Dhaqaalahaaga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 13/2-2024

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay dhaqaalaha. Dhaqaalahaagu wuxuu ka koobanyahay dakhliyo iyo kharashyo kaa baxa. Dakhliyo waa tusaale ahaan mushahaaro iyo lacag kaalmo ah. Kharashyadu waa waa lacagaha aad bixiso si aad u nolaato. Taasi waa tusaale ahaan kharashka kirada, cuntada iyo dharka.

Qof lacag kala soo baxaya boorsada jeebka.

In laga warhayo dhaqaalahaaga waxay muhiim u tahay in nolosha maalinlaha shaqayso. Haddii aad qorshayso dhaqaalahaaga waxaa sii fududaanaysa in lacagtu kugu filnaato. Qoraalkan waxaad ku akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin dhaqaalaha guriga, xisaabaha iyo Hey'adda dawladda ee ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin heer nolol oo macquul ah. Tani micnaheedu waa in aad xaq u leedahay inaad hesho ama shaqayso lacag kugu filan si adiga iyo qoyskaagu aad u dareentaan wanaag.

Waa inaad awoodo inaad iibsato cunto iyo dhar, haysato hoy iyo awoodo lacagta daryeelka. Haddii aad jirato ama bilaa shaqo noqoto waa in bulshadu caawimaad bixiso si aad u hesho heer nolol oo macquul ah. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin amaan bulsho iyo heerka nolol ee ilmo u baahanyahay dhinaca horumarka.

Nolol shaqo oo siman iyo dhaqaale

Waxaa jira qaabab kala duwan oo loo helo lacag. Qaabka ugu caadisan waa in lacag laga helo in la shaqeeyo. Shaqo waxay kordhisaa fursada dhinaca amaan dhaqaale. Gudaha Iswiidhan waxaa is leeg ku dhowaad haweenka iyo ragga shaqeeya. Bilowgii 1970-yadii ayay dawladda Iswiidhan fulisay dhowr ah isbaddalo siyaasadeed kuwaas oo u sahlay haweenka inay ka shaqeeyaan meel ka baxsan guriga oo siisay haweenka isku filnaansho dhaqaale oo weyn. Isbaddaladan siyaasadeed ayaa keenay in:

  • in ay faa'iido dheeraad ah u yeelatay qoysaska ka kooban laba qof oo waaweyn in labaduba shaqeeyaan, marka la barbardhigo in qof shaqeeyo oo midna guriga la joogo carruurta.
  • waalidku waxay xaq u heleen inay qaybsadaan fasaxa marka ilmo dhasho. Iswiidhan waxay noqotay dalkii ugu horeeyay aduunka ee raggu xaq u heleen inay guriga la joogaan ilmahooda.
  • carruur badan ayaa awoodday inay tagaan dugsiga xanaanada.

Maantana dadka oo dhan iyadoo aan ku xirnayn jinsi ay helaan fursado isku mid ah markay noqoto dhinaca shuruudaha shaqo, mushahaaro iyo in labaduba awooddaan inay shaqeeyaan oo daryeelaan carruurtooda. Laakiin nolosha shaqadu weli ma ka jirto sinaan. Dhowr tusaale oo ka mid ah waa in haweenka iyo raggu badanaaba ka shaqeeyaan xirfado kala duwan iyo in xirfadaha haween badan ka shaqeeyaan ay badanaaba leeyihiin mushahaarooyin ka hooseeya xirfadaha ay rag badan ka shaqeeyaan. Tusaalooyin kalena waa in haween ka badan ragga shaqeeyaan wakhti nus ah iyo in haweenku qaataan fasax waalidnimo oo ka badan ta ragga. Taasi waxay cawaaqib ku yeelataa haweenka dakhliyadooda. Marka ay shaqeeyaan saacado yar waxay helaan lacag yar oo ay ku noolaadaan iyo lacag hawl-gab oo hooseysa.

Si ay u korodho sinnaanta waxaa baarlamaanka Iswiidhan go'aamiyay in Iswiidhan lahaato siyaasadda sinnaanta ragga iyo haweenka. Mid ka mid ah hadafyada waa in haweenka iyo raggu ay lahaadaan fursado iyo xaalado isku mid ah dhinaca nolosha shaqada. Tusaale ahaan waa in haweenka iyo raggu awoodaan inay ka shaqeeyaan xirfadaha oo dhan. Cidnaba maaha in ay xanibaan fikrado xun oo ku saabsan waxa ragga iyo haweenka ku haboon inay ka shaqeeyaan. Dadka oo dhan waa inay doortaan xirfad ku salaysan siday ugu haboonyihiin, aqoon iyo xiise.

