Booliiska doorkooda dhinaca bulshada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 11/1-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay booliiska iyo booliiska doorkooda gudaha bulshada. Waxaad akhrin doontaa wixi ku saabsan booliiska shaqadooda, sida aad u sameynayso wargelinta dembi iyo sida aad war u siin karto booliiska.

Waxaad xitaa akhrin doontaa waxa ay tahay inaad sameyso haddii laguu geystay dembi iyo ficil-celinada iman karo ka dib marka laguu geystay dembi. Waxaad xitaa dheeraad ka ogaan doontaa waxa dhaca wakhtiga maxkamadda.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin nolol, xorriyad iyo ammaan shakhsiyan ah. Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan bilaa rabshad dagaal, dembi iyo dhibaatooyin. Tusaale ahaan carruurtu maaha inay ka welwelaan rabshad dagaal gudaha qoyska, wax haween ah maaha in lagu dhibo xadgudubyo galmo oo dadka waayeelka ahna maaha inay ka cabsadaan dhac iyo tuugo jabsi ah.

Bulshada Iswiidhishka waxay ammaan u tahay dadka badankooda. Laakiin maaha mar walba. Isla sida dalalka kale waxaa dhaca dembiyo. Laakiin cidnaba maaha ninay ka cabsato inay wargelin dembi u gudbiso booliiska. Qofka lagu tuhmo dembina waa inuu ogaado in maxkamaduhu ay shuruudo sare ku xiran caddayn ka hor intaan qof la xukumin.

Dembiliinimada ma joojiyaan booliiska oo keliya. Guriga, iskoolada, goobaha shaqada, ururada isboortiga iyo saaxiibada waaweyn waa inay is caawiyaan.

Booliiska gudaha bulshada

Booliisku waa inay caawiyaan oo ka difaacaan dadka dembiyada. Kuwa ku nool Iswiidhan iyo kuwa ku jooga booqasho labadaba. Dadka oo dhan waa inay amaan ku dareemaan meel kasta oo ah Iswiidhan. Dadku waa inay amaaan ku ahaadaan guriga, jidka, iskoolka, goobta shaqada iyo meelaha kale oo dhan. Waa booliiska shaqadooda inay hubiyaan in dadka jooga Iswiidhan oo dhan ay raacaan sharciga Iswiidhishka. Booliisku wuxuu wada shaqayn la leeyahay iskoolada, degmooyinka, shirkadaha, ururrada iyo hey'addaha dawladeed si dembi aanu u dhicin iyo si amaan looga dhigo bulshada.

Booliisku waa hey'adda dawladeed ee samaysa baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga qaranka ee muwaadiniinta Iswiidhishka. Waa booliiska xitaa kuwa go'aamiya wixi ku saabsan oggolaanshooyinka kala duwan, tusaale ahaan in la mudaharaado. Baarlamaanka ayaa go'aamiya sharciyada iyo qawaaniinta booliiska shaqadooda. Booliisku waa inuu raaco sharciyadaas iyo qawaaniintaas.

Kalsoonida lagu qabo booliiska gudaha Iswiidhan aad ayay u weyntahay. Maxaad u malaynaysaa inay sidaas u tahay?

Waa sidee kalsoonida lagu qabo booliiska ee dalka aad horey ugu noolayd?

Booliiska shaqadooda

Booliisku wuxuu u joogaa in ay amaan iyo hubaal ahaato in lagu noolaado oo la degganaado Iswiidhan. Booliisku waa inuu caawiyo dadka oo joojiyo dembiyada. Marka dembi dhacayo waa in booliisku tallaabo ka qaado. Iswiidhan waxaa ka shaqeeya haween iyo rag labaduba ah booliis. Iyagu waxay u shaqeeyaan qaab isku mid ah.

