Dhaqanka iyo wakhti firaaqaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22/6-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay dhaqanka iyo wakhti firaaqaha. Waxaynu u baahanahay dhaqan iyo wakhti firaaqo si aynu u dareeno wanaag. Waxaa jira fursado badan dhinaca dhaqanka iyo wakhti firaaqaha ee gudaha Iswiidhan.

Goob ku taala seer qaran lehna marino lagu tamashleeyo oo is goynaya iyo tabeelooyin macluumaad oo kala duwan.

Sawir: Amelie Wintzell

Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin hawlaha wakhti firaaqaha, sida aad buug uga amaahanayso maktabada iyo in afka Iswiidhishka si wadajir ah loola tababarto dad kale.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay helaan farshaxan, muusig, masrax, dhaansi, filim, suugaan iyo cilmi. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad ku dhaqanto dhaqan oo abuurto farshaxan. Haweenka iyo raggu waxay leeyihiin xuquuq isku mid ah inay keligood go’aansadaan nooca qaybaha nolosha dhaqanka ee ay doonayaan inay ka qaybqaataan.

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin wakhti firaaqe firfircoon, leh ciyaar iyo hawlo wakhti firaaqe oo ku haboon ilmaha da’diisa. Carruurtu waxay xitaa xaq u leeyihiin inay helaan dhaqan iyo inay laf ahaantooda ku dhaqmaan dhaqan oo abuuraan farshaxan.

Dadka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah waa inay awoodaan inay helaan nolol dhaqan oo ku dhaqmaan dhaqan leh shuruudo la mid ah sida dadka kale. Iswiidhan waxay saxeexday Qaramada Midooney qaraarkeeda xuquuqaha loogu talogalay dadka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah.

Xilli firaaqo, dhaqan iyo nolosha jaaliyadaha

Xilli firaaqo waxaa lagu magacaabaa wakhtiga aad fasaxa ka tahay shaqo, iskool iyo hawsha guriga. Adiga laf ahaantaada ayaa dooranaya waxa aad doonaysid inaad samayso wakhtiga xilli firaaqahaaga.

Xiisooyinka wakhti firaaqaha ee caadiga ah waa tusaale ahaan isboortiga, daansiga iyo masraxa, in la ciyaaro muusig, in la ciyaaro ciyaar tiifii iyo ciyaar kombiyuutar iyo akhriska buuggaagta. Ururo badan iyo degmooyinku waxay leeyihiin noocyo jihooyin kala duwan iyo hawlo wakhti firaaqo oo aad ka qaybqaadan karto. Dhowr tusaale oo ah noocyada ururrada kala duwan waa ururrada isboortiga iyo dhaqanka, ururrada waxbarasho iyo urur dad aaminsan diin isku mid ah.

In laga qayb qaato hawlaha degmada ama jaaliyadaha kala duwan waxay bixisaa fursada ah in lagu barto dad cusub laguna tababarto luqada Iswiidhishka.

Waxaa jira tiro badan oo jaaliyado iyo hawlo ah oo la kala dooran karo.

Degmooyinka iyo jaaliyadaha waxay mararka qaarkood hayaan hawlo loogu talogalay dadka dalka ku cusub, qaxoontiga iyo ajnabiga si ay ugu sahlanaato inay soo dhex galaan bulshada Iswiidhishka ah. La xiriir degmadaada ama ka raadi bogooda intarnatka si aad u aragto waxa laga helo degmadaada.

Hawlo wakhti firaaqo oo noocee ah ayaa ka jira degmadaada?

aa kuwee xiisooyinka wakhti firaaqaha ee ugu caadisan dalka ama dalalka aad horey ugu noolayd?

Waxaa jira noocyo dhaqan oo badan oo kala duwan. Dhaqan oo dhan waa inuu kaalmeeyo horumarka shakhsiga. Tani micnaheedu waa in dhaqanku keeno in dadku horumaro. Iswiidhan sida dalal kale oo badan waxay leedahay dhaqan badan oo dadka lagu casuumo oo qaabkiisu yahay tusaale ahaan deegaanka dabiiciga ah, taariikh iyo raashin.

