In la guuro

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3/7-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay in la guuro. Wax badan ayay ahaan kartaa in laga fikiro haddii aad u guureyso hoy cusub. Waxaad akhrin doontaa waxyaabaha muhiim ahaan kara in la ogaado marka aad guureyso.

Waxaad akhrin kartaa waxyaabo ay ka mid yihiin ka bixidda heshiis kiro, baddalka cinwaanka iyo in boosta lagaa soo daba diro.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin hoy. In adigu aad xaq u leedahay hoy micnaheedu waa in aad raadsan karto caawimaad in aad hesho nooc hoy haddii aanad haysan meel aad ku noolaato. Degmada ayaa mas’uuliyad ka saarantahay in jiraan hoy’yo loogu talogalay degmada dadka ku nool.

Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad guurto oo doorato meesha ah gudaha Iswiidhan ee aad ku noolaanayso.

Ka bax heshiiski kirada ee hore

Haddii aad ka guurto guri kiro ah waxaa lagaaga baahanyahay inaad samayso ogeysiinta inaad ka baxday heshiiska. Wakhtiga ogeysiinta heshiis ka bixid way ku kala duwanaan karaan guri kireeyayaasha kala duwan. Inta ay leegtahay muddada wakhtigaaga ogeysiinta heshiis ka bixid waxay ku qorantahay heshiiskaaga kirada. Way fiicantahay in aad u qortid guri kireeyahaaga in aad doonaysid inaad iska dhiibtid gurigaaga.

Diiwaan-gelinta dadweynaha iyo wargelinta ku saabsan guuritaan

Diiwaan-gelinta dadweynaha waa diiwaanka aasaasiga ah ee dhammaan dadka ku nool gudaha Iswiidhan. Diiwaan-gelinta dadweynaha waxaa lagu diiwaan geliyaa tusaale ahaan macluumaadkaaga shakhsiga ah, cinwaanka aad deggantahay iyo haddii aad tahay xaas ama leedahay carruur. Meesha aad kaga jirto diiwaan-gelinta dadweynaha waxa ay micno u leedahay degmada aad ku nooshahay ee aad ku bixinayso lacagta canshuurta, halka laguu oggolyahay inaad ka codeyso iyo xaqa kaalmooyinka iyo faa´iidooyinka kala duwan. Degmo kasta waxay xitaa u qorsheysaa hawlaheeda si waafaqsan inta ay leegyihiin tirada dadka ku nool halkaas.

Haddii aad u guurto cinwaan cusub waa inaad wargelisaa Hey'adda Canshuuraha isla gudaha hal toddobaad ka dib markaad guurto. Tani waa muhiim maadaama ay taasi ku qorantahay sharciga diiwaan-gelinta dadweynaha in ay adiga waajib kugu tahay inaad samayso wargelinta inaad guurtay. Waxa kale oo muhiim ah in boostaada ku hesho cinwaan sax ah. Waa bilaash in la sameeyo wargelinta guuritaanka oo waxaad u samayn kartaa qaab dijitaal ah dhanka Hey'adda Canshuuraha boggeeda intarnatka ama in la buuxiyo foom.

Haddii aad deggantahay guri waa in cinwaankaaga ay ku jirto lambar guri. Lambarka guriga wuxuu leeyahay afar tiro, tusaale ahaan 1001, taas oo muujinaysa dabaqa iyo halka dabaqa ee gurigu ku yaallo. Adigu waxaad lambarka guriga ka helaysaa heshiiska kiradaada, sanduuqa boosta ama albaabka bannaanka.

Hey’adda Cashuuraha waxay samaysay filim ku saabsan diiwaan-gelinta dadweynaha iyo wargelinta guuritaanka. Filimkan waxaa la helayaa isagoo ah af Iswiidhish, Carabi, Ingiriisi, Faarsi, Soomaali iyo Tigrinya.

Ka soo daba dirista boosta

Adigu waad dalban kartaa in lagaa soo dabo diro boostaada. Tani micnaheedu waa in boosta loo diray cinwaankaagi hore loo sii gudbin doono cinwaankaaga cusub. Dhinaca Svensk Adressändring AB ayaad ka dalban kartaa ka soo dabo dirista boosta. Ka fikir in cinwaankaaga diiwaan-gelinta dadweynaha aanu is baddalin haddii aad dalbato in lagaa soo dabo diro boosta.

Rukmasho iyo heshiis

Waxaa jiri kara dhowr rukmasho iyo heshiisyo oo aad u baahantahay inaad la guurto ama iska joojiso. Ka fikir in heshiisyo badan leeyihiin wakhtiga ogeysiiska joojinta ama wakhtiga lagu xiranyahay heshiiskan, markaasi waxaa fiicaan inaad iska joojiso wakhti fiican ka hor intaanad guurin. Tusaale ka mid ah rukmashada iyo heshiisyada u baahan kara in lala guuro ama la iska joojiyo waa:

  • Rukumashada telafoonka ee telafoonka meel keliya yaalla (maaha rukumashada moobilka)
  • Heshiiska intarnatka
  • Kanaalada Tiifiiga-ga ee lacagta laga bixiyo
  • Heshiiska korontada
  • Baarkinka baabuurka
  • Qaylo dhaan
  • Caymisyada

Rukumashada noocee ah iyo heshiisyadee ayaad u baahantahay inaad ogeysiis dhiibto inaad ka baxayso haddii aad guurayso?

Waa muhiim in la lahaado caymis ilaalinaya adiga iyo alaabtaada. Ku dhawaad dhamaan guryaha Iswiidhan waxay leeyihiin caymiska guriga. Caymiska guriga waa ilaalin aasaasi ah taas oo kuu magdhabi karta alaabtaada haddii lagaa xado ama ay ku dhaawacmaan dab ama dhaawac biyo soo gaaro. Caymiska gurigu wuxuu ilaaliyaa xitaa dhamaan dadka ku qoran warqada caymiska ee ku nool isku guri. Waxaa intaasi dheer in caymisyada guriga ay ku jiraan waxyaabo ay ka midyihiin caymiska safarka.

Nadiifinta xilliga guritaanka iyo kantaroolida

Badanaaba adiga ayaa mas'uul ka ah in hoygaaga aad nadiifinta guuritaanka ku samaysay marka aad ka tagayso, ma ku xirna haddii aad deggantahay guri filo ah, guri la bar iibsaday ama guri la kireystay. Nadiifinta marka la guurayo si micno dheeraad ah leh ayay uga baahsantahay nadiifin caadi ah oo qaadataa wakhti badan. Adiga laf ahaantaada ayaa samayn kara nadiifinta guuritaanka ama waxaad wakiilan kartaa shirkad. Haddii nadiifinta guuritaanka aanay si ku filan u fiicnayn waxaa waajib kugu noqon karta in aad bixiso lacag.

Caadiyan guriga waa la kantaroolaa marka qofka kireystaha ahi ka guurayo oo waxaa la qoraa dukumenti kaas oo lagu qoro wixi dhaawacyo ah ee jiri kara. Guri kireyste waxaa waajib ku noqon karta inuu magdhabo dhaawacyada soo gaaray guriga.

Guriga cusub

Waxaa muhiim ah inaad hesho dhamaan furayaasha gurigaaga cusub. Haddii aad u soo guurto guri kiro ah waxaa fiican inaad is-barbardhigto dukumentiga kantaroolida gurigaaga si aad u eegto inaanay jirin dhaawacyo ku yaala gurigaaga oo aan la ogayn.

Maxaa muhiim ah in adigu aad ka fikirto haddii aad guuri doonto?