Haddii qoysku u baahdo taageero

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/10-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoysaska oo dhan, waalidka iyo carruurtu waxay u baahdaan taageero iyo caawimaad mararka qaarkood. Taasi waxay ahaan kartaa taageero laga helo saaxiibada iyo qoyska ama caawimaad laga helo daryeelka bukaanka. Taasi waxay xitaa ahaan kartaa taageero laga helo adeega arrimaha bulshada si loo helo xalyada dhinaca iska hor imaadyada gudaha qoyska. Marnaba maaha qalad in la raadsado taageero iyo caawimaad haddii qofku dareemayo inuu u baahanyahay.

Sawir farshaxan oo ah aabo werwersan oo ka fikiraya qof dhalinyaro ah iyo khamri, ilmo murugeysan iyo ilmo jooga qol fasal ah.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay noocyada kala duwan ee taageero ee loogu talogalay qoysaska, waalidka iyo carruurta joogta Iswiidhan. Adigu waxaad tusaale ahaan akhrin doontaa wixii ku saabsan xarumaha qoyska, talobixinta qoysaska iyo kooxaha waalidka. Qoraalkan wuxuu xitaa ku saabsanyahay taageerada dhaqaale ee qoysaska iyo taageerada carruurta iyo dhalinyarada leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah.

Carruurtu waxay leedahay xuquuq gaar ah, waana bulshada mas’uuliyadeeda in la hubiyo in xuquuqdan rumoobaan. Carruurta oo dhan waxay leedahay xuquuq isku mid ah, waana isku qiime. Maaha in ilmo la takooro.

Carruurta xuquuqdooda waxaa lagu ururiyay Qaramada Midoobey qaraarkeeda xuquuqda carruurta, Heshiiska Xuquuqda Carruurta. Waxa ku qoran waxyaabo ay ka mid tahay in carruurta oo dhan ay xaq u leeyihiin inay ku koraan amaan iyo in waxa u fiican ilmaha mar walba la siiyo muhiimad xilliga go’aan khuseeya carruur. Waxa kale oo ku qoran in carruurta laga ilaaliyo dagaal iyo cudurro iyo in aragtida ilmaha la ixtiraamo.

Carruurta horumarkooda

Carruurtu waxay maraan marxalado horumar oo badan. Carruurta oo dhan way kala duwantahay oo leeyihiin horumarkooda gaarka ah. Horumarkan dhakhsihiisu wuu kala duwanyahay dhinaca marxaladaha kala duwan. Carruurtu waxay xitaa lahaan karaan baahiyo kala duwan dhinaca da'yada kala duwan.

Waa wax caadi ah in waalidka iyo dadka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha ay hayaan su'aalo badan oo ku saabsan horumarka ilmahooda. Haddii aad u baahantahay talobixin ama hayso su'aalo ku saabsan horumarka ilmahaaga waad raadsan kartaa caawimaad iyo taageero.

Waa kuwan dhowr tusaale oo ah waxyaabaha aad samayn karto adigu:

  • La hadal tusaale ahaan saaxiibada iyo qoyska.
  • La xiriir rugta daryeelka caafimaadka carruurta (BVC), haddii ilmuhu aanu weli bilaabin iskoolka.
  • La hadal dugsiga xanaanada ama hoyga maalinti ee qoyska, haddii ilmuhu aanu weli bilaabin iskoolka.
  • La xiriir guddida caafimaadka ardayda, haddii ilmuhu bilaabay iskoolka.
  • La xiriir rug caafimaad.
  • La xiriir degmada aad ku nooshahay. Degmooyinka qaarkood waxay dadka ku casuumaan taageerada waalidka oo koox ah ama gaar ah. Warbixin waxaad ka helaysaa degmadaada boggeeda intarnatka.
  • Booqyo bogga intarnatka ee 1177.se. Halkaas waxaa ku jirta warbixin ku saabsan horumarka ilmaha ee da'da 0–18 jir. Dhinaca 1177.se waxa xitaa ku jirta warbixin ku saabsan sida ay tahay in waalid la ahaado marka ilmuhu ku jiro da'o kala duwan.

