Ammaankaaga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 27 9 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay amaankaaga. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan sida aad uga hortagi karto shilalka iyo sida aad sameynayso xilliga xaalado khatar ah oo deg-deg ah.

Qof badbaadinta wadnaha iyo sambabada siinaya qof kale oo jiifa.

Waxaad xitaa akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin amaanka gaadiidka, sida ay muhiim u tahay in la awoodo dabbaasha iyo sida aad isugu diyaarin karto xaaladaha adag.

  • Xaqa loo leeyahay nolol, xorriyad iyo ammaan shakhsiyan ah

    Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin nolol, xorriyad iyo ammaan shakhsiyan ah. Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan bilaa rabshad dagaal, dembi iyo dhibaatooyin. Tusaale ahaan carruurtu maaha inay ka welwelaan rabshad dagaal gudaha qoyska, wax haween ah maaha in lagu dhibo xadgudubyo galmo oo dadka waayeelka ahna maaha inay ka cabsadaan dhac iyo tuugo jabsi ah.

    Bulshada Iswiidhishka waxay ammaan u tahay dadka badankooda. Laakiin maaha mar walba. Isla sida dalalka kale waxaa dhaca dembiyo. Laakiin cidnaba maaha ninay ka cabsato inay wargelin dembi u gudbiso booliiska. Qofka lagu tuhmo dembina waa inuu ogaado in maxkamaduhu ay shuruudo sare ku xiran caddayn ka hor intaan qof la xukumin.

    Dembiliinimada ma joojiyaan booliiska oo keliya. Guriga, iskoolada, goobaha shaqada, ururada isboortiga iyo saaxiibada waaweyn waa inay is caawiyaan.

Xaaladaha degdega ah

Daryeelka bukaanka ee deg-dega ah

Haddii adiga ama qof kale aad u xanuusanayo ama si khatar ah dhaawac u yahay waa inaad daryeel ka raadsataan qaabilaada deg-dega. Qaabilaada deg-dega waxaa laga helaa isbitaal oo waxay furantahay maalintii iyo habeenkiiba dhamaan maalmaha sanadkii oo dhan.

Haddii adiga ama qof kale aad u xanuusanayo nafsiyan oo si deg-deg ah ugu baahantihiin caawimaad waa inaad tagtaan qaabilaada deg-dega ee cilmi nafsiga. Waxaad wici kartaa telafoon lambarka 1177 si aad u ogaato meesha aad tagayso.

Haddii ay tahay xaalad halis ah oo khatar ku ah qof naftooda waa inaad wacdo telafoon lambarka 112. Markaasi waxaad helaysaa caawimaad dhakhso ah iyo ambulaans ku kaxaynta ilaa iyo qaabilaada deg-dega.

Ambulaans jaale iyo cagaar ah.

112 iyo 114 14

Telafoon lambarka 112 waxaad kala xiriiraysaa ambulaansta, booliiska iyo adeega badbaadinta. Adigu waa inaad wacdo oo keliya 112, maaha lambaro dheeraad ah. Wac 112 haddii:

  • Adigu aad aragto dembi.
  • Qof uu dhowaan kuu geystay wax dembi ah adiga.
  • Adigu aad u baahantahay caawimaad degdeg ah oo laga helo booliis, ambulaans ama adeega badbaadinta, tusaale ahaan haddii qof si khatar ah u dhaawacmay una baahanyahay daryeel.

Waxaa jira mar walba qof ka jawaaba dhanka 112, maalin walba iyo habeenkii sanadka oo dhan. Kuwa ka jawaabaya waxay ku hadlaan Iswiidhish iyo Ingiriisi. Waxaa xitaa jira turjubaan. Qofka ka jawaabayaa wuxuu ku weydiinayaa dhowr su’aalood. Adigu waa inaad ka jawaabtid waxa dhacay iyo haddii qof dhaawacmay. Adigu waxaad u sheegaysaa meesha caawimaadan looga baahanyahay, qofka soo wactamay iyo lambarka aad ka soo wacayso. Adigu waa inaad ka jawaabto su’aalahan si caawimaad sax ah ay u timaado meel sax ah, sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah. 

Haddii aanay ahayn xaalad degdeg ah waxaa jira telafoon lambar kale oo booliiska ah kaas oo aad wici karto. 

