In cid loo shaqeeyo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay in la ahaado shaqaale. Shaqaale ahaan waxaad leedahay xuquuq iyo waajibaad labadaba markaad joogto goobtaada shaqada iyo dhinaca shaqo-bixiyahaaga labadaba. Shaqaale ahaan waxaad tusaale ahaan xaq u leedahay mushahaaro inaad ku hesho shaqada aad qabato iyo xaqa fasax aad ka qaadato shaqadaada.

Waxaad akhrin doontaa waxyaabaha muhiim u ah in la ogaado marka lagu shaqaalaysiiyo. Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin qaababka shaqaalaysiin ee kala duwan iyo nooca caawimaad ee aad heli karto haddii aad xanuusato oo aanad shaqayn karin. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan deegaanka shaqo iyo xaqa loo leeyahay in laga mid ahaado urur shaqaale.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin shaqo. Tani micnaheedu waa xaqa in aan lagaa reebin nolosha shaqada. Meesha aad ka timi, nooca jinsiga aad tahay ama da’da aad tahay maaha inay raad ku yeelato fursadahaaga dhinaca shaqo.

Waxaa jira xuquuqo dhowr ah oo la xiriira shaqada. Tusaale ahaan waxaad xaq u leedahay xaalado shaqo oo caddaalad ah, xaqa mushahaaro isku mid ah dhinaca shaqada isku midka ah iyo xaqa in laga mid ahaado urur shaqaale. Waxaad xitaa xaq u leedahay nasasho iyo wakhti firaaqo lagaga maqnaado shaqada.

Waxaa xitaa xuquuq u ah waalidka inay awoodaan inay isku dhex daraan nolosha qoys iyo shaqo. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo sameynta shaqo waxyeello leh ama ka xannibaysa ilmaha horumarkiisa iyo tegista iskool.

Habka shaqaaleeynta

Habka shaqaaleeynta waa labo:

  • shaqaaleeyn joogto ah
  • shaqaaleeyn mudo xadidan leh

Shaqaaleeyn joogto ah waxaa kale oo lagu magacaaba fast anställning. Shaqaaleeynta waxeey mid joogto ah. Mecnaheed waa in ee san laheeyn mudo xadidan oo dhameeynso.

Shaqaleeyn mudo xadidan leh waa shaqaaleeyn soconeeyso ilaa mudo.

Shaqo ku meel gaar ah (Vikariat)

Haddii lagu shaqaaleeyo hab haqo ku meel gaar ah mecnaheed waa in aad uusii shaqeeynsiid tusaale ahaan qof ku maqan fasaxa waalidiinta.

Mudada tijaabinta shaqaaleeynta

Marka aad hesho shaqaaleyn joogto ah waxaa caadi ah in shaqaaleeynta ku bilaabato mudada tijaabinta shaqaleeynta. Mudada tijaabinta shaqaaleeynta waa hab uu shaqo dhiibaha ku tijaabinaayo shaqaalaha. Fikrada tijaabinta shaqaaleeynta laga lee yahay waa in shaqaaleeynta ee noqoto mid joogto ah. Mudada tijaabinta shaqaaleeynta ma ka dheeraan karto lix bilood laakin sido kale waa la joojin karaa mudo intaas ka horeeyso.

Mushaar

Mushaar joogto ah oo la dhiibo bishii hal mar waxaa la yiraa mushaar-bileed (månadslön). Haddii aad mushaar uu hesho saacadiiba, waxaad saacada aad shaqeeysaba uu heleeysaa lacag kooban.

Heshiishka shaqaaleeynta

Marka aad shaqo heshi waxaad saxiixeeysaa heshiishka shaqaaleeynta. Heshiishka shaqaaleeynta waxaa ku qornaaneeyso:

  • magacaada iyo tobankaada lambar
  • hoowlahaada shaqadeed iyo magaca shaqada aad qabaneeyso
  • shaqo dhiibaha magaciisa iyo goobta shaqada
  • taariikhda ee shaqaaleeynta bilaabaneeyso
  • habka shaqaaleeynta aad lee dahay
  • xilliga ogeeysinta, mecnaheed waa maalinta laga bilaabaayo in lagu ogeeysiiyo ka tagida shaqada ama aadadiga iska uka tageeysid
  • mushaarka aad heleeysid canshuurta ka hor - bruttolön
  • inta maalmood oo lacagta fasaxa xaq uu lee dahay

Xilliga shaqada

Xilliga shaqada ee caadiga waxuu ugu badnaan ahaan karaa 40 saacadood isbuuciiba ayadoo lagu qabanaayo isla hal goob shaqo. Haddii aad 40 saacadood maalin ahaan isbuucaba uu shaqeeyso waa shaqo waqti buuxda ah. Haddii aad tusaale ahaan shaqeeyso habeenkii, shaqada waqtiga buuxdo waa ka yaraan kartaa 40 saacadood. Marka uu qofka leh shaqo waqti buuxod ah shaqeeyo in k badan waqtigiisa shaqo waxaa loo yaqaan xilli shaqo oo dheeraad ah. Waxaad xaq uu lee dahay in aad hesho lacag dheeraad ah haddii aad shaqeeyso xilli dheeraad ah.

Haddii aad leedahay hoos u dhaca awooda laxaadka ah, xanuusanayso ama dhaawac tahay

Haddii aad leedahay hoos u dhac laxaadka ah taas oo raad kugu yeelatay jir ahaan iyo caqli ahaan waxaa tani lagu magacaabaa in la leeyahay hoos u dhac laxaadka ah. Adigaaga leh hoos u dhac laxaadka ah waxaad leedahay xuquuq gaar ah xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon:

Dadka leh hoos u dhac awooda shaqo ah waxay heli karaan caawimaada in lagugu haboonaysiiyo goobta shaqada, hawlaha shaqo ama bi'ada shaqo. In lagu haboonaysiiyo waxay tahay in wax laga badalo goobta shaqada ama hawlaha shaqo si adigu aad u heshid fursado la mid ah sida dadka kale inaad ka qayb qaadato hawlahan ama shaqo.

Haddii aad xanuusato marka aad shaqaynayso

Haddii aad shaqaale tahay oo aad xanuusato waa inaad u sheegtaa shaqo-bixiyahaaga maalinta ugu horeysa ee aad xanuusanayso. Shaqo-bixiyahaaga ayaa bixinayaa mushahaarada bukaanka ee 14-ka maalmood ee ugu horeeya. Mushahaarada bukaanka waa boqolkiiba 80 ah mushahaaradaada caadiga ah. Shaqo-bixiyahaaga ayaa ka jara mushahaaradaada bukaanka waxa lagu magacaabo maalinta ugu horeysa ee jirada ee bilaa lacag qofku yahay.

Haddii aad jirantahay oo aad ka maqantahay shaqadaada in ka badan toddoba maalmood waa inaad dhakhtar ka heshaa caddayn ah inaad xanuusanayso haddii aad helayso inay kuu sii socoto mushahaarada bukaanka. Tani waxaa lagu magacaabaa caddayn dhakhtar (warqad caafimaad). Haddii aad jirantahay in ka badan 14 maalmood waxaad gunno ka heli kartaa Qasnadda Caymiska. Tani waxaa lagu magacaaba gunnada bukaanka.

Marka aad codsanayso gunnada bukaanka waa inaad dhiibto caddayn dhakhtar oo muujinaysa sababta aanad u shaqayn karin. Waa caadi in dhakhtarku caddaynta dhakhtar si elaktaroonig ah ugu diro Qasnadda Caymiska ka dib booqashadaada dhakhtarka. Weydii dhakhtarkaaga sida taasi u dhacdo.

Mararka qaarkood laga yaabo inaad awooddo inaad shaqayso dhowr saacadood maalintii, xitaa haddii aad jirantahay. Adigu waxaad heli kartaa gunno bukaan oo ah boqolkiiba 25, boqolkiiba 50, boqolkiiba 75 ama boqolkiiba 100 taas oo ku xiran haddii aad awooddo inaad shaqayso qaybo ka mid ah wakhtigan.

Shaqo iyo caruur

Adigaaga haysta carruur yar yar waxaad guriga ka jooga kartaa shaqada. Adigu waxaad xaq u leedahay inaad si buuxda fasax uga ahaato shaqadaada ilaa iyo inta ilmahaagu buuxinayo da'da 18 bilood.

Marka aad ka dib shaqayso ayaa ilmuhu tegi karaa dugsiga xanaanada ama dhinaca xanaaneeyaha carruurta ee maalintii. Xanaaneeyaha carruurta ee maalintii waxay carruurta ku hayaan gurigooda gaarka u ah.

Adigu lacag waad ka heli kartaa Qasnadda Caymiska inta lagu jiro wakhtiga aad guriga la joogto ilmahaaga. Tani waxaa lagu magacaabaa gunnada waalidka.

Haddii ilmahaagu uu xannuunsanyahay

Daryeelka ilmo (vab) waa marka aad guriga ka joogto shaqadaada ama iska deyso qasnadda shaqo la'aanta si aad u hayso ilmo xanuusanaya. Adigu waxaad heli kartaa gunno ah qiyaastii 80% ka mid ah dakhliga aad heli lahayd haddii aanad joogi lahayn guriga. Gunnada waxaa lagu magacaabaa lacagta waalidka ee ku meel gaarka ah. Adigu waxaad qaadan kartaa ugu badnaan 120 maalmood calaa sanad.

Shaqada yaree marka aad haysato carruur

Waalid ahaan haysta carruur yar yar waxaad xaq u leedahay inaad shaqada yarayso si aad wakhti dheeraad ah ugu heshid carruurtaada. Adigu waxaad xaq u leedahay gaabinta wakhtiga shaqo ilaa iyo boqolkiiba 25 ka mid ah wakhtiga shaqo ee caadiga ah ilaa ilmahaagu noqonayo sideed sano ama dhammaystirayo sanadka dugsiga ee ugu horeeya.

Goobaha shaqada qaarkood waxaa heshiiska guud xaq kuu siin karaa wakhti nus ah ilaa iyo maalinta ilmuhu buuxinayo laba iyo tobban sano.

Biririf, nasasho iyo fasax

Adigu waxaad xaq u leedahay hakadyo iyo biririfyo inta lagu jiro wakhtiga shaqada. Adigu waxaad xitaa xaq u leedahay inaad nasato inta u dhaxaysa maalmaha shaqada. Adigu maaha inaad shaqayso in ka badan shan saacadood oo isku xigta oo bilaa biririf ah. Adigu waxaad xitaa xaq u leedahay ugu yaraan kow iyo toban saacadood oo xiriirsan oo nasasho ah afar iyo labaatankii saacadood. Toddobaad walba waxaad xitaa xaq u leedahay ugu yaraan 36 saacadood xiriirsan oo fasax ah. Waxaas oo dhani waxay ku qoranyihiin sharciga wakhtiga shaqada.

Sharciga fasaxa

Sharciga fasaxa marka la fiiriyo waxaad ugu yaraan xaq uu lee dahay 25 maalmood oo fasax ah sanadkiiba, kumana xirno hab shaqeeyleeynta ama haddii aad uu shaqeeyso si buuxdo ama si aan buuxin. Laakin taasi ma khuseeyso qof leh shaqaleeynta mudada xadidadan ee guud oo mushaarsaacadeed qaato. Qofka leh shaqaleeynta mudada xadidadan ee guud oo mushaar-saacadeed qaato waxuu lee yahay lacag dheeraad ah oo boqolkiiba labo-iyo-toban ah, loogu daraaayo mushaarkiisa jumladeed (inta aan canshuurta laga jarin), taasi waxaa loo yaqaan lacagta fasaxa ee loogu magdhabo shaqaalaha.

Deegaanka shaqo

Waynu shaqaynayaa qayb weyn oo ka mid ah nolosheena. Sidaas darteed waxaa muhiim ah inaynu wanaag ku dareeno shaqada, in aynu dareeno amaan oo aanaynu isku dhaawacin shaqada. Waxyaabaha raad inagu yeesha marka aynu joogno shaqada waxaa lagu magacaabaa deegaanka shaqada. Deegaanka shaqada way ku kala duwanaan karaan goobaha shaqada. Qaar ka mid ah shaqooyinku waxay la xiriiraan jirka, halkaas waxaad ku shaqaynaysaa jirka. Shaqooyin kalena waxay ahaan karaan inaad si deggan u hor fadhido shaashad kombiyuutar maalintii oo dhan.

Goobaha shaqada ee kala duwan waxaa ku xiran shuruudo kala duwan si ay u lahaadaan deegaan shaqo oo fiican. Tusaale ahaan qofka hor fadhiya kombiyuutar wuxuu u baahanyahay kursi fiican si loo xamilo in la fadhiyo wakhti dheer. Qofka ka shaqeeya adeegga dadka loogu shaqeeyo gurigooda wuxuu u baahan karaa tusaale ahaan qalab caawin si loo caawiyo dadka waayeelka ah inay kor uga soo kacaan sarriirta.

Deegaanka shaqo wuxuu ku saabsanyahay xitaa dhinaca maskaxiyan iyo bulsho ahaan. In aad ku qanacsantahay dadka aad wada shaqaysaan iyo shaqadaada.

Calaamadaha in deegaanka shaqo xunyahay waxay ahaan karaan in shaqadu ay leedahay kadeed badan, in aanu jirin waxa la isaga ilaaliyo makiinadaha, in qof la dhibaateeyo ama loo gaysto dhibaato jinsiga ku salaysan ama inay jirto sanqar aad u badan.

Waa shaqo-bixiyaha kuwa mas'uulka ka ah in deegaan shaqo oo fiican ka jiro goobta shaqada. Shaqo-bixiyaha ayaa xitaa mas'uul ka ah in la raaco sharciyada iyo qawaaniinta jira.

Haddii aad leedahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxaad xaq u leedahay in deegaanka shaqo la haboonaysiiyo si aad u awooddo inaad qabato shaqadaada. Waa muhiim inaad u sheegto shaqo-bixiyahaaga nooca baahida aad qabto. Taasi waxay ahaan kartaa sida dhismayaashu u qaabaysanyihiin, sida macluumaadka loo bixiyo iyo nooca qaababka shaqo ee laga isticmaalo goobtaada shaqada. Waa inaad awooddo inaad u qabato shaqadaada qaab la siman kuwa kula shaqeeya ee aan lahayn hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Waxaa kale oo jira dhowr taageero oo la helo iyadoo loo sii marayo barnaamijka siyaasadda suuqa shaqada lehna hawlo gaar ah looguna talogalay dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo sababtay in awoodda shaqo hooseyso.

Qofka shaqaalaha ahi waa inuu kaalmo ka gaysto sidii deegaanka shaqo u fiicnaan lahaa, tusaale ahaan iyadoo la raacayo qawaaniinta goobta shaqada oo la isticmaalo qalabka ilaalinta ee jira. Haddii ay wax aan fiicnayn ka jirto goobtaada shaqada waxaad la hadli kartaa qofka madaxda kuu ah ama wakiilka shaqaalaha u qaabilsan ammaanka iyo caafimaadka. Wakiilka shaqaalaha u qaabilsan ammaanka iyo caafimaadka waa laga helaa goobaha shaqo badankooda. Badanaaba urur shaqaale ayaa doorta wakiilka shaqaalaha u qaabilsan ammaanka iyo caafimaadka. Haddii wakiil shaqaalaha u qaabilsan ammaanka iyo caafimaadka aanu ka jirin goobta shaqada markaas shaqaalaha ayaa dooran kara wakiilka shaqaalaha u qaabilsan ammaanka iyo caafimaadka.

Hawsha wakiilka shaqaalaha u qaabilsan ammaanka iyo caafimaadka waa in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa deegaan shaqo oo fiican. Haddii ay jiraan wax xun ama khatar ah goobta shaqada ayaa wakiilka shaqaalaha u qaabilsan ammaanka iyo caafimaadka u sheegi karaa shaqo-bixiyaha waxa ay tahay in la sameeyo si goobta shaqadu u fiicnaato oo amaan u noqoto.

Waa maxay deegaan shaqo oo fiican?

Xaqa in laga mid ahaado urur shaqaale

Urur hoosaad shaqaale ama urur iskutag shaqaale waa urur loogu talogalay shaqaalaha isku xirfadda ah, ku jira laan isku mid ah ama haysta waxbarasho isku mid ah. Urur hoosaad shaqaale ama urur iskutag shaqaale waxaa badanaaba loo soo gaabiyaa urur shaqaale.

Urur shaqaale wuxuu ku caawin karaa haddii aad dhibaato kala kulanto shaqada, tusaale ahaan haddii aad lagu siiyo mushahaaro qalad ah ama lagugu khasbo inaad shaqayso saacado ka badan inta ku qoran heshiiska shaqada. Urur shaqaale wuxuu u jiraa inuu ka caawiyo xubnihiisa waxa ay iyaga la tahay inay muhiim ka tahay dhinaca shaqada.

Dadka badankooda ka shaqeeya Iswiidhan waxay ku jiraan urur shaqaale. Dhammaan dadka jooga Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin inay ka tirsanaadaan urur shaqaale.

Fasax si wax loo barto

Adigu ma u baahnid inaad iska casisho shaqadaada haddii aad doonaysid inaad wax barato. Sida ku cad sharciga fasaxa waxbarasho waxaad xaq u leedahay inaad fasax ka ahaato shaqada si aad wax u barato haddii aad buuxiso shuruudo gaar ah. Adigu waa inaad shaqaale ka ahayd shaqo-bixiye isku mid ah lixdii bilood ee ugu dambeeyay ama isu geyn ugu yaraan laba iyo tobban bilood intii lagu jiray labadii sano ee ugu dambeeyay.

Haddii lagaa eryo shaqada

Qiyaasti kala bar dhammaan dadka jooga Iswiidhan waxay haystaan shaqo leh mushahaaro. Waxaa Iswiidhan ka jira caymis ilaalinaya qofka noqda bilaa shaqo. Caymiskan, laguna magacaabo caymiska shaqo la'aanta, wuxuu suurtagalinayaa in qof bilaa shaqo ah helo dakhli marka qofkani raadinayo shaqo. Adigu waxaad xubin ka ahaan kartaa qasnad shaqo la'aan, qasnadda shaqo la'aanta taas oo ah urur dhaqaale oo bixiya lacagta la siinayo xubnaha ah bilaa shaqada. Haddii aad doonaysid inaad xubin ka ahaato qasnad shaqo la'aan waa inaad bixisaa khidmadda xubinnimada bil walba.

Haddii aad ka mid tahay qasnad shaqo la'aan markaas markaas bilaa shaqo tahay waxaad heli kartaa lacag inta lagu jiro wakhtiga aad raadinayso shaqo cusub. Waxaa jira qasnaddo shaqo la'aan oo kala duwan oo badan oo aad ka mid ahaan karto. Qasnaddaha shaqo la'aanta qaarkood waxay gaar u yihiin koox xirfad oo gaar ah, qasnaddaha kale ee shaqo la'aantana waad ka mid ahaan kartaa iyadoo aanay ku xirnayn nooca laanta aad ka shaqayso. Shuruudda aasaaska u ah qasnadaha shaqo la'aanta oo dhan waa in aad ka soo shaqaysay Iswiidhan si aad u noqoto xubin.

Sida shaqadu ay raad ugu yeelato lacagta hawl-gabka

Hawlgab waa lacagta aad helayso marka aad noqoto waayeel ee joojiso shaqada. Dhammaan dadka ka shaqeeya kuna nool Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin lacagta hawl-gabka. Inta ay leegtahay lacagta hawl-gabka ee aad helayso way kala duwantahay. Tani waxay ku xirantahay waxyaabo ay ka mid tahay inta ay leegtahay mushahaarada marka aad shaqayso iyo inta sano ee aad shaqaysay. Sanad kasta oo aad shaqayso waxaad ku sii helaysaa lacag hawlgab oo sii sareysa.

Inta ay leegtahay lacagta hawlgabka waxay xitaa ku xirantahay haddii aad leedahay shaqo-bixiye lacag siiyaa hawlgabka adeegga iyo haddii adigu keligaa aad keyd u dhigto hawlgabka.

Waa muhiim inaad ka fikirto in haddii aad ku jirto fasax waalidnimo ama aad yarayso wakhtiga shaqada sababtoo ah inaad haysato carruur yar ay markaas raad ku yeelanayso inta ay leegtahay lacagtaada hawl-gabka. Marka ay sii yaraato shaqadaduba waxaa sii yaraanaysa lacagtaada hawl-gabka.