Adeegga bulsho ee noloshaada maalinlaha ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay adeegga bulsho ee dhinaca noloshaada maalinlaha ah. Adeeg bulsho waa tusaale ahaan daryeelka caafimaadka, xanaanada waayeelka iyo caawimaada masruufka haddii aanad shaqayn karin.

Sawir farshaxan oo leh lacag, fasal iskool, jidad, daryeelka bukaanka iyo xanaanada waayeelka.

Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan bulshada dadkeeda daryeesha ee Iswiidhishka iyo sida ilaalinta bulshada u shaqayso. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan nooca caawimaad ee jirta haddii aad jirato oo aanad shaqayn karin, ama haddii aad ilmo kuu dhasho oo ay khasab tahay in aad guriga ka joogto shaqadaada. Waxaad akhrin doontaa xitaa nooca adeegga bulsho ee degmadaadu kugu casuumi karto.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin heer nolol oo macquul ah. Tani micnaheedu waa in aad xaq u leedahay inaad hesho ama shaqayso lacag kugu filan si adiga iyo qoyskaagu aad u dareentaan wanaag.

Waa inaad awoodo inaad iibsato cunto iyo dhar, haysato hoy iyo awoodo lacagta daryeelka. Haddii aad jirato ama bilaa shaqo noqoto waa in bulshadu caawimaad bixiso si aad u hesho heer nolol oo macquul ah. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin amaan bulsho iyo heerka nolol ee ilmo u baahanyahay dhinaca horumarka.

Waa maxay bulsho daryeesha dadkeeda?

Waxaa yimaada xilliyo ah nolosha markaas oo aynu u baahanahay caawimaadda bulshada. Dhamaanteen waynu xanuusan karnaa ama waxaa nagu dhici kara shilal. Laga yaabee in adigu aad u baahato qallitaan ama aad dhali doonto ilmo. Haddii uu kugu dhaco cudur xun waxaa daryeelka caafimaadka kharashkiisu noqdaa lacag badan. Haddii aad bilaa shaqo noqoto laga yaabee in aanay kugu filnayn lacagtaadu in aad bixiso lacagta raashinka iyo kirada. Gudaha Iswiidhan waxaynu dhisnay bulsho ku dhisan in adigu aad caawimaad hesho haddii aad u baahato taas.

Gudaha Iswiidhan dawladda waxay mas’uuliyad weyn ka saarantahay adigaaga ku nool dalkan. Adigu waa in aad awoodo in aad lahaato dakhli aasaasi ah oo si fiican u noolaato xitaa haddii aad tahay bilaa shaqo, xanuusanayso ama aanad shaqayn lacag badan. Dalalka doortay in ay daryeelka dadweynaha ka bixiyaan lacagta canshuurta waxaa lagu magacaaba dawladdaha dadkooda daryeele.

Gudaha mujtamac siiya dadkiisa daryeel waa in dadka oo dhan is caawiyo. Tani waxa aynu u samayn karnaa qaabab kala duwan. Hal qaab waa in aynu wadajir u bixino waxyaabaha dadka oo dhan u baahanyihiin. Tani waxaynu samaynaa inagoo u marayna in la bixiyo canshuurta. Dhammaan dadka ku nool dalka waa in ay bixiyaan canshuurta la siiyo dawladda. Xitaa shirkaduhu way bixiyaan canshuuraha iyo khidmadaha la siiyo dawladda. Marka la barbardhigo dalal badan waxa aynu leenahay canshuuro sareeya gudaha Iswiidhan maadaama aynu dooranay in aynu oggolaano in dawladdu bixiso lacagta iskoolada, daryeelka bukaanka iyo waxyaabo badan oo kale.

Xaalado noocee ah oo nolosha ah ayaa adiga ama qof kale u baahan karaa caawimaad laga helo bulshada?

