Nidaamka iskoolka Iswiidhishka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 19/9-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay nidaamka iskoollada Iswiidhishka. Waxaad akhrin doontaa sida dugsigu sameeyo si ardayda dhawaan yimi dalka ay dugsiga uga bilaabaan heerka saxda ah. Waxa kale oo aad akhrin doontaa wax ku saabsan waajibka iskool tegista iyo wada shaqaynta waalidka iyo iskoolka.

Qoraalku waxa kale oo uu ku saabsan yahay waxa uu iskoolka Iswiidhishka bixin karo haddii ardaygu u baahan yahay taageero dheeraad ah. Waxa kale oo aad akhrin doontaa wixii ku saabsan dugsiga sare iyo waxbarashada sare.

Carruurta oo dhan waxay xaq u leeyihiin waxbarasho. Waxbarashada aasaasiga ah waa khasab oo waa bilaash.

Gudaha Iswiidhan waa khasab oo waa bilaash dugsiga hoose-dhexe ee carruurta laga bilaabo sanadka ilmuhu buuxiyo lix jir. Carruurtu waxay xitaa xaq u leedahay dugsi xanaano laga bilaabo da’da hal sano.

In la aado iskool – xaq iyo waajib labadaba

Waa xaq iyo waajib labadaba in la aado iskool. Gudaha Iswiidhan waa waajib iskoolku laga bilaabo sanadka ilmuhu buuxiyo lix jir ilaa inta ilmuhu ka baxayo fasalka sanadka ugu sareeya ee dugsiga hoose-dhexe ama buuxinayo 18 jir.

Waajibka iskuulka micnaheedu waa in carruurtu dhigtaan iskuulka haddii aanay jirin sabab ansax ah oo keentay in aanay sidaas samayn. Labada waalid iyo iskuulka labadaba waxaa mas’uuliyad ka saarantahay inay hubiyaan in ilmuhu aado iskoolka. Waa wax iskeed loo doorto in la aado dugsiga sare iyo dugsiga sare ee la habboonaysiiyay.

Fasalka barbaarinta, dugsiga hoose-dhexe, dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay, dugsiga gaarka ah, dugsiga sare iyo dugsiga sare ee la habboonaysiiyay waa bilaash.

Waxaa jira sharciyo hogaamiya sida iskoolku uu ahaanayo si carruurta iyo dhalaanka oo dhan ay u awoodaan inay u horumaraan qaabka ugu fiican. Iskoolku waa inuu tixgeliyo ardayda baahiyahooda kala duwan. Wasaarada waxbarashada ayaa ah hey'adda dawladeed ee ay tahay inay hubiso in dhammaan carruurta iyo ardayda ku jira iskoolada Iswiidhishka ay helaan waxbarasho leh tayo fiican oo ka jirta deegaan amaan ah.

Maxaa jira oo ah sababo ansax ah in aan la aadin iskool, maxaad u malaynaysaa?

Daraasada ardayda aqoontoodi hore

Carruurta timi Iswiidhan iyagoo ah da'da 6–18 jir ee iskool ka soo dhigatay dal kale ayaa ay ku daraasadeeyaan shaqaale iskool. Daraasadan ayaa shaqaalaha iskoolka ku ogaadaan waxa ilmuhu uu horey u yaqaanay.

Daraasadan waxaa lagu tixgeliyaa da'da, aqoonta hore iyo xaaladaha shakhsiga ah. Laba bilood gudahood oo ka bilaabmaysa marka ilmahaagu bilaabo iskoolka ayay tahay in maamulaha iskoolka ilmahaagu go'aamiyo sanad dugsiyeedka iyo fasalka ilmahaagu ka mid ahaan doono. Daraasadan waxaa loo isticmaalaa xitaa sii wadida qorsheynta horumarka ilmahaaga. Inta ay socoto daraasadu waxaa la isticmaalaa turjubaan ama macallin ku hadla afka hooyo ee ilmahaaga.

Carruurta horey ugu noolayd Iswiidhan marka ay bilaabayaan iskoolka ma lagu sameeyo daraasad. Iyagu si caadi ah ayay u bilaabaan iskoolka.

Haddii ilmahaagu u baahanyahay tegista dugsi hoose-dhexe oo la habboonaysiiyay ama dugsi gaar ah

Dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay iyo dugsiga gaarka ah waa laba nooc oo dugsi hoose-dhexe oo la kala dooran karo oo si gaar ah loogu qaabeeyay carruurta leh hoos u dhacyada awoodaha laxaadka qaarkood.