Dhaqaalaha guriga

Dakhliyada iyo kharashaadka gurigaaga waa dhaqaalaha gurigaaga. Si loo helo dhaqaale guri oo fiican waa inaad isku dheeli-tirtaa lacagaha ku soo gala iyo lacagaha aad kharashgarayso bil kastaba.

Si looga war-hayo dhaqaalahaaga waxaa fiican inaad samayso miisaaniyad sahlan. Ururi oo qor dakhliyadaada iyo kharashyadaada oo macluumaadkan isticmaal marka aad qorshaynayso miisaaniyada bisha soo socota. Markaasi waxaad fahmaysaa wax walba kharashkooda iyo inta aad wax ku iibsan karto.

Kharashaadka miisaaniyadu way ku kala duwanyihiin guryuhu. Hey'ada Macaamiisha waxay sanad kastaba samaysaa xisaabinta waxa kharashyo macquul ah dhanka qayb ka mid ah kharashyada ka jira guri. Waxaad isticmaali kartaa lambaradooda inay saldhig u ahaato markaad samaynayso miisaaniyadaada gaarka ah. Dhanka bogga intarnatka ee Hallå Konsument waxaa xitaa ku jirta xisaabinta miisaaniyad taas oo aad isticmaali karto si aad u xisaabiso miisaaniyada gurigaaga.

Muhiimada kowaad sii kharashyada la bixiyo haddii lacaguhu aanay kugu filnayn. Kirada iyo korontada waa muhiim in la bixiyo. La xiriir kuwa kugu leh lacag haddii aanad bixin karin lacagta.

Iska ilaali inaad wax ku iibsato nidaamka in qayb-qayb lacag loo bixiyo iyo inaad qaadato amaah deg-deg ah haddii aad wax iibsanayso. Taas badelkeeda ka fikir haddii aad kaydin karto lacag. Amaahda deg-dega ah iyo in wax lagu iibsado in qayb-qayb lacagta loo bixiyo waxay badanaaba wadataa ribo iyo kharashyo kuwaas oo iibsigan ka dhiga mid aad qaali u ah.

Ma samaysay miisaaniyad?

Waa maxay dakhliyada iyo kharashyada aad leedahay adigu iyo gurigaaga bil walba?

​Bangiga, koontada iyo kaarka bangiga

Dadka badankoodu waxay haystaan xisaab bangi iyo kaar bangi. Kaarka bangiga waxaad lacag kagala soo bixi kartaa xisaabtaada dhinaca makiinada bangiga ee lacagta lagala soo baxo. Adigu waxaad xitaa kaarka isticmaali kartaa marka aad ka iibsanayso dukaan ama dhinaca intarnatka. Si loo helo xisaab bangi iyo kaar bangi waa inaad marka hore la hadasho bangi.

Dadka badankoodu waxay lacag ka amaahdaan bangi haddii ay iibsanayaan guri ama baabuur. Si loo awooddo in lacag laga amaahdo bangi waa inaad leedahay dakhli xasiloon. Dakhli xasiloon waa dakhli uu bangigu ogyahay inuu bil walba ku soo galo, tusaale ahaan mushahaaro laga helo shaqo joogto ah.

Maamulka gobolka Dalarna waxay soo saareen buug yar oo ku saabsan adeegyada lacag bixinta. Halkaas ayaad ka akhrin kartaa sidaad kaadh lacag ugu bixineyso, sida aad ugu gali karto bangiga internetka iyo BankID.

Gacan gelinaysa kaar bangi goobta lacagta lagu bixiyo kaarka ee qasnada gudaha dukaan.

Sawir: Pixabay

Kharashyada lagu bixiyo internetka ama toos looga jiito koontada

Si aad kharashka uga bixiso internetka oo aad internetka ka aragtid inta kuugu jirto koontada waa in aad marka hore uu tagtaa bangigaada. Halkaas ayaad ka heleeysaa warbixin ku saabsan sida aad uu sameeyn laheeyd.

Habka lacagta toos looga jiito koontada mecnaheed waa in lacagta kharashyada soo laab-laabto bil kasto laga jiito koontadaada.

