Suuqa shaqada Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22 10 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay suuqa shaqada ee gudaha Iswiidhan. Suuqa shaqada waa shaqooyinka jira. Suuqa shaqada wuxuu xitaa yahay adigaaga shaqeeya iyo shaqo-bixiyayaasha shaqaalaysiiya dadka si ay u shaqeeyaan.

Sawir farshaxan oo fasal, carruur daryeele gacanta ku haya ilmo iyo kalkaaliye daryeel dhinaca xanaanada waayeelka.

In laga shaqeeyo gudaha Iswiidhan laga yaabee inay ka duwantahay marka la barbardhigo dalka ama dalalka aad horey ugu nooleyd. Qoraalkan waxaad ku akhrin doontaa sida suuqa shaqada ee gudaha Iswiidhan u shaqeeyo. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan sinaanta dhinaca suuqa shaqada.

  • Xaqa loo leeyahay shaqo

    Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin shaqo. Tani micnaheedu waa xaqa in aan lagaa reebin nolosha shaqada. Meesha aad ka timi, nooca jinsiga aad tahay ama da’da aad tahay maaha inay raad ku yeelato fursadahaaga dhinaca shaqo.

    Waxaa jira xuquuqo dhowr ah oo la xiriira shaqada. Tusaale ahaan waxaad xaq u leedahay xaalado shaqo oo caddaalad ah, xaqa mushahaaro isku mid ah dhinaca shaqada isku midka ah iyo xaqa in laga mid ahaado urur shaqaale. Waxaad xitaa xaq u leedahay nasasho iyo wakhti firaaqo lagaga maqnaado shaqada.

    Waxaa xitaa xuquuq u ah waalidka inay awoodaan inay isku dhex daraan nolosha qoys iyo shaqo. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo sameynta shaqo waxyeello leh ama ka xannibaysa ilmaha horumarkiisa iyo tegista iskool.

Suuqa shaqada ee Iswiidhan wuu is baddalay

Maanta waxaa shaqeeya haween badan oo ku dhow tirada ragga jooga gudaha Iswiidhan. Laakiin sidaas may ahayn weligeedba. Waagii hore badanaaba ragga ayaa shaqayn jiray, halka haweenkuna hayn jireen guriga. Xitaa nooca shaqadu way is baddashay. Waagii hore dad badan waxay ka shaqayn jireen dhinaca beeraha iyo warshadaha. Maanta waxaa caadi ah in tusaale ahaan laga shaqeeyo dukaan ama suuq geynta. Dhowr ka mid ah xirfadaha ugu caadisan Iswiidhan waa ku xigeen kalkaaliye caafimaad, macallin dugsiga hoose-dhexe iyo iibiye dukaan. Xirfado badan oo suuqa shaqada ee Iswiidhan ka jira maanta waxaa shuruud u ah waxbarasho jaamicad ama jaamicad sare.

Xitaa xaaladaha shaqo iyo amaanka ee loogu talogalay shaqaalaha way is baddaleen. Qiyaastii 150 sano ka hor shaqo-bixiyayaasha ayaa go'aamin jiray ku dhowaad wax walba dhinaca goobaha shaqada ee Iswiidhan. Xaaladaha dhinaca shaqaalaha aad ayay u xumaayeen. Haddii qof shaqaale ah xanuusado ama haddii shaqo-bixiyahu u arkayay in qofkaas si liidata u shaqeeyo waxaa la awooday in shaqada laga eryo qofkaas bilaa wakhti ogeysiis ah ama digniin. Maanta suuqa shaqada ee Iswiidhan aad ayuu uga amaan badanyahay oo yahay hubaal. Waxaa jira sharciyo, heshiiska guud iyo ururo hoosaadka shaqaale kuwaas oo ilaaliya shaqaalaha xuquuqdooda.

