Aqoonsi iyo dhaqan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22/6-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay aqoonsiga iyo dhaqanka. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan waxa aqoonsigu yahay iyo sida qof aqoonsigiisu isku baddali karo inta lagu jiro nolosha. Waxaad xitaa ka fikiri doontaa nooca aqoonsiyada adigu aad leedahay.

Qoraalkan wuxuu xitaa ku saabsanyahay sida ay ahaan karto in la yimaado dal cusub iyo in lagu noolaado laba dhaqan oo waxaad ka fikiri doontaa waxa is dhexgalka bulshada micno ah ee ay kuu leedahay adiga. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan dhaqamada iyo munaasadaha loo dabbaaldego aduunka iyo gudaha Iswiidhan.

Ilmo cusub oo dhashay ahaan waxaad xaq u leedahay magac, dhalasho iyo ilaalin laga helo sharciga. Inta lagu jiro nolosha waa inaad hesho horumarka aqoonahaaga, aqoonsigaaga dhaqaneed, fikradahaaga siyaasadeed, diintaada iyo dookha noocyada galmada. Dadyowga isu aqoonsan inay ka mid yihiin dadka laga tirada badanyahay waxay xaq u leeyihiin inay si wadajir ah ay dadka kale ee leh aqoonsi la mid ah ay isticmaalaan diiintooda gaarka u ah, afkooda gaarka u ah oo ay ku dhaqmaan dhaqankooda gaarka u ah.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay horumariyaan aqoonsi. Dawladdu ma awoodo inay aqoonsiyada kala duwan u qiimeyso si kala duwan oo welibana xaq ma u laha inay diiwaan-geliso aqoonsigaaga.

Qofkee ayaan ahay anigu, qofkee ayaad tahay adigu oo kuwee ayaynu nahay?

Qofkee ayaad tahay adigu? Ma ka fikirtay taaas? Ma ahaan doontaa isla qofkaas tobban sano ka dib?

Su’aalahan, iyo qoraalkan, waxay ku saabsanyihiin shakhsiyadda. Shakhsiyaddu waxay ku saabsantahay cidda aynu nahay iyo sida aynu inagu isu aragno.

Marka isbaddalo waaweyn ku dhacaan nolosha waxaa badanaba su'aalaha ku saabsan aqoonsiga ay noqdaan muhiim. In loo guuro dal kale waa isbaddal weyn oo waxay kicin kartaa fikrado badan iyo dareeno. Dadka qaarkood waxa ay u arkaan in ay xiiso leeyihiin caadooyinka iyo dhaqanada cusub. Qaar kalena waxay u arkaan in ay adagtahay oo dhib leedahay. Labada ficil-celinba waa caadi. Waxay qaadan kartaa wakhti in lala qabsado wax kasta oo cusub gudaha dal cusub.

Aqoonsigaagu wuu horumarayaa nolosha oo dhan. Dhammaan waayo-aragnimada aad la timi Iswiidhan ayaa abuurtay aqoonsigaaga ilaa iyo wakhtiga imminka. Oo wax kasta oo aad ku arki doonto Iswiidhan waxay xitaa raad ku yeelan doontaa aqoonsigaaga. Adigu waxa aad la kulmi doontaa dad cusub, baran doontaa luqad cusub oo yeelan doontaa caadooyin cusub.

Wax kasta oo kugu dhaca, waxa aad aragto ee ka fikirayso, dadka aad la kulmayso iyo waxyaabaha ka dhacaya aduunka, raad ayay ku yeelanayaan sida aad adigu isu aragto. Waayo-aragnimooyinkan ayaa qaabaynaya aqoonsigaaga. Aqoonsigaagu waxaa abuura adiga laf ahaantaada iyo waxa ka dhacaya hareerahaaga.

Kuwaasi waxa ay ahaayeen dhowr tusaale kuna saabsan sida aqoonsigu u abuurmo. Waxaynu yeelan karnaa dhowr aqoonsiyo oo kala duwan wakhti isku mid ah. Aqoonsiyo noocee ah ayaa adigu aad leedahay?

