Imaansha dalka Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.
Khariidad sawiran oo Yurub ah lehna dad ku soo socda Iswiidhan oo sita boorsooyinka safarka.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay in la yimaado Iswiidhan.

Waxaad akhrin doontaa waxa aasaaska u ah Iswiidhan dimuqraadiyadeeda. Waxaad xitaa akhrin doontaa wax ku saabsan Iswiidhan taariikhdeeda iyo sida dalkan u horumaray ilaa iyo maanta.

Mawduucan wuxuu xitaa ku saabsanyahay Iswiidhan taariikhdeeda haajiridda iyo sharciyada iyo qawaaniinta xukuma u soo haajiridda Iswiidhan. Waxaad akhrin doontaa wax ku saabsan xuquuqaha iyo waajibaadka gudaha bulshada Iswiidhishka iyo sida ay raad ugu yeeshaan noloshaada maalinlaha ah.

Waxaad xitaa ka fikiri doontaa sida ay tahay in la yimaado dal cusub iyo waxa is dhex galka bulshada ay micno ahaan kuu leedahay adiga.