Muxuu sameeyaa adeegga arrimaha bulshada?

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3/7-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay adeegga arrimaha bulshada. Adeegga arrimaha bulshada waxaa laga helaa dhammaan degmooyinka gudaha Iswiidhan oo waxay ka shaqeeyaan inay shakhsiyaadka ku casuumaan noocyo kala duwan oo caawimaad iyo taageero ah. Tani waxay ahaan kartaa taageero dhaqaale oo la siiyo qoysaska ah ama taageero la siiyo dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Adigu waxaad akhrin kartaa sida adeegga arrimaha bulshada uga shaqeeyo waxa ugu fiican carruurta. Adigu waxaad xitaa akhrinaysaa wixii ku saabsan sharciga daryeelka dhalaanka, LVU.

Qof dhalinyaro ah oo la jooga aabahood oo la hadlaya adeegga arrimaha bulshada.

Adeegga arrimaha bulshada hawshoodu ugu horeyn iyo gaar ahaan waa in waalidka la siiyo caawimaadda iyo taageerada ay u baahanyihiin si ay u awooddaan inay u daryeelaan carruurtooda. Haddii aad u aragto in ay jiraan wax kugu adag dhinaca waalidnimadaada waxaa bilow fiican ah in lagu dhiirado in loo sheego qof. Markaas ayay sii fududaataa in wax la baddalo. Waxaa xitaa u sii fudud adeegga arrimaha bulshada inay bixiyaan caawimaad sax ah haddii iyagu ay wada shaqayn la yeelan karaan waalidka oo dhammaan la is aaminsanyahay.

Adeegga arrimaha bulshada wuxuu u shaqeeyaa waxa ugu fiican carruurta – Warbixin loogu talogalay waalidka

Qoraalkan waxaa laga soo qaatay Maamulka arrimaha bulshada buugeeda yar ee lagu magacaabo "Adeegga arrimaha bulshada wuxuu u shaqeeyaa waxa ugu fiican carruurta – Warbixin loogu talogalay waalidka".

Qoysas badan ayaa caawimaad ka hela adeegga arrimaha bulshada

Adeegga arrimaha bulshada waxaa laga helaa degmooyinka oo dhan. Halkaas waxaa ka shaqeeyaa dad bartay cilmiga bulshada oo aqoon u leh carruurta baahidooda, kuwaas oo eegaya in carruurta oo dhan ku koraan xasilooni. Waaqiciyan waxay ku saabsanaan kartaa in la taageero qoysaska uu mid ka mid ah waalidka xanuusanayo maskaxiyan ama leeyahay dhibaato ah si xun u isticmaal daroogo ama khamri. Adeegga arrimaha bulshada waa inuu xitaa ilaaliyo carruurta iyo waalidka loo geystay rabshad dagaal ama xadgudub.

Ugu horeyn waa in xaalada guriga ay sii fiicnaataa

Adeegga arrimaha bulshada waxay caawimaad u bixin karaan qaabab badan oo kala duwan. Ta ugu caadisan waa in lagu heshiiyo nooca taageero ee ugu haboon. Qoysaska ay ka jirto iska hor imaadyo badan waxay tusaale ahaan heli karaan qof ku fiican in qoysaska laga caawiyo inay xaliyaan dhibaatooyinka noocaas ah. Waalid ahaan waxaa la heli karaa taageero dhinaca doorka waalidnimo, iyadoo ah wada hadal gaar ah ama koox ahaan. Dhinaca carruurtana waxaa jiri karta fursada in la helo qof lala xiriiro ama in lala kulmo carruur kale oo ku jirta xaalad la mid ah.

Dadka oo dhan way codsan karaan taageero iyo ilaalin

Haddii qofku u malaynayo inuu u baahanyahay taageero ama ilaalin waxaa fiican in qofka laf ahaantiisu la xiriiro adeegga arrimaha bulshada oo u sheego xaaladiisa. Carruurta iyo waalidka labaduba way la xiriiri karaan adeegga arrimaha bulshada si loo helo caawimaad iyo taageero.

Si loola hadlo adeegga arrimaha bulshada waxaad la xiriiraysaa xafiiskooda ku yaala degmada hoyga kuu ah. Degmada boggeeda intarnatka waxaa ku jira telafoon lambar iyo qaabab kale oo loola xiriiri karo iyaga.

