Waxbarashada dadka waaweyn

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 25/1-2024

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay waxbarashada dadka waaweyn. Waa muhiim in wax la barto qof weyn ahaan gudaha Iswiidhan. Dad badan waxay wax u bartaan sababtoo ah waxay doonayaan inay bartaan xirfad. Qaar kalena waxay wax u bartaan sababtoo ah inay doonayaan inay ku horumaraan dhinaca xirfadooda. Dad badan waxay xitaa wax u bartaan sababtoo ah inay xiiso iyo farxad leedahay in la barto waxyaabo cusub.

Qoraalkan waxaad ku akhrin doontaa wixii ku saabsan nooca fursadaha jira dhinaca waxbarashada dadka waaweyn ee gudaha Iswiidhan.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin waxbarasho. Waxbarashada aasaasiga ah waa khasab oo waa bilaash. Waxbarasho xirfad iyo waxbarasho farsamo waa inay wax la heli karo u ahaato dadka oo dhan. Waxbarasho sare, sida jaamicad ama jaamicad sare, waa inay u furnaato dadka oo dhan.

Iswiidhan waa bulsho aqooneed. Waxbarasho maaha xuquuq oo keliya, laakiinse badanaaba waa xitaa khasab si loo kordhiyo fursadaha dhinaca shaqo.

In la doorto waxbarasho

Adigaaga doonaya inaad wax barato waxaad kala dooran kartaa waxbarashooyin kala duwan taas oo ku xiran waxa adigu aad doonaysid inaad barato, haddii aad horey wax u soo baratay iyo nooca qaabka in wax loo barto ee adiga kugu haboon.

Dhammaan dadka wax baranaya waxay xaq u leeyihiin waxbarasho isku qiime ah iyo fursada in loo horumaro si waafaqsan qofka awooddiisa gaarka ah. Haddii aad leedahay tusaale ahaan hoos u dhac awoodda ah waxaad xaq u leedahay inaad hesho alaabta caawimaadda ee aad u baahantahay si aad uga qaybqaadato waxbarashadan si leh xaalado la mid ah sida ardayda kale. Ardayda oo dhan waxay leeyihiin baahiyo kala duwan oo waxay u baahan karaan taageero kala duwan si ay ugu guuleystaan waxbarashadooda.

Iyadoo aanay ku xirnayn jinsiga waa in dadka oo dhan helaan fursad isku mid ah dhinaca waxbarasho. Balse caadooyin ayaa ka jira bulshada kuwaas oo raad ku yeesha nooca waxbarasho ee ragga iyo haweenku raadsadaan. Tusaale ahaan haweenka ka badan ragga ayaa wax ka barta dhinaca daryeelka caafimaadka, iskoolada iyo xanaanada waayeelka. Raggu waxay badanaaba bartaan waxbarashooyin ah dhinaca farsamada iyo xisaabta.

Fursado waxbarasho oo noocee ah ayay haystaan dadka waaweyn ee dalka ama dalalka aad horey ugu noolayd?

Waxaa jira waxbarashooyin kala duwan oo badan looguna talogalay dadka waaweyn

Waxaa jira waxbarashooyin ah:

  • Heerka dugsiga hoose-dhexe
  • Heerka dugsiga sare
  • Heerka dugsiga sare ka dambeeya

Haddii aanad hubin waxa aad baran karto waxaad la xiriiri kartaa la taliyaha waxbarashada iyo xirfada. Iyaga ayaad ka heli kartaa taageero iyo macluumaad kaa caawisa inaad gaarto go’aanka hadafka waxbarasho iyo hadafka xirfad. La taliye waxbarasho iyo xirfad badanaaba waa laga helaa iskoolada dadka waaweyn ee degmadaada, tusaale ahaan waxbarashada dadka waaweyn ee komvux, jaamicadaha iyo jaamicadaha sare. La xiriir degmadaada si aad wax dheeraad ah uga ogaato.