Ka hor intaan ilmuhu billaabin dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay ama dugsiga gaarka ah waxaa la sameeyaa baaritaan ku saabsan nooca iskool ee ugu habboon.

Waalidka ama dadka haysta mas’uuliyadda sharci ee ilmaha waa inay oggolaanshahooda bixiyaan ka hor intaan ilmuhu billaabin dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay ama dugsiga gaarka ah.

Fasalka diyaarinta

Carruurta dhowaan timi Iswiidhan waxaa loogu talogalay waxa lagu magacaabo fasalka diyaarinta. Fasalka diyaarinta waxay ardaydu ku tababartaan afka Iswiidhishka iyo waxbarasho ah dhinaca maadooyinka kala duwan. Ardayda waxaa wax loo baraa sidii ay sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah u awoodi lahaayeen inay u gudbaan fasal ku yaala dugsiga hoose-dhexe ee caadiga ah. Waxbarashadan siyaabo kala duwan ayay ugu eekaan kartaa arday walba taas oo ku xiran da'da, luqadda guriga lagaga hadlo iyo aqoonta hore. Fasalo diyaarin ayaa ka jira degmooyin badan oo ku yaala gudaha Iswiidhan.

Waa maamulaha iskoolka qofka go'aamiya haddii arday dhigan doono fasalka diyaarinta.

Daraasadaynta gudaha dugsiga sare

Ardayda dalka ku cusub ee bilaabaysa la qabsashada luqadda dhinaca dugsiga sare barnaamijkiisa la qabsashada xitaa iyaga waa la qiimeeyaa aqoontooda. Waayo-aragnimooyinka hore ee iskool, luqadda- iyo aqoonta maadooyinka iyo waayho-aragnimooyinka xirfadeed ayaa la daraasadeeyaa.

La xiriir degmadaada

Degmadaada ayay waajib ku tahay inay ilmahaaga ku casuumaan boos ah iskoolka. Haddii aad haysato hal ama dhowr carruur ah oo u baahan boos ah dugsiga xanaanada, fasalka barbaarinta, dugsiga hoose dhexe ama dugsiga hoose- dhexe ee la habboonaysiiyay, dugsi gaar ah, dugsiga sare ama dugsiga sare ee la habboonaysiiyay waa inaad la xiriirto degmadaada. Degmada ayaa ku siin karta macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida aad adigu sameynayso.

Ilmahaaga waa in lagu casuumo boos ah dugsiga xanaanada afar bilood gudaheed laga bilaabo marka aad la xiriirto degmada ee aad wargelisay in ilmahaagu u baahanyahay boos ah dugsiga xanaanada. Haddii aad ilmahaaga u codsato dugsi xanaano oo gaar loo leeyahay waxaad sugi kartaa wakhti ka dheer afar bilood si loo helo boos.

Haddii ilmahaagu u dhaxeeyo 6 iyo 18 jir waa in ilmahaagu helo bilaabista dugsiga hoose, dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay, dugsi gaar ah, dugsiga sare ama dugsiga sare ee la habboonaysiiyay sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah.

Xanaanada carruurta

Ka hor intaan carruurtu bilaabin iskoolka waxay xaq u leeyihiin xanaanada carruurta. Xanaanada carruurta waa magac wada jir ah looguna talogalay hawlaha waxbaridda ee carruurta aadka u yar. Dhinaca xanaanada carruurta waxaa jira tusaale ahaan dugsiyada xanaanada, hoyga maalinti ee qoyska iyo hoyga xilli firaaqaha. Halkaas ayaa carruurtu joogi karaan wakhtiga ay waalidku shaqaynayaan ama wax baranayaan.

Waxaa jirta xanaano carruur oo dawladdu leedahay oo degmadu gacanta ku hayso iyo waxaa jirta xanaano carruur oo madax banaaan taas oo ay gacanta ku hayaan shirkado iyo ururo gaar loo leeyahay.

Dugsiga xanaanada iyo hoyga maalintii ee qoyska

Qaabka ugu caadisan ee xanaano carruur waa dugsiga xanaanada. Dugsi xanaano waxaa ka shaqeeya shaqaalo haysta waxbarasho macallinimo. Si la mid ah iskoolada ayaa dugsiyada xanaanada ay leeyihiin manhaj waxbarasho. Manhaj waxbarasho wuxuu sharraxaa waxa ay tahay in carruurtu barato.