Marka aad u baahantahay taageero iyo macluumaad dhinaca waalidnimadaada

Mar walba ma sahlana in la ahaado waalid, qofka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmo ama qof kale oo muhiim u ah ilmo. Mas'uuliyaddan waxaa loo dareemi karaa inay adagtahay oo keli lagu yahay. Mararka qaarkood laga yaabo inaad dareento ay kaa xoog badatay, daal ama nugeyl. Waa caadi gebi ahaanba in la dareemo sidaas. Maaha wax qalad ah in loo baahdo taageero, talobixin ama xaqiijin laga helo qof kale.

Waa muhiim inaad raadsato caawimaad iyo taageero haddii aad dareemayso inaad u baahantahay taas. Waxaa badanaaba sii fudud in la helo caawimaada in la xaliyo dhibaatooyinkaaga haddii aad raadiso inaad si toos ah u samayso xiriir marka hawlahaasi bilaabmaan. Waalidka wakhti hore hela caawimaad waxay iska ilaalin karaan in ilmahan la kulmo dhibaatooyin hadhow dhinaca nolosha. In la raadsado taageero oo lagu dhiirado in la sheego inay jirto dhibaato waxay tahay in la qaaday mas'uuliyad waalid ahaan.

Taageerada waalidnimada

Degmooyinka oo dhan waa inay ku casuumaan taageero waalidka doonaya inay helaan hagid, talo iyo talobixin dhinaca waalidnimada. Taas waxaa lagu magacaabaa taageerada waalidnimada. Adigaaga waalidka ah waxaad heli kartaa taageero gudaha koox ama mid gaar ah. Degmadu waxay dadka ku casuumi kartaa tusaale ahaan waxbarashooyinka waalidka, talobixin dhinaca telafoonka ah ama booqasho iyo noocyo kale oo hawlo ah. Adigu ma u baahnid inaad sheegtid qofka aad tahay. Taageerada waalidnimada waa bilaash.

Halkan ayaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan taageerada kala duwan ee loogu talogalay waalidka, qoysaska iyo carruurta:

1177 Hagida Daryeelka waa adeeg laga helo Iswiidhan goboladeeda. Dhinaca bogga intarnatka ee 1177.se waxaad ka akhrin kartaa waxyaabo ay ka mid yihiin uurka, ummulidda iyo waalidnimada. Adigu waxaad xitaa ka helaysaa warbixin iyo talobixin ku saabsan caafimaadka ilmaha, cudurrada, daryeelka caafimaadka, horumarka iyo xuquuqda. Boggan intarnatka waxa ku jira macluumaad ku qoran luqaddo kala duwan.

Dhammaan kuwa uurka leh waxay booqan karaan qaabilaadda ummulisooyinka (BMM). Halkaas ayaa adigaaga uurka leh aad kula kulmeysaa ummuliso baaraysa sida adiga iyo ilmaha uurka ku jira caafimaadkoodu yahay. Adigu waxaad weydiin kartaa su'aalo ku saabsan uurkaaga iyo ummulidda oo heli kartaa taageero. Waxaa kale oo caadi ah in aabilaadda ummulisooyinka ay leeyihiin kulamo waalid halkaas oo aad kula kulmi karto waalid kale.

Dhinaca rugta daryeelka caafimaadka carruurta (BVC) waxaa adigaaga waalidka ah aad ka heli kartaa taageero iyo talobixin ku saabsan caafimaadka iyo horumarka ilmaha. Adigu waxaad ka heli kartaa tusaale ahaan talobixin dhinaca naas-nuujinta, hurdada iyo cudurrada.

Haddii aad doonaysid inaad wax ku saabsan waalidnimadaada kala hadasho dhakhtarka cilmi-nafsiga waxaad la xiriiri kartaa rugta daryeelka caafimaadka carruurta, qaabilaada ummulisooyinka ama rugta caafimaadka.

Degmooyin badan waxaa laga helaa rugaha qoyska kuwaas oo ku jiheysan waalidka iyo carruurta. Rugta qoyska waxaa laga helaa qaabilaada ummulisooyinka (BMM), rugta daryeelka caafimaadka carruurta (BVC), dugsiga xanaanada ee furan iyo adeega arrimaha bulshada. Badanaaba rugta qoyska ayaa diyaarisa koorsooyinka taageerada waalidka ama hawlaha kale ee loogu talogalay carruurta iyo waalidka. Adigu waxaad weydiin kartaa su'aalaha ku saabsan wax walba oo ku saabsan carruurta, waalidnimada iyo xiriiryada dadka ka dhaxeeya. Waa wax qofku iskii u sameeyo in la booqdo rugta caafimaadka oo way u furantahay qoysaska oo dhan. Tani xitaa waa bilaash.