La taliyaha waxbarashada iyo xirfada ayaad xitaa ka heli kartaa caawimaada:

  • in la dalbada shahaadada waxbarashadaada
  • in la codsado boos ah waxbarashooyinka kala duwan iyo koorsooyinka
  • warbixin ku saabsan waxa aad u baahantahay si aad u gasho waxbarasho ama koorso
  • macluumaadka kale ee ku saabsan waxbarasho iyo suuqa shaqada
Haddii aad ka weynaatay inaad wax ka barato dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare waxaad taas baddelkeeda aad tusaale ahaan wax ka baran kartaa waxbarashada dadka waaweyn ee degmada ama dugsiga dadka waaweyn. Dhinaca heerka dugsiga hoose-dhexe waxaad baranaysaa maadooyin u dhigma kuwa lagu barto dugsiga hoose-dhexe. Dhinaca heerka dugsiga sarena waxaad ku baranaysaa maadooyin u dhigma kuwa lagu barto dugsiga sare.Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada waxaa badanaaba lagu magacaabaa komvux.Ka hor waxbarasho ayaa la qiimeeyaa aqoontaada, si waxbarashadan ugu bilaabmi karto heer sax ah. Adigu waxaad komvux ka baran kartaa hal ama dhowr koorso. Adigu waxaad wax baran kartaa wakhti buuxa ama wakhti nus ah.Dhinaca komvux waxaad ka baran kartaa af Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga, SFI.

Marka aad hesho sharciga deganaansho waxaa muhiim ah in aad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah u barato iswiidhishka. Waxay muhiim u tahay si aad dhakhso ugu awoodo sal-dhigashada bulshadan.

Degmadaadu waa inay ku siisaa waxbarashada iswiidhishka loogu talogalay ajaanibka. Tani waxaa lagu magacaabaa SFI. Waxaad xaq u leedahay inaad tagto waxbarashada SFI haddii:

  • aad buuxisay 16 sano.
  • aanad haysan aqoonta aasaasiga ah ee luqada iswiidhishka.
  • aad ka diiwaan gashantahay ama aad ka diiwaan gashanaan doontid gudaha degmo.

SFI waxaa loogu talogalay adigaaga u baahan aqoonta aasaasiga ah ee iswiidhishka. Waxaad baranaysaa iswiidhishka si aad u awoodo hadalka iyo qoraalka ee nolosha maalinlaha ah, nolosha bulshada iyo nolosha shaqada.

Waxbarashadani waa bilaash. Waxaad baran kartaa wakhti buuxa, wakhti nus ah ama ku dhex wadi kartaa tababar shaqo, la qabsashada nolosha shaqo, sugninta ama waxbarasho kale oo ku taala waxbarashada dadka waaweyn. Waxbarashadan waxay u dhacdaa talaabooyin kala duwan oo marka aad dhamaysato talaabo waxaad u sii gudbi kartaa ta ku xigta. Waxaad bilaabi kartaa SFI mar kasta oo ka mid ah sanadka. Waxaad raacaysaa qorshe waxbarasho oo gaar kuu ah.

La xiriir degmadaada si loo helo warbixin dheeraad ah oo ku saabsan SFI. Haddii aad ka diiwaan gashantahay Xafiiska Shaqada kana qayb qaadato barnaamijka meelaynta waxaad la xiriiri kartaa hawl-wadeenkaaga jooga Xafiiska Shaqada.

Komvux oo ah waxbarasho gaar ah waxaa loogu talogalay adigaaga leh hoos u dhac awoodda caqliyan ah ama qaba dhaawac maskaxda ah.

Dhinaca komvux ah waxbarasho gaar ah waxaad awooddaa inaad:

  • ka barato heerka dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare,
  • kala doorato koorsooyin kala duwan,
  • ka barato af Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga isla mar ahaantaas,
  • dhigashada waxbarasho ku jiheysan xirfad,
  • barashada si loo helo shahaado u dhiganta dugsiga sare ee la habboonaysiiya,
  • helidda aqoon hore loo haystay in la xaqiijiyo.

Haddii aad haysato waxbarasho xirfad oo aad ka heshay dal kale oo aan ahayn Iswiidhan, ama ku soo shaqaysay xirfad gudaha dal kale, waxaad u baahan kartaa inaad dhigato waxbarasho dhamaystir ah. Waa waxbarasho aad ku baranayso waxa looga baahanyahay si aad ugu shaqayso xirfadan gudaha Iswiidhan.