Caymisyada bulshada

Caymisyada bulshada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka Iswiidhishka ee bulsho dadkeeda daryeesha. Waa kaalmooyin iyo gunnoyin ilaalin dhaqaale siiya qoysaska iyo carruurta, dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah, waayeelka iyo xilliga jiro iyo dhaawac shaqo. Ku dhowaad dhammaan dadka ku nool ama ka shaqeeya Iswiidhan waxaa ilaalin kara caymisyada bulshada.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo caymisyada bulshada ah. Waa kuwan dhowr tusaale oo ah waxa caymisyada bulshada ahaan karaan:

  • Haddii aad xanuusato oo aanad shaqayn karin waxaad heli kartaa gunnada bukaanka.
  • Haddii aad u baahato inaad guriga la joogto si aad u hayso carruurtaada yar waxaad heli kartaa gunnada waalidka.
  • Marka aad gaarto da’da ah in aanad sii shaqayn karin waxaad heli kartaa lacagta hawl-gabka.

Waa Qasnadda Caymiska iyo Hey’adda arrimaha hawl-gabka kuwa mas’uulka ka ah caymisyada bulshada. Qasnadda Caymiska waxay go’aamisaa oo bixisaa lacagta kaalmada ee qoysaska carruurta haysta, dadka jiran iyo dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Hey’adda arrimaha hawl-gabka waxay bixisaa lacagaha hawl-gabka iyo taageerada dhaqaale ee dadka waayeelka ah.

Marka ugu horeysa ee aad codsato kaalmo waxay Qasnadda Caymiska samaynaysaa baaritaan si loo eego haddii aad xaq u leedahay kaalmo.

Tusaale: Sarah waxay heshay caawimaad dhaqaale markii ay ka dhaawacantay dhabarka

Sarah waxay ku shaqaysaa kalkaaliso caafimaad oo joogta hoyga dadka waayeelka ah. Shaqadan mararka qaarkood culeys ayay jirka ku tahay oo Sarah badanaaba waxaa xanuuna dhabarka. Dhibaatadu way sii xumaatay oo ugu dambeynti way awoodi wayday inay sidii hore u shaqayso. Waxaa batay xanuunki. Sarah waxay booqatay dhakhtar kaas oo doonaya in ay ku qornaato jiro. Tani micnaheedu waa inay ka maqnaato shaqada wakhti si ay u nasato. Laakiin markaas waxay waayaysaa qaybo ka mid ah mushahaaradeeda. Sarah waxay la xiriirtay Qasnadda Caymiska si ay u hesho caawimaad. Qasnadda Caymiska way oggolaatay inay xanuun ku qornaato oo waxay iyadu gunno ku helaysaa maalmaha ay tahay inay maqnaato.

Halkan waxaa ku soo socda tusaalooyin dhinaca kaalmada iyo taageerada dhaqaale ee aad ka heli karto Qasnadda Caymiska:

Haddii aad leedahay dakhliyo hooseeya oo aad ku jirto diiwaan-gelinta dadweynaha ee Iswiidhan waxaad xaq u yeelan kartaa in aad caawimaad kirada ah ka hesho Qasnadda Caymiska. Tani waxaa lagu magacaabaa kaalmada kirada. Adigaaga leh carruur waxaad xaq u leedahay inaad codsato kaalmada kirada. Haddii aad heli karto kaalmo iyo hadday sidaas tahay xaaladu inta ay leegtahay lacagta aad heli karto waxay ku xirantahay inta qof ee aad tihiin dhinaca qoyskaaga. Waxay xitaa ku xirantahay sida ay u sareyso kiradu iyo inta ay leegtahay lacagta aad shaqaysaan. Adigaaga u dhaxeeya 18 sano iyo 28 sano waxaad xitaa xaq u yeelan kartaa kaalmada kirada.

Waa muhiim inaad wargeliso Qasnadda Caymiska haddii wax isbadalaan, tusaale ahaan hesho shaqo cusub, mushahaaro sare ama aad qof isku soo guurtaan. Haddii kale waxaa waajib kugu noqon karta inaad dib u bixiso lacag.

Waxaa jirta kaalmo loogu talogalay adigaaga ah waalid ama noqon doona waalid.

  • Adigu waxaad xaq u leedahay inaad gunnada uurka hesho marka aad leedahay uur iyo haddii shaqadaadu ay culustahay oo aanad badali karin hawlahaaga shaqo.
  • Adigaaga ilmo u dhashayna waxaad xaq u leedahay gunnada waalidka iyo gunnada waalidka ee ku meel gaarka ah.