In laga shaqeeyo qaybta guud ama gaarka loo leeyahay

Suuqa shaqada waxaa loo qaybin karaa qaybta guud iyo ta gaarka loo leeyahay. Qaybta guud waxaa iska leh dawladda, gobolada iyo degmooyinka. Shaqooyinka dhinaca qaybta guud waxaa lagu socodsiiyaa caawimaada lacagteena cashuurta. Shaqooyin badan oo dhinaca qaybta guud ah waxay muhiim u yihiin in bulshadu shaqayso, tusaale ahaan shaqada dhinaca daryeelka bukaanka, nidaamka caddaalada iyo waxbarashada. Dadka shaqaalaha ka ah qaybta guud waxay ku shaqayn karaan tusaale ahaan shaqaalaha daryeelka bukaanka, macallin, carruur xanaaneeye, booliis iyo dab-demiye. Hey'addaha dawladda sida tusaale ahaan Xafiiska Shaqada iyo Hey'adda Socdaalka waxay ka mid yihiin qaybta guud.

Qaybta gaarka loo leeyahayna shirkadaha waxaa mulkiile ka ah dad, maaha dawladda. Hadafka ugu horeeya ee shirkadaha gaarka loo leeyahay waa inay lacag ka macaashaan hawshooda. Shirkaddahan waxay u eekaan karaan siyaabo kala duwan. Waxay tusaale ahaan noqon karaan dukaano yar ama ganacsi kale, maqaaxiyo cunto, warshado wax soo saar, shaqo dhisme, ama shirkad dhinaca sharciga, dhaqaalaha iyo gaadiidka. Qiyaastii boqolkiiba 70 shaqaalaha oo dhan waxay ka shaqeeyaan dhinaca qaybta gaarka loo leeyahay. Tusaale ah shirkaddaha dhinaca qaybta gaarka loo leeyahay gudaha Iswiidhan waa Volvo, Ericsson iyo Hennes & Maurits.

Suuqa shaqadu wuu kala duwanaan karaa dhinaca qaybaha kala duwan ee Iswiidhan iyo dhinaca u dhaxaysa baadiyaha iyo magaalooyinka dadka badan. Tusaale ahaan shirkado waaweyn oo badan ayaa laga helaa magaalooyinka waaweyn.

Shirkado bulsho

Shirkaddaha bulsho waxay ka shaqeeyaan inay xalyo u abuuraan waxyaabaha dadaalka u baahan ee kala duwan gudaha bulshada. Iyagu waxay tusaale ahaan u shaqayn karaan noolaynta baadiyaha, is dhexgal bulsho oo sii fiicnaada ama in dadka oo dhan awoodaan helida shaqo, taas oo aan ku xirnayn da'da, jinsiga, qawmiyad ama wax kale. Macaashka dhaqaale maaha ta ugu muhiimsan ee shirkad bulsho. Lacagta ay shirkad bulsho macaashto waxaa badanaaba loo isticmaalaa in lagu horumariyo shirkaddan.

Shaqo dhiibe iyo shaqo qaate

Suuqa shaqadu wuxuu u qaybsanyahay laba qaybood: shaqo-bixiye iyo shaqaale. Shaqo-bixiyuhu wuxuu shaqaalaysiiyaa dadka oo lacag ku siiyaa inay shaqeeyaan. Shaqaalena waa qofka shaqaalaha ah.

Waxaa jira jaaliyado/ururo loogu talogalay shaqo-bixiyaha iyo shaqaalaha labadaba. Waa jaaliyadaha iyo ururrada halka ay shaqo-bixiyayaasha iyo shaqaaluhu ku sameeyaan wada-shaqayn una shaqeeyaan danahooda dhinaca suuqa shaqada. Dhammaan kuwa xubnaha ka ah jaaliyadan ama ururkan way ka mid ahaan karaan oo raad ku yeelan karaan.

Ururada shaqo dhiibaha waxeey matalayaan danaha shaqo dhiibaha.
Ururada shaqo dhiibaha ugu weeyn waa:

  • Ganacsiga Iswiidhan looguna talogalay shirkadaha gaarka loo leeyahay
  • Wakaalada shaqo-bixiyayaasha iyo SKR (Gobolada iyo degmooyinka Iswiidhan) loogna talogalay goobaha shaqada ee guud

Ururrada shaqaalaha waxay matalaan shaqo-qaatayaasha, kuwa shaqaalaha ah, danahooda.
Ururrada shaqaalaha ee ugu weyn waa:

  • LO (Ururka dalka ee Iswiidhan)
  • TCO (Ururka dhexe ee shaqaalaha dawladda)
  • SACO (Ururka dhexe ee mutacalimiinta Iswiidhan)

Ururrada qaran ee shaqaale waxay ka koobanyihiin ururo hoosaad shaqaale oo yar oo badan kuwaas oo matala xirfado iyo laamo kala duwan.

