Xuquuqda macmiisha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 13/2-2024

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay xuquuqda dadka macmiisha ah. Iswiidhan waxaa ka jira sharciyo ku ilaalinaya marka aad iibsato alaab iyo adeegyo. Sharciyadan waxay ku siinayaan tusaale ahaan xaqa in aad ka dacwooto alaab ciladaysan oo aad iibsatay iyo xaaladaha qaarkood inaad dib uga noqoto wax aad iibsatay.

Waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin sida aad sameynayso si aad dib uga noqoto wax aad iibsatay, sida aad uga dacwoonayso qaan-sheegasho qalad ah iyo xuquuqaha kale ee aad leedahay macmiil ahaan.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin heer nolol oo macquul ah. Tani micnaheedu waa in aad xaq u leedahay inaad hesho ama shaqayso lacag kugu filan si adiga iyo qoyskaagu aad u dareentaan wanaag.

Waa inaad awoodo inaad iibsato cunto iyo dhar, haysato hoy iyo awoodo lacagta daryeelka. Haddii aad jirato ama bilaa shaqo noqoto waa in bulshadu caawimaad bixiso si aad u hesho heer nolol oo macquul ah. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin amaan bulsho iyo heerka nolol ee ilmo u baahanyahay dhinaca horumarka.

Wax ka iibsiga dhanka intarnatka

Way sahlanaan kartaa in wax laga iibsado dhanka intarnatka. Laakiin si iibsigaaga dhanka intarnatka u ahaado mid amaan ah ilaa intii suurtagal ah waxaa jira dhowr waxyaabood oo ay tahay inaad ka fikirto.

Wax ka ogow shirkadan

Eeg inuu jiro cinwaan iyo telafoon lambar lagala xiriiro shirkadan. Tijaabi inaad la xiriirto shirkadan adeegeeda macmiisha. Shirkadan adeegeeda macmiisha waa inuu ahaado mid si fudud loola xiriiri karo.

Eeg dadka kale fikradooda ku saabsan shirkadan. Dhanka intarnatka waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan fikrada dadka kale ee waxa shirkadani ku fiicantahay ama ku xuntahay.

Marnaba lambarkaaga sirta ah ha siin qof

Dad badan waxay kaarkooda bangiga iyo moobilada u isticmaalaan inay wax ka iibsadaan dhinaca intarnatka ama lacag ku bixiyaan gudaha dukaan. Marnaba lambaradaada sirta ah ama erayadaada sirta ah ha siin qof. Cidna ha amaahin kaarkaaga bangiga si lacag loo wareejiyo. Qofka doonaya inuu helo lambarradaada sirta ah ama erayadaada sirta ah wuxuu isku deyi karaa in uu kaa khiyaameeyo lacag. Tani waxaa lagu magacaabaa khayaamo oo waa dembi.

Laba qof oo waayeel ah oo hor fadhiya kombiyuutar yaala miis.

Miyaad wax ka iibsatay dhinaca intarnatka?

Sidee ayaad u ogaanaysaa in aad wax ibsi amaan ah samaysay oo aan lagu khayaamin?

Casuumado raqiis ah

Mar kastaba ka shaki casuumadaha aadka raqiiska u ah ee dhanka intarnatka. Tani waxay ahaan kartaa casuumad soo jiidasho leh oo ku saabsan alaab raqiis ah taas oo keeni karta rukmasho qaali ah. Rukmasho waxaa xitaa lagu magacaabaa heshiis. Waxaa adkaan karta in la joojiyo heshiis.

Bixi tusaale ah soo bandhigyada iyo rukumashooyinka soo jiidashada leh ee lagu soo sheegay qoraalkan.

Sidee ayaad samaynaysaa si aad u ogaato haddii soo bandhigid ay fiicantahay ama xuntahay?

Akhriso shuruudaha iibsiga oo eeg qiimaha guud, shuruudaha wakhtiga alaabtan ku imanayso iyo shuruudaha lacag bixinta

Mar kastaba akhri shuruudaha iibsiga ama shuruudaha heshiiska ka hor intaanad wax ka iibsan shirkad.