Qaab sahlan oo wax loo iibsan karo ama xaajooyinka bangiga looa samayn karo intarnatka waa in la isticmaalo aqoonsiga elaktarooniga ah, tusaale ahaan BankID. Aqoonsiga elaktarooniga waa dukumeti aqoonsi oo elaktaroonig ah. Tan waxaa la barbar dhigi karaa kaar aqoonsi oo caadi ah.

Adigu waxaad BankID ka samaysanaysaa bangigaaga. Dalbashada way ku kala duwanyihiin bangiyada kala duwan. Adigu waxaad ku geli kartaa bangigaaga intarnatka oo akhrin kartaa dheeraad ku saabsan sida aad u dalbanayso BankID.

Xisaabaha lacag bixinta

Xisaab lacag bixin waa warqad cadaynaysa kharashka wax. Xisaabta lacagta waxaa ku qoran macluumaadka ku saabsan inta ay tahay inaad bixiso. Waxaad tusaale ahaan heli kartaa xisaabta lacag bixinta telafoon ama xisaabta lacag bixinta ee dugsiga xanaanada iyo dugsiga xilli firaaqaha. Waxaa kale oo kuu iman kara xisaabta lacag bixinta tiifiiga, korontada iyo diirimaadka guriga. Xisaabta lacag bixinta waxaa lagu magacaabaa qaan sheeg.

Waa inaad bixisaa xisaabaha lacag bixinta ka hor maalinta lacag bixinta ee ku qoran. Ka fikir mar kastaba inay qaadan karto dhowr maalmood laga bilaabo markaad dirtay lacagtan ilaa inta kuwa loo diray helayaan. Badanaaba waxaa ku qoran "Betalning oss tillhanda" ama "Förfallodag" iyo taariikh. Tani micnaheedu waa in lacagtan ay soo gaarto ugu dambeyn taariikhdaas.

Adigu waad u tegi kartaa bangiga oo bixin kartaa lacagta xisaabaadkaaga, laakiin tani waxay ahaan kartaa qaali. Bangiyo badan waxay qaadaan khidmad sare haddii aad dhinacooda ka bixinayso lacagta.

Waxaa badanaaba ka sahlan in laga bixiyo lacagaha dhinaca intarnatka. Tani xitaa way ka sii raqiisantahay. Si loo awooddo in lacagta looga bixiyo dhinaca intarnatka waa inaad xisaab ku yeelato bangiga. Bangiga ayaa markaas xisaabtaada ku xiriirin kara bangiga intarnatka. Isticmaalka bangiga intarnatka waxaad ku bixin kartaa xisaabahaaga dhinaca kombiyuutarka.

Xisaabaha lacag bixinta waxaa ku qoran lambarka xisaabta bangi-jiirada ama boos-jiirada kuwa aad lacagtan siinayso. Adiga ayaa qoraya lambarka xisaabta aad lacagta siinayso adigoo isticmaalaya bangiga intarnatka.

Qaan sheegashooyinka qaladka ah qaan sheegashooyinka beenta ah

Mararka qaarkood shirkaduhu si qalad ah ayay u soo diraan qaan sheegashooyin oo waad heli kartaa qaan sheegasho qalad ah. Waxaa qalad ahaan karta qaan sheegashada oo dhan ama qaybo ka mid ah.

Tani waxaa xitaa lagu magacaabaa qaan sheegasho been ah marka aad hesho qaan sheegashada alaab ama adeeg aanad adigu dalban.

  • Markastaba ka bilow inaad la xiriirto shirkadan oo u sheegto qaladkan.
  • Qoraal ahaan dacwad ugu dir shirkadan tusaale ahaan e-boostada oo kaydi nuqulka e-boostadaada ama warqada.
  • Ha isticmaalin alaabtan ama adeegan aad heshay ee aanad dalban.

Miyay ku soo gaartay qaan-sheegasho been ah xilli ka mid ah wakhtiyada?

Miyaa uu kula soo xiriiray iibiye aad u malaynayso inuu doonayay inuu kaa khiyaameeyo lacag?

Deymanka iyo calaamada lacag bixinta

Deyn waxaa la galay isla markiiba marka qofka ay waajib wax ku noqdaan. Xaaladaha badankooda waxaa deynku ku saabsanyahay lacag, caadi ahaan xisaabo lacag bixin oo aan la bixin iyo amaah.

