Xuquuqda iyo waajibaadka hoygaaga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3/7-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay xuquuqaha iyo waajibaadka marka aad kireysato ama mulkiile ka tahay hoy. Waa inaad marwalba amaan ku dareento hoygaaga. Sidaas darteed ayay u jiraan xuquuqo iyo waajibaadyo labadaba kuwaas oo la xiriira hoygaaga. Xuquuqahan iyo waajibaadyadan way kala duwanaan karaan taas oo ku xiran haddii aad kireysatay ama aad mulkiile ka tahay hoygaaga.

Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid tahay heshiis kiro iyo waxa dhaca haddii wax ka jabaan gudaha gurigaaga. Waxaad xitaa akhrin doontaa wax ku saabsan caymiska guriga iyo kaalmada kirada.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin hoy. In adigu aad xaq u leedahay hoy micnaheedu waa in aad raadsan karto caawimaad in aad hesho nooc hoy haddii aanad haysan meel aad ku noolaato. Degmada ayaa mas’uuliyad ka saarantahay in jiraan hoy’yo loogu talogalay degmada dadka ku nool.

Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad guurto oo doorato meesha ah gudaha Iswiidhan ee aad ku noolaanayso.

Qofka kasta xaq waxuu u leeyahay guri

Iswiidhan Qofka kasta xaq waxuu u leeyahay guri. Waa mamnuuc midabtakoorka dhinaca guri raadiska sababna looga dhigo:

  • qofka meesha uu kasoo jeedo
  • diinta uu leeyahay
  • cuuriyaannimo
  • jinsigiisa
  • jinsiga qofka
  • lab ama dhedig qofka kuu yahay
  • da'da

Haddii aad dareemayso in lagu takooray waxaad la xiriiri kartaa xafiis ah ka hortaga takooridda si aad u hesho talo iyo taageero. Degmooyin badan waxa kale oo ka jira qayb talobixinta macmiilka ah oo degmadu leedahay oo aad la xiriir karto si aad u hesho taageero.

Heshiis kiro

Heshiis kiro waa xaq aad yeelatay marka aad kireysato hoy. Heshiiskan waxaa ku qoran waxa ku jira kirada, inta ay leegtahay muddada laguu oggolyahay inaad ku noolaato hoygan iyo inta uu yahay dhererka wakhtiga la isa siinayo marka heshiiska laga baxayo. Heshiiskan waxa kale oo ku qoran waajibaadkaaga guri kireyste ahaan. Tusaale ahaan wakhtiga aad bixinayso kirada iyo in aad daryeesho hoygan. Haddii aad kireysatay ama mulkiile ka tahay guri waxaa badanaaba jira qawaaniinta wanaaga kuwaas oo dhammaan dadka halkaas ku nool ay tahay inay ku dhaqmaan.

Degmada Svedala waxay samaysay filim ku saabsan heshiis kiro. Filimkan waxaa lagu helayaa af Carabi, Daari, Ingiriisi, Soomaali iyo Iswiidhish.

Ma la oggola in guri kireeyayaasha ama guri kireystayaasha ay lacag ku qaataan ama iibiyaan heshiis kiro. Heshiis kiro oo lacag lagu iibiyo ama lagu iibsado waxaa badanaaba lagu magacaabaa heshiis suuqa madow ah. Qofka doonaya inaad lacag ka bixiso heshiis kiro wuxuu galay dembi oo waxaa lagu arrintaas loogu xukumi karaa xabsi.

Adigaaga iibsanaya heshiis kiro ee lacag ka bixinaya adna waxaad galaysaa khatar weyn. Haddii guri kireeyuhu oggaado in aad suuq madow ku iibsatay heshiiskan waxaa aad waayi kartaa heshiiskan.

Adigaaga ah guri kireyste waxaad mar kastaba xaq u leedahay inaad ka baxdo heshiiska kirada haddii aad doonaysid inaad guurto. Ka dib markaad heshiiskan ka baxdo waxaad u baahan kartaa inaad sii wado bixinta kirada gurigan xilli wakhti go'an ah. Tani waxaa lagu magacaabaa wakhtiga heshiis ka bixida. Wakhtiga heshiis ka bixida badanaaba waa saddex bilood haddii wax kale aanay ku qornayn heshiiskan. Wakhtiga heshiis ka bixidu wuxuu bilaabmaa bisha ka dambeysa markaad adigu ka baxday heshiiskaaga kiro.