Eeg inta uu noqonayo qiimaha guud ee waxa aad doonaysid inaad iibsato. Eeg waxa ku jira qiimahan, tusaale ahaan kharashka in alaabtan laguu soo diro.

Eeg inta uu leegyahay wakhtiga alaabta ku imanayso, micnihi inta ay leegtahay wakhtiga uu leegyahay in alaabtan la helo.

Eeg sida aad u bixin karto lacagta alaabtan. Marka aad wax ka iibsanaysid intarnatka waxaad lacagta u bixin kartaa qaabab kala duwan. Eeg noocyada lacag bixinta ee jira iyo waxa micnahoodu yahay.

Haddii aad lacagta ku bixinayso kaarka bangiga markaasi kaarka ku bixi oo keliya dhanka boggaga intarnatka ee amaanka ah. Marka bog intarnat yahay amaan wuxuu cinwaanka boggan ka bilaabmaa "https" taas oo baddel u ah "http". Haddii uu jiro sawirka quful ku yaala halka cinwaanka ee cinwaanka boggan waxay tani muujinaysaa in shirkadan tahay mid si dheeraad u ah bog intarnat oo amaan ah.

Loogu talogalay adigaaga aan haysan kaar aqoonsi

Miyaad dhawaan lambarka aqoonsiga ka heshay Hey'ada Cashuuraha? Ka fikir in aanad intarnatka wax ka iibsan ka hor intaanad helin kaarkaaga aqoonsiga, micnihii kaarka lagugu aqoonsanayo. Adigu waa inaad kaarkaaga aqoonsiga tustaa si aad alaab uga soo qaadato wakiilka alaabta la soo diray ama wakiilka boosta.

Xuquuqda marka aad iibsato alaab iyo adeegyo

Iswiidhan waxaa ka jira sharciyo ku ilaalinaya marka aad iibsato alaab iyo adeegyo. Sharciyadan waxay ku siinayaan tusaale ahaan xaqa inaad ka cabato alaab aad iibsatay iyo inaad dib uga noqoto.

Hey'adda dawladda ee qaabbilsan arrimaha macmiisha waxay samaysay filim ku saabsan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga ee macmiil ahaan. Filimkan waxaa la helayaa isagoo ah af Iswiidhish, Carabi, Daari, Ingiriisi, Faarsi, Soomaali iyo Tigrinya.

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caddaynta lacag bixinta markaad wax ka iibsato dukaan. Haddii aad dhanka intarnatka wax ku iibsatay waxaad xaq u leedahay inaad hesho xaqiijinta dalabkan. Ka fikir inay fiicantahay inaad kaydiso caddayntan wixi aad iibsatay iyo intaad lacag ka bixisay.

Caddaynta lacag bixinta waa inay ku qornaataa macluumaadka taariikhda, qiimaha, magaca badeecadan iyo tirada alaabtan. Waa inay xitaa ku qornataa magac, lambarka shirkada iyo cinwaanka shirkadan.

Haddii wax ka xunyihiin alaabtan ama adeegan aad iibsatay waxaad xaq u leedahay inaad ka cabato. In laga cawdo waxay tahay in cabasho laga gudbiyo waxa xun. Iibiyuhu waa inuu fursad u helo inuu hagaajiyo wixi ka xumaa alaabtan. Badanaaba waxaad helaysaa alaab cusub oo lagu badalo tii xumayd. Marka aad iibsato adeeg waa in iibiyuhu saxo qaladkan.

Waxaad xaq u leedahay inaad samayso cabasho haddii aad leedahay xaqa wax kale ku baddalka ama aanad lahayn. Xitaa alaabta lagu iibsado qiimahoodi oo raqiis laga dhigay waa laga caban karaa haddii wax ka qaldanyihiin. Gudaha Iswiidhan waxaad leedahay xaqa ka cabashada muddo saddex sano ah.

La xiriir iibiyaha oo u sheeg waxa ka qaldan alaabtan ama adeegan sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah ka dib markaad iibsatay. Haddii aad ka cabato gudaha laba bilood oo ka soo bilaabanta markii aad ogaatay qaladkan markaasi waxay tani xisaabsantahay wakhti macquul ah. Wakhti macquul ah micnaheedu waa wakhti caqli gal ah.