Si loo helo rug qoys oo ku taala meesha aad ku nooshahay waxaad ka codsan kartaa shaqaalaha rugta daryeelka carruurta, dugsiga xanaanada, iskoolka ama maktabada inay ku caawiyaan. Adigu waxaad xitaa ka raadin kartaa intarnatka "rug caafimaad" iyo magaca xaafadaada ama degmada.

Degmooyinka oo dhan waxay leeyihiin talobixinta qoyska. Talobixinta qoyska waxay dadka ku casuuntaa taageero iyo caawimaada lamaanayaasha iyo qoysaska. Tani waxay ahaan kartaa lamaanaha doonaya inay fiicnaysiiyaan xiriirkooda ee doonaya inay sii wataan inay wada noolaadaan ama lamaane mid ama labaduba doonayaan inay kala tagaan. Idinku waxaad ahaan kartaan kuwa is qaba ama lamaane aan is qabin oo wada nool. Waxay ahaan kartaa xitaa lamaane ama waalid doonaya caawimaad iyo taageero dhinaca waalidnimadooda. Dhinaca talobixinta qoyska waxaad kula hadli kartaa talobixiye qoys oo kaa caawin doona inaad xalyo u hesho dhibaatada. Adigu waxaad warbixin ku saabsan talobixinta qoyska ka helaysaa degmadaada boggeeda intarnatka.

Degmooyinka qaarkood waxaa laga helaa talobixiye waalidka gaar u ah. Halkaas ayaad weydiin kartaa su'aalahaaga ku saabsan waalidnimadaada oo helaysaa taageero.

Dugsiga xanaanada ee furan waa goob kulan oo loogu talogalay waalidka iyo carruurta. Waa bilaash in la booqdo dugsiyada xanaanada ee furan. Adigu ma u baahnid inaad ka hor sii wargeliso. Waalidka iyo carruurta ayaa booqan kara dugsiga xanaanada ee furan si loo ciyaaro. Adigu waalid ahaan waxaad xitaa heli kartaa taageero dhinaca waalidnimadaada oo ku baran kartaa qoysas kale oo ku nool xaafadaada.

Degmada iyo ururo labaduba way leeyihiin dugsiyada xanaanada ee furan. Warbixin dheeraad ah waxaad ka helaysaa degmadaada boggeeda intarnetka. Waxaad xitaa ka raadin kartaa intarnatka "dugsi xanaano oo furan" iyo magaca xaafadaada ama degmada.

Degmadu waxay badanaaba leedahay kooxo waalid. Koox waalid waa koox aad adigu waalid ahaan kula kulmi karto waalid kale oo isku weydaarsan kartaan waayo-aragnimooyinka iyo aqoonta. Degmooyin badan waxay leeyihiin kooxo waalid oo dhinaca dijitaalka ah halkaas oo aad kaga qaybqaadan karto kombiyuutarkaaga, shashad yar ama telafoonka casriga ah.

Dhinacyo kala duwan oo badan dhinaca degmada ah ayaa diyaarin kara kooxaha waalidka, tusaale ahaan qaabilaadaha ummulisooyinka, dugsiga xanaanada ee furan ama urur.

Adeegga arrimaha bulshada waxaa laga helaa dhammaan degmooyinka gudaha Iswiidhan. Kuwa halkaas ka shaqeeyaa waa dad bartay cilmiga bulshada oo aqoon u leh carruurta baahidooda. Iyagu waa inay hubiyaan in carruurta oo dhan xaalad fiican ku jirto oo ay ku soo koraan xasilooni. Waalid ahaan waxaad heli kartaa taageero dhinaca waalidnimadaada shakhsiyan iyo koox ahaan labadaba.