Ururrada iskutagga shaqaalaha iyo ururo hoosaadka shaqaalaha waxaa badanaaba loo soo gaabiyaa urur shaqaale. Urur shaqaale wuxuu u shaqeeyaa in shaqaaluhu ay u sii fiicnaato xaalada shaqada. Tusaale ahaan waxay shaqo-bixiyayaasha kala xaajoodaan xubnaha mushahaarooyinkooda. Iswiidhan waxaa ka jiray urur hoosaadyo shaqaale ilaa iyo 1880-yadii.

Urur shaqaale wuxuu ku caawin karaa haddii aad dhibaato kala kulanto shaqada, tusaale ahaan haddii aad lagu siiyo mushahaaro qalad ah ama lagugu khasbo inaad shaqayso saacado ka badan inta ku qoran heshiiska shaqada.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Miyaad waayo-aragnimo u leedahay in lagu xirnaado urur shaqaale?

    Maxaa macno ah oo ay tani kuu yeelan kartaa haddii aad tahay shaqaale?

Heshiishka wadajirka ah

Heshiishka wadjirka ah waa qoraal heshiis ka dhaxeeyo shaqo dhiibaha iyo urur shaqaale. Heshiishka wadjirka ah waxuu lee yahay nidaamyo ku saabsan tusaale ahaan xilliga shaqda, xilliga fasaxa iyo mushaarada. Inta badana heshiishka wadajirka ah ayaa hago mushaarkaada.

Heshiishka wadjirka ah inta badanaa waxuu ku jiro nidaamka ku saabsan:

  • habka shaqaaleeynta
  • xilli shaqo oo dheeraad ah
  • mushaarada iyo lacagaha
  • xilliga shaqada
  • fasaxyada
  • ogeeysiinta shaqo ka tagida
  • ceeymiska hoowlgabka iyo shilalka.

Heshiishka wadajirka ee shaqada waxaa lagu go'aamiyaa inta uu ahaanaayo mushaarka ugu hooseeyo ee shaqaalaha. Sido kale heshiishka waxuu khuseeyaa shaqaalaha aan ka tirsaneeyn urur shaqaala ee laakin ka shaqeeyo goob shaqo oo leh heshiishka wadajirka. Iswiidhan kama jiro sharci ku saabsan musshar ugu yar inta uu ahaanaayo.

Xataa haddii uu shaqo dhiibahaada lee yahay heshiishka wadjirka ah, waxaa lee dahay fursad aad shaqo dhiibaha kula wada xaajootid ama kala hadashid mushaarkaada. Waxaad heli kartaa mushaaro kale duwan ayadoo ee ku xiran tahay shaqada adkeeysigeeda iyo sida aad adiga shaqada uga soo baxeeyso. Hey'addaha waa weeyn iyo shirkadaha badankood waxeey heshiishka wadajirka ah la lee yihiin ururka shaqaalaha laakin waxaa jiro shaqo dhiibe aan la heeyn heshiishka wadajirka ah.

Xiriirka ka dhaxeeya bulsho siisa dadkeeda daryeel iyo nabadgelyo, cashuur iyo shaqo

Waxaa yimaada xilliyo ah nolosha markaas oo aynu u baahanahay caawimaadda bulshada. Dhamaanteen waynu xanuusan karnaa ama waxaa nagu dhici kara shilal. Laga yaabee in adigu aad u baahato qallitaan ama aad dhali doonto ilmo. Haddii uu kugu dhaco cudur xun waxaa daryeelka caafimaadka kharashkiisu noqdaa lacag badan. Haddii aad bilaa shaqo noqoto laga yaabee in aanay kugu filnayn lacagtaadu in aad bixiso lacagta raashinka iyo kirada. Gudaha Iswiidhan waxaynu dhisnay bulsho ku dhisan in adigu aad caawimaad hesho haddii aad u baahato taas.