  • Mar kastaba kaydi caddaynta lacag bixinta markaad iibsato alaab. Markaasi waxaa sii fududaanaysa inaad celin karto alaabtan.
  • Cabashada ku gudbi qoraal ahaan, tusaale ahaan dhanka e-boostada.

Kaydi koobiga cabashadaada si aad u caddayn karto inaad ka cabatay iyo xilligii aad u cabatay iibiyaha.

In wax lagu iibsado iibka furan micnaheedu waa inaad lacagta dib u helaysid haddii aanad doonayn alaabtan oo aad dib u celiso wakhti cayiman.

Waxaa jira sharci xaq kuu siinaya iibka furan. Iibka furan bixinteedu khasab maaha taas oo micnaheedu tahay in dukaamadu ay go'aamiyaan qawaaniintooda. Tani waxay tahay in qaar ka mid ah dukaamada ay bixiyaan 30 maalmood oo iibka furan ah halka kuwa kalena aanay bixin wax ah iib furan.

  • Mar kastaba dukaanka weydii nooca qawaaniinta ka shaqeeya halkaas.
  • Eeg caddaynta lacag bixinta inay ku qorantahay dhererka wakhtiga aad haysato fursada iibka furan.
  • Kaydi cadaynta lacag bixinta oo dib u celi alaabtan ka hor intaan wakthigi iibka furan kaa dhamaan.
  • Alaabtan celi iyadoo ah siday ahayd markaad iibsatay.

Xaqa wax kale ku badalka micnaheedu waa inaad dib u soo celin karto alaab aad iibsatay oo dooran karto mid kale oo aad ku badalato.Dib uma helaysid lacagta marka ay noqoto xaqa wax kale ku badalka.

Ma jiro wax sharci ah oo sheegaya inaad leedahay xaqa wax kale ku badalka. Xaqa wax kale ku badalka khasab maaha taas oo micnaheedu tahay in dukaamadu ay go'aamiyaan qawaaniintooda.

  • Mar kastaba dukaanka weydii nooca qawaaniinta ka shaqeeya halkaas.
  • Eeg caddaynta lacag bixinta inay ku qorantahay dhererka wakhtiga aad haysato xaqa wax kale ku badalka.
  • Kaydi cadaynta lacag bixinta oo dib u celi alaabtan ka hor intaan wakthigi wax kale ku badalku kaa dhamaan.
  • Alaabtan celi iyadoo ah siday ahayd markaad iibsatay.

Markaad alaab ka iibsato dukaan markaasi xaq uma lihid inaad dib uga noqoto waxaad iibsatay. Waxaad xaq u leedahay inaad dib uga noqoto oo dib u hesho lacagtaadi haddii aad wax ka iibsatay adigoo meel fog ka joogay sida tusaale ahaan intarnatka, iibiye dhanka telafoonka ah ama dalabka boosta. Waxaa kale oo aad xaq u leedahay inaad dib uga noqoto haddii aad heshiis la gashay iibiye jooga dukaan hortiisa. Heshiis waa wax lagu heshiiyay qoraal ama hadal ahaan.