Dhismayaasha aad kaga qaybqaadan karto nolosha dhaqanka waa inay heli karaan dadka oo dhan. Tani micnaheedu waa waxyaabo ay ka mid yihiin in ay suurtagal ahaato in dhismayaashan lagu geli karo kursiga qofka laxaadkiisu kala dhantaalanyahay iyo in qoraalada tabeelooyinka la waafajiyay dadka leh hoos u dhac awoodda aragtida ah.

Tusaale dhanka hawlaha xilli firaaqaha iyo nolosha jaaliyadaha:

In la joogo bannaanka ah deegaanka dabiiciga ah waa hawl wakhti firaaqo oo caadi ka ah Iswiidhan. Waxaa jira dhowr ah xadiiqado qaran kuwaas oo aad booqan karto. Waxaa kale oo jira marino socod ahaan lagu tamashleeyo oo badan oo aad socod ku mari kartid. Waxaa jira badanaaba guryo yar ama gabood la galo oo lagu dhixi karo kuna dherersan marinadan lagu tamashleeyo.

Gudaha Iswiidhan dadka oo dhan way joogi karaan deegaanka dabiiciga ah, ma ku xirna qofka mulkiile ka ah dhulkaas. Tani waxaa lagu magacaabaa xuquuqda tamashlaynta.

Sida ku cad xuquuqda tamashlaynta waxaa laguu oggolyahay inaad gurato miraha, likaha iyo ubaxyada bannaanka deegaanka dabiiciga ah, laakiin ma laguu oggola inaad wax ka gurato qof jardiinadiisa. Qaar ka mid ah dhirta waa kuwo la dhowrayo oo aan la oggolayn in la gurto. Kuwaas ma laguu oggola inaad gurato. Waxa kale oo jiri kara qawaaniin gaar ah oo ah dhanka waxa laguu oggolyahay inaad ka gurato xadiiqadaha qaranka iyo seeraha qaranka.

Kantarel, kaarlyoohan iyo kantaraalka taraat waa likayaal la cuni karo, kuwaas oo aad ka guran karto duurka. Ha guran likayaal aanad garanayn. Waxaa jira likayaal sun ah, tusaale ahaan likaha flugsvamp. Duurka waxaa xitaa laga helaa miro badan oo la cuni karo. Miraha guduudan, miraha buluuga ah, miraha huruuda ah iyo miraha haaloonka dhammaantaad way fiicanyihiin in la cuno. Waxaa jira xitaa miro sun ah. Ha guran miro aanad garanayn.

Ururka Tamashlaynta hawada banaanka ee Iswiidhishka wuxuu sameeyay filimo ku saabsan xuquuqda tamashlaynta. Filimadan waa af Iswiidhish leh qoraalo hoose oo ah af Iswiidhish, Carabi, Ingiriisi, Faarsi iyo Yuukarayni.

Dhammaan degmooyinka Iswiidhan waxay leeyihiin maktabad loogu taloglay dadka halkaas ku nool.

Maktabadda waxaad xitaa ka amaahan kartaa buuggaag, ku akhrin kartaa joornaallada, kuna dhagaysan kartaa muusig oo isticmaali kartaa kombiyuutarada. Halkaas waxaa laga helaa buuggaag iyo joornaallo ku qoran luqaddo badan oo kala duwan. Maktabaddaha qaarkood waxay leeyihiin xitaa tababar luqadeed iyo caawimaadda casharada.

Adigu waxaad buuggaagta, joornaallada iyo cajalada cd-ga ku amaahanaysaa bilaash. Si aad u maahan karto waxaad u baahantahay kaarka maktabadda (kaarka amaahda). Kaas waxaad ka helaysaa maktabadda.

Wakhtiga amaahda badanaaba waa saddex toddobaad. Marka aad amaahato buug ama wax kale waxaad helaysaa warqadda rasiidhka taas oo ay ku qorantahay marka amaahdan dib loo soo celinayo. Haddii aanad wixi aad amaahatay aanad ku soo celin wakhtigeedi waxaad bixinaysaa kharashka la soo habsaamidda.

Maktabaddaha badankooda waxaa laga helaa kombiyuutaro iyo intarnatk. Haddii aad doonaysid inaad daabacdo ama sawirato dukumenti waa inaad lacag bixiso.

Maktabaddo badan waxay xitaa diyaariyaan maqaaxiyaha luqadda lagu tababarto. Halkaas ayaad kula kulmi kartaa dad si aad ugu tababarato luqaddo kala duwan.

Haddii aad xiisaynayso inaad samayso dhaq-dhaqaaq ama jimicsi waxaa jira fursado badan. Waxaad tusaale ahaan tegi kartaa jardiinooyinka dadweynaha ka dhaxeeya, hoolalka dabaasha iyo hoolalka ciyaaraha barafka. Waxaa kale oo jira hoolal isboorti kuwaas oo adigu aad tusaale ahaan ku ciyaari karto teenista ama ku samayn karto hawlo kale.

Haddii aad doonayso inaad ku tababarato xarun tababar waa inaad bixisaa lacag khidmad ah. Badanaaba waxaad bixinaysaa bil ahaan. Waxaa kale oo aad iibsan kartaa kaarka hal mar ah haddii aad doonaysid inaad tijaabiso nooc hawl ah. Xarumaha tababarka badankoodu waxay bixiyaan tababarka jir ahaan (jiimka) iyo tababarka koox ahaaneed. Tababarka koox ahaaneed wuxuu noqon karaa tusaale ahaan jimicsi, daansiga ama yooga.

Waxaa jira madxafyo iyo hoolal farshaxan labadaba kuwaas oo soo bandhiga farshaxan leh qaabab kala duwan. Waxay ahaan karaan wax kasta laga bilaabo sawiro, sanabyo ama nashqadaynta kombiyuutar. Mararka qaarkood waa inaad bixisaa lacagta kharashka soo gelida laakiin mararka qarkoodna waa bilaash.

Iswiidhan waxay leedahay nolol muusig oo qani ah lehna tusaale ahaan bandhigyo, heeso kooxeed iyo tiyaatarka muusiga. Baararka qaarkood waxay bixiyaan muusig toos loo ciyaarayo qaar ka mid ah habeenada. Waxaad xitaa ku heesi kartaa kuna ciyaari kartaa muusig dariiqa. Si muusig loogu ciyaaro meelaha dadweynaha ka dhaxeeya waxaa jira qawaaniin gaar ah. Qawaaniintan way ku kala duwanaan karaan degmooyinka kala duwan.

Waxaa jira kaniisado badan iyo dhismayaan diini ah oo kale kuwaas oo ka furan dalka oo dhan. Gudaha kaniisada waxaad ku daari kartaa iftiin kuna heli kartaa wakhti degan oo lagu fikiro. Magaalooyinka qaarkood waxaa laga helaa xitaa masjidyo iyo goobaha diiniga ee Yuhuuda.

Taariikhda Iswiidhan waxaa laga helaa qaar badan oo ka mid ah madxafyada dalka. Kuwa badan oo ka mid ah madxafyadan waxay qaataan kharashka soo gelida.

Waxaa kale oo jira goobo taariikhi ah kuwaas oo ah raadkii dadki waagi hore.

​Si fiican oo lagu barto swiidhishka waa in lala hadlaa dad horbaba yaqaanna swiidhishka.

Ka fikir inaad taxaddar yeellato haddii aad la kulmayso qof aad xiriir kula yeellatay intarnatka. Waxa fiican inaad qof u sheegto meesha aad tagayso oo go'aanso inaad qofkaas kula kulanto meel dadweynaha ka dhaxaysa.

Degmooyin iyo ururo tabaruc ah oo badan waxay ka shaqeeyaan inay caawiyaan qaxoontiga dalka ku cusb iyo ajnabiga inay xiriir la sameeyaan Iswiidhishka. Magaca hawshu way kala duwanaan kartaa, waxaa lagu magacaabi karaa saaxiib luqada ah, hagaha qaxoontiga, caawiyaha qofka cusub, la taliye ama saaxiib.

Adigoo maraya hagahaaga qaxootiga ama saaxiibkaaga luqadda ayaad si degdeg ah u baran kartaa swiidhishka, xiriirra cusub oo nolol maalmeedka kuu fududeyn karana waad xir-xiraneysaa. Degmadaada ayaad u sheegeysaa in aad daneyneysid in aad heshid saaxiib luqadeed ama hage qaxooti.

Maxaa qofku ku samayn karaa bannaanka deegaanka dabiiciga ah iyo agtaada?

Meelahee ayaad kula talin lahayd qof inuu booqdo?