Qofkii dareemaya welwel wuxuu wargelin karaa adeegga arrimaha bulshada

Dhammaan dadka tuhunsan in ilmo laga yaabee dhibaataysanyahay waxay wargelin karaan adeegga arrimaha bulshada. Wargelin micnaheedu maaha in la dacweeyay tusaale ahaan waalid, balse waa in qofku sameeyay wargelin welwel laga qabo ilmahan. Haddii shaqaalaha dugsiga xanaanada, iskoolka ama daryeelka caafimaadka ka shakiyaan in ilmo dhibaataysanyahay, waxaa khasab ku ah sida ku cad sharciga inay wargeliyaan arrintan adeegga arrimaha bulshada.

Wargelinta waxaad toos ugu gudbinaysaa adeegga arrimaha bulshada. Haddii aad doonaysid oo keliya inaad dhiibato su'aalo ku saabsan xaalada ilmo waxaad samayn kartaa taas adiga oo aan sheegin magaca ilmahan.

Maxaa dhaca ka dib?

Haddii adeegga arrimaha bulshada qiimeeyo in ilmo u baahan karo ilaalin ama taageero markaas waa hawshooda inay ogaadaan waxa ugu fiican ilmahan iyo qoyskan. Tani waxaa lagu magacaabaa in la baaro ilmaha xaaladiisa. Baaritaanka waxaa la oggolyahay in waalidka iyo ilmaha labaduba ay ka qaybqaataan oo bixiyaan sharraxaadooda. Adeegga arrimaha bulshada wuxuu u baahan karaa inay xitaa la hadlaan kuwa kale ee aqoon u leh ilmahan, sida qaraabada iyo macallimiin.

Maxaa loo oggolyahay in adeegga arrimaha bulshadu sheegto?

Dhammaan kuwa la xiriira adeegga arrimaha bulshada waa inay awoodaan inay aaminaan in macluumaadka xaasaasiga ah aan la sii gudbin. Sidaas darteed waxaa adeegga arrimaha bulshada saaran mas'uuliyad weyn in la dhowro macluumaadka, tani waxaa lagu magacaabaa xog qarinta. Qofka haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha caadi ahaan waa loo oggolyahay inuu ogaado wax walba oo ku saabsan ilmahiisa. Laakiin adeegga arrimaha bulshada ma loo oggola inay sheegaan wax ilmahan u geysan kara khatar halis ah. Marka ilmuhu sii weynaadaba waxaa sii korodha isu talinta ilmahan. Carruurta weyn sidaas darteed waxay u baahan karaan inay oggolaadaan in kuwa haysta mas'uuliyadda sharci ee ilmaha ay ogaadaan macluumaad cayiman.

Taageero haddii ilmuhu aanu ku sii noolaan karin guriga

Haddii aanay shaqaynayn xaalada in lagu noolaado guriga, waxaa ilmuhu u baahan karaa inuu ku noolaado meel kale muddo wakhti ah. Ilmuhu wuxuu tusaale ahaan la noolaan karaa qoys kale (hoyga qoyska) ama guri loogu talogalay daryeelka ama hoyga (HVB). Marka xaalad noocaas ahi jirto waxay waalidku xaq u leeyihiin inay taageero ka helaan adeegga arrimaha bulshada. Qofku wuxuu heli karaa tusaale ahaan caawimaada inuu horumar sameeyo dhinaca waalidnimadiisa. Hadafku waa in mar walba ay sida ugu fiican ee suurtagal ah ay ilmaha wax ugu socdaan.

Ka warhaynta adeegga arrimaha bulshada – loogu talogalay carruurta weyn

Kollpasoc.se waa bog intarnet loogu talogalay carruurta kuna saabsan adeegga arrimaha bulshada. Halkaas waxaa ku jira macluumaad ku saabsan adeegga arrimaha bulshada iyo waxa fursado ah ee ay haystaan in ay caawiyaan carruurta iyo dhalaanka. Qoraalada waa Iswiidhish fudud oo waxay ku salaysanyihiin su'aalo run ah oo ka yimi carruur.

Nabdeey Karin! Muxuu sameeyaa Maamulka arrimaha bulshada?

Maamulka arrimaha bulshada waa hey'adda dawladda ee aqoonta u leh daryeelka caafimaaadka iyo xanaanada. Tani micnaheedu waa inaanu diyaarino oo horumarino tirakoob, qawaaniin iyo aqoonto dhinaca daryeelka caafimaadka iyo bukaanka iyo adeegga arrimaha bulshada. Waxaanu taageero iyo caawimaad siinaa kuwa ka shaqeeya daryeelka caafimaadka iyo bukaanka iyo adeegga arrimaha bulshada si dadka oo dhan ay u helaan daryeel caafimaad iyo xanaano fiican oo leh shuruudo isku mid ah.

Maxaa ahaan kara sababaha ilmo loola wareego oo aanu la noolaan karin qoyskiisa?

Waxaa jiri kara sababo badan oo keeni kara in ilmo aanu guriga kula noolaan karin qoyskiisa. Tusaale ahaan waxay sabab ahaan kartaa in ilmahan dhibaataysanyahay ama khatar ugu jiro dhibaato guriga ah, sababtoo ah in waalid isticmaalo daroogo ama dagaal badanyahay. Sabab kalena waxay ahaan kartaa in ilmahan khatar ugu jiro inuu naftiisa ama ta dadka kale dhaawaco.

Yaa qaada go'aanka ah in lala wareego ilmo?

Waa adeegga arrimaha bulshada kuwa leh mas'uuliyadda ugu sareysa ee ilmo caawimaad uga baahan bulshada. Iyagu waxay noocyo kala duwan oo taageero iyo gabood ah siin karaan ilmo u baahan. Dhinaca xaalad deg-deg ah waxaa adeegga arrimaha bulshada go'aamin karaan in lala wareego ilmaha oo la geeyo guri kale oo aan ahayn ka ilmaha. Maxkamad ayaa ka dib go'aaminaysa haddii go'aanka adeegga arrimaha bulshada uu ahaa sax.

Sidee ayay u dhacdaa la wareegidu?

La wareegidu waxay u eekaan kartaa qaabab kala duwan. Xaaladaha qaarkood waalidka iyo adeegga arrimaha bulshada ayaa ku heshiiyay in waxa ugu fiican ilmahan ay tahay in aanu ku noolaan guriga muddo wakhti ah, micnihii in ilmahan la geeyo guri kale. Tani waxaa lagu magacaabaa meel geyn raali laga yahay.

Adeegga arrimaha bulshada iyo maxkamaduna waxay mararka qaarkood go'aamin karaan in ilmo la geeyo guri kale iyadoo taasi ka soo horjeedo waalidka ama ilmaha rabitaankooda. Tani waxaa badanaaba lagu magacaabaa meel geyn khasab ah. Adeegga arrimaha bulshada iyo maxkamadu waxay tan u sameeyaan waa inay tahay waxa ugu fiican ilmahan. Iyagu waxay go'aankooda gaaraan si waafaqsan sharciga daryeelka dhalaanka, LVU.

Ilmo waxaa loo geyn karaa qoys kale ama waxa lagu magacaabo hoy deg-deg ah ama hoyga HVB. Waa adeegga arrimaha bulshada kuwa hoyga u diyaariya ilmaha. Adeegga arrimaha bulshada waxay xitaa taageer iyo caawimaad siiyaan ilmaha iyo waalidka ilmaha meel la geeyay.

Miyaan yeelan karaa rabitaan ah cidda ilmaha loo geynayo, si ilmahan ugu dhaqmo diintiisa ama ugu hadlo luqaddiisa?

Haa, ilmaha iyo waalidka ilmaha way lahaan karaan rabitaan ah meesha ilmahan la geynayo. Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay luqaddiisa, diintiisa iyo qawmiyad iyo dhaqan ahaan.

Marka adeegga arrimaha bulshada uu ilmo geynayo guri kale waa inay baaraan haddii ilmahani tusaale ahaan la noolaan karo qaraabo ama dad saaxiibo ah. Ta ugu muhiimsan waa waxa ugu fiican ilmahan. Tani micnaheedu waa in rabitaanada oo dhan aanay mar walba suurtagal ahayn inay buuxsamaan.

Goorma ayaa ilmuhu dib ugu guuri karaa guriga?

Inta ay leegtay muddada ilmuhu u baahanyahay inuu ku noolaado guri kale way kala duwanthaay. Waxay ahaan kartaa dhowr maalmood, toddobaadyo, bilo ama xilliga koritaanka oo dhan.

Hadafku waa in ilmuhu dib ugu guuri qoyskiisa marka ay suurtagal noqoto. Inta lagu jiro wakhtiga ilmaha lala wareegay waxay waalidku xaq u leeyihiin inay taageero iyo caawimaad ka helaan adeegga arrimaha bulshada.

Anigu waxaan tuhunsanahay in deriskaygu garaaco carruurtooda, maxaan sameeyaa?

Haddii aad tuhunto in ilmo dhibaataysanyahay waa inaad wargelin welwel u gudbiso adeegga arrimaha bulshada. Carruurtu dhif iyo naadir ayay iyaga laftoodu sheegaan haddii la garaaco ama ay u dhibaataysanyihiin qaab kale. Sidaas darteed waa muhiim in dadka waaweyn ee ka ag dhow ilmaha ay ficil sameeyaan haddii ay dareemaan welwel ku saabsan ilmo.

Adeegga arrimaha bulshada ayaa leh mas'uuliyadda ugu sareysa ee in carruurta la siiyo gaboodka iyo taageerada ay u baahanyihiin. Si loo sameeyo tani waa inay iyagu ogaadaan haddii ilmo uu baahi u qabo bulshada taageeradeeda. Qaab ayaa ah wargelinada welwelka.

Marka adeegga arrimaha ay soo gaarto wargelin welwel ayay baaraan xaaladan si loo eego haddii ilmahani u baahanyahay caawimaad. Macluumaadka lagala xiriirayo adeegga arrimaha bulshada waxay ku jiraan degmadaada boggeeda intarnatka.

Rabshad dagaal iyo dembi xitaa waa in la wargeliyo booliiska.

Ilmahaygu guriga ayuu fadhiyaa maalintii. Ilmahaygu wakhti dambe ayuu soo jeedaa habeenkii oo hurdaa maalintii. Maxaan sameeyaa?

Soo ogow sababta ilmahaagu u sameeyo sidaas. Carruurta qaarkood waxay guriga u joogaan sababtoo ah inay murugeysanyihiin ama welwelsanyihiin. Tani waxaa sabab u ahaan karta in ilmuhu aanu amaan ku dareemayn iskoolka ama in ilmaha ay haysato caafimaad darro maskaxiyan ah. Tani waxa ay keeni kartaa in ilmuhu aanu aadin iskoolka. Tani waxay xitaa raad ku yeelan kartaa caafimaadka ilmaha iyo ilmuhu xiriirka uu la leeyahay saaxiibada iyo qoyska.

Isku dey inaad caawimaad codsato sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah. Waxaad tusaale ahaan la hadli kartaa iskoolka, adeegga arrimaha bulshada ama qaybta cilmi-nafsiga ee carruurta iyo dhalaanka (BUP). Mararka qaarkood waxay u baahanyihiin inay wadajir u shaqeeyaan si ilmaha loo siiyo taageero sax ah. Degmooyin iyo gobolo badan waxay dadka ku casuumaan xitaa taageero xilli hore ah iyo daryeel loo sii marayo waxa lagu magacaabo qaabilaada ugu horeysa. Taageeradan waxay tusaale ahaan noqon kartaa wadahadal talobixin ah, wada hadalo cilmi-nafsi ama daryeel dawo marka loo baahdo.

Sharciga daryeelka dhalaanka (LVU)

Haddii ilmo ama qof dhalaan ah oo ka yar 21 jir khatar ugu jiro in dhibaato aad u xun soo gaarto waxaa ilmahaas lagu daryeeli karaa sida ku cad sharciga daryeelka dhalaanka, (LVU). LVU waa sharci ay tahay inuu carruurta iyo dhalaanka ka ilaaliyo inay soo gaarto dhibaato.

Iyadoo la adeegsanayo taageerada LVU ayaa adeegga arrimaha bulshada ay ilmo ama dhalaan geyn karaan tusaale ahaan hoy qoys, iyadoo ay ka soo horjeedo ilmaha iyo waalidka rabitaankooda. Tani ayaa adeegga arrimaha bulshada samayn karaan haddii ilmo ay xaaladiisa guriga ee gudaha qoyska liidato ama haddii ilmahan sameeyo waxyaabo ahaan kara wax xun ama waxyeelo u yeelan kara ilmaha.