Waxbarashooyinka dhamaystirka ah waxaa laga helaa jaamicadaha iyo kuliyadaha. Waxaa jira tusaale ahaan waxbarashooyinka:

  • takhasuska dhaqaale
  • injineerada
  • kalkaalisooyinka caafimaadka
  • cilmiga bulshada
  • aqoonta nidaamka kombiyuutarada
  • dhakhtarnimo
  • macalinimo

Waxbarashooyinkan dhererkoodu waa inta u dhaxaysa 1–2 sano. Waxaad kaalmo waxbarasho ka heli kartaa Guddiga ammuuraha kaalmada iyo waxbarashada ardayda, CSN, xilliga wakhtiga aad dhigato waxbarashadan.

Waxbarashooyinka xirfada waa waxbarasho ah dhinaca xirfad cayiman. Waxaad tegi kartaa waxbarasho xirfad oo Komvux ama waxbarashada gaarka ah ee dadka waaweyn ah. Waxaa kale oo aad tegi kartaa waxbarasho xirfad oo ku taala mid ka mid ah machadyada xirfada.

Xilliga waxbarashadan waxaad xiriir badan la yeelanaysaa shirkado. Waxaad tusaale ahaan samaynaysaa tababarka goob shaqo. Tani waxay kordhinaysaa fursadahaaga in aad shaqo hesho ka dib waxbarashadan.

Waxaad la xiriiri kartaa la taliyaha waxbarashada iyo xirfada ee degmadaada haddii aad hayso su’aalo ku saabsan waxbarashooyinka xirfada.

Waxbarashada wax barida waa nooc waxbarasho xirfad oo ka jirta komvux. Waxaad dhigan kartaa waxbarasho wax barid si aad u hesho waxbarasho xirfad oo aasaasi ah iyo khibrad dheeraad ah oo xirfad. Qayb badan oo ka mid ah waxbarashada wax barida waxaad joogtaa goob shaqo. Goobta shaqada ayaad ku leedahay qof mas’uul kaa ah oo kaa caawinaya inaad barato xirfad.

Dugsiga dadka waaweyn waa dugsi loogu talogalay ardayda dadka waaweyn ah. Halkaasi waxaad ku baranaysaa koorsooyinka heerka dugsiga hoose-dhexe iyo heerka dugsiga sare. Dugsiyo badan oo dadka waaweyn ah waxaad ku noolaan kartaa dugsigan xilliga aad wax baranayso.

Dugsiga dadka waaweyn waxaad ku dhigan kartaa koorsooyinka guud ama koorsooyin gaar ah. Waxaad dhigan kartaa koorsooyinka guud oo baddel u ah dugsiga sare iyo mararka qaarkood baddel u ah dugsiga hoose-dhexe. Waxaad ku dhigan kartaa koorsooyin gaar ah oo ku jiheysan maado gaar ah. Adigu waxaad tusaale ahaan baran kartaa muusig ama farshaxan. Waxaa kale oo aad baran kartaa xirfad gaar ah.

Dugsi kasta oo dadka waaweyn ah isagaa go'aamiya qofka wax ka baran kara dugsigan. Dugsiyada dadka waaweyn waxay leeyihiin nidaam calaamadaha ah. Waxbarashada dugsiga dadka waaweyn waxay ku siin kartaa calaamadaha aasaasiga u ah gelitaanka jaamicad sare iyo jaamicad. Calaamadaha aasaasiga ah micnaheedu waa inaad haysato aqoonta aad u baahantahay si aad u awoodo inaad wax ka barato jaamicad sare ama jaamicad.

Waxbarashada suuqa shaqada waa waxbarasho ku jiheysan xirfadaha ay ku yartahay in loo helo shaqaale waxbarasho u leh. Nooca waxbarashooyinka laga helo waxay ku xirantahay sida suuqa shaqadu u eegyahay xilligaas la joogo.