Qayb ka mid ah xanaanada carruurta waxaa lagu magacaabaa xanaanada wax barida ama hoyga maalinti ee qoyska. Waa qof haysta waxbarasho macallinimo qofka ilmahaaga ku qaabilaya gurigooda, siinaya xanaano oo haya hawl dugsi xanaano oo leh hawlo wax barid ah. Carruurta dhigata dugsiga waxay ku tegi karaan hoyga maalintii ee qoyska ka dib iskoolka. Waxay markaas u shaqaysaa sidii hoyga wakhti firaaqaha.

Carruurta u dhaxaysa hal iyo shan sano waxay xaq u leeyihiin inay tagaan dugsiga xanaanada ama hoyga maalinti ee qoyska ka hor intaanay bilaabin dugsiga xanaanada xilliga da'da lix jir. Haddii aad tahay shaqo raadiye waxaa ilmahaaga ama carruurtaadu xaq u leeyihiin 15 saacadood oo xanaano carruur ah calaa toddobaadkiiba. Haddii aad fasax waalidnimo kula jirto walaal ka yar waxaa walaalada weyn ay xaq u leeyihiin 15 saacadood oo xanaano carruur ah calaa toddobaadkiiba.

Waalidku muhiim ayay yihiin dhinaca xanaanada carruurta. Iyaga ayaa si fiican u yaqaana ilmahooda. Marka ilmuhu bilaabayo dugsiga xanaanada ama hoyga maalintii ee qoyska markaas hal waalid ayaa la jooga ilmaha ilaa inta ilmuhu dareemayo xasilooni. Tani waxaa lagu magacaabaa la qabsiga iskoolka oo waxay badanaaba socotaa qiyaastii laba toddobaad. Dugsiyada xanaanada iyo hoyga wakhti firaaqaha waxay shaqaaluhu badanaaba ku casuumaan waalidka wada hadalka horumarka. Xilligaas ayaa shaqaaluhu ka sheekeeyaan sida ilmuhu ugu qanacsanyahay dugsiga xanaanada iyo sida ilmuhu u horumarayo. Adigaaga ah waalidkana waxaad xitaa ka sheekayn kartaa sida aad u aragto in dugsiga xanaanadu u shaqaynayo.

Wasaaradda waxbarashada waxay samaysay filim ku saabsan sida dugsiga xanaano u shaqeeyo. Filimkan waa af Iswiidhish. Wuxuu leeyahay qoraalo hoose oo ah af Iswiidhish, Carabi, Ingiriisi, Faransiis, Faarsi, Ruush, Soomaali iyo Yuukryan.

Iskoolka

Gudaha Iswiidhan waxaa carruurtu dhigtaan iskoolka laga bilaabo sanadka ilmuhu buuxiyo lix jir ilaa inta ilmuhu ka baxayo fasalka ugu sareeya ee dugsiga hoose-dhexe ama buuxinayo 18 jir. Hal sanad-dugsiyeed oo iskool wuxuu bilaabmaa gudaha Agoosto oo dhammaadaa gudaha Juun.

Immisa sano ayaa carruurtu dhigtaan iskoolka gudaha dalka ama dalalka aad horey ugu noolayd?

Ilmuhu wuxuu bilaabaa fasalka barbaarinta isla sanadka ilmuhu buuxinayo lix jir. Sanadka fasalka barbaarinta waa inuu dardargeliyo horumarka iyo waxbarashada ilmaha oo u diyaariyo iskoolka. Waxbarashadan waxaa ku jirta wax abuurid badan, in wax la ogaado iyo ciyaar. In la aado fasalka barbaarinta waa bilaash.

Hal sano ka dib fasalka barbaarinta waxaa bilaabma dugsiga hoose-dhexe. Dugsiga hoose-dhexe ayaa ardaydu ku bartaan maadooyin badan, tusaale ahaan taariikh, diin, aqoonta guriga, nijaaradda, isboorti, xisaab iyo luqadda.

Waxaa jira tilmaamo loogu talogalay waxa ay tahay in ardaydu ay barato dhinaca maadooyinka kala duwan iyo waxa ay tahay inay awoodaan marka ay dhammeeyaan iskoolka. Tilmaamahan ayaa lagu magacaabaa qorshayaasha koorsooyinka. Tusaale ahaan si arday u helo shahaado baasid ah dhinaca Isboortiga iyo caafimaadka ee fasalka 6 waa in ardaygu uu awoodo dabaasha 200 mitir, taas oo ugu yaraan 50 mitir tahay dhinaca dhabarka.

Carruurta leh hoos u dhacyo awoodda laxaadka ah mar walba ma ka soo bixi karaan inay dhigtaan dugsiga hoose-dhexe ee caadiga ah. Markaas ayaa taas baddalkeeda uu ilmuhu tagi karaa dugsi hoos-dhexe oo la habboonaysiiyay ama dugsi gaar ah. Waxbarashada halkaas waxaa la waafajiyay arday walba xaaladiisa iyo baahidiisa.