Gunnada waalidka waa lacag aad heli karto si aad guriga ula joogto ilmahaaga halkii aad ka shaqayn lahayd, raadin lahayd shaqo ama wax baran lahayd.

  • Gunnada waalidka ee ku meel gaarka ahna waxaad heli kartaa marka aad ka maqantahay shaqadaada si aad u hayso ilmo xanuusanaya. Tani waxaa lagu magacaabaa daryeelid ilmo (vab).
  • Waalidka oo dhan way helaan kaalmada carruurta. Haddii aad leedahay in ka badan hal ilmo waxaad helaysaa lacag dheeraad ah oo kaalmada carruurta ah. Tani waxaa lagu magacaabaa kabitaanka carruurta badan. Haddii adiga iyo waalidka kale aad si wadajir ah u haysataan mas’uuliyada sharci ee ilmaha waad qaybsanaysaan kaalmada carruurta.
  • Haddii ilmahaagu leeyahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxaad xaq u yeelan kartaa gunnooyin kala duwan. Waalidka leh ilmo leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxay codsan karaan kaalmada daryeelka iyo gunnada kharashka dheeraadka ah oo laga helo Qasnadda Caymiska.

Adigu waxaad xaq u yeelan kartaa gunno lacag ah haddii aad xanuusato oo aanad shaqayn karin, raadin karin shaqo ama aanad daryeeli karin ilmahaaga. Tani waxaa lagu magacaabaa gunnada bukaanka. Gunnada bukaanku waxay magdhabid u tahay lacagta aad heli lahayd haddii tusaale ahaan aad shaqayn jirtay, raadinaysay shaqo ama daryeelaysay ilmahaaga. Adigaaga doonaya inaad hesho gunnada bukaanka waa inaad wargelinta jirada samayso oo gunnada bukaanka ka codsato Qasnadda Caymiska. Adigaaga wax ku barta taageerada waxbarasho waxaad ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska inaad haysato taageeradaada waxbarasho inta lagu jiro wakhtiga aad xanuusanayso.

Nooca qawaaniinta ansaxa ah dhinac gunnada bukaanka way kala duwanyihiin oo ku xirantahay haddii aad tahay bilaa shaqo, shaqaale, leedahay shirkad gaar kuu ah, ku jirto fasax waalidnimo ama wax barato.

Marka aad codsato gunnada bukaanka waa inaad dhiibto caddayn dhakhtar oo muujinaysa sababta aanad u shaqayn karin, u raadin karin shaqo ama u daryeeli karin ilmahaaga. Waa caadi in dhakhtarku caddaynta dhakhtar si elaktaroonig ah ugu diro Qasnadda Caymiska ka dib booqashadaada dhakhtarka. Adigu waxaad mar walba weydiin kartaa dhakhtarkaaga sida taasi u dhacdo.

Hawlgab waa lacagta aad helayso marka aad noqoto waayeel ee joojiso shaqada. Dhammaan dadka ka shaqeeya kuna nool Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin lacagta hawl-gabka. Inta ay leegtahay lacagta hawl-gabka ee aad helayso way kala duwantahay. Tani waxay ku xirantahay waxyaabo ay ka mid tahay inta ay leegtahay mushahaarada marka aad shaqayso iyo inta sano ee aad shaqaysay. Sanad kasta oo aad shaqayso waxaad ku sii helaysaa lacag hawlgab oo sii sareysa.

Hey’adda arrimaha hawl-gabka waa hey’ad dawladeed. Iyagu waxay mas’uul ka yihiin in dadka oo dhan helaan lacag hawl-gab oo sax ah. Waxaa jira lacago hawl-gab oo kala duwan. Hey’adda arrimaha hawl-gabka waxaad ka heli kartaa lacagta hawl-gabka dakhliga, lacagta joogtada ah ee caymiska hawlgabka iyo lacagta hawlgabka ee la damaanad qaaday.