Hey'adda qaan-ururinta badanaa waxaa loo yaqaan Kronofogden. Hey'adda qaan-ururinta waxeey soo ururisaa deeymanka aan la bixin. Haddii aad qof lacag ku lee dahay, Hey'adda qaan-ururinta ayaa ka caawin karto soo celinta lacagta. Hey'adda qaan-ururinta waxeey kale oo ka shaqeeysaa sifeeynta deeymaha. Taasi mecnaheed waa in Hey'adda qaan-ururinta qofka deeymo weeyn lagu lee yahay ku caawiyo sida uu habeeyn lahaa dhaqaalihiisa.

Xisaabaha lacag bixinta waa khasab in lagu bixiyo wakhtigooda. Haddii aad seegto inaad wakhtigeeda ku bixiso xisaabtaada waxaad deyn ugu jirtaa iibiyaha. Markaasi iibiyuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu ku darsado khidmada xusuusinta iyo ribada la habsaamida. Kharashyadan waxaa lagu darayaa xisaabtan aanad bixin. Sidaas darteed deynku wuu kordhaa haddii aanad wakhtigeedi ku bixin. Deynku si dhakhso ah ayuu u badan karaa.

Haddii aad heshay xusuusin waa inaad sida ugu dhakhso badan ee suurtaga ah u bixiso lacagta si aanad u gelin deyn weyn.

Waxaa kale oo dhici karta in waraaqaha qaan-sheegashadu aanay ku iman wakthigooda dhinaca boosta. Haddii aad ogtahay inay ahayd inaad hesho qaan-sheegasho laakiin aanay ku soo gaarin waa inaad la xiriirto shirkadda kugu leh lacagta. Ka codso shirkada inay soo diraan qaan-sheegasho cusub si aanad ula kulmin kharashyo xusuusin oo laga maarmi karo.

Haddii weli aad bixin waydo xisaabtan ka dib markaad heshay xusuusinahan waxaa shirkada ama wakiilka shirkadu u diri karaan shirkada deynka soo ururisa. Tani micnaheedu waa inaad heshay fursadi ugu dambeysay inaad ku bixiso xisaabtan kharashyadeeda iyo khidmadaha dheeraadka ah iyo ribada ka hor intaan arrintan loo gudbin Hey'ada dawladeed ee soo ururinta deynka.

Shirkaduhu waxay isticmaalaan shirkado u ururiya deynka si ay u helaan caawimaada inay helaan lacagta. Haddii shirkad deynka ururisa ay la wareegtay sheegashadan waa inaad deynkan siisaa shirkada deynka ururisa. Shirkad deynka ururisaa waxay saarataa khidmad taas oo ay tahay inaad xitaa bixiso.

Haddii aad hesho sheekasho deyn ururin waa muhiim inaad bixiso xisaabtan iyo khidmada deyn ururiyaha labadaba, haddii kale deynkan waxaa loo gudbinayaa Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo. Markaas waxaad khatar ugu jirtaa in aad hesho calaamadda deyn xumada iyo kharashyo ka sii badan maadaama Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha la bixin waayo ay qaadan karto lacag si ay uga shaqayso arrintan. Waa shirkado kala duwan oo dhinaca macluumaadka deynka ah kuwa bixiya calaamadaha deyn xumada, maaha Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo.

Haddii shuruud kaaga timi Hey'ada dawladeed ee soo ururinta deynka, waxa lagu magacaabo amarka lacag bixinta, oo aad isla markiiba bixiso lacagtan markaasi ma kugu dhacayso calaamada lacag bixinta.

Haddii aad u aragto in shuruudani qalad tahay waad ka dacwoon kartaa. Tani waxay tahay in adigu aad la xiriirayso Hey'ada dawladeed ee soo ururinta deynka
oo u sharaxayso waxa qaladka ah.

Calaamada lacag bixinta waa calaamad ka jirta dhanka shirkadaha baara deynka kuna saabsan in adigu aad si fiican u daryeeshid lacag bixinaha. Shirkadaha baara deynka waxay macluumaad ka soo ururiyaan meelo ay ka mid tahay Hey'ada dawladeed ee soo ururinta deynka. Marka aad ay kugu dhacdo in laguu diiwaan-gelyay calaamada lacag bixinta waxaa kugu adkaan karta inaad kireysato guri, alaab ku iibsato deyn loo bixiyo qayb qayb ama codsato amaah bangi. Micnihii maaha suurtagal in la iska indho tiro deymanka. Calaamada lacag bixinta waxay diiwaan-gashanaataa ugu yaraan saddex sano.