Guri laga kireeystaha xaq wuu u leeyahay mararka qaar inuu heshiiska guri kireynta ka baxo. Taasina waxeey dhici kartaa haddii:
  • in ka badan hal toddobaad la habsaamay bixinta lacagta kirada
  • ka kireynta ama ku wareejinta gurigan ee qof kale iyadoo aan oggolaansho laga haysan mulkiilaha guriga
  • u isticmaalka gurigan wax kale oo aan ahayn in lagu noolaado, tusaale ahaan hawlo dembi leh ama in shirkad weyn laga socodsiiyo gurigan.
  • ayaa mas'uul ka ah in xasharaad soo galeen dhismahan ama ka aamusay in la soo sheego in xasharaad ka dilaacay halkan.
  • diiday in mulkiilaha guriga loo oggolaado soo gelida gurigan, iyadoo aan la haysan sabab fiican oo ah in mulkiilaha guriga loogu diido soo gelid, tusaale ahaan xilliga dayactirka.
  • si xun u dayacay gurigan
  • aan ka soo bixin wixi ku qornaa heshiiska kirada

Markeey guriga wax ka jabaan waxaa hagaajinaya shirkadda guriga iska leh. Guri kireystaha uma baahna inuu lacag bixiyo hadeey tusaale ahaan jabaan filinjeerka ama jikada cuntada lagu kariyo. Laakiin hadaad adiga sababtay dhaawaca adigaa bixinaya lacagta. Shirkada guriga iska leh ayaa kontorooleysa guriga inta aadan soo degin. Saas waxaa loo sameeyaa si aadan ubixin wax uu jabiyay guri kireysitihii kaa horeeyay adiga.

Haddii aad deggantahay aad badh iibsatay waa in adigu laf ahaantaada aad daryeesho dayactirka guriga. Haddii dabshidka wax lagu karsado, qaboojiyaha ama wax kale jabaan aad adiga laf ahaantaada bixiso lacagta.

Waa maxay micnaha "dayaca hoyga"?

Maxa bixin kartaa tusaale ah waxa ay tahay in qofku daryeelo gudaha gurigiisa?

Guri lagu haboonaysiiyay dadka awoodda laxaadkoodu kala dhantaalanyahay

Haddii adiga ama qof ka mid ah qoyskaaga leeyahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxaa jira qaabab kala duwan oo ah hoyga la waafajiyay oo laga codsan karo degmadaada. Waxa ahaan kartaa tusaale ahaan micnaheedu in aad hesho caawimaadda in gurigaaga lagu haboonaysiiyo baahiyahaaga.

Haddii aad u baahantahay caawimaad dheeraad ah waxaad codsan kartaa inaad ku noolaato hoy kugu haboon halkaas oo qofku shaqaale ka helayo caawimaad iyo taageero.

Guri badalid

Haddii aad haysato heshiiska gacanta koowaad ee guri waxa aad xaq u leedahay inaad badasho gurigaaga haddii aad haysato sabab la oggolyahay. Sababaha la oggolyahay waxaa ahaan kara inaad u baahantahay guri ka sii weyn, guri leh kor ka sii raqiisan ama guri u sii dhow shaqada. Waa in adigu laf ahaantaadu aad hesho qof raba inuu gurigiisa kuu baddalo. Marka aad hesho qof raba inuu gurigiisa kuu baddalo waa in labadiinuba kuwa aad ka kireysateen guryaha ay oggolaadaan baddalkan. Haddii aad baddasho gurigaaga iyadoo aan guri kireeyuhu oggolaan baddalkaas waxaad waayi kartaa heshiiskaaga gacanta koowaad.