Tusaale: In lagu noolaado laba dhaqamood

Ariana waxa ay Iswiidhan ku noolayd ku dhowaad laba sano. Iyadu sidan ayay ka sheegtay dhanka aqoonsiga iyo dhaqanka: "Dalka aan horey ugu noolaa dad badan waxay ka fikiraan in aanay fiicnayn aqoonsiyo iyo dhaqamo kala duwan oo sidaas ayaan weligay rumaysnaa. Laakiin iminka waxa aan ka fikiraa in dadku lahaan karo aqoonsiyo dhowr ah iyo laba dhaqan. Micno weyn ayay aniga ii leedahay in loo fikiro sidaas."

Dadka qaar waxaa muhiim u ah in la qaato wax kasta oo yaala dalka cusub. Laakiin waxaa si la mid ah muhiim u ah in la haysto qaybo ka mid ah noloshii gabowday, noloshii ka horeysay Iswiidhan. Maxaa adiga kuu ah muhiim?

Isku xirnaansho iyo iswaafaqid

Aqoonsigu waa shakhsiyan. Aqoonsigaagu waa kaaga oo keliya. Laakiin isla mar ahaantaas aqoonsigaagu waa waxa keena in ay dani idinka dhaxayso dadka kale. Diintu waxa ay ahaan kartaa qayb keenta in aad dareento in dani idinka dhaxayso dad kale. Idinku waxa aad leedihiin caqiido isku mid ah, u dabaal degtaan munaasabado isku mid ah oo u aragtaan aduunka qaab isku mid ah.

Haddii aad tahay Iswiidhish, Maraykan ama Soomaali waxa dhici karta in aad dareemayso in dani idinka dhaxayso dadka kale ee ka yimi dalalkaas. Idinku waxa aad ku hadashaan luqad isku mid ah, waxa aad garanaysaan caadooyinka iyo dhaqamada iyo qawaaniinta aan la arkin ee waxa ah sax ama khalad in la sameeyo xaaladaha kala duwan.

Aqoonsigeena wuxuu ku abuurmaa isku xirnaansho iyo isku mid ahaansho. Laakiin xitaa dhinaca kala duwanaanshaha. Tusaale ahaan kala duwanaanshaha u dhaxeeya in la ahaado Iswiidhish, Maraykan ama Soomaali, ama kala duwanaanshaha u dhaxeeya in la yahay haweenay ama nin.

Laakiin badanaa waxa dadku isku mid ka yihiin ayaa ka weyn marka loo eego kala duwanaanshayaasha. Hal tusaale waa munaasabadaha. Dhammaan diimuhu waxay u dabaal degaan munaasabado kala duwan, laakiin waxa aynu u dabaaldegnaa qaab qiyastii isku mid ah. Badanaa waxa aynu cunaa raashin fiican oo wadajir ula joognaa qoyska iyo saaxiibada.

Waagi hore iyo imminka

150 sano ka hor waxaa Iswiidhan ahayd bulsho beeralay ah. Caadi ayay ahayd in laga shaqeeyo wax la mid ah waxa waalidku ka shaqeeyaan. Dadka badankooda way yarayd fursadaha ay haysteen ee in la safro oo aragti laga helo meelo iyo dhaqamo kale. Waxa kale oo aan caadi ahayn in lala kulmo dad ka soo jeeda dabaqado bulsho oo kale. Dadka fikradahooda aasaasiga ah iyo qaabka ay u arkeen aduunka waxa uu ka yimi qaab xadaysan.

Maanta sidaas way ka duwantahay, gudaha Iswiidhan iyo dalal badan oo kale labadaba. Fursaduhu way badanyihiin. Waxa aynu ku noolnahay bulsho caalami ah oo waxaa wakhti kasta saamayn inagu yeelata waxa ka dhacaya meelo kale oo aduunka ah.

Iswiidhan waxa ay ahaan jirtay dal ay dad badan ka tageen si ay u helaan nolol fiican. Imminka Iswiidhan waa dal qaabila dad ka yimi qaybo kala duwan oo aduunka ah. In dad u soo haajiraan Iswiidhan waxay keentay in aynu xiriir la yeelano dhaqamo kale, caaddooyin iyo qaab loo noolaado.