Mararka qaarkood waxaa soo bixi kara xaalado keeni kara in aanad lacagta ku bixin karin wakhtigeedi. Waxay ahaan kartaa xanuun, shil ama in adigu sababo kale awgood aanad shaqayn lacagtan badan ee loo baahanyahay si aad u bixiso deynkaaga. Markaasi sida ugu dhakhso badan ula xiriir alaab iibiyahan aad heshiiska la gashay ama deynkan kaga jirto. Qaabkan ayaa laga yaabaa in idinku aad ku heshiisaan qorshe ah in qayb qayb loo bixiyo lacagtan.

Tusaale: Reza wuxuu leeyahay calaamadda deyn xumada

Reza wuxuu raadinayaa guri cusub. Isagu wuxuu helay guri uu doonayo oo codsaday kaas. Laakiin jawaabta uu ka helay guri kireeyaha ayaa niyad jebisay. Isaga waa loo diiday gurigan. Sababtu waa inuu leeyahay calaamad deyn xumo.

Wakhti ka hor Reza muu haysan lacag badan. Isagu muu haysan awood dhaqaale oo uu ku bixiyo qaan-sheegashooyinka. Taas ayaa keentay in ugu dambeyntii uu helay calaamada deyn xumada. Sidaas darteed ayaa guri kireeyuhu aanu uga kireyn karin gurigan isaga.

Adigu waxaad heli kartaa talo bixin bilaa kharash ah oo ku saabsan heshiisyada, rukumashada, xisaabaha lacag bixinta iyo deymanka

Waxaad caawimaad ku saabsan dhaqaalahaaga ka heli kartaa degmada aad degantahay. Dhamaan degmooyinku waxay bilaash ku bixiyaan talo-bixinta miisaaniyada dhaqaale iyo deynka.

Degmooyin badan waxay dadka ku casuumaan hagida macmiisha. Halkaas ayaad la xiriiri kartaa haddii aad u baahantahay caawimaada inaad ka dacwooto alaab ama adeeg aad iibsatay oo xun. Iyagu waxay xitaa ku siin karaan warbixin ku saabsan nooca xuquuqaha iyo waajibaadka aad leedahay adigu macmiil ahaan.

La xiriir Hallå konsument markaad hayso su'aalo ku saabsan iibsashada alaab iyo adeegyo, ka cabashada alaab la iibsaday iyo wixi.

Anigu waxaan imi Iswiidhan qaxooti ahaan markaaan ahaa 14 jir. Waxaanu joognay saddex sano kaam qaxooti ka hor intaan qoyskaygu helin sharci deganaansho. Ka dib markaan dhigtay dugsiga sare ka dibna waxbarasho jaamacad ayaan bilaabay inaan ku shaqeeyo kormeere jooga Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo sanadkii 2007. Tan iyo 2013 waxaan cilmi-baaris ku sameeyaa dhinaca dadka ajnabiga ah amaankooda dhaqaale ee gudaha Iswiidhan. Anigu waxaan wadaa waxbarashadii PhD:da, micnihii waxbaan bartaa si aan u helo shahaado cilmi-baare, dhinaca maaddadaas ee jaamicadda Lund.

Aniga waxaa igu adag inaan bixiyo xisaabahayga. Maxaan sameeyaa si aanan u gelin diiwaanka Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo?

Waxaa jirta wax badan oo aad samayn karto si aanad u gelin diiwaanka Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo. Ta ugu muhiimsan waa inaad firfircoontahay oo isku deydo inaad xaliso xaaladan. Waa muhiim inaad si toos ah u dhaqaaqdo oo muhiimad siiso waxa ay tahay in aad markiiba bixiso, tusaale ahaan kirada, korontada, cuntada ama moobilka.

La xiriir kuwa kugu leh lacag oo u sheeg xaaladu siday tahay. Laga yaabee inaad ku heshiin kartaan in la qayb qaybiyo lacag bixintan ama la helo xal kale. Ka fikir in ay tahay inaad xitaa bixiso kharashyadaada kale.

Talo kale oo muhiim ah waa inaad furto dhammaan waraaqaha aad hesho. Haddii aad la nooshahay saaxiibo oo boostaadu tagto cinwaan kale waa muhiim inaad badanaaba soo qaadato boostaada. Dhinaca bangiga intarnatka ayaad qaan-sheegashooyinka badankooda ka dhigi kartaa inay noqdaan elaktaroonig ama si otomaatig ah loo goosto bil walba. Tani micnaheedu waa in mar kastaba aad qaan-sheegashooyinkaaga ka helaysid oo ay kuugu jiraan Bangiga intarnatka. Haddii aad doorato ooto-jiiro waxaa lacagta qaan-sheegashada si otomaatig ah looga goosanayaa xisaabtaada bil walba. Sidaas darteed hubso in mar walba lacag kuugu jirto xisaabta si lacag bixintan u samaysanto.