Maaha hubaal inaad heli doonto shaqo haddii aad dhigato waxbarasho suuqa shaqada ah, laakiin in la dhigto waxbarashadan waxay kordhinaysaa fursadahaaga ah inaad hesho shaqo oo waxaad noqonaysaa qof aad ugu haboon suuqa shaqada.

Qaab wax lagu barto waa in wax la barto iyadoo meel fog la joogo. Haddii aad wax barato adigoo meel fog jooga markaasi ma tegaysid iskool ama jaamicad si aad wax u barato. Taas baddelkeeda adiga ayaa dooranaya halka aad wax ku baranaysid. Adigu waxaad tusaale ahaan joogi kartaa guriga ama maktabad.

Waxbarashooyinka qaarkood waxaa la isticmaalaa intarnat oo keliya. Qaar kale waxay leeyihiin tusaale ahaan dhowr xilli sanadkii markaasi oo aad la kulmayso macalimiin iyo arday kale. Wakhtiga u dhaxeeya kulamadan waxaad ku wada xiriiraysaan dhinaca intarnat-ka, e-boosto ama telafoonka.

Waxaa jira waxbarashooyin kala duwan oo badan oo meel fog laga barto. Waxaad dhigan kartaa koorsooyin gaaban iyo kuwo dhaadheer labadaba oo meel fog laga dhigto. Waxbarashooyinka meel fog laga dhigto waxay ahaan karaan wakhti buuxa iyo wakhti kala bar ah.

Haddii aad dhamaysatay waxbarasho dugsiga sare ah waxaad sii wadan kartaa inaad wax ka barato heerka dugsiga sare ka dambeeya, tusaale ahaan jaamicad sare, jaamicad ama machadka xirfada.

Adigaaga doonaya inaad wax sii barato waxaad fursad u haysataa inaad dhigato koorsooyin gooni ah ama barnaamij dhamaystiran dhinaca jaamicad ama jaamicad sare. Waxaa jira helitaan weyn dhanka koorsooyinka iyo barnaamijyada in la doorto, laakiin waxaa jira shuruudo gelitaan oo kala duwan si loo soo galo kuwan. Jaamicadaha iyo jaamicadaha sare ee kala duwan waxay bixiyaan barnaamijyo iyo koorsooyin kala duwan. Si aad u hesho nooca koorsooyinka iyo barnaamijyadan lagu bixiyo jaamicadaha sare iyo jaamicadaha iyo nooca shuruudaha lagu galo ee ay tahay in la buuxiyo dhanka koorso iyo barnaamij kasta waxaad booqan kartaa boggagan intarnatka.

U qalmida in wax laga barto jaamicad sare ama jaamicad

Si loo awoodo in wax laga barto jaamicad waxaad u baahantahay inaad muujiso aqoontaadi hore. Adiga waxaa lagaaga baahanyahay u qalmida aasaasiga ah ee aad ku soo qaadatay iyadoo aad u martay shahaado dhamaystiran oo laga helay dugsiga sare, shahaado dugsi sare, waxbarashada dadka waaweyn ee degmada ama kuliyada dadka waaweyn. Waxaa intaasi dheer inaad u baahantahay inaad soo dhigatay koorsooyin gaar ah si aad u buuxiso shuruuda u qalmida aasaasiga ah.

Waxbarashooyinka badankooda waxaa shuruud u ah inaad haysato u qalmid gaar ah taas oo ay ku kala duwanaan karaan waxbarashooyinka kala duwan. Tani waxay tahay badanaaba inay tahay inaad soo baratay kuna soo baastay koorsooyin dugsiga sare oo gaar ah, laakiin waxay xitaa ahaan kartaa shuruuda waayo-aragnimo shaqo, imtixaano shaqo ama koorsooyin jaamicadeed.

Dhamaystir

Haddii aanad u qalmin inaad dhigato koorso ama waxbarasho aad doonayso inaad barato waxaad fursad u haysataa inaad samayso dhamaystir. Adigu waxaad ku dhamaystiri kartaa iyadoo aad akhrisato koorsooyinka waxbarashada dadka waaweyn ee degmada ama waxbarashada kuliyadaha dadka waaweyn.