Iskoolka saamiga waa inuu carruurta qawmiyadda saamiga ah siiyo waxbarasho leh jiheyn saami ah. Iskoolka saamiga waa inuu gudbiyo bulshada saamiga ah hannaanyadeeda, aasaaska qiimeyntooda, dhaqamadooda iyo dhaxalkooda dhaqan oo la siiyo ardayda isla markaana la baro inay wax ku akhriyaan, ku hadlaan oo waxna ku qoraan luqadda saamiga. Iskoolka saamiga wuxuu la qiime yahay dugsiga hoose-dhexe fasaladiisa 1–6. Iskoolka saamiga waxaa laga helaa shan meelood oo ku yaala waqooyiga Iswiidhan.

Hoyga wakhti firaaqaha waa meel loogu talogalay ardayda iskoolka inay joogaan ka hor iyo ka dib maalin iskool marka waalidku shaqaynayaan ama wax baranayaan. Hoyga wakhti firaaqaha wuxuu u jiraa ardayda laga bilaabo fasalka barbaarinta iyo ilaa iyo da'da 13 jir oo badanaa waxaa laga helaa iskoolka dhismihiisa gaarka u ah. Hoyga wakhti firaaqaha wuu furanyahay xitaa xilliga fasaxyada iskoolka. Waa caadi in hoyga wakhti firaaqaha lagu magacaabo wakhti firaaqo.

Degmooyinka waa inay ku casuumaan hoyga wakhti firaaqaha ardayda dhigata degmada fasaladeeda barbaarinta, dugsigeeda hoose-dhexe, dugsigeeda hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay iyo iskuulada madaxa-banaan ee aan lahayn hoy wakhti firaaqo oo gaar u ah.

Waa dawladda ta mas'uulka ka ah in hoy wakhti firaaqe lagu casuumo carruurta dhigata dugsiga gaarka ah iyo iskoolka saamiga.

Dhammaan ardayda ku jirta dugsiga hoose-dhexe waxay helaan shahaado laga bilaabo qaybta sanad dugsiyeedka deyrta ee fasalka 6 laakiin maamulaha iskool ayaa go'aamin kara in ardaydu helaan shahaado laga bilaabo isla fasalka 4. Intaas ka dib waxay ardaydu helaan shahaado cusub nus sanad dugsiyeed walba ilaa iyo gu'ga gudaha fasalka 9 marka ay helaan shahaadadooda ugu dambeysa.

Shahaadadan waxaa loo dhigaa darajo ah, A, B, C, D, E iyo F. Shahaadada ugu sareysa waa A. Shahaadada F micnaheedu waa in ardaygu aanu ku baasin maado.

Carruurta leh luqad aan ahayn Iswiidhish oo u ah afka hooyo waxay xaq u yeelan karaan waxbarashada afkooda hooyo. Tani waxaa lagu magacaabaa waxbarashada afka hooyo. Si loo helo waxbarashada afka hooyo waa in ilmuhu leeyahay aqoono aasaasi ah dhinaca luqaddaas oo ku isticmaalo guriga maalin walba.

Carruurta leh af hooyo oo aan ahayn Iswiidhish waxay xaq u yeelan karaan waxbarashada Iswiidhish ah luqad labaad ahaan. Tani waa waxbarasho waafaqsan dhinaca luqadda Iswiidhishka.

Waafajino dheeraad ah iyo taageero gaar ah

Iskoolku waa inuu waxbarashada waafajiyo haddii arday u baahdo taas. Tusaale ah dhinaca waafajinaha dheeraadka ah waa:

  • caawimaada in la qorsheeyo maalinlaha iskoolka
  • tilmaamo si dheeraad ah u cad
  • alaab waxbarasho oo la haboonaysiiyay
  • macallin takhasus leh oo taageera ardayga muddo wakhti cayiman ah

Haddii waafajinaha dheeraadka ahi aanay ku filnayn waxaa ardaygu heli karaa taageero gaar ah. Tani waxay noqon kartaa tusaale ahaan:

  • xiriir joogto ah oo lala yeesho macallin takhasus leh muddo wakhti dheer ah
  • ku meelaynta koox waxbarasho oo gaar ah
  • kalkaaliye arday oo taageera ardayga inta lagu jiro maalinta iskoolka

Carruurtu waxay xitaa heli karaan hagid waxbarasho oo afka hooyo ah ama luqad ilmuhu uu horey wax ugu soo bartay. Hagida waxbarasho waxaa loo isticmaalaa in laga faa'iideyssto waxa ilmuhu horey u yaqaanay dhinaca maadooyinka kala duwan.