Waa booliiska shaqadooda inay baaraan dembi oo isku dayaan inay xaliyaan dembi. Taas waxay booliisku sameeyaan iyagoo la hadlaya dadka wax ka ogaan kara wixi ku saabsan dembi. Mararka qaarkood waxaa lagaaga baahanyahay inaad wada shaqayn la samayso booliiska. Taas waxay ahaan kartaa inaad sheegto waxa aad aragtay iyo waxa aad ka ogtahay wax dhacay. Iswiidhan waxaa qofka waajib ku ah in la ahaado markhaati laga billaabo marka qofku buuxiyo 15 jir. Taas micnaheedu waa in aad u sheegto booliiska haddii aad adigu wax ka ogtahay dembi. Booliisku wuxuu xitaa macluumaadka ku saabsan dembi u raadiyaa qaabab kale.

Booliisku wuxuu wakhti walba isku dayaa inay xaliyaan dhibaato iyagoo la hadlaya dadka. Laakiin mararka qaarkood booliisku waa inay isticmaalaan xoog. Taas waa loo oggolyahay booliiska inay sameeyaan. Taas waxay ahaan kartaa in booliisku u baahanyahay inay dadka ka difaacaan qof ahaan kara khatar. Booliisku waxa kale oo ay u baahan karaan inay qabtaan qof lagu tuhmay dembi. Booliisku wuxuu u baahanyahay inay xitaa iyagu is difaacaan. Booliisku waa hey'adda dawladeed ee keliya gudaha Iswiidhan ee xaq u leh inay isticmaalaan xoog. Laakiin maaha in ka badan inta loo baahanyahay si loo xaliyo xaaladdan.

Booliisku waxay sitaan buufis basbaas ah, bud, baastoolad iyo baastoolad koronto ah. Mar walba dhinac istaag marka booliisku kaa codsado. Ha isku deyin inaad joojiso booliiska haddii iyagu tusaale ahaan ay qabanayaan qof. Taasi waa dembi. Iswiidhan mamnuuc ayay ka tahay in la isku dayo in raad lagu yeesho booliiska shaqadooda ama hey'ad dawladeed go'aankeeda iyadoo la bixinayo lacag. Taas waxaa lagu magacaabaa laaluush.

Adiga ma lagu oggola inaad isku deydo inaad keligaa xaliso dembi. Haddii laguu geysto dagaal waxa aad xaq u leedahay inaad is difaacdo. Adiga ma laguu oggola inaad aarguddasho u samayso dembi, tusaale ahaan haddii aad u aragto in qof ku meel kaaga dhacay ama sameeyay wax kale oo dembi ah. Taas baddalkeeda la xiriir booliiska. Booliiska ayaa baara wixi dhacay. Ka dib maxkamad ayaa go'aamisa haddii qof loo xukumayo dembi iyo nooca ciqaab ee qofkaas helayo.

Booliisku wuxuu aad uga shaqeeyaa in dhalinyarada laga joojiyo inay sameeyaan waxyaabo dembi ah. Sidaas darteed waxaa booliisku badanaaba joogaa meelaha ay dadka dhalinyarada ah badanaaba joogaan oo la hadlaan iyaga. Mararka qaarkood dadka sameeya dembiyada waxay isticmaalaan dhalinyarada si ay tusaale ahaan u iibiyaan daroogada. Waa mamnuuc in lagu khasbo qof in la sameeyo wax dembi ah. Booliisku wuxuu wada shaqayn la leeyahay degmooyinka dalka oo mararka qaarkood booqdaan iskoolada si carruurta iyo dhalinyaradu ula kulmaan booliis oo wax dheeraad ah uga bartaan booliiska shaqadooda.

Gudaha Iswiidhan waxaad ciqaab mudan kartaa laga billaabo da'da 15 jir. Tani micnaheedu waa in lagu xukumi karo haddii aad samaysay wax dembi ah. Haddii lagu xukumo waxaad galaysaa diiwaanka dembiga. Tani waxay raad ku yeelan kartaa mustaqbalkaaga. In la galo diiwaan ka dembiyada waxay keeni kartaa inay kugu adkaato inaad hesho shaqo ama qaadato liisanka baabuurka. Tani waxa kale oo ay sii adkayn kartaa in la helo sharciga degganaansho ee joogtada ah ama dhalashada. Haddii ay jiraan dembiyo khatar ah waxaa jirta khatarta ah in adiga lagaa mustaafuriyo Iswiidhan oo aan laguu oggolaan inaad dib ugu soo noqoto. Haddii carruur ka yar 15 jir sameeyo wax dembi ah waa xafiiska adeega arrimaha bulshada kuwa go'aaminaya waxa ku dhici doona ilmahaas.

