Nolosha qoyska

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay nolosha qoyska. Adigu waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan sida ay tahay in waalid lagu ahaado dal cusub. Adigu waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan in la barbaariyo ilmo, nidaamyada dhinaca nolosha ilmo iyo in waalid loo ahaado ilmo ah da'diisu u dhaxaysa 13-19 sano.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay xitaa qaababka kala duwan ee loo noolaado ee loo dhiso qoys. Adigu waxaad akhrin doontaa sida ay u dhacdo in la is furo iyo nooca caawimaad ee aad heli karto marka dhibaato ka jirto qoyska iyo gudaha xiriiryada.

Carruurtu waxay leedahay xuquuq gaar ah, waana bulshada mas’uuliyadeeda in la hubiyo in xuquuqdan rumoobaan. Carruurta oo dhan waxay leedahay xuquuq isku mid ah, waana isku qiime. Maaha in ilmo la takooro.

Carruurta xuquuqdooda waxaa lagu ururiyay Qaramada Midoobey qaraarkeeda xuquuqda carruurta, Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Waxa ku qoran waxyaabo ay ka mid tahay in carruurta oo dhan ay xaq u leeyihiin inay ku koraan amaan iyo in waxa u fiican ilmaha mar walba la siiyo muhiimad xilliga go’aan khuseeya carruur. Waxa kale oo ku qoran in carruurta laga ilaaliyo dagaal iyo cudurro iyo in aragtida ilmaha la ixtiraamo.

In waalid lagu ahaado dal cusub

In la yimaado dal cusub waxay isbaddal weyn u tahay dadka waaweyn iyo carruurta labadaba. Mararka qaarkood waxaa carruurta u fududaan karta in la dhex galo dal cusub marka la barbardhigo dadka waaweyn. Carruurtu badanaaba waxay luqad cusub u bartaan si ka dhakhso badan waalidka. Tani waxay keeni kartaa in isbaddal ah doorarka gudaha qoyska. Dadka waaweyn ayaa ku tiirsanaan kara carruurtooda dhinaca la xiriirka bulshada. Ilmaha ayaa bilaabi kara inuu qaado mas'uuliyadda dhinaca waalidkiisa oo diyaariyo waxyaabo waalidku aanay awoodin. Tani waa mas'uuliyad aad u weyn in la saaro ilmo. Carruurtu maaha inay tusaale ahaan u turjubaan waalidkooda dhinca xiriirka hey'addaha dawladda, daryeelka bukaanka iyo iskoolka.

Waa muhiim in waalidku barto bulshada ay qoysku yimaadeen. Markaas ayay haystaan xaalado ay iyagu ku noqon karaan waalid xoog ah oo cad si ay u jawi xasiloon ugu abuuraan carruurtooda. Waalidka hela aqoonta iyo fahamka ku saabsan bulshada cusub sharciyadeeda, hannaanyadeeda iyo dhaqamadeeda way ku qanacsanaadaan oo dareemaan wanaag fiican. Oo haddii waalidku dareemaan wanaag waxay si fiican raad ugu yeelanaysaa carruurta caafimaadkooda iyo horumarkooda.

Ma bixin kartaa tusaale ah hawlaha waalid jooga dal cusub la kulmi karaan?

In la ahaado qofka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmo

Carruurtu waa in sida ku cad sharciga ay leeyihiin dad ka mas'uul ah sharciyan ilaa ay buuxinayaan 18 jir. Waa carruurta mas'uuliyiintooda sharciyan kuwa leh xaqa iyo waajibaadka in la daryeelo ilmaha ee haysta mas'uuliyadda sharciyan ee ilmaha ilaa inta uu buuxinayo 18 jir. Kuwa haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha badanaaba waa waalidka ilmaha. Dadka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmahawaxaa waajib ku ah inay masruufaan carruurtooda ilaa inta ay buuxinayaan 21 sano haddii ay wax ka bartaan dugsiga sare.