Ururka guri kireystayaasha

Ururka guri kireystayaasha waa urur xubno looguna talogalay guri kireystayaasha gudaha Iswiidhan. Mid ka mid ah hawlahooda ugu muhiimsan waa in laga wada xaajoodo kirada dhanka xubnahooda. Hadafkoodu waa in kirooyinku aanay kordhin si dheeraad ah marka la barbardhigo qiimayaasha kale ee gudaha bulshada iyo in laga hortago kor u qaadida korooyin aan macquul ahayn. Ururka guri kireystayaasha waxa kale oo ay bixin karaan taageero sharciyan ah xilliga is qabsiyo oo ka jawaabi karaan su'aalaha ku saabsan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga guri kireyste ahaan. Iyagu waxay tusaale ahaan bixin karaan talo iyo taageero haddii aad leedahay dad jaar ah oo dhib leh, ama haddii adiga iyo guri kireeyahaagu aanaydin heshiis ku ahayn kirada.

Guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha

Guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha waa qaab maxkamadeed loogu tala galay haddii uu dagaal ka dhex dhaco guri kireeystaha iyo guri kireeyaha. Iswiidhan waxaa ku taalo sideed xarumo ee lee dahay guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha. Waxeey ku yaaliin Stockholm, Västerås, Linköping, Jönköping, Malmö, Göteborg, Sundsvall iyo Umeå. Guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha waxuu go'aan ka gaaraa waxa aan heshiis lagu aheeyn, tusaale ahaan haddii qof guri kireeyste ah uu guriga uu kireeyo gacan labaad ahaan. Haddii aad caawinaad uu baahan tahay guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha ka waxuu ka jawaabi karaa su'aalo ku saabsan sharciyada jiro.

Waajibaadka haddii aad mulkiile ka tahay guri aad bar iibsatay

Adigaaga mulkiile ka ah guri aad bar iibsatay waxa aad xitaa xubin ka tahay ururka guryaha la bar iibsaday. Dhammaan xubnaha waxaa waajib ka saaranyahay ururka guryaha la bar iibsaday. Adigu waa inaad tusaale ahaan kharash lacag ah siisaa ururkan bil kastaba oo ma lagaa oggola inaad dayacdo hoygan. Haddii qofku aanu raacin waajibaadkiisa waxaa haddii xaaladu xumaato qofku uu waayi karaa xaquu u lahaa hoygan. Markaasi wuxuu qofku ku khasbanyahay inuu iibiyo. Hase ahaatee tani waa mid aan aad iyo aad u caadi ahayn.

Ceeymis guri

Waa muhiim in aad lee dahay ceeymis guri sababto waxaad ku siinaa ceeymiska ilaalin-asaasi. Waxaa jiro shirkadooyin badan oo iibiyo ceeymis guri. Marka aad ooneeyso ceymis waa in aad si gaar ah isku bardhigtaa oo doorataa shrikada kuu haboon . Caymiska gurigu wuxuu lacag ka siinayaa haddii alaab lagaa xado ama kharibmaan, sida daadad ama dab. Caymiska gurigu wuxuu kuu ilaalinaa dhamaan alaabta ku taal guriga. Wuxuu kaloo ilaaliyaa dhamaan dadka ku qoran warqadda caymiska oo deggan guriga. Haddii aad lee dahay gurigaada waxaa ceeymiska guriga ku dhameeystiri kartaa ceeymiska guri is-kaashada ama ceeymiska filada.

Kaalmada kabida iijaarka

Haddii dakhligaadu yaryahay oo aadna Iswiidhan ku diiwangalsantahay waxaad xaq uu lahaan kartaa in aad caawinaad kirada uga hesho Hey'adda qasnada ceeymiska. Waxaa loo yaqaan kaalmada kabida iijaarka. Qofka carruur leh wuxuu xaq ku leeyahay in uu Lacagta kabida iijaarka codsado. Haddii aad heli karto kaalmo iyo inta aad heli karto waxeey ku xirantahay inta qof ee reerkaada ka kooban yihiin. Waxeey kale oo ku xiran tahay heerka iijarka iyo inta lacag ee in soo gasho. Sido kale qofka uu dhaxeeyo 18 iyo 28 sano waxuu xaq uu yeelan karaa kaalmada kabida iijaarka.