Waa muhiim in adigu aad la xiriirto booliiska haddii aad aragto dembi ama haddii qof kugu sameeyo wax ahaan kara dembi. Dembiyada oo dhan waa in la wargeliyo booliiska. Adigu waa inaad samayso wargelinta dembi sida ugu dhakhso badan ee aad awooddo. Adigu waxa aad xaq u leedahay turjubaan marka aad xiriir la leedahay booliiska.

Adigu waxa kale oo aad la xiriiri kartaa booliiska haddii aad ka welwelsantahay qof kale. Adigu laga yaabee inaad ka welwelsantahay in qof dembi u gaysan doono qof adigu aad taqaano. Booliisku caawimaad ayuu u baahanyahay si ay u awooddaan inay joojiyaan dembi. Sidaas darteed waa muhiim in booliisku helo warbixin. La xiriir booliiska haddii aad aragto wax shaki leh ama haddii aad ogtahay in qof samaynayo wax dembi ah. Adigu ma u baahnid inaad sheegto qofka aad tahay marka aad wacayso.

Wac 114 14 haddii aad doonaysid inaad samayso wargelinta dembi dhacay. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan dagaal, tuugnimo iyo meel la jabsaday. Waa muhiim inaad samayso wargelinta dembi sida ugu dhakhso badan ee aad awooddo.

Wac 112 haddii ay tahay degdeg oo loo baahanyahay in booliisku si toos ah u yimaaddo. Tusaale ahaan haddii aad aragto qof la garaacayo.

Waa inay jirto caddayn si qof loogu xukumo dembi. In aad sheegto waxa aad aragtay waxay booliiska ka caawin kartaa in la helo qofka sameeyay dembigan. Markhaati aad ayuu muhiim u yahay marka maxkamaddu go'aaminayso haddii qof uu galay dembi.

Haddii laguu gaystay dembi waxaa booliisku doonayaa inay kula hadlaan si ay u xaliyaan dembigan. Adigu waxa aad sheegaysaa waxa dhacay oo booliisku wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo. Tani waxaa lagu magacaabaa wareysi. Adigu waxa aad xaq u leedahay inaad qof u sii kaxaysato wareysigan. Mararka qaarkood waxaa ku filan booliiska inaad kula hadasho telafoonka.

Adigu waxaad xaq u leedahay turjubaan si adiga iyo booliisku aad isu fahantaan. Adigu waxaad xitaa xaq u leedahay inaad hesho daryeel caafimaad haddii aad dhaawacantay, iyo xaqa inaad hesho qof aad kala hadasho wixii dhacay. Booliiska ayaa kuu sheegaya sida aad adigu u heli karto caawimaad. Booliisku wuxuu doonayaa inuu ku caawiyo oo ku dhagaysto. Adigu ma u baahnid inaad cabsato ama welwelto marka aad la xiriirto booliiska.

Marka booliisku baaro dembi ayaa xeer ilaaliyuhu go'aamiyaa haddii ay dhici doonto dacwad ka dhacda maxkamadda. Waa maxkamadda kuwa go'aamiya nooca ciqaab ee qofka la tuhmay heli doono, ama haddii qofka la tuhmay lagu waayo doono dembi. Go'aankan wuxuu ku salaysanyahay haddii booliisku helay wax caddayn ah in dembigan la galay, oo maaha wax kale. Dadka oo dhan way u simanyihiin sharciga.