Wac 114 14 haddii:

  • Adigu aad doonaysid inaad samayso wargelinta dembi dhacay.
  • Adigu doonaysid inaad booliiska siiso macluumaad ku saabsan dembi.
  • Adigu aad doonaysid inaad hesho macluumaad ku saabsan baasaboor.
  • Adigu aad doonaysid cinwaannada booliiska.
  • Adigu aad doonaysid macluumaadka booliiska wakhtiyada ay furanyihiin.

Waa cod telafoon oo la duubay waxa ka jawaabaya lambarka 114 14. Adigu fariin ayaad ku hadlaysaa oo sheegaysaa sababta aad u soo wacday. Si laguugu xiriiryo si sax ah waa inaad sheegto sababta aad u soo wacday, tusaale ahaan ”stöldanmälan” (wargelin xatooyo), ”ansökan om pass eller något annat” (codsiga baasaboor ama wax kale). Markaas ka dib ayaad la hadli kartaa qof ka tirsan booliiska. Lambarka 114 14 wuu furanyahay maalin walba iyo habeenkii sanadka oo dhan. Kuwa ka jawaabaya waxay ku hadlaan Iswiidhish iyo Ingiriisi. Adigu waa inaad wacdo oo keliya 114 14, maaha lambaro dheeraad ah.

Gurmadka degdegga

Gurmadka degdegga waxuu damiyaya dababka. Waxuu kale oo uu gurmadaa shilalka ka dhaco berriga iyo badda. Gurmadka degdegga waxuu oo kale uu ka shaqeeyaa ka hortaga dababka. Waxeey tusaale ahaan ka waramaan habka ee uu shaqeeyan qalabka dab-ka-digaha iyo dab-damiska. Gurmadka degdegga waxaa kaloo lagu magacaabaa dabdamiska, waxeeyna ka tirsan yihiin degmada.

Haddii aad dab kacay waxaa ugu muhiimsan in aad wacdo 112! Waxaad uga waremeeysaa waxa dhacay iyo khasaaraha ku muuqdo. Sido kale waa in aad uga waramtaa meesha gurmadka looga baahhan yahay iyo qofka aad adigu tahay.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Dadku ma aaminaan booliiska dalka ama dalalka aad adigu horey ugu noolayd?

    Miyaad u malaynaysaa in dadku aaminaan booliiska jooga Iswiidhan?

Ka hortaga shilalka
  • Amaanka carruurta

    Guri waa inuu ahaado meel ammaan iyo hubaal u ah dadka oo dhan, dadka waaweyn iyo carruurta labadaba. Laakiin xitaa gurigaba waxaa jira khataryo, laga yaabee gaar ahaan dhanka carruurta. Haddii carruur yar kugula noolyihiin guriga waxaa muhiim ah in aad gurigaaga ka dhigto mid aamin u ah iyaga. Tusaale ahaan dawooyinka, saabuunta dharka, beetariyada yar iyo wixi kale ee sababi kara in la sumoobo iyo dhaawacyo u keydi si aanay carruurtu u heli karin iyaga.

    Canuggu wuxuu si fuduuli ah u baarayaa hareerihiisa isaga oo aan wacyi u lahayn dhammaan khataraha ka jira dhinacyadiisa.

  • Amaanka dabka

    Dab wuxuu u sii fidi karaa si aad u dhakhso badan. Hal qol wuxuu gebi ahaanba guban karaa shan daqiiqo. Ta ugu muhiimsan si loo awooddo in la damiyo dab waa in la ogaado wakhti hore.

    Marnaba dareerayaasha khatarta u ah in dab ka billaabmo iyo gaasta ha ku keydin gudaha guriga. Weligaaba ha ka tagin shamac shidan oo aan laga war hayn.

    Digniin bixiyaha dabka

    Digniin bixiyaha dabka waa qalab dareema dabka. Waxa uu kuu digi karaa marka dab billaabmo. Digniin bixiyaha dabka wuxuu badbaadiya nolol badan sanad walba. Digniin bixiyaha dabka waa in lagu xiro saqafka. Hubi in uu shaqaynayo adigoo riixaya badhanka tijaabinta bil kastaba. Dabyada ugu khatarsan waxay billaabmaan habeenkii. Qiiqu wuxuu kuu sumayn karaa si keenaysa. Laakiin digniin bixiyaha dabka wuxuu u qayliyaa si dheer oo ku kicinayaa.