Haddii aad leedahay hoos u dhaca awooda laxaadka ah waxaad xaq u yeelan kartaa taageero dhaqaale oo laga helo Qasnada Caymiska. Waxaad heli kartaa lacag haddii tusaale ahaan adigu aad:

  • u baahantahay caawimaad shakhsiyan ah si aad u dabari karto hawlaha maalinlaha ah
  • aanad shaqayn karin
  • u baahantahay alaabta caawimaada si aad u awoodo shaqo
  • doonaysid inaad dheerayso tegitaanka iskoolkaaga
  • u baahantahay baabuur kugu haboon

Gunnooyinka la siiyo adigaaga raadinaya shaqo

Waxaa jira noocyo kala duwan oo gunnooyin ah oo aad heli karto marka aad raadinayso shaqo.

Gunnada sal-dhigashada

Gunnada sal-dhigashada waa lacag aad heli karto marka aad ka qayb-qaadato barnaamijka sal-dhigashada. Marka aad ku qorantahay barnaamijka sal-dhigashada waxaad gunnada sal-dhigashada ka codsanaysaa Qasnadda Caymiska. Waxaa ugu fudud inaad ka codsato Qasnadda Caymiska boggeeda intarnatka.

Taageerada hawlaha iyo gunnada horumarka

Adigaaga ah bilaa shaqo kana qaybqaata mid ka mid ah Xafiiska Shaqada barnaamijyadiisa waxaad lacag ka heli kartaa Qasnadda Caymiska. Gunnada waxaa lagu magacaabaa taageerada hawlaha. Waa Xafiiska Shaqada kuwa go’aaminaya haddii aad boos ka heli karto barnaamij.

Qasnadda shaqo la’aanta

Qasnadda shaqo la’aanta waxaa badanaaba loo soo gaabiyaa a-kassa. Haddii aad xubin ka tahay qasnad shaqo la’aan waxaa adigaaga bilaa shaqada ah aad lacag heli kartaa inta lagu jiro wakhtiga aad raadinayso shaqo cusub. Waxaa jira qasnado shaqo la’aan oo kala duwan oo aad xubin ka noqon karto. Qasnaddaha shaqo la’aanta qaarkood waxay gaar u yihiin koox xirfad oo gaar ah. Qasnaddaha kale ee shaqo la’aantana waad ka mid noqon kartaa iyadoo aanay ku xirnayn waxa aad ka shaqayso. Si aad xubin uga noqoto qasnad shaqo la’aan waa inaad ka soo shaqaysay gudaha Iswiidhan. Si aad u yeelato xaqa lacag laga helo qasnadda shaqo la’aanta waa inaad buuxisaa shuruudo cayiman. Adigu waa inaad xitaa buuxisaa shuruudo qayb ahaan inta lagu jiro wakhtiga aad codsanayso qasnadda shaqo la’aanta.

Sidee ayaa kaalmo iyo taageero looga codsadaa Qasnadda Caymiska?

Waxaa jira noocyo kaalmo oo kala duwan lagana helo Qasanadda Caymiska kuwaas oo aad xaq u yeelan karto. Qaar ka mid ah kaalmooyinkan waa kuwa guud oo waxaa la bixiyaa iyagoo ah lacag isku mid ah dadka oo dhan, tusaale ahaan.

Kaalmooyinka kale waa in adigu aad codsato. Qasnadda Caymiska ayaa ka dib samaysa qiimeynta ah haddii aad buuxisay shuruudaha in xaq aad u leedahay gunno.

Adigu waxaad kaalmo ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska boggeeda intarnatka. Si aad codsi uga samayso boggan intarnatka waa inaad haysataa aqoonsiga elaktarooniga ah. Haddii aanad haysan aqoonsiga elaktarooniga ah waxaa jira foomam warqad ah. Xaaladaha qaarkood waa inaad wacdo Qasnadda Caymiska si loo codsado foom warqad ah. Xaaladaha kalena adiga ayaa foomka ka daabacan kara boggan intarnatka.

Haddii aad u baahantahay caawimaad dhanka codsigaaga waxaad booqan kartaa xafiis adeeg. Shaqaalaha halkaas jooga ayaa kaa caawin kara su’aalaha ku saabsan Qasnadda Caymiska iyo hey’adaha dawladeed ee kale.

Haddii ay kugu adagtahay inaad fahanto af Iswiidhishka waxaad xaq u leedahay inaad codsato turjubaan marka aad xiriir la leedahay Qasnadda Caymiska iyo hey’addaha dawladeed ee kale.

