ilmo laga yaabee dhibaataysanyahay waxay la xiriiri kartaa adeegga arrimaha bulshada. Tani waxaa lagu magacaabaa in la sameeyo wargelinta welwelka. Wargelin micnaheedu maaha inaad adigu dacweysay tusaaale ahaan waalid, laakiin waxaad samaysay wargelinta welwel aad ka qabto ilmo. Haddii shaqaalaha dugsiga xanaanada, iskoolka ama daryeelka caafimaadka ka shakiyaan in ilmo dhibaataysanyahay, waxaa khasab ku ah sida ku cad sharciga inay wargeliyaan arrintan adeegga arrimaha bulshada.

Haddii aad ka shakido in rabshad dagaal ama xadgudub dhacayo waa inaad mar walba wargelisaa booliiska oo wacdaa telafoon lambarka 114 14. Markay jirto khatar deg-deg ah waa inaad wacdaa 112.

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin nolol khaas u ah

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin nolol khaas u ah. Tani micnaheedu tusaale ahaan waa in:

  • adigu waalid ahaan aanad akhrin buugga xusuus qorka ee ilmahaaga, fariimaha ku jira moobilka ilmahaaga ama fariimaha sheekaysiga ee kombiyuutarka.
  • carruurtu waa inay awooddaan inay albaabka soo xirtaan oo ay nabad ku joogaan.
Ilmo fadhiya qol oo ag jooga miiska wax lagu qorto oo wax sawiraya iyadoo albaabku xiranyahay.

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin ciyaar, nasasho iyo wakhti firaaqo

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay ciyaaraan oo sameeyaan waxyaabo xiiso u leh wakhti firaaqahooda, tusaale ahaan sawir rinjiyeyn, isboorti, ciyaaridda qalab, ciyaaridda masrax ama ka mid ahaadaan urur.

Carruurtu waxa kale oo ay xaq u leeyihiin nasasho. Iyagu waa inay fursad u helaan inay dib u soo kabasho ka dib iskoolka ama hawlaha wakhti firaaqaha.

Carruurtu mararka qaarkood waxay caawimaad ka gaystaan cunto karinta, haynta walaalada ka yar iyo waajibaad kale gudaha qoyska iyo guriga. Laakiin waajibaad guriga ah oo culus oo wakhti badan u baahan waxay ilmaha ka xannibi karaan ciyaarta, nasashada iyo wakhti firaaqaha.