    Digniin bixiyaha dabka oo caddaan ah.

    Dab demiyaha iyo bustaha dabka

    Dabka yar adiga laf ahaantaada ayaa demin kara adigoo adeegsanaya caawimaadda dab demiye iyo bustaha dabka. U keydi si ay u yaallaan meel markiba laga soo qaadan karo. Oggow sida aad adigu u isticmaalayso iyaga. Marka dab billaabmo ma jiro wakhti lagu fikiro.

    Dab demiye guduud ah iyo bustaha dabka lagu demiyo.

    Dab ka dhashay saxanka dabka wax lagu karsado

    Dabyo badan waxay ka billaabmaan saxanka dabka wax lagu karsado. Way fududahay in la iloowo in saxanka dabka wax lagu karsado uu daarnaa. Haddii dab ka billaabmo digsi ama daawaha wax lagu shiilo waa in aad dabkan ku bakhtiiso dabool ama bustaha dabka demiya. Biyo ha ku shubin digsi ama daawe haddii waxa gubanayaa ay yihiin dux ama saliid. Markaas waxaa billaabmaysa in dabku sii bato.

    Ilaaliyaha dabka wax lagu karsado waa aalad demin karta korontada oo qaylinaysa haddii uu jiro khatar ah dab ka dhaca dabka wax lagu karsado. Waa in aad oggolaansho ka haysato kuwa mulkiilaha ka ah dhismaha si aad u rakibto ilaaliyaha dabka wax lagu karsado.

    Sidaan sameey haddii uu dab kaco

    • Badbaadinta – Badbaadi dadka ku sugan khatar, laakin nolshaada khatar ha galin. Xusuusnoow in qiiqa-dabka uu sun yahay. Dhulka ku gurguuro si aad dibedda ugu baxdo. Xir daaqadaha iyo albaabada.
    • U dig – u dig dadka khatar uga sugan dabka.
    • Qayla-dhaan dir – Riix digniinta dabka haddii uu jiro. Waxaana 112 ka wacdaa meel aamin ah. U tag shaqaalaha gurmadka isla marka ee meesha yimaadaan.
    • Dami – Haddii aad heeysato qalabka dab-daminta waa ku buufin kartaa. Ku buufi dab-damiska aasaaska dabka - ha ku buufin dabka dushiisa.
  • Amaaanka taraafikada

    Gudaha Iswiidhan waxaa ka jira hadaf ah in cid bani'aadan ahi aanay ku dhiman ama si halis ah ugu dhaawacmin taraafikada. Hadafkan waxaa lagu magacaabaa Aragtida eber. Laakiin si ay sidaas u noqoto waa in dhammaanteen aynu raacno qawaaniinta taraafikada oo tixgelin u muujino dadka kale dhanka taraafikada. Sidaas darteed maaha inaad baabuur u wado si ka dhakhso badan xawaaraha laga oggolyahay jidka. Adiga ma laguu oggola inaad baabuur wado marka aad cabtay khamri. Waxa jira xitaa dawooyin aan la oggolayn inaad qaadato marka aad wado baabuur. Adiga ma laguu oggola in iyanna aad isticmaasho telafoonka moobilka marka aad baabuur wado.

    Swiidhan waxaa ka jira sharci dhahaya in dhammaan kuwa raacaya baabuur ay suun xirtaan, horay iyo gadaal labadaba. Carruurta ka gaaban 135 sentimitir waxaa u dheeri ah in ay isticmaalaan wax badbaado oo gaar loogu farsameeyay, badbaadiyaha canugga yar, kursiga carruurta ee gawaarida ama kursi suun leh/barkin.

    Kursiga carruurta ee baabuurka oo madow ah looguna talogalay cunugyada yar.

    Dadka baaskiil wata iyo dadka socda

    Waxaa jira xitaa qawaaniin taraafiko oo loogu talogalay adigaaga baskiil wata iyo qofka soconaya. Baaskiil wate waa inuu haysto iftiin, iftiin celiye iyo bareeg. Dhammaan dadka ka yar 15 jir waa khasab inay xirtaan koofiyadda baaskiilka. Adiga waa lagu ganaaxi karaa haddii aad ilmo ku kaxayso baaskiil, haddii ilmuhu aanu xirnayn koofiyadda baaskiilka. Adigu waa inaad baaskiilka ku wadaa dhinaca midigta. Adiga ma laguu oggola inaad baaskiil ku wado jidadka loogu talogalay dadka soconaya.