Gudaha Iswiidhan dawladda waxay mas'uuliyad weyn ka saarantahay adigaaga ku nool dalkan. Adigu waa in aad awoodo in aad lahaato dakhli aasaasi ah oo si fiican u noolaato xitaa haddii aad tahay bilaa shaqo, xanuusanayso ama aanad shaqayn lacag badan. Dalalka doortay in ay daryeelka dadweynaha ka bixiyaan lacagta canshuurta waxaa lagu magacaaba dawladdaha dadkooda daryeele.

Gudaha mujtamac siiya dadkiisa daryeel waa in dadka oo dhan is caawiyo. Tani waxa aynu u samayn karnaa qaabab kala duwan. Hal qaab waa in aynu wadajir u bixino waxyaabaha dadka oo dhan u baahanyihiin. Tani waxaynu samaynaa inagoo u marayna in la bixiyo canshuurta. Dhammaan dadka ku nool dalka waa in ay bixiyaan canshuurta la siiyo dawladda. Xitaa shirkaduhu way bixiyaan canshuuraha iyo khidmadaha la siiyo dawladda. Marka la barbardhigo dalal badan waxa aynu leenahay canshuuro sareeya gudaha Iswiidhan maadaama aynu dooranay in aynu oggolaano in dawladdu bixiso lacagta iskoolada, daryeelka bukaanka iyo waxyaabo badan oo kale.

Gudaha Iswiidhan waa in haweenka iyo ragga labaduba isku masruufaan lacag laga helo shaqo. Shaqo waxay bixisaa amaan dhaqaale. Waxay shuruud u tahay nolol isku filnaansho leh. Waxaa kale oo dhaqaale ahaan adkaan karta in hal qoys isku dabaro hal dakhli oo keliya gudaha Iswiidhan. Iyadoo loo marayo in dadka waaweyn oo dhan awoodaan inay shaqeeyaan oo bixiyaan cashuur ayaa sidaas lagu kaalmeeyaa bulsho daryeesha dadkeeda.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Maxaa baddal u ah in daryeelka bulshada laga bixiyo cashuurta?

    Miyaad taqaanaa nidaamyo kale oo lagu bixiyo lacagta daryeelka bulshada oo aan ahayn cashuur?

Maxaa dhacaya haddii aanad bixin cashuurta?

Haddii aanad bixin cashuurta waxay tani la mid ahaan kartaa inaad gashay dembi, tani waxaa lagu magacaabaa dembi cashuur.

Haddii aad shaqayso adigoo aan bixin canshuur waxaa lagu magacaaba tani inaad ku shaqaynayso madow. In lagu shaqeeyo madow waa sharci daro. Tani waxay keeni kartaa xabsi ah ilaa laba sanno.

Haddii aanad cashuur bixin marka aad shaqaynayso waxaad waayaysaa xuquuqo badan oo shaqo caadi ahi leedahay. Haddii aad shaqayso adiga oo aan bixin cashuur waxaad waayi kartaa arrintan:

  • Adigu ma helaysid wax ah heshiis shaqo oo sidaas darteed waxaa lagaa khiyaamayn karaa mushahaarada.
  • Adigu ma helaysid wax ah qasnadda shaqo la'aanta haddii aad noqoto bilaa shaqo.
  • Adigu ma helaysid wax ah magdhabidda bukaan ama magdhabidda fasaxa.
  • Adigu ma helaysid wax ah gunnada bukaanka ama gunnada fasaxa waalidka.
  • Adigu waxaad helaysaa lacag hawl gab oo hooseysa.
  • Adigu ma ku jirtid caymis haddii aad is dhaawacdo ama qof kale dhaawacdo, ama kugu dhacdo inaad wax halayso marka aad shaqaynayso. Haddii tusaale ahaan shil kugu dhaco adigoo jooga goobta shaqada ma helaysid wax ah magdhabid.

Takoorid maaha inay ka jirto goobaha shaqada

Nolosha shaqada waa inay ahaato mid ku dhisan sinaan iyo sinaan u dhaxaysa haweenka iyo ragga. Takoorid waa ka mamnuuc dhinaca nolosha shaqada. Inkastoo ay sidaas tahay haddana way jiri kartaa.