Caaddooyinka iyo munaasabadaha

Dalalka aduunka oo dhan waxaa dadku u dabaaldegaan munaasabado iyo caaddooyin. Xilliyadaas ayaa dadku badanaaba isu yimaadaa si loogu dabaaldego in wax gaar ah oo muhiim ah oo dhacay wakhti hore. Dhaqamo iyo munaasabado badan oo loo dabaaldego waxa ay ka yimaadeen diinta. Sidaas ayay xitaa ka tahay Iswiidhan, taas oo ahayd dal Kiristaan ah ilaa iyo boqolaal sano oo badan. Maanta waxaa gudaha Iswiidhan looga dabaaldegaa dhaqamo iyo munaasabado ka yimi dalal iyo diimo kala duwan. Marka qof ku cusubyahay dal waxaa qofku badanaaba dareemaa munaasabadaha iyo dhaqamada cusub.

Tani waa tusaale dhinaca dhowr munaasabadood oo looga dabaaldego Iswiidhan.

Feebarwari iyo Maarso waxaa gudaha Iswiidhan laga cunaa wax badan nooc doolshaha ka mid ah lana yiraahdo semlor. Waa doolshe leh miro laws ah oo lagu qasay labeen. Waa dhaqan ka soo jeeda wakhtigii ay dad badan soomi jireen gudaha Iswiidhan. Ka hor soonka intaanu bilaabmin ayaa la cuni jiray cunto dufan leh. Qofka sooman waxa uu iska daayaa wax muddo wakhti cayiman ah, tusaale ahaan sababo diini ah awgood. Badanaaba waa cunto laakiin waxa ay xitaa ahaan kartaa waxyaabo kale.

Munaasabadda masiixiga ee Booskiga (Påsken) waxaa loo dabaaldegaa xilliga Maarso ama Abriil. Xilligaas ayaa loo dabaaldegaa xusuusta nebi Ciise dhimashadiisi iyo dib u soo noqoshadiisi. Booskigu waa munaasabad dadka badankooda jooga Iswiidhan ay wadajir ula dabaaldegaan saaxiibada iyo qoyska. Waa caadi in la cuno ukun, hilibka idaha, noocyada kaluunka ee lakis iyo nooc kale oo dhanaan wakhtiga Booskiga. Waxa kale oo caadi ah in carruurtu la siiyo nacnac ku jira wax u eeg ukun weyn. Ka hor Booskiga carruur badan ayaa dhar noocyo kale ah xirta. Iyagu waxa ay ku garaacaan dadka guryahooda oo ku salaamaan Boosk farxad leh. Dadku badanaaba waxa ay markaas carruurta siiyaan nacnac.

Nayruus waa dabaaldega sanad cusub ee ay leeyihiin dadyow kala duwan oo dhowr ah, tusaale ahaan Faarsiyiinta, Kurdida iyo Afqaanta. Gudaha Iswiidhan waxaa badanaaba Nayruuska lagu magacaabaa sanadka cusub ee Faarsiyiinta ama Kurdida. Nayruus waxaa loo dabaaldegaa 20, 21 ama 22 Maarso markaas oo maalintii iyo habeenkii dhirirkoodu isla egyahay. Nayruus waxaa loo dabaaldegaa in lagu soo dhaweeyo gu'ga oo wuxuu socdaa 13 maalmood oo wata xaflado badan, cunto iyo farxad. Waxa kale oo dadku shidaan dab yar kaas oo laga dul boodo.

30 ka abriil waa xafladda soo dhaweynta gu'ga. Xilligaas ayaa dad badan u dabaaldegaan in gu'gi yimi halkan. Waa caadi in la shido dabyo weyn oo lagu heeso heesaha ku saabsan gu'ga.

1 maajo waa maalinta ciida shaqaalaha. Tan iyo 1800:meejadii ayaa dalal badan maalintaas laga dabbaaldega. Koowda maayo waa maalin ciid ah. Dadwaynaha badidooda waa fasax, iskuulaadkana way xiran yihiin. Dadyoow tiro badan ayaa 1 maayo ku dhaqaaqo dibadbax loogu socdo shaqaalaha xuquuqdooda.

Ciidda maalintii dheelmintii nebi Ciise waxay ku beegantahay 40 maalmood ka dib ciidda masiixiga ee loo dabbaaldego bisha Maarso-Apriil. Waxaa loogu dabaal dagaa in lagu xuso markii nebi Ciise ka tagay aduunka ka dib geeridiisii. Ciidda maalintii dheelmintii nebi Ciise wa maalin fasax ah. Dadka badankoodu fasax ayay ka yihiin shaqada oo dukaamo badan ayaa xiran.