    Adigu waa inaad ku lugeysaa jidadka loogu talogalay dadka soconaya iyo jidka dadka lugeynaya haddii ay kuwaas jiraan. Haddii aanay jirin jidadka loogu talogalay dadka soconaya ama jidka dadka lugeynaya waa inaad ku socotaa dhinaca bidixda ee jidka. Isticmaal iftiin celiye haddii ay tahay mugdi.

    Qof wata jaakada iftiinka bixisa marka ileys ku dhaco iyo iftiin bixiyayaal ugu xiran lugaha.

    Liisanka baabuur wadista iyo caymiska

    Adiga waxaa khasab kugu ah inaad haysato liisan baabuur wadis oo ansax ka ah gudaha Iswiidhan si aad u wado baabuur. Adigu waa inaad ahaataa 18 jir si aad u qaadato liisanka baabuur wadista. Liisan baabuur oo dal ajnabi ah wuu ahaan karaa ansax. Guddiga arrimaha gaadiidka ayaa ka jawaabi kara arrintaas.

    Adigaaga iska leh baabuur waa inaad lahaataa caymis taraafiko. Adiga ma laguu oggola inad baabuur wado isagoo ah bilaa caymis.

  • Badbaadinta wadnaha iyo sambabada (HLR)

    Badbaadinta wadnaha iyo sambabada waxaa loo isticmaalaa in lagu kiciyo wadnaha iyo neefsiga ee qof uu ku dhacay wadne istaag. Ka hor intaanad billaabin inaad bixiso badbaadinta wadnaha iyo sambabada waa inaad hubiso haddii qofkani uu leeyahay miyir oo neefsanayo. Haddii qofkaasi yahay bilaa miyir oo aanu neefsanayn waa inaad wacdaa 112 oo ka dibna bilowdaa badbaadinta wadnaha iyo sambabada. Dhinaca 112 ayaa ku siin kara talobixin ku saabsan sida aad u samaynayso badbaadinta wadnaha iyo sambabada.

    Badbaadinta wadnaha iyo sambabada waxay u dhacdaa in qofku 30 goor xoog u cadaadiyo shafkaqofka bilaa nafta ah, ka dibna wuxuu qofku neef ku afuufaa afka 2 goor. Taas ayaa qofku ku cel-celiyaa wakhtiga oo dhan ilaa iyo inta ambulaanstu imanayso.

    Meelo badan waxaa laga helaa wadne dhaqaajiye ama kiciye sidaas oo xitaa lagu magacaabo. Wadne dhaqaajiye waa aalad qofka jirkiisu bilaa nafta yahay siisa jug koronto si loo wadnaha loo dhaqaajiyo mar kale. Dadka oo dhan way isticmaali karaan wadne dhaqaajiye. Adigu ma u baahnid inaad haysato waxbarasho daryeelka bukaanka ah.

    Fiiro gaar ah u yeelo in talooyinkan ay khuseeyaan badbaadinta wadnaha iyo sambabada ee dadka waaweyn. Badbaadinta wadnaha iyo sambabada ee carruurta ma loo sameeyo qaab la mid ah. Dhinaca guddida HLR boggeeda intarnatka ayay ku jirtaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan badbaadinta wadnaha iyo sambabada iyo filimo muujinaya sida loo sameeyo badbaadinta wadnaha iyo sambabada, dhinaca dadka waaweyn iyo carruurta ah da' kala duwan labadaba.

    Si aad kalsooni ugu dareento inaad bixiso badbaadinta wadnaha iyo sambabada waa inaad ku tababarataa. Waxaa jira koorsooyin la geli karo. Dhinaca guddida HLR boggeeda intarnatka waxaad ka arki kartaa meesha aad waxbarashadan ka heli karto.

  • In la awooddo dabaasha

    Adigaaga awoodda dabaal waxaad badbaadin kartaa nolol, taada iyo dadka kale labadaba. Laakiin sababtaas oo keliya maaha waxa ay u fiicantahay in la yaqaan dabaasha. Iswiidhan waxay leedahay xeeb dheer iyo ku dhowaad 100 000 oo harooyin ah. Hawlo badan waxay ka dhacaan biyaha dhinacooda sanadkii oo dhan. Xilliga jiilaalki waxaad ku socon kartaa kabaha barafka lagu dul sibeeyo haddii barafku uu si ku filan u leeyahay dhumuc oo xilliga xagaagana dad badan ayaa raaca doonyo oo dabaasha.

