Dadka iyo hey’ad dawladeed

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/1-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Adrian dhowaan ayuu u soo guuray Iswiidhan. Isagu wuxuu horey ula xiriiri jiray hey’addaha dawladeed, gudaha Iswiidhan iyo dalalka kale labadaba. Laakiin hey’addaha dawladeed ee gudaha Iswiidhan waxay u eegtahay inay u shaqeeyaan qaab kale oo waxay leeyihiin magacyo kale oo aan ahayn hey’addaha dawladeed ee uu horey ula xiriiri jiray. Waa tee hey’adda dawladeed ee ay tahay inuu la xiriiro haddii isagu u baahanyahay talobixin ku saabsan in la raadiyo shaqo? Waa tee hey’adda dawladeed ee ay tahay inuu la xiriiro haddii isagu doonayo inuu qaato liisanka baabuur wadida? Maaha wax fudud in la ogaado waxa hey’addaha dawladeed ee kala duwan sameeyaan.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay hey’addaha dawladeed ee gudaha Iswiidhan. Waxaad akhrin doontaa waxa hey’addaha dawladeed ee kala duwan sameeyaan ee go’aamiyaan kuwaas oo raad ku yeelan kara noloshaada maalinlaha ah. Waxa kale oo aad akhrin doontaa sida aad rafcaan uga qaadan karto go’aan ka yimi hey’ad dawladeed.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay awoodaan inay raadiyaan oo helaan macluumaadka ka yimi hey’addaha dawladeed. In si xor ah loo raadiyo loona helo macluumaad waxay aasaas u tahay xorriyadda fikradda iyo xorriyadda hadalka. Xaqan wuxuu ku saabsanyahay macluumaad ku saabsan bulshada, tusaale ahaan sharciyada jira, iyo macluumaad adiga kugu saabsan, tusaale ahaan haddii arrin kaa taalo hey’ad dawladeed.

Hey’addaha dawladeed waa inay hubiyaan in dadka leh awoodaha kala duwan ay fursad u haystaan inay gudoomaan oo fahmaan macluumaad ka yimi hey’ad dawladeed. Marka aad tusaale ahaan la xiriirto dawladda iyo degmooyinka waxaad xaq u yeelan kartaa turjubaan haddii aanad ku hadlin ama fahmayn Iswiidhishka ama haddii aad ku hadasho luqadda dadka dhegoolaha ah.

Waa inaad hesho ama awooddo inaad dukumenti ka dalbato hey’addaha dawladda kaas oo ah qaab adiga kugu haboon, tusaale ahaan qoraalka indhoolayaasha, qoraal akhrin fudud ama qoraal cod ahaan kuugu soo baxa iyadoo la adeegsanayo qalab caawimaad. Hey’addaha dawladda macluumaadkooda djitaalka ah xitaa waa inuu ku haboonaado dadyowga kala duwan awoodahooda. Tani micnaheedu waa in hey’addaha dawladda ay qoraal raaciyaan filimadooda fiidyowga iyo in qoraalka ku yaala hey’addaha dawladda boggagooda intarnetka uu fududyahay in la fahmo.

Hey'addaha dawladeed ee gudaha Iswiidhan

Iswiidhan waxaa ka jira hey'ado dawladeed, gobolo iyo degmooyin. Iyagu waxay leeyihiin waajibaad kala duwan iyo aagag ay mas'uul ka yihiin.

Hey'addaha dawladeed

Waxaa jira dhowr boqol oo hey'ado dawladeed ah gudaha Iswiidhan. Iyagu waa inay eegaan in sharciyada baarlamaanka iyo dawladdu go'aamiyeen la fuliyo.

Gobolada

Iswiidhan waxaa ka jira 21 gobol. Gobol walba waxaa ka shaqeeya siyaasiyiin ay doorteen dadka ku nool gudaha gobolkaas. Goboladu waxay mas'uul ka yihiin tusaale ahaan daryeelka bukaanka iyo gaadiidka dadweynaha. Iswiidhan waxay u qaybsantahay 21 gobol. Gobol kasta waxaa ka jirta hey'ad dawladeed oo lagu magacaabo maamulka gobolka.

Degmooyinka

Iswiidhan waxaa ka jira 290 degmooyin ah. Degmadu waxay mas'uul ka tahay aagaas adeegiisa bulshada, sida tusaale ahaan iskoolka, xannaannada carruurta iyo daryeelka waayeelka. Dadka ku nool degmo waxay doorasho degmo ku doortaan kuwa iyaga matali doona.

Vilken region och vilken kommun befinner du dig i nu?

Adigu waxaad xiriir la yeelan doontaa hey'ado dawladeed qaybo badan oo ka mid ah nolosha. Haddii aad codsato sharciga degganaansho waxaad booqanaysaa tusaale ahaan Hey'adda Socdaalka. Waxa kale oo jira hey'addo dawladeed oo kale kuwaas gaara go'aamo raad ku yeelanaya noloshaada maalinlaha ah, tusaale ahaan Xafiiska Shaqada, Qasnadda Caymiska iyo Hey'adda Cashuuraha.