  • Adigu waxaad dib uga noqotid gudaha 14 maalmood haddii aad heshiis meel fog adigoo ka jooga gashay ama banaanka dukaanka iibiyaha.
  • Wakhtiga dib uga noqoshada wuxuu bilaabmaa maalinta ka dambeysa markaad heshay alaabtan. Haddii aad adeeg iibsatay waxaa wakhtiga dib uga noqoshada la xisaabiyaa maalinta ka dambeysa markaad gashay heshiiskan. Wakhtiga dib uga noqoshada waa wakthiga aad haysato inaad dib uga noqoto wax aad iibsatay. Dhanka iibka dhinaca iibinta telafoonka waxaa heshiis la galay ugu horeyn marka aad xaqiijisay qoraal ahaan. Shuruuda qoraal ahaan waxay khuseysaa heshiisyada qoraalka ah ee dhanka warqad iyo qaab elaktaroonig ah, tusaale ahaan e-boostada ama fariinta moobilka ee sms.
  • Iibiyuhu waa inuu ku siiyo macluumaad ku saabsan sida aad dib uga noqon karto iibkan ka hor intaanad gelin heshiiskan. Haddii iibiyuhu aanu ku siin macluumaad kugu filan waxaa la dheereeyaa wakhtiga dib uga noqoshada.
  • Xaqa dib uga noqoshada ma khuseyso dhamaan noocyada iibka. Waxay khuseysaa tusaale ahaan markaad iibsato safar ama alaab si gaar ah loo soo saaray. Iibiyuhu waa inuu kugu war-geliyaa in xaqa dib uga noqoshadu aanu khuseyn iibka noocan ah.
  • Ka fikir inaad dib uga noqoshadan u samayso qoraal ahaan, tusaale ahaan e-boostada. Kaydi nuqulka si uu u ahaado caddayn.
  • Waxaa lagaaga baahanyahay inaad alaabtan dib ugu celiso iibiyaha gudaha 14 maalmood kana soo bilaabantay maalinti aad sheegtay inaad dib uga noqotay. Waa in adigu aad bixisaa kharashka boosta ee alaabtan lagu celinayo haddii iibiyuhu arintan kuu sheegay ka hor intaanad gelin heshiiskan. Waa inaad caddayn kartaa inaad alaabtan dib ugu celisay iibiyaha. Sidaas darteed kaydi warqada cadaynta ee inaad dib u celisay alaabtan si ay u ahaato caddayn.

Heshiis

Marka adiga ama dhinac kale aad ku heshiisaan wax markaasi waxaad gasheen heshiis. Heshiiskani waxaa ku xirmaya labada dhinac oo tani waxay tahay in labadiinuba aad samaysaan wixii heshiiskan lagu ballan qaaday in la sameeyo, tusaale ahaan in dhinac uu keeno alaab ka dibna dhinaca kale uu bixiyo lacagta.

Marka aad wax ka iibsato dukaan ama intarnatka ka ballansato safar waxaad gashay heshiis. Waa inaad ahaato 18 sano si aad heshiis u geli karto. Waxaa jirta faa'iidooyin badan oo heshiis leeyahay iyo qawaaniin kala duwan oo khuseeya kuna xiran waxa aad ku heshiiseen.

Waxaad geli kartaa heshiis hadal ama qoraal ahaan ah labadaba. Dhanka qaababka heshiisyada qaarkood waxaa shuruud u ah in heshiisku yahay qoraal si uu u noqdo mid lagu xirmo, tusaale ahaan iibsashada guri.

Adigu uma baahnid inaad lacag ka bixiso wax aanad dalban

Si heshiis u noqdo ansax waa inaad aqbashay soo bandhigid ama dalbatay wax. Haddii shirkad sheegato inaad wax dalbatay, waa in shirkadaasi ay xitaa caddayn karto arrintan.

Adigu uma baahnid inaad lacag ka bixiso wax aanad dalban, laakiin waxaad mar kastaba u baahanaysaa inaad la xiriirto shirkadan oo ka dacwooto. Ka dacwood micnaheedu waa inaad diidantahay shirkadan shuruudeeda qaldan ee in lacag lagaa qaado.

Qoraal ahaan u dacwood, tusaale ahaan e-boostada oo kaydi nuqulka e-boostadaada ama warqada. Xitaa waajib ma kugu aha inaad bixiso lacagta alaab celinta dhanka wax aanad adigu dalban.Lacagta alaab celinta waa kharashka dib loogu dirayo alaab iibiya. Haddii shirkadani ay doonayso in loo soo celiyo alaabtan waxaad ka codsan kartaa warqada boosta ee lagu celinayo.

Wax ka iibinta dhanka telafoonka

Waa caadi in shirkaduhu soo wacaan dadka si ay wax u iibiyaan. Tani waxaa lagu magacaaabaa iibinta dhanka telafoonka.