    Waa muhiim in carruurtu ay bartaan dabaasha wakhti hore sidii suurtagal ah. Carruurtu waa inay awooddaan inay dabaashaan 200 mitir oo 50 mitir oo ka mid ah tahay dhabarka si ay u helaan calaamadda inay baaseen dhanka maadada isboortiga iyo caafimaadka ee fasalka 6.

    Iswiidhan waa caadi in carruurtu tagaan iskool lagu barto dabaasha. Laakiin waxaa si la mid ah muhiim u ah in dadka waaweyn awooddaan inay dabaashaan. Waxaa degmooyinka badankooda ka jira iskoolo dabaasha lagu barto oo loogu talogalay carruurta iyo dadka waaweyn labadaba.

    Waa muhiim in la xirnaado caagga dabaasha ee ku dul sabaynta biyaha marka lagu jiro doon, dadka waaweyn iyo carruurta labadaba. Carruurtu waa inay xitaa xirnaadaan caagga dabaasha ee ku dul sabaynta biyaha marka ay u dhowyihiin biyo ee ku ciyaarayaan xeebta ama looxa laga soo boodo marka biyaha lagu dabaalanayo.

    Laakiin khataruhu waxay ka jiraan xitaa guriga. Dhowr sentimitir oo biyo ah gudaha sixniga dabaasha ee suuliga ama barkad lagu dabaasho ayaa ku filan si ilmo yar ugu qarraqmo biyaha. Mar walba aad ugu ag dhowow si aad u awooddo inaad soo qabato ilmaha. Adigaaga ah waalidka ayaa mas'uul ka ah ilmahaaga wakhti walba. Marnaba ishaada ha ka qaadin ilmaha marka ilmuhu ku ciyaarayo meel u dhow biyo. Dhakhso ayay u dhacdaa in biyo lagu qarraqmo oo badanaa waxay u dhacdaa si bilaa sanqar ah.

    Haddii aanad haysan caaga la xirto ee biyaha ku dul sabeeya waxa aad badanaaba caagaas ka kireysan kartaa degmada, ama ka amaahan kartaa meel lagu keydiyo caaga la xirto ee biyaha ku dul sabeeya.

  • Heeganka masiibo iyo dagaal

    Iswiidhan may galin dagaal in ka badan 200 sano. Tan micnaheedu maaha in weligeed aanu iman doonin dagaal mar kale. Waxaa jira xitaa xaalado adag oo kale oo ku dhici kara dal.

    Maxaad samayn lahayd haddii aanay biyo ka soo bixi lahayn qasabadda oo raashinku ka dhamaado dukaamada? Ama haddii korontada shaqaynteedu istaagto? Miyaad diyaar u tahay xaalad noocaas ah? Ka fikir waxaad u baahantahay inaad samayso si aad keligaa isugu dabarto gudaha gurigaaga adigoo ah bilaa koronto iyo biyo dhowr maalmood. Miyaad haysataa waxa aad u baahantahay misse waxaad u baahantahay inaad soo iibsato wax?

    Marka ay timaado xaalad adag ee welwel ka jiro bulso waxaa faafa macluumaad badan. Laakiin macluumaadka oo dhan maaha run. Waxaa jira dad doonaya inay faafiyaan macluumaad been ah. Ka fikir waayo qofka ah soo diraha macluumaadkan iyo haddii aad aamini karto soo diraha. Ilaha wararka ee aaminka ah waa tusaale ahaan joornaallada waaweyn, Idaacadda Iswiidhan, Telafishanka Iswiidhan iyo bogga intarnatka ee krisinformation.se.

    Haddii aad doonaysid inaad dheeraad ka ogaato sida aad isugu diyaarin karto xaalad adag ama dagaal waxaad booqan kartaa bogga intarnatka ee Din säkerhet. Halkaas waxaa xitaa ku jira buug yar oo magaciisu yahay Haddii xaalad adag ama dagaal yimaado. Waxaa lagu helayaa luqaddo dhowr ah oo kala duwan oo waa la dalban karaa isagoo ah bilaa kharash.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Meeshee iyo sidee ayaa laga oggolyahay in dab laga shito bannaanka guriga?