Waxyaabo badan ayaa raad ku yeelan kara xaqaaga dhinaca gunno. Haddii dakhligaaga ama xaalada gurigaaga is baddasho waa inaad wargelisaa Qasnadda Caymiska. Tani waxay tusaale ahaan noqon kartaa in dakhligaaga ama kiradaadu is baddashay, haddii qof kuu soo guuro adiga ama haddii aad guursato. Muhiim ayay u tahay Qasnadda Caymiska si ay u awooddaan in lagu siiyio kaalmo sax ah. Haddii aad hesho lacag aanad xaq u lahayn waxaa waajib kugu ah inaad dib u bixiso oo siiso Qasnadda Caymiska.

Haddii aanad ku qanacsanayn go’aanka aad ka heshay Qasnadda Caymiska

Haddii aanad ku qanacsanayn Qasnadda Caymiska go’aankeeda waxaad codsan kartaa in Qasnadda Caymiska ay dib u eegto go’aankan. Taas micnaheedu waa in Qasnadda Caymiska ay guddoomayso aragtiyahaaga oo samaynayso dib u eegid cusub dhinaca dacwadaada. Qasnadda Caymiska waxay eegtaa wixii caddaymo cusub ah ee jiri kara iyo wax walba oo horey ugu jiray dacwaddan.

Haddii aanad ku qanacsanayn Qasnadda Caymiska go’aankeeda dib u eegista ah waxaad rafcaan u dirsan kartaa maxkamadda maamulka.

Qasnadda Caymiska boggeeda intarnatka waxaa ku jirta warbixin ku saabsan sida aad u codsanayso dib u eegida go’aan iyo sida aad rafcaan ugu dirayso Maxkamadda maamulka.

Habka ay degmadaadu u shaqayso

Degmooyinku waxa ay mas’uul ka yihiin wax badan oo ka mid ah adeegga ka jira halka adigu aad degantahay. Waa degmada kuwa hubiya in biyo soo baxaan marka aad furto qasabadda guriga iyo inay jiraan iskoolo loogu talogalay carruurta. Degmadu waxay xitaa hubisaa in dadka gaboobay iyo kuwa xanuusanaya ay heli karaan caawimaad marka aanay keligood dabari karin nolosha maalinlaha ah.

Dadka ku nool Iswiidhan oo dhan waxay ku noolyihiin degmo. Gudaha Iswiidhan degmooyinku iyagaa keligood go’aamiya inta ay leegtahay cashuurta dadka ku nool ay siinayaan degmada iyo waxa lacagahaas loo isticmaali doono. Tani waxaa lagu magacaabaa is maamulka degmo.

Halkan ayaad ka akhrin kartaa dhowr ka mid ah dhinacyada ay degmooyinku ka yihiin mas’uulka:

Goobaha xannaanad carruurta waa magaca ee wada waadagaan meelaha caruurta lagu barbaaro. Goobaha xannaanad carruurta waxaa ka mid ah, sidaa dugsiyada xanaanada, guriga xannaanada carruurta iyo dugsiga xilli firaaqaha.

Haddii aad waxbarato, shaqayso ama shaqo raadineyso, waxaad xaq u leedahay in aad cunugaaga geyso dugsiga barbaarinta ee xaafaddaada Dugsiga barbaarinta caruurta waxaa loogu tala galay caruurta uu da’doodu tahay hal ilaa shan sano.

Degmooyinka oo dhan waxaa ku yaala dugsiyada hoose-dhexe ee degmada looguna talogalay carruurta ah inta u dhaxaysa lix iyo 16 sano. Waxaa kale oo jiri kara iskoolo madaxbanaan iyo iskoolo gebi ahaanba gaar loo leeyahay. Haddii qofku dhigto iskool gaar loo leeyahay waa in qofku bixiyo kharash. Iskoolada degmada iyo kuwa madaxabanaan waxaa lacagtooda laga bixiyaa cashuurta.

Dadka waayeelka waxeey inta badana uu baahan yihin in laga caawiyo hoowlaha maalmeedka. Sharciga dalka Iswiidhan waxuu dhigaa in waayeelka xaq uu lee yiihin in bulshada ee ka helaan taagero iyo caawinaad.