Haddii aanad ku qanacsanayn xukun waxaad ka qaadan kartaa rafcaan. Adigaaga loo gaystay dembi iyo adigaaga la xukumay labadiinuba waxaad qaadan kartaan rafcaan. Xukunka ayay ku qorantahay sida aad samaynayso si aad rafcaan u qaadato iyo inta uu leegyahay wakhtiga aad haysato. Xukunka guriga ayaa laguugu soo dirayaa ka dib dacwadda maxkamadda. Adigu waxaad xitaa codkan kartaa in aad xukunka ka heshay qareenkaaga difaaca ama garyaqaankaaga adiga ah qofka mudduciga ah. Qareenka difaaca waxaa lagu magacaaba qofka matalaya ee difaacaya qofka lagu eedeeyay dembi.

Garyaqaanka qofka mudduciga ah waa qareen ama sharci yaqaan caawiya dhibanaha dembi loo gaystay xilliga baaritaanka iyo dacwadda maxkamadda. Garyaqaanka qofka mudduciga ah wuxuu dhiibi karaa hadalkaaga xilliga dacwadda maxkamadda oo kaa caawin karaa arrimaha ku saabsan magdhowga. Magdhow waa gunno dhaqaale oo adigu aad heli karto haddii laguu gaystay dembi.

Dembiyada qaarkood waxaad wakhti walba xaq u leedahay garyaqaanka qofka mudduciga ah, tusaale ahaan dembi dhinac galmo. Adigu waxaad xitaa xaq u yeelan kartaa garyaqaanka mudduciga dhinaca dembiyada kale ee khatarta ah, tusaale ahaan dhac iyo jir dil. U sheeg booliiska haddii aad doonaysid inaad hesho garyaqaanka mudduciga. Waa maxkamadda kuwa go'aamiya haddii aad xaq u leedahay taash. Haddii ay sidaas noqoto waa bilaash. Haddii aanad xaq u lahayn garyaqaan mudduci, laakiin haddana aad doonaysid caawimaad sharciyan ah, waxaad la xiriiri kartaa garyaqaan aad adigu iska bixiso lacagta.

In qof loo gaystay dembi waxay kicin kartaa dareemo badan. Adigu laga yaabee inaad aad uga fikirayso wixi dhacay, iyo waxa adigu laf ahaantaada aad samaysay ama aanad samayn xilligii dembigan. Adigu waxaad noqon kartaa qof caraysan, welwelsan, murugaysan oo cabsanaya. Tani waa dabiici. Waa caadi xitaa in aan la dareemin wax ah dareeno xun gebi ahaanba. Qofna ma kugu oran karo in waxa aad dareemaysaa yihiin khalad. Laakiin waxaa muhiim ahaan karta in qof lagala hadlo waxa aad dareemayso.

Adigu waxaad xitaa dareemi kartaa inaad khalad gashay. Laakiin adigaaga ah dhibane dembi loo gaystay maaha inaad dareenta inaad adigu aad khaladka lahayd wixi dhacay. Marnaba maaha khaladkaaga in laguu gaystay dembi. Gebi ahaanba qofka dambiilaha ah ayaa ah qofka mas'uulka ah.

Haddii laguu gaystay dembi oo aad doonayso inaad la hadasho qof waxaad la xiriiri kartaa tusaale ahaan Hey'adda dhibanayaasha dembi loo gaystay ama Heeganka dhibanayaasha dembi loo gaystay. Tani waxay khuseysaa xitaa adiga oo ah markhaati dembi ama qaraabo. Adigu ma u baahnid inaad sheegtid qofka aad tahay. Adigu waxa aad caawimaad ku heli kartaa dhowr luqaddood oo kala duwan.

Waxaa jira dhowr urur kuwaas oo dadka ku casuuma taageero wada hadal ah iyo caawimaad la xiriirta dembi. BRIS waxay takhasus ku yihiin caawinta carruurta. Haddii adiga oo ah haweenay laguu gaystay dhibaato hanjabaad ama dagaal waxaad la xiriiri kartaa Khadka nabadda haweenka.

Adigu waxa aad xitaa wakhti walba weydiin kartaa booliiska sida aad ula xiriiri karto qof aad la hadasho.