Dugsiga sare iyo waxbarashada sare

Marka ardaydu dhigtaan sanadka ugu dambeeya ee dugsiga hoose-dhexe ayay iyagu codsan karaan dugsiga sare. Waa wax qofku iskii u doorto in la dhigto dugsiga sare ee gudaha Iswiidhan. Tani xitaa waa bilaash. Dhalinyarada u dhaxaysa 16 iyo 20 jir waxay wax ka baran karaan dugsiga sare haddii ay soo dhammaystireen dugsiga hoose-dhexe. Ku dhowaad dhalinyarada oo dhan waxay doortaan inay sii wataan inay wax ka bartaan dugsiga sare.

Waxaa jira barnaamijyo badan oo kala duwan oo la codsan karo. Dugsiga hoose-dhexe ayaa badanaaba laga helaa la taliye waxbarasho oo caawin kara oo siin kara talobixin.

Si loo galo barnaamij xirfad ama barnaamijka isu diyaarinta jaamicaad xilliga dugsiga sare waxaa shuruud u ah shahaadooyin lagu baasay tiro maadooyin ah oo cayiman. Haddii qofku buuxiyo shuruudahaas waxaa taas lagu magacaabaa in qofku u qalmo in la codsado dugsiga sare.

Kuwa aan u qalmin inay codsadaan dugsiga sare waxay helayaan barnaamijka la qabsashada. Tani waa barnaamijyo kala duwan kuwaas oo ardayda fursad u siinaya inay galaan barnaamij qaran, ama keenaya inay iyagu heli karaan shaqo.

Waxbarashada dugsiga sare waxay keeni kartaa in la galo xirfado kala duwan, tusaale ahaan dhinaca laanta dhismaha, hawlaha carruurta iyo wakhti firaaqaha, xirfadda nijaaradda, daryeelka iyo xanaanada iyo waxyaabo dheeraad ah oo badan. Waxbarashadan waxay xitaa ardayga siin kartaa aqoonta loo baahanyahay si loo sii wato waxbarasho, tusaale ahaan dhinaca jaamicad ama jaamicad xirfadeed. Nidaamka shahaado ee dugsiga sare wuxuu la mid yahay ka dugsiga hoose-dhexe.

Xitaa ardayda dugsiga sare waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarashada afka hooyo, bartaan Iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah iyo helitaanka waafajino dheeraad ah iyo taageero gaar ah.

Dugsiga sare ee la habboonaysiiyay waxaa loogu talogalay dhalinyarada aan awoodin dugsiga sare shuruudiisa aqoonta sababtoo ah hoos u dhac awoodda garaadka ah ama dhaawac maskaxda ah.

Dhinaca dugsiga sare ee la habboonaysiiyay waxaa jira barnaamij ardayda u diyaariya xirfad cayiman. Waxa kale oo laga helaa barnaamijyo u diyaarinaya inay sii wataan waxbarasho, tusaale ahaan dhinaca kuliyadda dadka waaweyn.

Waxaa xitaa laga helaa waxbarashooyin wax laga barto goob shaqo, halkaas oo ardaydu ku tababaranayaan. Tani micnaheedu waa in qaybo ka tirsan waxbarashadan ay ka dhacdo goob shaqo. Ardayda dhigata waxbarasho tababar dhinaca dugsiga sare ee la habboonaysiiyay waxay joogaan hal ama dhowr goobood oo shaqo ugu yaraan nus ahaan waxbarashadan. Dhammaan barnaamijyadu waa afar sano dhererkoodu.

Kuwa doorta inay wax bartaan ka dib dugsiga sare waxay helayaan doorashooyin dhowr ah, tusaale ahaan kuliyadda shacbiga ee dadka waaweyn, jaamicad xirfadeed, jaamicad, jaamicad sare iyo waxbarashada dadka waaweyn ee degmada. Kuwa doonaya inay dhammaystiraan shahaadooyinkooda ama dhammaystiraan dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare waxay taas ka samayn karaan waxbarashada dadka waaweyn ee degmada, komvux.

La taliye waxbarashada iyo xirfadda ah ayaa ka caawin kara in la qiimeeyo heerka ay waxbarasho hore oo dal kale ahi ay taagantahay.

Sababtee ayay muhiim u tahay in dhalinyarada laf ahaantoodu doortaan nooca barnaamij ay iyagu ay doonayaan inay ka bartaan dugsiga sare?