Waxaa jira ururo iyo jaaliyado badan kuwaas oo aad adigu waalid ahaan ka heli karto taageero oo kula kulmi karto waalid kale. Tusaale ahaan waxaa jira jaaliyado dhinaca isboortiga iyo dhaqanka ah. Waxaa jira xitaa jaaliyado dhinaca caafimaadka maskaxiyan, tusaale ahaan jaaliyadaha loogu talogalay waalidka carruurta leh ootisam. Waxaa jira xitaa ururo ka shaqeeya carruurta xuquuqdooda, tusaale ahaan Bris iyo Badbaadada Carruurta. Waxaa jira xitaa ururo waxbarasho, ururo diini ah iyo kaniisadu dadka ku casuumi kara taageero.

Bris waxay caawin kartaa dadka waaweyn ee ka welwelsan carruurtooda. Bris telafoonkeeda dadka waaweyn waxay dadka waaweyn ka wici karaan telafoon lambarka 077-150 50 50.

Waalidku waxay heli karaan caawimaad iyo taageero ah qaabab badan oo kala duwan. Haddii aad tahay waalid ama qof kale oo haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmo, qaabkee ayaad u malaynaysaa inuu kugu haboonaan lahaa adiga?

Kaalmo-dhaqaalaha loogu talagalay qoysaska

Waxaa jira noocyo kala duwan oo ah taageero dhaqaale iyo kaalmo loogu talogalay adigaaga ah waalid ama qof kale oo haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmo. Adigu waa inaad buuxiso shuruudo cayiman si aad u yeelato xaqa gunno.

Kaalmada guriga waa taageero loogu talogalay qoysaska carruurta haysta ee u baahan caawimaad inay iska bixiyaan kirada ama kharashka bil walba ee gurigooda.

Qofka carruur leh wuxuu xaq ku leeyahay in uu Lacagta kabida iijaarka codsado. Codsadeha waa in uu Iswiidhan deganyahay oo ka diiwan-gashan yahay si uu uhelo kabida iijaarka.

Haddii aad heli karto kabida iijaarka iyo in kale waxeey ku xiran tahay inta qof aad reerka ku tihiin. Waxeey kale oo ku xiran tahay heerka iijarka iyo inta lacag ee in soo gasho.

Waa muhiim in aad uga waramto Hey'adda qasnada ceeymiska haddii uu dakhliga wax iska badalo. Haddii kale waxaa waajib kaaga saarmi karaa in aad lacag celiso.

Gunnada waalidka waa lacag aad ka helaysa Qasnadda Caymiska si aad guriga ula joogto ilmahaaga halkii aad ka shaqayn lahayd, raadin lahayd shaqo ama wax baran lahayd.

Inta ay leegtahay lacagta aad helaysaa waxay ku xirantahay dakhligaaga. Qasnadda Caymiska boggeeda intarnetka ayaad ka xisaabin kartaa qiyaastii inta ay leegtahay gunnada waalidka ee aad adigu heli karto.

Qasnadda Caymiska waxay bixisaa lacagta gunnada waalidka oo ah 480 maalmood calaa ilmo. Haddii aad tihiin laba waalid oo qaybsan doona maalmahan markaas tiro maalmo ah oo cayiman waxaa loo keydiyay waalid walba. Haddii aad keligaa haysato mas'uuliyadda daryeelka ilmahan waxaad xaq u leedahay dhammaan 480 maalmood. Adigu waad qaadan kartaa gunnada waalidka ilaa iyo inta ilmahaagu buuxinayo 12 sano.

Daryeelka ilmo (vab) waa marka aad guriga ka joogto shaqadaada ama iska deyso qasnadda shaqo la'aanta si aad u hayso ilmo xanuusanaya. Adigu waxaad heli kartaa gunno ah qiyaastii 80% ka mid ah dakhliga aad heli lahayd haddii aanad joogi lahayn guriga. Gunnada waxaa lagu magacaabaa lacagta waalidka ee ku meel gaarka ah. Adigu waxaad qaadan kartaa ugu badnaan 120 maalmood calaa sanad.

Kaalmada waalid siiyo waalidka kale ee la nool carruurta waa lacag waalidka aan la noolayn ilmahiisa ku bixiyo lacag dhinaca masruufka ilmaha. Lacagtan waxaa la siiyaa waalidka kale ee ilmuhu la noolyahay. Kaalmada waalid siiyo waalidka kale ee la nool carruurta waa in loo isticmaalo hoyga ilmaha, cuntada iyo xiisaha wakhti firaaqaha.