Miyaad ogayd in Hey'adda dhibanayaasha dembi loo gaystay loogu talogalay in lagu difaaco dhibanayaasha dembi xuquuqdooda isla markaana loo feejignaado baahidooda iyo danahooda?

Booliis dhinac taagan baabuur booliis oo dhir ka muuqato xagga dambe.

Xigasho: Booliiska

Sababtee ayaad u doontay inaad noqoto booliis?

Waa xirfad uu qofku kula kulmayo dadka. Qofku waxyaabo badan oo kala duwan ayuu ka shaqayn karaa dhinaca booliiska. Qofku wuxuu tusaale ahaan ka shaqayn karaa dhinaca taraafikada ama dhalinyarada.

Sidee ayay tahay in booliis fiican ahaado?

Booliis fiican waa mid naxariis leh, awoodda la hadalka dadweynaha oo doonaya in la caawiyo dadka.

Miyaad isticmaashaa dhowr luqaddood oo aan ahayn Iswiidhish dhinaca shaqada?

Ingiriisi mararka qaarkood. Haddii aan la hadlayo qof aan fahmayn af Iswiidhish ama af Ingiriisi, markaas waxaan u baahanay turjubaan.

Maxaad ku jeceshahay shaqadaada booliis ahaan?

In la caawiyo dadka. Iyo in maalmaha oo dhan kala duwanyihiin. Taas ayaan jeclahay anigu.

Miyay jirtaa wax adigu aanad jeclayn?

Anigu waa inaan wax badan qoro oo waxay qaadataa wakhti. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan ka dib wareysi lala yeeshay qof. Shaqada qoraalka waxay sababtaa in aan awooddo in wakhtiga aan joogo jidka ay sii yaraato.

Ka sheekee maalin shaqo.

Waxaanu wakhti walba shaqaynaa annagoo ah laba booliis ah oo wada socda oo waxaanu u baxnaa in la kantaroolo taraafikada, xatooyada gudaha dukaamada, jir dil iyo waxyaabo kale. Anigu waxaan mararka qaarkood shaqeeyaa maalintii, mararka qaarkood galabnimo iyo habeenkii mararka qaarkood.

Miyaad marnaba cabsatay adigoo jooga shaqada?

Maya, maaha cabsi, laakiin cadaadis haddii aan ogahay in dad dembiilayaal ahi ay i hortaaganyihiin.

Maxaad sidataa marka aad shaqaynayso?

Baastoolad, buufiska basbaaska, katiinad iyo raadiyaha booliiska. Baabuurka booliiskana waxaa iigu jira dhar dheeraad ah, koofiyad madaxa dhowrta, alaabta wax lagu qoro, biyo iyo khudrad.

Maxaa booliisku samayn karaa si loo caawiyo dadka?

Annagu dad ayaan caawinaa wakhti walba. Marka shil taraafiko jiro waxaanu diyaarinaa in baabuurta isku dhacay laga qaado meeshaas. Haddii dadka ku jira baabuurka aanay dhaawacmin oo aanu fursad u haysano waxaanu xitaa ka caawinaa inay meeshaas ka tagaan, guriga ama shaqada.

Miyaad haysaa wax xusuus gaar ah dhinaca shaqadaada booliis ahaan taas oo aad doonaysid inaad ka sheekayso?

Haa, waxaanu helnay qaylo dhaan guri la jabsaday. Waxaanu joognay meel u dhow, markaas waxaanu halkaas ku nimi si dhakhso ah. Tuugti weli way joogeen, markaa waxaanu awoodnay inaanu qabano. Way fiicnayd.

Maxaad u sheegi lahayd qof ka fikiraya inuu noqdo booliis?

Noqo booliis, markaas waxaad caawin kartaa dadka kale. Waa xirfad leh xiiso iyo wada shaqayn fiican.

Miyay jirtaa wax dheeraad ah oo aad doonayso inaad tiraahdo?

Wac booliiska. Waxaanu doonaynaa in soo wactamo, si aanu u nimaadno meesha nalooga baahanyahay.