Dad badan oo waayeel ah waxay doonayaan inay ku sii noolaadaan guriga. Degmada ayaa ka caawin karta daryeel iyo adeeg si qofku u awooddo inuu ku sii noolaado gurigiisa. Tani waxaa lagu magacaabaa adeegga guriga. Adeegga guriga waxaad ka codsanaysaa degmadaada. Kharashka adeegga guriga wuu kala duwanyahay oo waxay ku xirantahay degmada aad ku nooshahay. Qofku wuxuu xitaa heli karaa qalab caawimaad ama alaab kale oo fudeydinaysa in lagu sii noolaado guriga. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan kursiga qofka aan socon karin, meel lagu qubeysto oo weyn ama kaabado gaaban.

Qofka waayeelka ah haddii usii degnaan karin guriga, waxuu uguuri karaa guri waayeelka loogu habooneeysiiyay. Waxaa jiro guryaha waayeeled oo kala duwan oo waayelka ka degi karo qeeyb gaar ah. Guryaha waxaa joogo shaqaale qofka waayelka ku caawin karo daryeelka iyo adeega, tusaale ahaan cunto iyo nadaafada.

Adeegga arrimaha bulshada iyo xafiiska arrimaha bulshada

Degmo kasta waxaa laga helaa adeegga arrimaha bulshada si dadka oo dhan u helaan taageerada iyo ilaalinta ay u baahanyihiin. Tani waxay ahaan kartaa xanaanada, daryeelka iyo adeegga, macluumaad siinta, caawimaad dhaqaale iyo kaalmo kale.

Adeegga arrimaha bulshada waxay ka shaqeeyaan inay noocyo kala duwan oo caawimaad iyo taageero ku casuumaan dhammaan dadka jooga Iswiidhan, tusaale ahaan carruurta iyo qoysaska.

Waxay ahaan karaan qoysas aan haysan lacag ku filan. Waxay ahaan karaan dad aan haysan meel ay ku noolaadaan, leh dhibaato si xun u isticmaal daroogo ama khamri ama loo gaystay hanjabaad iyo rabshad. Caawimaada laga helo adeegga arrimaha bulshada waxay ahaan kartaa wada hadal, koorsooyin loogu talogalay waalidka, dad lala xiriiro looguna talogalay dhalinyarada ama qoyska oo dhan. Qof lala xiriiro waa sidii saaxiib dheeraad ah ama qaraabo lala hadlo ama la helo waxyaabo xiiso leh oo lala sameeyo.

Haddii qof wargeliyo adeegga arrimaha bulshada in ilmo aanu xaalad fiican ku haysan guriga waxaa khasab ku ah adeegga arrimaha bulshada inay baaraan sida ilmahaas xaaladiisu tahay.

Xafiiska adeega bulshada waxaad ka heli kartaa:

  • Talo iyo caawinaad la siiyo dhalinyarada iyo reerka caruurta leh.
  • Talo iyo caawinaad haddii aad dhibaato ku qabto wax aad si xun u isticmaasho.
  • Talo iyo caawinaad ku saabsan shaqo iyo waxbarasho.
  • Kaalmo dhaqaale.
  • Talobixin iyo caawimaad haddii laguu gaystay rabshad.
  • Caawimaada loogu talogalay waayeelka, tusaale ahaan adeegga guriga.
  • Caawimaada in la codsado LSS.

Talobixin iyo caawimaad haddii laguu gaystay rabshad

Degmada ayaa ka mas’uul ah ilaalinta dadka loo gaysto dhibaato dagaal. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in la siiyo hoy gabood ah. Adeegga arrimaha bulshada waa inay taageero iyo caawimaad siiyaan carruurta, haweenka iyo ragga ku nool dagaal ka jira gudaha xiriiryada dhow iyo rabshadaha iyo cadaadinta la xiriira dhowrista sharafta qoyska.

Degmadu waxay caawimaadan waafajisaa dhinaca baahida uu qabo qof kasta oo gaar ah. Waxaad heli kartaa caawimaad ah dhinaca talo-bixinta, wada hadal xilliga xaalad dhibaato xoog leh qofka la soo deristay, hoy gabbaad ah, xiriir bulsho, caawimaad dhaqaale, taageero xilliga marxalad maxkamadeed, taageero dhinaca la xiriirka hey’addaha dawladda, ama taageero dhinaca doorka waalidnimada.