Haddii dakhligaaga ama xaalada hoygaaga is badasho waa muhiim inaad wargeliso adeegga arrimaha bulshada, tusaale ahaan haddii aad bilowdo shaqo cusub ama hesho dakhli sare. Haddii aad ilowdo inaad wargeliso adegga arrimaha bulshada waxaad khatar ugu jirtaa inaad hesho kaalmo aad u badan. Markaas waxaa adiga waajib kugu noqon karta inaad dib u bixiso lacagtaas.

In lagu noolaado meel u dhow dad kale

Dhinaca guri dabaq ah oo reero badan degganyihiin waxaad ku nooshahay oo u dhowdahay deriskaaga. Tani micnaheedu waa in aad ku khasbantahay inaad tixgelin muujiso oo dulqaad u lahaato dadka kale qaabka ay u noolyihiin. Dhammaan guri kireystayaasha ku jira guri kiro ah waxaa mas´uuliyad wadajir ahi ka saarantahay meelaha dadka oo dhan isticmaalaan, tusaale ahaan jaranjarada, qolka qasaaladda iyo aaga ku hareersan gurigan.

Galabtii iyo habeenkii waa in qofku haboonaysiiyaa heerka sanqarta oo qadarin dheeraad ah siiyaa deriskiisa. Qofku wuxuu tusaale ahaan ka fikiri karaa in aan la samayn heer cod dheer dhanka Tiifiiga ama sameecadaha, aan la qodin ama musmaar lagu garaacin gidaarka lana iska ilaaliyo in la isticmaalo makiinadaha guriga xilliyada dambe ee galabtii iyo habeenkii.

Sababo dhanka dabka ah awgood iyo si loo sahlo nadiifinta waa inaanad alaab dhigin jaran-jarada, marinada ama bakhaarka hoosta.

In wax lagu dubto balakoonka badanaaba ma la oggola. Waxaa wax la oggolyahay ahaan karta in wax lagu dubto banaanka, laakiin ka fikir in qiiqa ka soo baxaya dubitaanka uu dhibi karo deriskaaga.

Sigaar cabistu waa ka mamnuuc dhamaan meelaha dadka ka dhaxeeya sida jaran-jarada, marinada, bakhaarka hoosta iyo qolka dhar-dhiqida. Sigaar cabista balakoonka way ahaan kartaa wax la oggolyahay. Ka fikir inaad qadarin u muujiso deriskaaga oo aanad balakoonka ka tuurin haashka sigaarka.

Qolka qasaalada waa meel wada-jir loo leeyahay taas oo dadka degan oo dhan ku heshiiyaan. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in qolka dhar-dhiqida la nadiifiyo ka dib marka la isticmaalo. Guryha qoysasku deganyihiin badankooda waa in la samaysto wakhtiga dhar-dhaqida si loo dhaqdo. Tani waxaa lagu balansadaa nidaamka balansashada.

Adiga ayaa mas'uul ka ah xayawaankaaga guriga inaanay dhibin deriskaaga ama aanay wasakhayn meelaha lagu ciyaaro, jardiinooyinka, dooga iyo meelaha kale ee ku hareersan guriga.

Haddii aad doonaysid inaad rakibato anteena ama baarabool waxaad u baahan kartaa oggolaanshaha guri-kireeyahaaga ama ururka guriga.

Filimo ku saabsan in lagu noolaado dad kale agtooda

Degmada Svedala waxay samaysay filimo ku saabsan in lagu noolaado laguna qanacsanaado guri. Filimadan waxaa lagu helayaa af Carabi, Daari, Ingiriisi, Soomaali iyo Iswiidhish.

Waa maxay micnaha in "tixgelin la muujiyo oo dulqaad loo lahaado dadka kale qaabka ay u noolyihiin"?

Miyaad garanaysaa nooca ay yihiin qawaaniinta wanaag ku dhaqmidda ee khuseeya meesha adigu aad ku deggantahay?

Waa kuwee xuquuqda iyo waajibaadka ugu muhiimsan marka adigu aad kireysato hoy?