6 juun waa maalinta qaranka ee Iswiidhan iyo maalin fasax ah. Maalinta qaranka qaar ka mid ah dadka waxa ay xirtaan labiska qaranka. Labisyada qaranka way kala duwanyihiin taas oo ku xiran kolba qaybta ka mid ah Iswiidhan ee qofku ka yimi.

Galabnimada bartamaha xagaaga waa munaasabad caan ka ah Iswiidhan. Galabnimada bartamaha xagaaga waxaa markasta loo dabaaldegaa maalin jimce ah oo u dhaxaysa 19 Juun iyo 25 Juun. Gudaha Iswiidhan waxaa bartamaha xagaaga loo dabaaldegi jiray ka hor intaan Iswiidhan noqon Kiristaan. Galabnimada bartamaha xagaaga waxaa badanaaba lagu dhaansaa/ciyaaraa hareeraha tiir oo astaan u ah bartamaha xagaaga. Waa tiir lagu xiray caleen iyo ubaxyo la isugu xiray qaab giraan wareegsan ah. Dad waaweyn iyo caruur badan ayaa xitaa ubaxyo la isku xiray qaab giraan wareegsan ah u saarta madaxa. Bartamaha xagaaga waxaa badanaaba la cunaa kaluun dhanaan, kaluunka lakis, baradho daray ah iyo miraha istaroobeeriga.

Bisha Sibteembar ama oktoobar waxaa soo gala Jom Kippur oo ah ciid muhiim u ah diinta yahuudda. Waxaa loogu dabbaal dagaa soon, alle bari, iyo in dadka kale caf iyo masaafax la weydiisto. Jom Kippur (maalinta isa saamaxa) waxeey soo gashaa marka eey dhamaadaan tobanka maalin ee ugu horreeyso sanadka cusub ee yahuudda (Rosh Hashana).

Munaasabada Alla helgons dag waxaa la dabbaaldegga maalin sabti ah oo u dhaxaysa 31 oktoobar ilaa 6 nofeembar. Alla helgons dag ciid krishtaan ciid waa maalin dadkii geeriyooday la soo xusuusto. Dad badan ku nol dalka Iswiidhan waxay booqdaan qubuuraha eheladii iyo saaxiibadii ka geeriyooday.

13-ka Diisambar waa maalinta Luusiya. Gudaha Iswiidhan waxaa Luusiya looga dabaaldegaa maadaama iftiinki uu dib u soo noqonayo ka dib jiilaalka. Carruurta dugsiyada xanaanada iyo iskoolada waxay ku heesaan heesaha ku saabsan Luusiya iyo Kirismiska.

Kirismisku waa munaasabad Kiristaan taas oo loogu dabaaldego xusuusta dhalashadii nebi Ciise. Qoysaska ayaa isu yimaada si ay u kulmaan, cunto u karsadaan, waxna u cunaan oo isu qaybiyaan hadyado. Hadyadahan waxaa lagu magacaabaa hadyadaha Kirismiska oo gudaha Iswiidhan waxaa isa siiyaa maalinta ka horeysa Kirismiska, 24-ka Diisambar. Waa caadi in geed la keeno guriga wakhtiga Kirismiska oo lagu xardho xarko ifitiimaya, kubaddo yar iyo dhalaal.

Ramadaan waa soonka Muslimiinta. Waxa ay socotaa hal bil. Inta Ramadaan socoto dad badan oo waaweyn oo muslimiin ah wax ma cunaan, ma cabaan, ma cabaan sigaar ama ma sameeyaan galmo laga bilaabo qorrax soo baxa ilaa qorraxdhaca. Ramadaanta waxaa lagu soo gebogabeeyaa xaflad weyn taas oo lagu magacaabo Ciid Al Fitri. Haddii aad uur leedahay, leedahay caadada haweenka ama naas-nuujinayso uma baahnid in aad soonto. Sidoo kale uma baahnid haddii aad gabowday ama xanuusanayso. Ramadaan waxa ay ku beegantaa wakhtiyo kala duwan sanadkii maadaama sanadka Islaamka uu raaco sanadka dayaxa.