Heerarka waxbarasho ee jaamicadaha sare iyo jaamicadaha

Dhanka jaamicadaha sare iyo jaamicadaha waxaa dhamaan koorsooyinka iyo barnaamijyada loo qaybiyaaa saddex heer. Heerarkan waa heerka aasaasiga ah, heerka horumarsan iyo heerka cilmi-baarista. Heerarka oo dhan waxay ku dhisanyihiin heerka hoose. Adigaaga markii ugu horeysay wax ka baranaya jaamicad sare ama jaamicad waxaad ka bilaabaysaa heerka aasaasiga ah.

Heerka aasaasiga ah

Waxaad bilaabaysaa inaad barato koorso dhanka maado ama dhinaca aag taas oo aanay shuruud u ahayn waxbarasho hore oo jaamicad sare ama jaamicad. Barnaamijyada lagu bixiyo heerka aasaasiga badankooda waa saddex sano haddii aad wakhti buuxa wax baranayso.

Heerka horumarsan

Si loo barto barnaamij ah heerka horumarsan waxaa khasab ah inaad haysato shahaado ah ugu yaraan saddex sano oo heerka aasaasiga ah ama shahaado ajnabi ah oo u dhiganta ama aqoon u dhiganta.
Adigu waxaad xitaa dhigan kartaa koorsooyin heerka horumarsan ah, markaasi waxaa shuruud u ah inaad soo dhigatay waxbarasho heer aasaasi ah. Maaha shuruud inaad haysato shahaado.

Heerka cilmi-baarista

Haddii aad doonaysid inaad wax dhigato heer cilmi-baare waxaa shuruud u ah inaad haysato shahaado ah heer sare. Waxbarashada heer cilmi-baare waa laba ama afar sano. Marka aad dhammaystirto waxbarashadan ayaad helaysaa shahaado ruqsad ama shahaado diktoor.

Urur waxbarasho iyo koox dad ah oo wax wada baranaya

Waxaa jira xitaa qaabab kale oo wax loo baran karo ama qofku u horumarin karo aqoontiisa. Dhinaca urur waxbarasho waxaad tusaale ahaan wax dheeraad ah ka baran kartaa wax aad xiisayso ama heli kartaa hiwaayad cusub.

Ururrada waxbarashadu waa ururo qabanqaabiya waxbarashada dadka waaweyn. Waxaa jira ururo badan oo waxbarasho oo qabanqaabiya xalqad waxbarasho, barnaamijyo dhaqan iyo waxbarashooyin kale oo loogu talagalay dadka waaweyn. Xalqada waxbarashada waxa weeye koorsooyin koox dad ah si wadajir ah ugu bartaan maaddo gaar ah. Tusaale ahaan waxeeyn noqon kartaa farshaxanka, muusikada, luuqadaha ama dhaqamada. ABF, Medborgarskolan, Folkuniversitetet iyo Studieförbundet Vuxenskolan waa dhawr ka mid ah ururrada waxbarashada. Sannad walba waxay ururrada waxbarashadu qabanqaabiyaan in ku dhow 300,000 oo xalqad waxbarasho. Waxaana wax ku barta in ka badan laba milyan oo qof.

Adigu ma helaysid wax shahaado ah ka dib markaad ka mid ahayd koox dad ah oo wax wada baranaya ama waxbarasho kale oo urur waxbarasho diyaariyay. Laakiin waxaad baran kartaa wax cusub lana kulmi kartaa dad kale oo wax isku mid ah aad xiisaynaysaan.

Kaalmada iyo amaahda laga helo CSN

In wax lagu barto Iswiidhan badanaaba waa bilaash. Waxaad codsan kartaa noocyo kaalmooyin oo kala duwan iyo amaah laga helo Guddiga ammuuraha kaalmada iyo waxbarashada ardayda, CSN, si aad u daboosho kharashyadaada xilliga wakhtiga aad waxbaranayso.

Nooca kaalmo iyo amaah ee aad codsan karto waxay ku xirantahay da’daada, iyo heerka waxbarashadaada.