Kaalmada la siiyo carruurta hal waalid la nool waa taageero dhaqaale oo Qasnadda Caymiska siin karto adigaaga keligaa la nool carruur, haddii waalidka kale aanu bixin lacagta kaalmada waalid siiyo waalidka kale ee la nool carruurta.

Si loo helo kaalmada la siiyo carruurta hal waalid la nool waxaa shuruud u ah waxyaabo ay ka mid yihiin in adiga iyo ilmuhu aad ku nooshihiin gudaha Iswiidhan. Ilmuhu waa inuu ka yaryahay 18 sano oo diiwaan-gelinta dadweynaha kugula jiro. Si loo helo kaalmada la siiyo carruurta hal waalid la nool waxaa xitaa ansax ah in aad haysato mas'uuliyadda daryeelka ilmaha iyo in adiga iyo waalidka kale aanaydin wada noolayn.

Kaalmada carruurta waa taageero dhaqaale taas oo Qasnadda Caymiska ay si otomaatig ah bil walba siiso waalidka ku nool ee haysta carruur joogta Iswiidhan.

Kaalmada carruurta ee ugu horeysa waxay Qasnadda Caymiska bixisaa hal bil ka dib marka ilmuhu dhasho ama hal bil ka dib marka ilmo u soo guuro Iswiidhan. Marka ilmuhu buuxiyo 16 jir ayaa Qasnadda Caymiska joojisaa inay bixiso kaalmada carruurta.

Dhalinyarada u dhaxeysa 16 iyo 20 jir ee wax ka barta dugsiga sare waxay helaan kaalmo waxbarasho. Waa Guddida dhexe ee taageerada waxbarasho, CSN, kuwa go'aamiya kaalmada waxbarasho. Kaalmada waxbarasho waxay CSN bixisaa muddo tobban bilood ah, laga bilaabo Sebtembar ilaa Juun. Adigu ma u baahnid inaad codsato kaalmadan. CSN ayaa si otomaatig ah u bixisa kaalmada waxbarasho. Ugu badnaan waxay dhalinyaradu heli karaan kaalmo waxbarasho ilaa iyo inta lagu jiro qaybta sanad-dugsiyeedka deyrta ee ay buuxinayaan 20 jir.

Haddii qoys leeyahay dakhli hoose oo ay haystaan ilmo ka yar 20 jir oo wax ka barta dugsiga sare waxaa suurtagal ah in CSN laga codsado lacag dheeraad ah oo dheer ta kaalmada waxbarasho. Kaalmadan waxaa lagu magacaabaa kabitaanka dheeraadka ah.

Taageerada carruurta iyo dhalinyarada leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah

Carruurta leh hal ama dhowr ah hoos u dhacyo awoodda laxaadka ah waxay xaq u leeyihiin inay taageero ka helaan bulshada. Hawlaha taageerada ah badankooda waa in adigaaga ah qofka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha aad keligaa codsato.

Taageeradan waxay ku xirantahay nooca hoos u dhac awoodda laxaadka ah ee ilmuhu leeyahay iyo inta ay leegtahay raadka ay taasi ku yeelato nolosha maalinlaha ee ilmaha. Waa degmada ama gobolka aad idinku ku nooshihiin kuwa idin siin kara taageero.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo taageero oo la helo. Tusaale ahaan waa in iskoolku uu carruurta leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah siiyo taageero gaar ah. Arday wuxuu tusaale ahaan u baahan karaa gacan-yare arday oo taageero ahaan ah.

Carruurta leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo baahsan waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan taageero si ay u awoodaan inay u noolaadaan si fiican iyo nolol isku filnaansho ah ilaa intii suurtagal ah. Taasi waxay ku qorantahay sharciga lagu magacaabo Sharciga taageerada iyo adeegga ee dadka qaarkood leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Taas waxaa badanaaba loo soo gaabiyaa LSS.

Haddii aad leedahay ilmo leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxaad codsan kartaa kaalmada daryeelka iyo gunnada kharashka dheeraadka ah. Dheeraad ku saabsan waxaad ka akhrin kartaa Qasnadda Caymiska boggeeda intarnetka.

Miyaad bixin kartaa tusaale ah noocyada kala duwan ee kaalmada dhaqaale ee qoysaska carruurta haysta ay heli karaan?