Waxa ah takoorid way kala duwanaan kartaa xaalad ilaa xaalad. Mararka qaarkood waa in maxkamad go'aamiso haddii ay taasi tahay takoorid. Waa tan laba arrimood oo ah takoorid ka dhacda goobaha shaqada:

Tusaale: Maryam shaqada ayaa laga eryay sababtoo ah inay uur lahayd

Maryam waxay shirkad taksi ka heshay shaqo ah dirawal taksi. Wakhti kooban ka dib ayay uur yeelatay. Iyadu waxay u sheegtay qofka madaxda ah arrintan oo ka dib loogu jawaabay in aan loo oggolayn inay ka sii shaqayso goobtan shaqada. Maryam waxay samaysay wargelinta dhacdadan oo maxkamad ayaa go'aamisay in iyada loo gaystay takoorid. Qalad ayay ahayd in Maryam laga eryo shaqada sababtoo ah inay uur lahayd. Shirkada taksiga waxay bixisay lacag magdhabid ah oo ay siisay Maryam sababtoo ah inay takoorid u gaysteen iyada.

Tusaale: Faadumo waxay xirataa masarka madaxa – waxaa loo diiday shaqo

Faadumo waxaa lagu casuumay shaqo ah shirkad si ku meel gaar ah shaqaalaha u qaadata. Laakiin markii shirkadu ogaatay in ay xirnayd masarka madaxa may doonayn inay shaqaalaysiiyaan iyada. Iyagu waxay sheegeen in masarkeeda madaxa uu khatar amaanka ah ka yahay goobta shaqada.

Goobaha shaqada waxaa ka jiri karta shuruud ah dhinaca nooca dharka aad xirnaanayso si ay amaan u noqoto shaqadu, ama in shaqadan u baahantahay nooc nadaafad gaar ah. Laakiin sidaas may ahayn goobta shaqada ee Faadumo ka heshay shaqada. Sidaas darteed ayaa maxkamadi ku xukuntay shirkadan inay takooreen Faadumo.

Mas'uuliyada shaqo-bixiyayaasha

Shaqo-bixiyayaasha oo dhan waxaa mas'uuliyad ka saarantahay in takoorid aanay ka dhicin goobta shaqada. Shaqo-bixiye waa inuu hubiyaa in cidnaba aan lagu takoorin wax ku salaysan toddobada aasaasyada takooridda. Adiga iyo dhammaan kuwa aad la shaqayso waxaad leedihiin xuquuq isku mid ah.

Shaqo-bixiye waa inuu ka shaqeeyo in takoorid aanay ka dhicin dhinaca shantan aag:

  • Xaaladda shaqo
  • Mushahaarooyin iyo shuruudaha shaqo
  • Shaqo qorista iyo dalacsiinta
  • Horumarinta aqoonta iyo waxbarasho
  • Fursada in la mideeyo shaqada iyo waalidnimada

Badankooda xaaladaha takooridda ee nolosha shaqada waxay khuseeyaan jinsiga ama da'ada. Mararka qaarkood waxaa qof lagu takoori karaa sababtoo ah dhowr ah aasaasyada takooridda wakhti isku mid ah, tusaale ahaan haddii qofkan yahay haweenay iyo qof da' yar labadaba.

Sinnaanta haweenka iyo ragga ee suuqa shaqada

Haweenka iyo raggu waxay badanaaba ka shaqeeyaan xirfado kala duwan iyo laamo kala duwan gudaha Iswiidhan. Waxaa jirta kala qaybsanaanta dhinaca suuqa shaqada halkaas oo tusaale ahaan haween badan ka shaqeeyaan dhinaca daryeelka iyo xanaanada oo rag badanna dhinaca laamaha dhinaca laamaha farsamada iyo dhismaha. Xitaa waxaa badan ragga marka loo eego haweenka bilaaba shirkad gaar u ah ama madax ka ah goob shaqo.

Haweenka shaqadooda badanaaba ma loo qiimeeyo si sare oo la mid ah ta ragga shaqadooda. Tusaale ahaan mushahaarooyinku badanaaba way hooseeyaan dhinaca xirafadaha ay badanaaba haweenku ka shaqeeyaan. Haweenka ka shaqeeya dhinaca xirfad la mid ah ta ragga waxa xitaa badanaaba leeyihiin mushahaaro hoose inkastoo ay iyagu qabtaan shaqo la mid ah ta ragga.

