Barnaamijka sal-dhigashada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 13/11-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay barnaamijka sal-dhigashada. Barnaamijka sal-dhigashada waa taageero qaabkeedu yahay hawlo iyo waxbarasho loogu talogalay ajaanibka dalka ku cusub qaarkood.

Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan qofka ka qaybqaadan kara barnaamijka sal-dhigashada iyo nooca hawlaha ku jira.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin shaqo. Tani micnaheedu waa xaqa in aan lagaa reebin nolosha shaqada. Meesha aad ka timi, nooca jinsiga aad tahay ama da’da aad tahay maaha inay raad ku yeelato fursadahaaga dhinaca shaqo.

Waxaa jira xuquuqo dhowr ah oo la xiriira shaqada. Tusaale ahaan waxaad xaq u leedahay xaalado shaqo oo caddaalad ah, xaqa mushahaaro isku mid ah dhinaca shaqada isku midka ah iyo xaqa in laga mid ahaado urur shaqaale. Waxaad xitaa xaq u leedahay nasasho iyo wakhti firaaqo lagaga maqnaado shaqada.

Waxaa xitaa xuquuq u ah waalidka inay awoodaan inay isku dhex daraan nolosha qoys iyo shaqo. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo sameynta shaqo waxyeello leh ama ka xannibaysa ilmaha horumarkiisa iyo tegista iskool.

Barnaamijka sal-dhigashada ee Xafiiska Shaqada

Waxaa jirta taageero gaar ah lagana helo Xafiiska Shaqada oo loogu talogalay adigaaga dhowaan helay sharci degganaansho. Tani waxaa lagu magacaabaa barnaamijka sal-dhigashada. Hadafka barnaamijka sal-dhigashada waa in adigu aad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah u barato Iswiidhishka, u hesho shaqo oo u shaqayso lacag gaar kuu ah.

Maxaa loola jeedaa sal-dhigasho?

Maxaad u baahantahay si aad u dareento inaad sal-dhigatay gudaha bulshada ee halka aad ku nooshahay?

Si looga qayb-qaato barnaamijka sal-dhigashada waa inaad:

  • Ahaataa inta u dhaxaysa 20 iyo 64 sanno.
  • Heshay sharciga daganaansho ee qaxoonti, qaxoontiga dalka dibediisa laga soo qaado, u baahan magan-gelyo ama aad tihiin qaraabo mid ka mid ah kuwaasi.

Xafiiska shaqadu waxay samaysay filimo sharaxaya waxa barnaamijka sal-dhigashadu yahay.

Maxaa ku jira barnaamijka sal-dhigashada?

Nooca hawlaha ku jira qorshahaaga waxay ku xirantahay baahidaada. Si wada-jir ah ayaad Xafiiska Shaqada ula qorshaynaysaa hawlahaaga oo ku salaysan waayo-aragnimadaadi hore iyo xiisahaaga.

Hawlahani way ku jiraan mar kastaba:

    • Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga, SFI.
    • Maadooyinka cilmiga bulshada. Tani waa waxbarasho taas oo aad helayso aqoon aasaasi ah oo ku saabsan bulshada Iswiidhan.
    • Dadaalo kuu diyaarinaya shaqo. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan tababar goob shaqo. Adigu waxaa kale oo aad heli kartaa caawimaada in aqoontaada xirfadeed iyo waxbarashooyinkaaga laguu qiimeeyo. Tani waxaa lagu magacaabaa sugnin.
    • Hawlo noocee ah iyo taageero noocee ah ayaad heshaa adigu?

    Goorma ayay dhacaan hawlaha barnaamijka saldhigashada?

    Hawlaha ku jira qorshahaaga waxaa la samaynayaa 40 saacadood gudaha toddobaadkii. Badanaaba waxaad ka qayb-qaadanaysaa barnaamijka sal-dhigashada muddo ah 24 bilood.

    Mararka qaarkood waxaad ka qayb-qaadan kartaa saacado ka sii yar toddobaadkii ama bilo ka sii yar dhinaca barnaamijka sal-dhigashada. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan haddii adigu aad:

    • Hel shaqo wakhti nus ah inta lagu jiro wakhtiga aad ka qaybqaadanayso barnaamijka sal-dhigashada.
    • Tahay fasax waalidnimo dhowr maalmood toddobaadkii.
    • Leedahay hoos u dhac awooda laxaadka ah.
    • Xanuusanayso oo aanad ka qayb qaadan karin 40 saacadood toddobaadkii.