    Halkee ayay khatar iyo sharci daro ka tahay in dab laga shito bannaanka guriga?

    Miyaad haysataa liisan baabuur oo aad ka heshay dal kale? Miyaad ogtahay nooca qawaaniinta khuseeya adiga?

    Miyaad doonaysaa inaad qaadato liisanka baabuurka ee Iswiidhan? Maxaad u baahantahay si aad u qaadato liisanka baabuurka?

    Waa kuwee iskoolada dabaasha lagu barto ee kuu dhow adiga?

    Biyahee kuugu dhow haddii adigu aad doonaysid inaad dabaalato: haro, bad ama hoolka dabaasha?

  • Wareysi lala yeeshay ninka dab demiyaha ah ee Jacob

    En brandman mellan två brandbilar på en brandstation.

    Foto: Räddningstjänsten Storgöteborg 

    Waa sidee dhakhsaha adeega badbaadinta ku iman karo markuu jiro shil ama dab?

    Way adagtahay in la sheego. Way kala duwantahay dhererka inta loo jiro dabyowga ama goobaha shil ka dhacay. Mararka qaarkood waxaa jira gaadiid badan oo maraya jidadka. Xilliga jiilaalkana waxaa jiri kara baraf. Waxaanu isku deynaa inaanu ku nimaadno sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah, laakiin waa inaanu mar walba baabuurka u wadnaa si amaan ah.

    Marka qaylo dhaantu soo gaarto xarunta waa in baabuurka dab demiska ka tagaa xarunta dab demiska gudaha 90 ilbiriqsi. Wakhtigaas waa inaanu ku haleelno inaanu dharka xirano oo fariisano baabuurka dab demiska. Haddii aanu fadhino oo wax cunayno, tababaranayno ama ku jirno suuliga ma laha wax micno ah, waa inaanu diyaar ku ahaano 90 ilbiriqsi.

    Waxbarasho noocee ah ayay tahay in qofku galo si loo noqdo dab demiye?

    Taas waxaa lagu magacaabaa Difaaca Ka Hortaga Shilalka. Waa waxbarasho 2 sano ah oo laga helo laba meelood oo ku yaalla Iswiidhan, gudaha Sandö iyo gudaha Revinge.

    Ma khasab baa in dab demiya degganaado meel u dhow xarunta dab demiska?

    Waxay ku xirantahay. Haddii aad shaqayso adigoo ah dab demiye wakhti buuxa ma u baahnid inaad degganaato meel u dhow xarunta dab demiska. Dab demiyayaashu waxay shaqeeyaan xilliyo kala duwan. Tani micnaheedu waa in wakhti walba ay jiraan dab demiyayaal jooga xarunta dab demiska, maalintii iyo habeenkiiba. Markaas maalmaha aanad ka shaqaynayn xarunta dab demiska waxaad gebi ahaanba tahay fasax.

    Adigu waxaad xitaa ku shaqayn kartaa inaad ahaato dab demiye ku jira heegan. Marka aad ku jirto heeganka waxaa laguugu yeeri karaa wakhti kasta si aad u shaqayso. Markaas waa inaad tagto xarunta dab demiska isla markiiba. Sidaas ayay tahay in haddii aad shaqayso adigoo ah dab demiye ku jira heegan waa inaad degganaataa oo ka shaqaysa meel u dhow xarunta dab demiska.

    Ma biyo oo keliyaa ku jira taangiga baabuurka dabka demiska?

    Badanaaba waa biyo oo keliya, laakiin baabuurta dabka demiye qaarkood waxay biyaha ku dari karaan dareere ah xumbo. Waa loo baahanyahay taas si loo demiyo dabyada qaarood.

    Yaa mas’uul ka ah in qalab dab demis iyo digniin bixiyaha dabka uu ku jiro dadka guryahooda?

    Digniin bixiyaha dabka waa khasab, sida ku cad sharciga, in laga helo dhammaan guryahay oo waa kuwa iska leh guriga kuwa mas’uulka ka ah soo iibsiga iyo rakibaadda.

    Qalabka dab demiyaha waa talobixin oo waa qofka ku nool guriga qofka mas’uulka ka ah soo iibsiga.