LSS, Sharciga taageerada iyo adeegga

LSS waa sharci. Soo gaabinta LSS micnaheedu waa: Sharciga taageerada iyo adeegga ee dadka awoodda laxaadkoodu kala dhantaalantahay qaarkood.

Sharcigan wuxuu sheegayaa in haddii aad leedahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo baahsan aad adigu xaq u leedahay inaad codsato taageero si aad u awooddo inaad u noolaato nolol fiican oo isku filnaansho ah sidii suurtagal ah. Xaqa nolol fiican oo isku filnaansho leh waxaa ku jirta tusaale ahaan in aad fursad u hesho inaad shaqayso, wax barato ama lahaato hawl kale oo aad qabato oo micno badan leh.

Yaa codsan kara LSS?

  • Dadka garaadkoodu kala dhantaalanyahay iyo dadka leh ootism ama xaaladaha la midka ah ootism.
  • Dadka waaweyn ee uu soo gaaray dhaawac xun oo maskaxda ah ka dib shil ama cudur.
  • Dadka leh hoos u dhacyo awoodda laxaadka ah oo weyn oo kale, ee u baahan taageero badan si ay nolol fiican ugu noolaadaan. Dadkan maaha inay ahaadaan kuwa hoos u dhaca awoodda laxaadka leh sababtoo ah inay gaboobeen.

Badanaaba waa degmada kuwa mas’uulka ka ah in LSS la raaco. Degmadu waa inay la socoto dadka heli kara hawlo taageero ah, ogaato baahida taageero iyo adeeg oo kugu casuunto taageero badan iyo adeegga aad u baahantahay.

LSS waxay ka koobantahay noocyo kala duwan oo caawimaad ah si loo bixiyo taageero iyo adeeg. Adigu waxaad heli kartaa taageerada waxyaabo ay ka mid yihiin sida soo socota:

  • Talobixin iyo taageero kale oo shakhsiyan ah.
  • Caawimaad shakhsiyan ah ama taageerada dhaqaale ee caawimaad noocaas ah.
  • Adeegga qof wehel ah.
  • Qof lala xiriiro.

Taageeradan waxay ka iman kartaa degmadaada, gobolkaaga ama Qasnadda Caymiska. La xiriir degmadaada si aad u hesho warbixin iyo talobixinta ku saabsan LSS.

Kaalmo dhaqaale

Kaalmo dhaqaale waa caawimaad aad ka dalban kartid xafiiska bulshada ee degmadaada haddii eey dhibaato xaga masruufka ah ku heysato. Waxaa kaalmada dhaqaale u isticmaaleysaa maareynta masruufkaaga. waxaana la dhahaa kaalmada masruufka. Waxaa la heli karaa kaalmo dhaqaale oo ka baxsan tan masruufka, sida qarashka xanaanada carruurta, dhakhtarka, daawada iyo daryeelka ilkaha.

Haddii dakhligaaga ama xaalada hoygaaga is badasho waa muhiim inaad wargeliso adeegga arrimaha bulshada, tusaale ahaan haddii aad bilowdo shaqo cusub ama hesho dakhli sare. Haddii aad ilowdo inaad wargeliso adegga arrimaha bulshada waxaad khatar ugu jirtaa inaad hesho kaalmo aad u badan. Markaas waxaa adiga waajib kugu noqon karta inaad dib u bixiso lacagtaas.

Adeegga gaadiidka dadka waayeelka iyo dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay

Haddii ay kugu adagtahay in aad keligaa safarto ama ku safarto gaadiidka dadweynaha (basaska, tareen, tareenka dhulka hoostiisa mara ama tareenka magaalada dusha ka mara) waxaad heli kartaa adeegga gaadiidka waayeelka iyo dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay. Markaas waxaad ku safri kartaa taksi ama bas yar. La xiriir degmadaada si aad u ogaato sida aad samaynayso si aad u codsato adeegga gaadiidka waayeelka iyo dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay.