Dadka iyo deegaanka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 30 9 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Sida aynu u noolnahay waxay raad ku yeelataa deegaanka iyo cimilada aduunka. Tusaale ahaan waxaa raad ku yeesha deegaanka iyo cimilada waxa aynu cuno, sida aynu u safarno, sida aynu u noolnahay iyo waxa aynu iibsano. Dabcan maaha dad gaar ah kuwa mas’uulka ka ah in aduunkeenu dareemo wanaag. Siyaasiyiinta, shirkadaha, ururada iyo qaar kaloo badan ayaa xitaa looga baahanyahay inay kaalmo ka geystaan.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay deegaanka iyo cimilada. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan Iswiidhan hadafkeeda deegaanka iyo waxa isbaddalada cimilada ay yihiin. Waxaad xitaa akhrin doontaa sida aad ugu noolaan kartid si dheeraad ugu fiican deegaanka dhinaca noloshaada maalinlaha ah iyo nooca waajibaadka iyo xuquuqaha aad leedahay marka aad joogtid deegaanka dabiiciga ah.

  • Ajandaha 2030 iyo horumar raagaya

    Iswiidhan dawladeedu waxay ka shaqaynaysaa inay gaarto Qaramada Midoobey hadafkeeda caalamiga ah ee Ajandaha 2030 looguna talogalay horumar raagaya. Ajandaha 2030 waa qorshe ah in la ciribtiro saboolnimada, la joojiyo isbaddalada cimilada oo la abuuro bulshooyin nabad iyo amaan ah.

    Horumar raagaya micnihiisu waa in aynu ku noolaano maanta qaab keenaya in jiilasha soo socdaa ay awoodaan inay lahaadaan fursado la mid ah kuwa innaga. Raagistu waxay leedahay saddex qaybood: raagis dhaqaale ahaan, raagis bulsho ahaan iyo raagis cilmiga noolaha iyo deegaanka ah. Dhammaan saddexda qaybood waa muhiim. Tusaale ahaan biyo nadiif ah iyo hawo caafimaad leh waxay labaduba muhiim u yihiin caafimaadkeena iyo deegaanka.

Iswiidhan hadafkeeda deegaanka iyo horumar raaga

Siyaasadda Iswiidhishka ee deegaanka waxay leedahay hadaf guud. Hadafku waa inaynu imminka xalino dhibaatooyinka waaweyn deegaanka oo aanaynu u sii gudbin jiilalka soo socda. In la gaaro hadafyada deegaanka ee Iswiidhishka waxaa dheer intaas inaanay keenin dhibaatooyin deegaan oo kordha iyo dhibaatooyin caafimaad oo ka dhacay dalalka kale. Tas ayaa baarlamaanka Iswiidhan go'aamiyay.

Si loo gaaro hadafyada deegaan ee Iswiidhan waxaa loo baahanyahay dhammaan bulshadu caawimaad gaysato: hey'addaha dawladeed, shirkadaha, ururrada danaynaya iyo xitaa dhammaan dadkeena deggan ee ku nool Iswiidhan. Hey'addaha dawladda qaarkood waxaa mas'uuliyad dheeraad ahi ka saarantahay in la gaaro hadafyada deegaanka, tusaale ahaan Hey'adda daryeelka deegaanka dabiiciga ah, maamulka gobolada iyo Guddiga arrimaha gaadiidka.

Hadafyada deegaanka waxay ku saabsanyihiin dhinacyo badan oo kala duwan. Tusaale ahaan hawo nadiif ah, ilaalinta kala duwanaanshaha bayoolaji, biyo nadiif ah, in la ilaaliyo duuryada iyo badda iyo in la yareeyo gaasyada qiiqa.

Hadafyada deegaanka waxay muhiim u yihiin shaqada dhanka horumar raaga gudaha Iswiidhan. Horumar raaga micnahiisu waa in kharaadkeena wada-jirka ah loo isticmaalo qaab dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo cilmig noolaha deegaanka u raaga.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Maxaa loola jeedaa deegaan fiican? Maxaad ka fikiraysaa adigu?

    Yaa mas'uul ka ah inaynu helno deegaan fiican? Maxaad ka fikiraysaa adigu?

Isbaddalada cimilada

Farqi ayaa u dhaxeeya hawo iyo cimilo. Hawadu ay kala duwanaan kartaa maalin walba. Mararka qaarkood waxa jirta cadceed iyo mararka qaarkood oo roob jiro. Jiilaalyada qaarkood way ka qabowyihiin kuwa kale. Cimilo waa sharaxaada sida hawadu ay ka ahayd meel intii lagu soo jiray dhowr sano ama boqolaal sano. Si loo cabbiro cimilada waxaa cilmi-baarayaashu u baahanyihiin inay ururiyaan macluumaad wakhti dheer. Badanaaba cilmi-baarayaashu waxay cimilada cabbiraan muddooyin ah 30 sano ama ka badan, si loo awooddo in la fahmo oo la sharraxo cimilada.

Cimilada aduunka wakhti walba way kala duwanayd. Waxaynu lahayn muddooyin aduunku uu sidan ka sii kululaa iyo ka qaboobaa. Waxaynu lahayn tusaale ahaan muddooyin qaybo badan oo aduunka ka mid ah uu qariyay baraf. Isbaddaladi hore ee cimilada waxay qaateen dhowr kun oo sano, laakiin maanta waxay cimiladu isu baddalaysaa si dhakhso ah.

Derajada heer-kulka aduunka wuu sii kacayaa oo aduunku wuu sii diiranaanayaa. Tani waxaa sabab u ah waxyaabo ay ka mid yihiin in dadku ay sii daayaan gaasas sidii hore ka badan kuwaas oo keenay in waxa lagu magacaabo saamaynta qiiqyada baxayaa ay sii xoogaysteen.

Qiiqyada baxayaa waa wax dabiici ah. La'aanta qiiqyo baxa aduunka may ka jirteen nolol. Aduunku wuxuu ahaan lahaa mid aad u sii qabow marka la barbardhigo sida uu yahay maanta. Aduunka hareerahiisa waxaa ka jira jawi ku xeeran oo ka kooban dhowr gaas oo kala duwan, ay ka mid yihiin qiiq biyo, kaarboon laba ogsaydh iyo metaan. Gasyadan waxaa lagu magacaabaa saamaynta gaasyada. Waxay ku xeersamaan aduunka, oo keenaan in qoraxda iftiinyadeedu ay halkaa ku hakadaan oo diiriyaan aduunka halkii ay dib ugu bixi lahaayeen hawada sare ee aduunka. Qiyaastii sida guri muraayado leh oo dhirta lagu kobciyo.

Marka innageena ah dadka aynu sii dayno gaasas badan waxaa saamaynta gaasyada noqotaa mid sii xoogan oo aduunka ayaa sii kululaada. Waxaynu sii daynaa gaasyo dhanka tusaale ahaan gaadiidkeena, warshadaha iyo marka aynu soo saarayno raashinka. In aduunku diirimaad sii noqonayo waxaa lagu magacaabaa diirimaadka aduun weynaha.

Isbaddalada cimilada waxay qaabab badan raad ugu yeeshaan bulshooyinkeena. Tusaale ahaan hawo xun sida qalayl xoogan ama roobab xoogan ayaa caadi sii noqda. Heerka badda ayaa kaca sababtoo ah waxaa dhalaalaya barafyadii aduunka. Dhulka u dhow xeebta ayaa khatar u gala in uu hoos galo biyaha oo dadku waxay ku khasbanaan karaan inay guuraan. Isbaddalada cimilada waxa kale oo ay u dhacayaan si ka dhakhso badan waagii hore, taas oo keenaysa in tusaale ahaan xayawaanka qaarkood iyo dhirta aanay haleelin inay la qabsadaan oo ay dhintaan.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Miyaad adigu dareentay wax ah dhibaatooyin deegaanka ah halka aad horey ugu noolayd iyo halka aad ku nooshahay imminka, haddii ay sidaas tahay waa maxay?

In loo noolaado si deegaanka saaxiib la ah oo raagaysa dhanka nolosha maalinlaha ah

Waxaynu dhammaanteen ku tiirsanahay aduunka iyo deegaanka dabiiciga ah si aynu u badbaadno. Sidaas darteed waxaynu dhammaanteen isku deyi karnaa inaynu u noolaano si deegaanka saaxiib la ah oo raagaysa. Qaybtan waxaad ku ogaanaysaa dheeraad ku saabsan dhinacyada kala duwan ee adigu aad ku ahaan karto mid si dheeraad ah saaxiib u ah deegaanka dhanka nolosha maalinlahaaga ah.

Qashinka iyo dib u isticmaalid

Qashin badan ayaa ka jira gudaha Iswiidhan sanad walba. Waa sharci in dhammaan dadka ku nool Iswiidhan ay kala soocaan qashinkooda. Tani waxay xitaa u fiicantahay deegaanka haddii aad kala soocdo qashinkaaga. Wax badan oo ah waxa aynu tuurno waxaa loo isticmaali karaa wax kale. Tani waxaa lagu magacaabaa in qashinka dib loo isticmaalo. Waxaynu kaydinaynaa aduunka khayraadkiisa marka la kala sooco qashinka ee dib loo isticmaalo qashinka.

Agta xaafadaha guryaha badankooda waxaa ku yaalla xarumo ama qol qashin halkaas oo aad ku kala sooci karto qashinkaaga. Tani micnaheedu waa in aad haraaga raashinka, birta, quraaradaha, caagga iyo waraaqaha ku tuurayso haanyo kala duwan.

Waxa kale oo jira meelo kale oo aad adigu dhigi karto qashinka:

Xarunta dib u isticmaalka qashinka
Halkaas waa inaad dhigto baakadaha , joornaallada iyo beetariyada.

Xarunta deegaanka
Dadka oo dhan waa inay ururiyaan haraaga wasakhda ama qashinkooda khatarta u ah deegaanka. Tani waxaad u samayn kartaa qaabab kala duwan. Adigu waxaad qashinkaaga khatarta ah dhigi kartaa xarunta deegaanka, xarunta dib u isticmaalka qashinka ama Samlaren ka jira meelo ay ka mid yihiin dukaamada. Mararka qaarkood waxaa jira xitaa baabuur gaar ah oo ku wareega degmada oo ururiya qashinka khatarta ah.

Xarunta dib u istcmaalka qashinka
Halkan waxaad dhigi kartaa qashinka weyn iyo waxyaabaha waaweyn iyo xitaa qashinka khatarta ah, tusaale ahaan kiimikada iyo alaabta elaktarooniga ah.

Biyaha iyo bullaacadaha

Iswiidhan waxaa laga helaa biyo aad u badan. Biyaha ku jira qasabadaha waa kuwo tayadoodu aad u sareyso. Biyaha qabow waa amaan in la cabo oo cunto lagu samaysto. Ha cabin biyo kulul oo qasabadda ah. Ha isticmaalin xitaa biyo kulul oo ka soo baxay qasabadda marka aad cuntada samaynayso. Waxaa jirta khatar ah in ay ku galaan noocyo ah biro markaas. Waa caadi in tusaale ahaan lagu dhaqo gacmaha, wax lagu nadiifiyo oo lagu qubaysto biyaha kulul ee ka soo baxa qasabadda.

Biyaha ka soo baxa bullacadda waxaa loo hogaamiyaa warshadda safaynta. Warshadda safaynta waxay nadiifisaa biyaha oo ka dib ku sii daysaa tusaale ahaan harooyinka iyo badda. Wax walba maaha suurtagal in la nadiifiyo oo way adagtahay in maadooyinka khatarta ah laga saaro biyaha. Sidaas darteed ma la inoo oggola inaynu tusaale ahaan rinjiga ama dawooyinka ku qubno bullaacadda.

Duxda iyo saliidda raashinka ku tuur qashinka. Haddii dux iyo saliidda raashinka lagu qubo bullaacadda waxay keentaa inay istaagto.

Tamar

Dhammaan tamarta iyo korontada aynu isticmaalno waxay raad ku yeelataa deegaanka. Tiro badan oo tamar ah ayaa gasha gaadiidyada, diirinta dhismayaasha iyo warshadaha. Badanaaba tamartu waxay ka timaadaa saliidda, gaasta iyo dhuxul oo ma u fiicna deegaanka. Si loo yareeyo isbaddalada cimilada waxaynu u baahanahay inaynu isticmaalno tabar sidan ka sii yar oo doorano tamarta ka timaadda biyaha, dabaysha iyo qoraxda kuwaas oo uga sii fiican deegaanka.

Si loo kaalmeeyo in la yareeyo qiiqyada baxaya waxaad raaci kartaa gaadiidka dadweynaha. Tani micnaheedu waa in aad raacdo tareenka dhulka korkiisa mara, tareenka dhulka hoostiisa ama bas oo baddal u ah baabuur. Adigu waxaad xitaa dooran kartaa in aad raacdo tareen oo lagu baddalo diyaarad. Waxa kale oo fiican in laga fikiro waxa aad ka iibsanayso dukaanka. Adigu waxaad iibsan kartaa waxyaabo lagu sameeyay meel u dhow halka aad deggantahay. Adigu waxa kale oo aad dooran kartaa inaad yareyso cunista hilibka maadaama soo saarka hilibka uu u baahanyahay tamar badan . Adigu waxaad xitaa tashiili kartaa tamarta gudaha gurigaaga. Tani waxaad samayn kartaa adigoo tusaale ahaan damiya nalalka aan u baahnayn inay daarnaadaan iyo in hoos loo dhigo heer-kulka kuleylisadaada.

Isticmaal raaga

Gudaha Iswiidhan aad ayaynu u isticmaal badanahay marka la barbardhigo dalalka kale ee aduunka. Marka aynu iibsano ee isticmaalno badeecado iyo adeegyo waxay tani raad ku yeellataa deegaanka iyo cimilada. Dharka, kabaha, alaabta guriga, raashinka iyo waxyaabaha kale ee aynu isticmaalnaa waxay khayraad badan uga baahdaan deegaanka dabiiciga ah si loo awooddo in la soo saaro. Tusaale ahaan waxaa loo baahanyahay biyo badan si loo beero suufka dharka. Soo saarka badeecadaha iyo adeegyada waxa kale oo ay kordhisaa soo bixida gaasyada, taas oo iyana keenta isbaddalo cimilo.

Waxaynu wax u isticmaali karnaa si raagaysa iyadoo tusaale ahaan la amaahdo ama la kireysto alaab, ama la iibsado oo waxna lagu iibiyo gacan labaad. Waxyaabo badan waa suurtagal in xitaa la hagaajiyo. Adigu waxaad xitaa iibsan kartaa badeecadaha leh calaamadda inay deegaanka u fiicanyihiin.

Raashin cimilada u fiican

Marka aad ka adeeganayso dukaankaaga raashinka waxaad heli kartaa khudaar cagaar ah, khudaar, hilib, caano iyo raashin badan oo kale kuwaas oo cimilada u fiican. Tani micnaheedu waa in beeralayda ama kuwa kale ee soo saaray raashinkan ay u beereen iyagoo raacay qawaaniin gaar ah, si ay raad ugu yeelato deegaanka ilaa inta ugu yar ee suurtagal ah. Tusaale ahaan ma laguu oggola inaad isticmaasho digo aan dabiici ahayn ama kiimiko wax qalaad ku ah deegaanka dabiiciga ah. Waxa kale oo jira qawaaniin adag dhanka dawooyinka xayawaanka, tusaale ahaan antibayootikada.

Calaamaddaha deegaanka

Waxaa jira calaamaddo deegaan oo badan oo kala duwan. Marka badeecad lagu calaamadiyay deegaanka micnaheedu waa in badeecadan ay buuxisay shuruudo deegaan oo gaar ah. Tusaale ahaan calaamaddaha deegaanka waa Bra Miljöval, EU Ecolabel (ubaxa EU-da), EU:da calaamadeeda alaabta deegaanaka u fiican ee (EU-lövet), KRAV, MSC, FSC iyo GOTS.

Tusaale ah calaamad wax deegaanka u fiican dhanka raashinka waa KRAV iyo EU:da calaamadeeda alaabta deegaanka u fiican ee (EU-lövet).

Raashinka lagu beeray ama laga soo saaray meel dhow

Raashinka lagu beeray ama laga soo saaray meel u dhow halka aad ka iibsato waxaa lagu magacaabaa raashinka lagu beeray meel dhow ama laga soo saaray meel dhow. In raashin laga soo saaray meel dhow micnaheedu maaha mar walba in tani u sii fiicantahay deegaanka. Sida shay loo beero ama loo soo saaro waxay badanaaba raad ku yeelataa deegaanka si ka badan inta ay leegtahay masaafada shaygan gaadiid la soo saaray. Waxaa jira sababo badan oo ah in la doorto raashin lagu beeray ama laga soo saaray meel dhow. Adigu laga yaabee inaad doonaysid inaad taageerto badeecadaha iyo dukaamada meesha aad deggantahay. Adigu laga yaabee inaad doonaysid inaad hesho badeecado aad daray u ah intii suurtagal ah. Adigu laga yaabee inaad doonaysid inaad iska ilaaliso badeecadaha la soo saaray gaadiid masaafo dheer.

In la joogo bannaanka deegaanka dabiiciga ah

Xuquuqda tamashlaynta

Gudaha Iswiidhan dadka oo dhan way joogi karaan deegaanka dabiiciga ah, ma ku xirna qofka mulkiile ka ah dhulkaas. Tani waxaa lagu magacaabaa xuquuqda tamashlaynta.

Xuquuqda tamashlaynta waxay ku siinaysaa tusaale ahaan xaqa in aad ku socoto wadooyinka gaarka loo leeyahay ama taambuug ka taagato maalin gudaha deegaanka dabiiciga ah. Xuquuqda tamashlaynta micnaheedu isla mar ahaantaas waa in aynu taxaddarno oo ixitiraam u muujino deegaanka dabiiciga ah. Xuquuqda tamashlaynta waxaa lagu soo koobi karaa erayada "dhib ha gaysan, wax ha xumayn".

Adiga ma laguu oggola inaad tusaale ahaan dab ka shido deegaanka dabiiciga ah haddii uu jiro qallayl badan ama dabayl badan. Dab toos ha ugu shidin korka ama meel u dhow dhagxanta waaweyn ama dhagaxyada weyn. Iyagu way ku dilaacaan oo ku xumaadaan. Xaadiiqadaha iyo seeraha qaranka waxaa badanaaba ku yaalla goobo dabka lagu shito oo gaar ah kuwaas oo aad wax ku duban karto. Haddii aad qorshaynayso inaad dab shido ama wax dubato, hubso haddii uu jiro khatar ah in dab billaabmo ama ay mamnuuc tahay in dab la shido dhinaca degmadaada ama gobolkaaga. Adigu waxaad macluumaadkan ka helaysaa bogga intarnatka ee degmadaada ama gobolkaaga. Adigu waxaad xitaa la xiriiri kartaa adeegaaga badbaadinta ee maxaliga ah haddii aad hayso su'aalo ku saabsan khatarta dabka iyo dab shidka.

Qashin ha ku tuurin deegaanka dabiiciga ah. Waa sharci daro in qashin lagu tuuro gudaha Iswiidhan. Qofka qashin iska tuura la ganaaxi karaa ama la xiri karaa. Qashinkaaga qaado oo ku tuur kala soocida qashinkaaga.

Likayaal huruud ah oo ku jira dembiil la tidcay.

Sawir: Pixabay

Seeraha qaranka

Seer qaran waa aag dhul weyn kaas oo hey'addaha dawladda u dhowreen deegaanka dabiiciga ah, dhirta iyo xayawaanka jooga dhulkaas waa kuwa si gaar ah xaasaasi u ah ama aan caadi ahayn. Seer qaran waxa kale oo loo samayn karaa maadaama loo baahanyahay dhul loogu talogalay nolosha wakhti firaaqaha halkaas oo dadku joogi karaan deegaanka dabiiciga ah. Waxaa gudaha Iswiidhan laga helaa dhowr kun oo seero qaran ah. Waxay ahaan karaan duuryo gaboobay, buuro dhaadheer ama harooyin ku yaalla jasiiradaha. Waxaa mar walba jira tabbeelooyin gudaha seer qaran kuwaas oo sheegaya dhulkan gudihiisa waxa laguu oggolyahay inaad samayso iyo waxa aan laguu oggolayn. Waxaa jiri kara qawaaniin kala duwan dhanka seeraha qaran ee kala duwan. Tusaale ahaan mararka qaarkood waxaa mamnuuc ah in ubaxyo laga gurto gudaha seero qaran.

Dhirta iyo xayawaanka ay tahay in la ilaaliyo

Ilaalintu waa difaac loogu talogalay dhirta iyo xayawaanka khatarta ugu jira in la waayo. Dawladda ayaa go'aamisa nooca dhirta iyo xayawaanka noqonaya kuwo la ilaaliyo. Dhirta la ilaalinayo ma la oggola in la gurto, la qodo, la qaado ama la dhaawaco. Xayawaanka la ilaalinayo ma la oggola in la dilo, dhaawaco ama la qabto. Ilaalinta shimbiraha waxay khuseysaa xitaa ukuntooda iyo cuf shimbireedka.