In qofka isku filnaado iyo horumar laga gaaro Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.
Saawir farshaxan macallin, lacag xaashi iyo qaddaadiic ah, laba dhakhtar iyo nijaar iyo nin wax ku baranaya miiska wax lagu qoro.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay in la is masruufo oo lagu horumaro gudaha Iswiidhan.

Waxaad akhrin doontaa sida aad u raadinayso shaqo, sababta aynu u bixino cashuur iyo waxa lacagah cashuurta loo isticmaalo. Waxaad akhrin doontaa xitaa wixii ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn, caymisyada bulsho iyo waxa degmadu sameyso.

Mawduucan wuxuu sidoo kale ku saabsanyahay dhaqaalaha. Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin sida aad u qorsheyneyso dhaqaalahaaga maalinlaha ah, xisaabaadka iyo nooca xuquuqaha aad leedahay marka aad iibsato alaab iyo adeegyo.

Waxaad akhrin doontaa xitaa waxa degmadu sameyso iyo nooca adeeg iyo taageero ee aad xaq u leedahay dhinaca noloshaada maalinlaha ah.