Mas'uuliyadda sharci ee ilmaha oo wadajir ah micnaheedu waa in dadka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha ay ka dhaxeyso mas'uuliyadda ilmaha. Iyagu waa inay si wadajir ah u go'aamiyaan waxyaabaha ku saabsan ilmahan. Dadka haysta mas'uuliyadda sharci ee wadajirka ah waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad isku mid ah xitaa haddii iyagu aanay wada noolayn. Labada haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmahaba waxay xitaa xaq u leeyihiin inay macluumaad isku mid ah oo ku saabsan ilmahooda ka helaan dugsiga xanaanada, iskoolka, daryeelka bukaanka, adeegga arrimaha bulshada, booliiska iyo hey'addaha dawladda ee kale.

Haddii laba waalid ahi ay is qabaan marka ilmo dhasho waxaa labada waalidba si ootomaatig ay wadajir u helaan mas'uuliyadda ilmaha. Balse tani waxay ansax tahay oo keliya haddii waalidku leeyihiin laba jinsi oo kala duwan sharciyan.

Haddii waalidku aanu is qabin, ama haddii labada waalidba yihiin haween, markaas qofka ummulay ilmahan oo keliya ayaa si otomaatig ah u helaya mas'uuliyadda sharci. Mas'uuliyad sharci oo la haysto keliyan micnaheedu waa in waalid keliya haysto mas'uuliyadda ilmahan. Lamaanaha aan is qabin waa inay buuxiyaan warqad ku saabsan qofka ah waalidka labaad ee ilmahan. Tani waxaa laga sameeyaa dhinaca qaybta sharciga qoyska ee degmada qofku ku noolyahay. Lamaanuhu waxay isla markaas samayn karaan wargelinta ah inay doonayaan inay wadajir u lahaadaan mas'uuliyadda sharci ee ilmaha.

Sharciga sharraxaya nooca mas'uuliyadda ay leeyihiin waalidka iyo kuwa haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha waxaa lagu magacaabaa sharciga waalidka. Sharcigan wuxuu dhaqangalay 1950. Wakhtigaas ku dhowaad qoysaska oo dhan waxay ka koobnaayeen hooyo, aabbe iyo hal ama dhowr carrur ah. Tani waxay raad ku yeelatay sida loo qoray sharcigan. Laakiin qoysasku siyaabo kala duwan ayay u eekaan karaan oo carruurna waxay ku iman karaan qaabab kala duwan. Qoys wuxuu ka koobnaan karaa tusaale ahaan dhowr waalid oo ka badan labo, laakiin sida ku cad sharciga waxaa ilmo yeelan karaa oo keliya hal ama laba waalid sharciyan.

Sidee ayaa waalid fiican ay tahay inuu ahaado?

Labada waalidba waxay mas'uul ka yihiin carruurtooda

Waa muhiim in labada waalidba ay ku dadaalaan daryeelka iyo horumarka ilmaha iyo inay ka qaybqaataan go'aanada khuseeya ilmaha. Heshiiska Xuquuqda Carruurta wuxuu sheegayaa in carruurtu ay xaq u leeyihiin labadooda waalidba.

Tani waxay khuseysaa inta ilmuhu korayo oo dhan, laga bilaabo dhalasho ilaa ilmuhu noqonayo qaan-gaar xilliga da'da 18 jir.

Waalidku waxay haystaan mas'uuliyad wadajir ah dhanka carruurtooda, xitaa haddii waalidku aanay wada noolayn. In waalidku wadajir u haystaan mas'uuliyad ilmaha waxay keentaa in ilmuhu wanaag dareemo, si fiican u horumaro oo xiriir fiican la yeesho waalidka.

Xitaa xiriirka u dhaxeeya labada waalid wuxuu muhiim u yahay ilmaha iyo in qoyska oo dhan dareemo wanaag. In loo soo guuro dal cusub waxay raad ku yeelan kartaa xiriirkan. In laga wada hadlo nolosha maalinlaha ah iyo waalidnimada waa qaab ah in lagu xoojiyo xiriirka u dhaxeeya waalidka.

Marka laga yimaado waalidka waxaa jiri kara dad badan oo kale oo waaweyn kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka iyo horumarka ilmaha. Tusaale ahaan ayeeyooyinka iyo awowyada, qaraabada kale, macallimiinta, tababarayaal, waalidka saaxiibadood ama shaqaalaha iskoolka ayaa micno weyn u leh.

In la barbaariyo ilmo – hawsha ugu muhiimsan aduunka

In waalid ama qof kale oo weyn oo qaraabo u ah ilmo la ahaado waxay ahaan kartaa hawsha ugu fiican uguna adag aduunka labadaba. Waxaa jira wax badan oo raad kugu yeelanaya waalid ahaan. Cadaadis, baahiyo gaar ah dhinaca ilmaha, shuruudaha dadka kale iyo dhacdooyin adag oo nolosha ah ayaad ku dareemi kartaa in aanad ku filnayn. In loo baado taageero waa wax dabiici ah gebi ahaanba. Qofna xor ma ka aha qalad oo ma loo baahna in taas la ahaado si loo noqdo waalid ama qof weyn oo fiican oo ku jira nolosha ilmaha.

Carruur waxay u baahantahay inay dareemaan taageero, amaan, jeceyl iyo inay ixtiraam ka helaan waalidkooda iyo dadka kale ee waaweyn. Sida ilmo loo barbaariyo waxay micno weyn u leedahay isku kalsoonida, is qiimeynta iyo dabeecadda ilmaha. Carruurtu waxay u baahanyihiin jeceyl badan oo ka badan in wax loo sheego. Carruurta hesha barbaarin amaan iyo kalgacal leh waxay xitaa si fudud u dabari karaan iskoolkooda oo badanaaba wanaag ayay dareemaan markay qof weyn noqdaan.

In la hago ilmaha oo haa iyo maya la yiraahdo dhinaca waxyaabaha kala duwan ee dhinaca nolosha ilmaha waa qayb ka mid ah in la ahaado waalid. Laakiin waalidku marnaba maaha inay mamnuucaan, ama oggolaadaan, waxyaabo ka hor imanaya xuquuqda ilmaha.

Carruurtu waxay u baahantahay dadka waaweyn caawimaadooda si ay u fahmaan una maareeyaan dareemadooda. Qofka weyn waa inuu tusaale ahaan u sharraxo ilmaha sababta qofka weyn ugu diidayo waxyaabaha qaarkood.

Carruurtu waxa intaas dheer oo ay u baahanyihiin fursada inay ka qaybqaataan hawlaha kala duwan ee ay diyaariyaan iskoolka iyo kuwa kale. Ilmaha iyo waalidka labaduba waxay wanaag ku dareemaan inay qayb ka ahaadaan bulshada cusub ee ay ku kori doonaan kuna noolaan doonaan.

Nidaamyada nolosha ilmaha

Carruurtu way doonayaan oo xaq u leeyihiin inay adigaaga waalidka ah kaka qaybqaataan oo kala hadlaan qawaaniinta iyo nidaamyada. Waxay ahaan karaan nidaamyada hurdada, ciyaaraha kombiyuutarka, waajibaadka iskoolka, ilko caddayashada, dhaq-dhaqaaqa, cuntada iyo cabbitaanka ama xadaynta dhinaca khamriga iyo tobaakada. Waxyaabaha qaarkood waxaa fiicnaan karta in lagala sheekaysto waalidka kale, si aad si wadajir ah u go'aamisaan nidaamyada iyo qawaaniinta carruurtiina. Laakiin dhammaanteen waynu kala duwanahay. Nidaamyada, qawaaniinta iyo xadyada waa in la waafajiyo ilmaha shakhsiyadiisa, da'da iyo biseylka.

Adigu waalid ahaan waa inaad xitaa ka taageerto ilmahaaga inuu horumaro, qaado mas'uuliyad oo is dabaro keli ahaan. Carruurtu mararka qaarkood waxay u baahan karaan taageero dheeraad ah iyo caawimaad, tusaale ahaan dhinaca in la abuuro xasilooni iyo deganaansho, caawimaada casharada ama taageero dhinaca xiriiryada dadka. Weydii ilmahaaga wixii ku saabsan saaxiibada oo u feejignow haddii ilmuhu u muuqdo inuu keli ahaan dareemayo ama ay is dagaaleen saaxiibada.

Mamnuucid in rabshad dagaal lagalu kaco carruurta

Gudaha Iswiidhan aragtida barbaarinta carruurta wax badan ayay is baddashay intii lagu jiray boqolkii sano ee ugu dambeeyay. Bilowgii 1900-yadii waalid badan waxay ahaayeen kuwa aad u adag oo waxaa muhiim ahayd in carruurtu ay qaataan amarka dadka waaweyn. In carruurta la garaaco waxay dad badan u ahayd qayb dabiici ah oo ka mid ah barbaarinta carruurta. Laakiin tan iyo 1979 in rabshad dagaal lagula kaco carruurta waxay mamnuuc ka ahayd Iswiidhan.

Carrruurta lagu cadadiyo rabshad dagaal waxay khatar weyn ugu jiraan dhibaato caafimaad oo jir ahaan iyo maskaxiyan ah, isla markiiba ka dib dhacdadan iyo ka dib inta lagu jiro koritaanka iyo nolosha qof weyn ahaan labadaba. Carruurta waxaa tusaale ahaan ku adkaan karta inay samaystaan xiriiryo xasiloon oo lala yeesho dadka kale oo waxaa ku sii adkaanaysa inay habeeyaan dareemadooda. Xitaa carruurta yar yar waxaa dhaawac ka soo gaaraa in la caddaadiyo ama ay arkaan rabshad dagaal ah. In ay soo gaarto caddaadis rabshad dagaal waxay mar walba tahay xadgudub khatar ah dhinaca isku kalsoonida ilmaha.

Fasaxa waalidnimo – in guriga lala joogo ilmo

In lagu jiro fasax waalidnimo waxay tahay inaad fasax ka tahay waxbarasho ama shaqo si aad u hayso ilmahaaga. Marka aad ku jirto fasax waalidnimo waxaad gunnada waalidka ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska. Taasi waa gunno loogu talogalay in aanad shaqayn ama wax baran karin.

Waa caadi in haweenka iyo ragga labadaba galaan fasax waalid, laakiin haweenka ayaa ka badan ragga sidaas ah. Si loogu dhiiro geliyo in rag badan galaan fasax waalid waxaa jira ayaamo gunno waalidnimo kuwaas oo aan lagu wareejin karan qofka kale ee haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha. Laakiin haddaad keligaa haysato mas'uuliyadda sharci ee ilmaha waxaad xaq u leedahay inaad ayaamaha gunnada waalidka oo dhan keligaa isticmaasho.

Hawlaha loogu talogalay kuwa fasaxa waalid ku jira

Waxaa jira hawlo kala duwan oo laguugu talogalay inaad samayso intaad ku jirto fasaxaaga waalidnimo haddii aad doonaysid inaad la kulanto dad kale oo fasax waalidnimo ku jira.

Sidee ayaad u ogaan kartaa nooca hawlaha loogu talogalay kuwa ku jira fasaxa waalidnimo ee ka jira degmadaada?

In waalid loo ahaado ilmo da'diisu u dhaxayso 13 iyo 19 jir

Waa kuwa da'doodu u dhaxayso 13 iyo 19 jir. Inta ay ku jiraan sanadahaas dhalinyaro badan waxay si dheeraad ah u noqdaan kuwo isku filan. Iyagu waxay bilaabi karaan inay ka fikiraan shakhsiyadooda, qofka ay yihiin iyo sida ay rabaan inay noqdaan. Adigaaga ah waalidka ama qofka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha waa inaad taageerto ilmahaaga da'diisu u dhaxayso 13-19 jir. Waa muhiim in loo oggolaado ilmaha da'diisu u dhaxayso 13-19 sano inuu gaaro go'aamo gaar u ah si ilmuhu u ahaado mid dheeraad u madaxbanaan. U oggolow ilmahaaga da'diisu u dhaxayso 13-19 jir inuu ka qayb ahaado go'aaminta nooca qawaaniinta noqonaya ansaxa.

Xilli ka mid ah da'da sideed iyo 14 jir ayaa carruurta badankoodu noqdaan baaluq, laakiin waxay dhici kartaa ka hor iyo ka dib labadaba. Baaluqid waa wakhtiga markaas uu jirku sameeyo isbaddalka carruur ku noqonayso qof weyn. Gabdhuhu badanaaba baaluqidda way kaga horeeyaan wiilasha. Waa caadi in kuwa da'doodu u dhaxayso 13-19 jir ay ka fikiraan galmada iyo jirka. Kula tali ilmahaaga UMO.se iyo YOUMO.SE, kuwaas oo ah boggag intarnet lehna macluumaad ku saabsan jirka, galmada iyo caafimaadka oo loogu talogalay dhammaan kuwa u dhexeeya da'da 13 iyo 20 jir. Ilmahaagu wuxuu xitaa la hadli karaa guddida caafimaadka ardayda ama rugta qaabilaada dhalinyarada.

Haddii aad u baahantahay taageero dhinaca waalidnimadaada ama dareemayso welwel dhinaca ilmahaaga da'doodu u dhexayso 13 iyo 19 jir waxaad raadsan kartaa caawimaad. Adigu waxaad tusaale ahaan la hadli kartaa dad kale oo waaweyn, ka qaybqaadan kartaa kooxo waalidka ah ama la xiriir guddida caafimaadka ardayda, rugta qaabilaada dhalinyarada ama rugta caafimaadka.

Sidee ayaa waalidku ilmahooda da'diisu u dhexayso 13 iyo 19 jir ugala sheekaysan karaa wixii ku saabsan dareemada iyo xiriiryada?

Qaababka kala duwan ee loo noolaado ee loo dhiso qoys

Hannaanyadeena iyo fikradahayagu waxay sheegayaan in qoys uu qaab cayiman u eekaado. Way fududahay in laga fikiro in qoys ka koobanyahay hooyo iyo aabbe iyo hal ama dhowr carruur ah. Laakiin waxaa jira qaabab badan oo kala duwan oo loo wada noolaan karo. Dhammaan xiriiryada lamaanaha ah ma doortaan inay carruur dhalaan oo qoys wuxuu ka koobnaan karaa laba waalid ah oo isku jinsi ah, tusaale ahaan.

Nooca guri ee ugu badan gudaha Iswiidhan waa guri hal qof ka kooban. Tani micnaheedu waa in qof keliya ku noolyahay gurigan (hoygan). Boqolkiiba 40 ah guryaha Iswiidhan waa guri qof keliya.

Haddii aad tahay qofka weyn ee keliya ee ku nool guri waxaa tan lagu magacaabaa qof keli ah. Adigu waad ahaan kartaa qof keli ah oo leh ama aan lahayn carruur.

Haddii dad waaweyn oo leh carruur ay is furaan waxaa ilmuhu wakhtiga oo dhan la noolaan karaa mid ka mid ah waalidka ama si isbaddel ah ula noolaan karaa labada waalidba, tusaale ahaan toddobaad dhaaf.

Haddii mid ka mid ah waalidku la kulmo lamaane cusub oo sidoo kale haysta carruur oo ay isu soo guuraan waxaa samaysma qoys weyn oo ay ku jiraan carruur leh waalid kala duwan. Qoys noocaas ah waxaa badanaaba lagu magacaabaa qoys dheeraad ah, sababtoo ah qoyskan waxay heleen xubno cusub oo "dheeraad" ah. Xubnaha qoyska dheeraadka ah waxaa badanaaba lagu magacaabaa carruur dheeraad ah, walaalo dheeraad ah iyo waalid dheeraad ah.

Guurka mecnihiis waa in laba qof isguursadaan. Iswiidhan waxaa la oggol yahay qofka in uu guursado marka uu gaaro 18 sano. Sharciga dalka ayee sidaan ku dhigan tahay. Sharciga waxuu khuseeyaa dadka dhamaantood xataa haddii uu san qofka aheeyn muwaadin iswiidhish. Waxaa laga yaabaa in dalal kale ka jiraan sharci ka duwan. Laakin Hey'adda dowlada Iswiidhan waxeey aqbalayaan lee guurka raacsan qaanuunka ama sharciga Iswiidhan.

Iswiidhan guurka looma fiiriyo dhanka jinsiga. Taasi mecnaheed waa in labada qof ee isku jinsiga ah is guursan karaan. Isku nikaaxiyaha rukhsada leh ma diido karo in uu isku nikaaxiyo labo qof oo isku jinsi ah. Laakin isku nikaaxiyaha ka tirsan urur diimeed, sida wadaadka masiixga joogo kaniisada iswiidhishka, waxuu kala dooran karaa in uu ogalaado ama diido. Haddii wadaada masiixga ah mid ka mid ah uu diido mid kale ayaa la weeydiisan karaa.

Gudaha Iswiidhan waa mamnuuc in la guursado carruur. Waxaa xitaa mamnuuc ah in la guursado wax ka badan hal qof.

Dadka xaas ah waxaa khuseeya sharciga lagu magacaabo sharciga guurka. Sharciga guurka waxaa ku jira waxyaabo ay ka mid yihiin qawaaniinta dhaxalka oo weli nool ee ku jiray guur caadi ahaan xaq u yeesho dhaxal. Haddii ay carruur jiraan waxay mar walba yeeshaan xaqa dhaxal.

Marka ee labo qof isla nool yihiin ayagoo isguursan, waxaa loo magacabaa sambo.

Gudaha Iswiidhan iyo dalalka Waqooyiga Yurub waxaa caadi ah in la ahaado lamaane wada nool. Waxa kale oo caadi ah in carruur la dhalo iyadoo aan la ahayn xaas. Waxaa jira sharci ah in la ahaado lamaane wada nool, sharciga dadka wada nool. Sharciga lamaanaha wada nool waxaa ku jira qawaaniin ku saabsan sida hoyga ay dadka wada nool ku noolyihiin iyo alaabta ay labadooduba mulkiilaha ka yihiin. Haddii mid ka mid ah dadkaas dhinto waxaa qofkii lamaanaha la nool ahaa xaq u leeyahay inuu ku sii noolaado gurigan ay wada lahaayeen. Lamaanaha wada nool waxay xitaa dhaxli karaan alaabta wadajirka u ahayd lamaanaha ee taala hoygan. Si lamaanaha kale u awooddo dhaxalka hantida kale, sida tusaale ahaan lacagta taala bangiga, waxaa khasab ah inuu jiro dardaaran qoraal ah.

Laba qof waxay xiriir u wada lahaan karaan qaabab badan oo u eeg xiriir lamaane wada nool ama guur laakiin dadkaas ma wada noola. Tani waxaa lagu magacaabaa kala noolaansho.

Sidee ayaa qoys u eekaan karaa gudaha Iswiidhan?

Furitaan

In la kala tago qof kale way adkaan kartaa, xitaa dhinaca kuwa aan is qabin laakiin wada nool sida tusaale ahaan lamaanaha wada nool. Noloshu si kedis ah ayay isu badashaa oo go'aamo badan oo waaqici ah ayaa la qaataa, gaar ahaan haddii carruur ku jiraan qoyskan.

Furitaanka iyo kala taga marka carruur ku dhex jiraan waxay mararka qaarkood keeni karaan iska hor imaadyo ku saabsan hoyga iyo la kulanka carruurta. Haddii idinkiina waalidka ahi aanaydin ku heshiin oo u baahantihiin taageero waxaad la xiriiri kartaan degmada qaybteeda sharciga qoyska. Idinku waxaad heli kartaan taageero inta kala tagu socdo iyo ka dib labadaba.

Haddii aad doonaysid inaad furitaan qaadato waa inaad la xiriirto maxkamadda degmada ee ku taala degmada aad adigu kaga jirto diiwaan-gelinta dadweynaha. Maxkamadda degmada waa maxkamad. Adigu halkaas ayaad ka codsanaysaa furitaanka. Tani waxaa xitaa lagu magacaabaa furriin.

Adiga iyo lamaanahaaga ayaa wadajir u buuxinaya codsiga. Gudaha Iswiidhan waxaad iska furi kartaa qofka aad is qabtaan xitaa haddii labadiinuba aanaydin doonayn inaad is furtaan. Markaas keligaa ayaad codsan kartaa furriin. Talobixinta qoyska ayaa kaa caawin karta arrintan.

Haddii adiga iyo lamaanahaagu aad si wadajir ah u codsataan furritaan oo aanaydin wada lahayn wax carruur ah waxay maxkamadda degmada bixin kartaa xukun (go'aan) sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah. Haddii aad leedihiin carruur ka yar 16 jir ama haddii mid idinka mid ah aanu doonayn inaad is furtaan waxaa la idin siinayaa wakhtiga ka soo fikirka. Taas micnaheedu waa inaad helaysaan wakhti aad kaga soo fikirtaan haddii run ahaantii aad donaysaan inaad is furtaan. Wakhtiga ka soo fikirka waa ugu yaraan lix bilood iyo ugu badnaan hal sano. Ma jiro wax shuruud ah in la wada noolaado inta lagu jiro wakhtiga ka soo fikirka.

Hadddii aad weli doonaysid inaad is furtaan ka dib lix bilood waa in adigu laf ahaantaada aad la xiriirto maxkamadda. Tani waxaa lagu magacaabaa in la dhammaystiro furniinka. Haddii aanad dhiibin warqad ah inaad doonayso inaad dhammaystirto furniinkaaga markaas maxkamadda degmadu way joojinaysaa codsigaaga. Markaas codsigaaga furniinka maa sii ahaanayo ansax. Haddii maxkamadda degmada ay tuhunto in mid idinka mid ah lagu khasbay guuur (guurka khasabka ah) markaas furritaankan si toos ah ayaa loo oggolaan karaa, iyadoo aanu jirin wakhti ka soo fikir.

Sababtee ayaa kuwa doonaya inay is furaan loo siiyaa wakhti ay kaga soo fikiraan, maxaad u malaynaysaa?

Sharciga qoyska

Haddii aad is furaysaan oo aanaydin heshiis ku ahayn meesha carruurtu ku noolaan doonto ama sida waalidku ula kulmi doonaan carruurta waxaad la xiriiri kartaa qaybta sharciga qoyska. Sharciga qoyska waa qayb ka mid ah degmada taas oo waalidka ka caawisa inay wada shaqeeyaan wakhtiga furniinka. Tani maaha maxkamad. Qaybta sharciga qoyska ayaa hubisa in waxa ugu fiican ilmaha in xooga la saaro. Iyagu waxay waalidka ka caawiyaan inay helaan xalyo fiican dhinaca ilmaha markay noqoto halka ilmuhu ku noolaan doono iyo qofka gaari doona go'aamada ku saabsan ilmaha. Tani waxaa lagu magacaabaa hadalka wada shaqaynta. Qaybta sharciga qoyska waxaa waajib ku ah xog qarinta sirta.

Haddii aanaydin ku heshiin caawimaadda qaybta sharciga qoyska waxaad u tegi kartaan maxkamadda degmada. Maxkamadda degmada ayaa markaas gaaraysa go'aanka ku saabsan meesha ilmuhu ku noolaanayo iyo qofka idinka mid ah ee loo oggolyahay gaarida go'aamada khuseeya ilmaha. Maxkamadda degmada ayaa ka codsanaysa qaybta sharciga qoyska ee degmadaada inay sameeyaan baaritaan ka hor intaanay gaarin go'aankooda.