Miyaa Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo isticmaali kartaa xoog si loo helo deymanka?

Maya. Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo ma loo oggola inay sinnaba u isticmaalaan xoog si loo helo deymanka.

Ta aanu samaynaa waa inaanu baarno haddii qofka deyman lagu leeyahay leeyahay wax hanti ah oo aanu la wareegi karno si loo bixiyo deymankan. Laga yaabee inay jiraan lacago yaala xisaab bangi, ama qayb ka mid ah mushahaarada, taas oo laga bixin karo deymanka. Waxaanu xitaa iibin karnaa baabuurta, dhismayaasha iyo wixi kale ee lagu bixin karo deymanka, tusaale ahaan saacado ama sawirada derbiyada.

Miyaan galayaa xabsi haddii aan bixin waayo xisaabahayga?

Maya. Gudaha Iswiidhan ma ka aha dembi in lagugu leeyahay deyn.

Haddii aad bixin waydo qaan-sheegashooyinkaaga waxay qaan-sheegashooyinkaas si tartiib ah u galayaan diiwaanka Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo. Waxaanu baarnaa haddii aad leedahay dakhli ama mulkiile ka tahay wax aanu iibin karno. Waxaanu mar walba hubsanaa in aad haysato lacag kugu filan si aad isaga bixiso kirada, raashinka, iyo tusaale ahaan safarada lagu tagayo lagagana imanayo shaqada. Sidaas darteed ayay muhiim u tahay inaad ka jawaabto waraaqahayaga ama na soo wacdo si aanu u haysano macluumaad sax ah dhinaca tusaale ahaan inta uu yahay kharashka gurigaaga.

Anigu ma fahamsani lacagta dulsaarka ah. Waa maxay sababta ay tahay inaan u bixiyo lacag dulsaar ah? Sababtee ayaa lacagta dulsaarka ay aad ugu sareysaa?

Waxaanu helnaa su’aalo ku saabsan lacagta dulsaarka ah oo nooga yimaada dadka dalka ku cusub iyo dalka ku dhashay gudaha Iswiidhan. Badanaaba waxay ku saabsantahay xisaabta lacag aan lagu bixin wakhtigeedi oo markaas qofkii doonayay in lacagta la siiyo ayaa dalban kara lacag dulsaar ah. Haddii aad heshiis la gashay shirkad, sida markaad kabo ka iibsatay intarnatka, waxaad isla mar ahaantaas oggolaatay in aad bixiso lacag dulsaar ah haddii aanad lacagta ku bixin wakhtigeeda. Mararka qaarkood macluumaad ku saabsan taas ayaa ku qornaan kara meel ay adagtahay in la helo, ama ku jirta qoraal aad u yar halka ugu hooseysa ee qaan-sheegashada. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in aad mar walba si fiican u akhrido waxa aad run ahaantii oggolaanayso marka aad wax iibsanayso, tusaale ahaan dhanka intarnatka.

Miyaan heli karaa dhalashada Iswiidhan inkastoo deyn ay igu leedahay Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo ama aan calaamado deyn xumo kaga jiro shirkadaha macluumaadka deynka?

Haddii lagugu leeyahay deyman waxay taasi raad ku yeelan kartaa fursaddaada in aad noqoto muwaadin Iswiidhish ah. Waa Hey’adda socdaalka kuwa go’aamiya hadii aad noqonayso muwaadin Iswiidhish ah. Haddii Hey’adda socdaalka u baahato inay ogaadaan in aan lagugu lahayn deyman ama markaad bixisay wixi jiri kara ee deyman ah dhinaca Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha waxaanu kaa caawin karnaa qoraalka dhinaca diiwaankayaga.

Haddii aad doonaysid inaad ogaato haddii aad leedahay calaamad deyn xumo ah waa inaad la xiriirto shirkadda macluumaadka deyn xumada. Waa shirkadaha macluumaadka deyn xumada kuwa ka shaqeeya dhinaca calaamadaha deyn xumada, maaha Hey'adda dawladda ee qaabilsan qasab ku ururinta lacagaha deymaha ee la bixin waayo.