    Haddii aad fasax waalidnimo wakhti buuxa gasho inta lagu jiro wakhtiga aad ka qaybqaadanayso barnaamijka sal-dhigashada waxaa jirta fursad ah in aad dib u sii wadato ka dib fasaxa waalidnimo.

    Magdhawga maalmeed

    Waxaad heli kartaa lacag haddii aad raacdo qorshaha ku jira barnaamijka sal-dhigashada. Tani waxaa lagu magacaabaa magdhaw maalmeed.

    Waxaa kale oo aad xaq u yeelan kartaa kordhinyo kala duwan.

    • Haddii aad leedahay caruur waxaad xaq u yeelan kartaa ku kordhinta barnaamijka daganaanshada.
    • Haddii aad degantahay keligaa waxaad xaq u yeelan kartaa magdhawga guriga.

    Waa Qasnada Caymiska kuwa go'aaminaya haddii aad helaysid wax magdhow ah.

    Samee wargelinta hawlaha

    Marka aad ka qaybqaadanayso barnaamijka sal-dhigashada waa inaad dhiibtaa wargelinta hawlaha bil walba. Waa muhiim si aad u hesho tageero sax ah dhinaca jidka ku aadan shaqo ama waxbarasho, iyo si aad gunnadaada uga hesho Qasnadda Caymiska.

    Waajibka waxbarasho

    Haddii aanad haysan aqoonta dugsiga sare oo Xafiiska Shaqada qiimeyso in taasi keentay in aanad heli karin shaqo markaas waa inaad wax barataa. Tani waxaa lagu magacaabaa waajibka waxbarasho.

    Barashada bulshada

    Maadooyinka cilmiga bulshada waa waxbarasho bilaash ah kuna saabsan bulshada iswiidhan looguna talogalay adigaaga dhawaan helay sharciga deganaansho ee Iswiidhan.

    Waxaad koorsadan ku baran kartaa afkaaga hooyo, iswiidhishka fudud ama luqad kale oo aad taqaano. Waa degmada aad degantahay kuwa qaban qaabiya koorsadan. Koorasadan dhererkeedu waa ugu yaraan 100 saacadood.

    Koorsadan waxay ku siinaysaa aqoon ku saabsan:

    • Xuquuqda bini'aadamka
    • Mabaa'diida dimoqraadiyada ee aasaasiga ah
    • Xuquuqda iyo waajibaadka
    • Sida bulshada iswiidhishku u nidaamsantahay
    • Nolosha maalinlaha ah ee waaqiciga ah

    Qofkee tegi kara maadooyinka cilmiga bulshada?

    Adigu waxaad dhigan kartaa koorsada hanuuninta bulshada haddii:

    • adigu aad dhawaan heshay sharci degganaansho
    • adigu aad ka qaybqaadato barnaamijka sal-dhigashada ee laga helo Xafiiska Shaqada
    • qof ka mid ah qoyskaaga dhawaan helay sharci degganaansho ama ka qaybqaato barnaamijka sal-dhigashada.

    Waa maxay sababta ay tahay inaad u barato maadooyinka cilmiga bulshada?

    Waxaad helaysaa aqoon ku saabsan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga, dimoqraadiyada Iswiidhan iyo sida bulshada iswiidhishku u habaysantahay. Koorsadan waxay ku saabsantahay nolosha maalinle ee waaqiciga ah, tusaale ahaan arrimaha ku saabsan shaqo iyo waxbarasho, hoyga, caafimaadka iyo daryeelka bukaanka iyo caruurta iyo qoyska.

    Ujeedada maadooyinka cilmiga bulshada waa in laguu sahlo inaad soo dhex gasho bulshada iwiidhishka.

    Waxaad helaysaa caddayn marka aad dhamaysato waxbarashadan.

    Sidee ayaad isaga diiwaan gelinaysaa maadooyinka cilmiga bulshada?

    Haddii aad dhawaan heshay sharciga deganaansho kuna
    qorantahay barnaamijka meelaynta ee Xafiiska Shaqada
    waxaad la hadli kartaa hawl-wadeenkaaga jooga Xafiiska Shaqada in aad isu diiwaan geliso koorsadan.

    Haddii aad xiriir la leedahay adeega arrimaha bulshada markaasi hawl-wadeenkaaga jooga adeega arrimaha bulshada ayaa kaa diiwan gelin kara koorsadan.

    La xiriir degmada aad degantahay haddii aad doonaysid inaad dheeraad ka ogaato sida maadooyinka cilmiga bulshadu u shaqayso.