Rafcaan ka qaadashada go'aanka hey'ad dawladeed

Haddii aad hey'ad dawladeed ka heshay go'aan aad u aragto inuu yahay khalad waxaad go'aankaas ka qaadan kartaa rafcaan. Hey'adda dawladeed ee gaartay go'aankaas ayaa kugu wargelinaysa sida aad u samaynayso rafcaan. Waxaad helaysaa warbixintan oo la socota go'aanka. Halkaas ayay ku qorantahay sida aad samaynayso si aad u samayso rafcaan, marka lagaaga baahanyahay in adigu aad ugu dambeyn soo dirto rafcaanka iyo haddii aad tusaale ahaan u baahantahay inaad soo dirto wax ah dukumenti.

Tusaale: Anita waxay heshay caawimaad inay rafcaan ka qaadato go’aan

Anita waa 73 jir oo waxay codsatay adeegga qofka lagu caawiyo guriga inay ka hesho adeegga arrimaha bulshada ee degmada ay iyadu ku nooshahay. Shaqaale qaabilsan caawimaada ayaa baaray haddii Anita ay baahi u qabto taageero. Ka dib baaritaankan ayaa shaqaalihii qaabilsanaa caawimaadka go'aanki oo warqad ah u dirtay Anita. Iyadu waxay heshay diidmo dhinaca codsigeedi oo ma helayso adeegga guriga qofka lagu caawiyo. Iyadu waxay u aragtaa tani inay tahay khalad. Maxay samayn doontaa? Go'aankan waxaa ku qoran wax ku saabsan rafcaan, laakiin iyadu waxay u aragtaa in tani adagtahay in la fahmo. Iyadu waxay wacday shaqaalaha qaabilsan caawimaada oo ay waajib ku tahay inay wargeliso Anita sida ay rafcaan ugu dirsanayso maxkamadda maamulka.

Degmooyinka qaarkood degmada xafiiskeeda muwaadiniinta ayaa ku caawin kara haddii adigu aad u baahato macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida aad rafcaan uga qaadanayso go'aan.

Miyaad garanaysaa sida aad rafcaan uga qaadanayso go’an ka yimi hey’ad dawladeed?

Maxay sameeyaan hey'adaha dawladeed ee kala duwan?

Iswiidhan waxaa ka jira hey'addo dawladeed oo badan. Waa tan warbixin ku saabsan dhowr ka mid ah hey'addaha dawladeed ee aad u baahan karto inaad la yeellato xiriir.

Hey'adda laanta socdaalka baartaa codsiga dadka raba ineey soo booqdaan, ama degaan ama raba ineey gabbaad ka dhigtaan wadanka Iswiidhan ama kuwa raba in la siiyo sharciga dhalashada ee Iswiidhan.

Xafiiska Shaqadu waa hey'ad dawladeed taas oo ay tahay inay kaalmo ka gaysato suuq shaqo oo si fiican u shaqaynaya. Xafiiska Shaqadu waxay shaqo raadiyaha ka taageertaa inuu helo shaqo iyo in shaqo bixiyuhu helo shaqaale cusub.

Iyagu waxay xitaa mas'uul ka yihiin in qaar ka mid ah dadka dalka ku cusub helaan qorshe shakhsiyan ah si ay u galaan shaqo ama waxbarasho. Taas waxaa lagu magacaabaa barnaamijka sal dhigashada.

Qasnadda Caymiska waxay mas'uul ka tahay qaybo badan oo ka mid ah caymiska bulshada ee Iswiidhan. Caymiska bulshada wuxuu bixiyaa gabood dhaqaale inta lagu jiro nolosha qaybaheeda kala duwan.

Waxa jira kaalmooyin badan oo kala duwan iyo gunnooyin, tusaale ahaan gunnada waalidka, kaalmada kirada guriga, kaalmada carruurta, gunnada sal dhigashada iyo gunnada marka adigu aad xanuusanaysay in ka badan 14 maalmood.

Qasnadda Caymiska ayaa qabanaysa codsigaaga oo go'aamisa haddii adigu aad xaq u leedahay inaad hesho gunno. Iyagu waxay xitaa bixiyaan lacagta kaalmada iyo gunnooyinka aad helayso.

Hey'adda Cashuuraha hawlaheeda waxaa ka mid ah in ay qaado cashuurta oo hubiso in adigu aad bixisay cashuur sax ah. Hey'adda Cashuuraha waxay mas'uul ka tahay diiwaan-gelinta dadweynaha, taas oo ah diiwaan-gelinta dadka ku nool gudaha Iswiidhan, halka ay degganyihiin iyo nooca xiriiryada qoys ee ay leeyihiin. Iyagu waxay xitaa soo bixiyaan kaarka aqoonsiga ee loogu talogalay dadka ku jira diiwaan-gelinta dadweyaha ee Iswiidhan.

Booliisku wuxuu baaraa oo ka hortagaa dembiyada. Iyagu waxay xitaa ka shaqeeyaan sidii loo kordhin lahaa ammaanka iyo in laga hortago dembiyada. Haddii laguu geystay dembi waxaad arrintaas wargelin kartaa Booliiska.