Adigu waad ka xannibi kartaa telafoonkaaga haddii aad doonaysid inaad yareyso tirada soo wicitaanka ka imanaya iibiyayaasha dhanka telafoonka. Si aad telafoonkaaga uga xanibto waxaad la xiriiri kartaa NIX-Telefon. Laakiin xusuusnow in taasi aanay joojinayn dhammaan iibiyayaasha dhanka telafoonka. Marka aad telafoonkaaga ka diiwaan-geliso adeegga xanibaadda ma ku soo wici karaan shirkadaha badankooda ee ujeeddadoodu tahay iibinta, suuq geynta ama macluumaad ururinta. Shirkadaha qaarkood, tusaale ahaan shirkadaha aad ka tahay ama ka ahayd macmiil, way ku soo wici karaan sidaa iyadoo ah. Shirkadaha waxaa waajib ku ah inay hubsadaan haddii lambarkaagu ku jiro NIX ka hor intaanay ku soo wicin.

Miyaa uu kula soo xiriiray iibiye dhanka telafoonka ah?

Maxaad badanaaba tiraahdaa si aan lagu khiyaamin?

Rukumasho

Rukumasho waa heshiis uu alaab qaybie si joogto ah macmiil ugu soo gudbiyo alaab ama adeeg. Rukumasho waxay ansax ahaan kartaa wakhti cayiman ama joogto ah. Alaab qaybiye waa qofka ama shirkada bixisa alaab ama adeeg.

Rukumasho waxay tusaale ahaan noqon kartaa heshiis in bixiyo koronto, in laga wacdo shirkad moobiil oo gaar ah ama in la daawan karo Tiifiiga lacagta laga bixiyo dhanka kaabalka ama satalaytka.

Badanaaba waa alaab qaybiyaha kuwa soo diyaariya heshiiskan. Heshiiskan badanaaba waa qoraal qaab ahaan loo isticmaali karo xaalado ganacsi oo la mid ah. Tani micnaheedu waa in adigu macmiil ahaan badanaaba aanad raad ku yeelan karin sida heshiiskani u eekaanayo. Adigu macmiil ahaan waxaad dooran kartaa inaad aqbasho heshiiskan rukumashada ama doorato alaab qaybiye kale.

Macmiilka badanaaba waxaa lagu magacaabaa rukunte.

Dabinka rukumashada

Dabinka rukumashada wuxuu ka koobanyahay soo bandhigid soo jeedasho leh iyo badanaaba carbuun qarsoon. Dhanka intarnatka welib ugu horeyn baraha bulshada waxaa caadi ku ah soo bandhigyo alaab raqiis ah
kuwaas oo keena marka dambe carbuun kharash badan. Tusaale ahaan soo bandhigida in laga qayb qaato baaritaan suuqa ganacsiga ah oo lagu helo iibsashada telafoon qiimihiisu aad raqiis u yahay. Waxaa kale oo ay noqon kartaa soo bandhigid tijaabo dhanka alaab caafimaad taas oo ay u muuqato in kharashka alaabta lagu soo dirayaa uu yahay waxa keliya ee macmiilku u baahanyahay inuu bixiyo. Dabinada rukumashada waxaa kale oo ay ka yimaadaan dhanka telafoon wax ku iibinta.

Hallå konsument ayaa samaysay filimo sharraxaya dabinka rukumashada. Filimadan waxaa lagu helayaa af Iswiidhish oo keliya.

Adigu waxaad heli kartaa talo bixin bilaa kharash ah oo ku saabsan heshiisyada, rukumashada, xisaabaha lacag bixinta iyo deymanka

Waxaad caawimaad ku saabsan dhaqaalahaaga ka heli kartaa degmada aad degantahay. Dhamaan degmooyinku waxay bilaash ku bixiyaan talo-bixinta miisaaniyada dhaqaale iyo deynka.

Degmooyin badan waxay dadka ku casuumaan hagida macmiisha. Halkaas ayaad la xiriiri kartaa haddii aad u baahantahay caawimaada inaad ka dacwooto alaab ama adeeg aad iibsatay oo xun. Iyagu waxay xitaa ku siin karaan warbixin ku saabsan nooca xuquuqaha iyo waajibaadka aad leedahay adigu macmiil ahaan.

La xiriir Hallå konsument markaad hayso su'aalo ku saabsan iibsashada alaab iyo adeegyo, ka cabashada alaab la iibsaday iyo wixi.