Xitaa xaaladaha shaqo iyo deegaanka shaqo badanaaba wuu liitaa dhinaca xirfadaha ay haween badan ka shaqeeyaan. Dhinaca xirfadaha ay haween badan ka shaqeeyaan waxaa weyn khataraha in la jirado sababtoo ah dhibaatooyin maskaxiyan iyo jir ahaan ah marka loo eego xirfadaha ay rag badan ka shaqeeyaan. Haweenku wargelinta ay sameeyaan ayaa tusaale ahaan ka badan ta ragga in ay ku adagtahay inay seexdaan sababtoo ah fikradaha dhinaca shaqadooda, in loo gaysto hanjabaad iyo rabshad dhinaca shaqada, isla markaana inay sameeyaan dhaq-dhaqaaqyo soo noqnoqonaya dhinaca shaqada taas oo daalisa jirka. Laakiinse waxaa ka badan ragga ku dhinta shilal ka dhaca shaqada. Tani waxay la xiriirtaa in rag badan ka shaqeeyaan dhinaca laamaha ay badanaaba shilalku ka dhacaan, tusaale ahaan laanta dhismaha.

Cilmi-baaris ayaa xitaa muujisay in farqi u dhaxeeyo ragga iyo haweenka fursadahooda inay isku dhex wataan shaqo iyo nolol qoys. Haweenku waxay sameeyaan inta ugu badan ee shaqada guriga xitaa haddii ay shaqeeyaan si la mid ah ragga. Haween ka badan ragga ayaa gala fasax waalidnimo muddoyin dheer.

Si ay u korodho sinnaanta waxaa baarlamaanka Iswiidhan go'aamiyay in Iswiidhan lahaato siyaasadda sinnaanta ragga iyo haweenka. Mid ka mid ah hadafyada waa in haweenka iyo raggu ay lahaadaan fursado iyo xaalado isku mid ah dhinaca nolosha shaqada. Tusaale ahaan waa in haweenka iyo raggu awoodaan inay ka shaqeeyaan xirfadaha oo dhan. Cidnaba maaha in ay xanibaan fikrado xun oo ku saabsan waxa ragga iyo haweenka ku haboon inay ka shaqeeyaan. Dadka oo dhan waa inay doortaan xirfad ku salaysan siday ugu haboonyihiin, aqoon iyo xiise.

Tusaale: Anna dadka cusub ee ay la shaqaysaa waxay helaan mushahaaro dheeraad ah

Anna waxay ka shaqaysaa kaalin shidaal shantii sano ee ugu dambeysay. Maalin ayaa waxaa yimi qof cusub oo la shaqaynaya, Amiir. Markay ogaatay mushahaarada calaa bil uu Amiir helo ayay yaabtay. Isagu wuxuu lacag ahaan uu 1000 karoon dheeryahay Anna. Iyagu hawlo shaqo oo isku mid ah ayay sameeyaan oo isagu wuu ka waayo-aragnimo yaryahay iyada. Anna waxay u aragtaa in taasi tahay caddaalad daro in iyadu ay hesho lacag ka yar ta Amiir.

Shaqo-bixiyaha waajibaadkiisa si loo helo sinnaanta goobta shaqada

Sanad walba waa in shaqo-bixiyayaashu sameeyaan isbarbardhiga u dhaxeeya shaqaalaha mushahaarooyinkooda si loo helo haddii ay jiraan wax farqiyo ah oo u dhaxeeya mushahaarooyinka haweenka iyo ragga. Tani waxay ku qorantahay sharciga takooridda. Haddii isbarbardhigan muujiyo farqiyo u dhaxeeya jinsiyada dhinaca shaqo isku mid ah markaas waa in mushahaarooyinka la baddalo.

Shaqo-bixiyuhu waa inuu xitaa ka shaqeeyo dhinaca qaybin siman dhinaca haweenka iyo ragga ee dhinaca noocyada kala duwan ee shaqo iyo boosaska muhiimka ah ee goobta shaqada. Haddii tusaale ahaan ay jirto qaybin aan sinayn una dhaxaysa haweenka iyo ragga ee dhinaca goobta shaqada madaxdeeda waa in shaqo-bixiyuhu ka shaqeeyaa in la baddalo taas. Tani waxay tusaale ahaan noqon kartaa in shaqaalaha la siiyo waxbarasho si haween ama rag badan u awoodaan inay helaan boosas muhiim ah.