Xafiiska adeega arrimaha bulshada wuxuu ku yaallaa degmo walba oo ku taalla Iswiidhan. Iyagu waxay taageero iyo caawimaad siiyaan dadka ku nool degmada ee taas u baahan. Xafiiska adeega arrimaha bulshada shaqadooda waxaa hogaan u ah sharciyo kala duwan, tusaale ahaan sharciga arrimaha bulshada. Sharciga arrimaha bulshada waxaa ku jira qawaaniin ku saabsan tusaale ahaan qofka xaq u leh kaalmo dhaqaale iyo daryeel bulsho.

Haddii ay kugu adagtahay in aad is masruufto ama qoyskaaga waxaad codsan kartaa kaalmo dhaqaale. Akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan xafiiska adeega arrimaha bulshada oo ku qoran degmadaada boggeeda intarnatka.

Shaqada Maamulka Gaadiidka Iswidhan waa ineey jidadka ka dhigaan kuwo la mari karo, in tareenka waqtigiisu uu ku imaanayo iyo in warbixinta gaadiidka eey tahay mid leesku haleen karo. Waxeey kaloo tahay waaxda ka mas’uulka ah imtixaanka baabuur wadida markaad leesinkaada qaadaneeysid.

Waa Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka kuwa bixiya ogolaanshaha leysinka baabuurka. Dhanka hawlaha Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka waxaa xitaa ka mid ah shaqada amaanka taraafikada iyo nidaaminta sharciyada taraafikada.

Hey'adda waxbarashada waxay ka shaqaysaa in ardayda oo dhan ay waxbarasho fiican ku helaan jawi ammaan ah. Hey'adda waxbarashada waxay caawisaa in la fuliyo waxa baarlamaanka iyo dawladdu go'aamiyeen ee ku saabsan iskoolka. Tusaale ahaan Hey'adda waxbarashada waxay diyaarisaa qorshayaasha koorsooyinka iyo maadooyinka kuwaas oo sharaxayaa waxa ay tahay in arday barto.

Kormeerka Iskoolada wuxuu hubiyaa sida iskoolada Iswiidhan u shaqeeyaan iyo inay raacaan sharciyada. Hadafku waa in ardayda oo dhan ay waxbarasho fiican ku helaan jawi ammaan ah. Dadka oo dhan waxay wargelin karaan Kormeerka Iskoolada haddii ay u arkaan in wax si liidata u shaqaynayaan gudaha iskoolka.

Dawladda xarunteeda adeega ayaa mas’uulka ka ah xafiisyada adeega (servicekontoren) ee dhowr hey’ado dawladeed ay ku leeyihiin wada shaqayn.

Shaqaalaha xafiis adeeg (servicekontor) waxay kaa caawin karaan inaad isticmaasho adeegyada elaktarooniga ah, buuxinta foomamka iyo codsiyada isla markaana ku siin karaan warbixin ku saabsan arrimahaaga markaas furan oo daabici karaan shahaado iyo caddaymo kala duwan. Xafiisyo adeeg oo badan (servicekontor) waxa kale oo aad ka heli kartaa warbixin ku saabsan iyo caawimaada in la isticmaalo Xafiiska shaqada adeegyadeeda. Xafiisyo adeeg qaarkood (servicekontor) waxaad ka codsan kartaa oo ka soo qaadan kartaa kaarka aqoonsiga. Dhinaca xafiis adeeg (servicekontor) waxaa ka shaqeeya shaqaale kugu caawin kara dhowr luqadood oo aan ahayn Iswiidhish iyo Ingiriisi.

Miyaad garanaysaa hey'addo dawladeed oo kale oo ka jira gudaha Iswiidhan?

Waa kuwee hey'addaha dawladeed ee adigu aad xiriir la yeelatay?

Yaa kantaroola hey'addaha dawladeed?

Hey'addaha dawladeed iyo maxkamadaha iyo kuwa ka shaqeeya halkaas waa inay daryeelaan shaqadooda oo raacaan sharciyada. Sidaas darteed waxaa iyaga baara hey'addaha dawladeed ee kale, oo ay ka mid tahay Wakaalada Cadaaladda (JO) iyo sarkaal sare oo dawladda ka tirsan oo ilaaliya in maxkamadaha iyo hey'addaha dawladdu ku shaqeeyaan sharciga iyo nidaamka (JK).

JO iyo JK waa inay hubiyaan in maxkamadaha iyo hey'addaha dawladdu ay dacwadaha iyo arrimaha ula dhaqmaan qaab sax ah. Haddii aad u aragto in adiga laf ahaantaada ama qof la kulmay in si xun ay ula dhaqantay hey'ad dawladeed ama maxkamad waxaad adigu ka ashkatayn kartaa JO ama JK. Qof kasta ayaa samayn kara ashkato. Ma u baahnid in aad tahay da' gaar ah. Ma u baahnid in aad tahay muwaadin Iswiidhish ah ama aad ku nooshahay gudaha Iswiidhan si aad u samayso ashkato.