Iswiidhan – dimoqraadiyad iyo dawlad qaanuun leh

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3/5-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay dimuqraadiyada iyo dawlad sharci ku dhaqanta mabaa’diideeda.

Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan sida dimuqraadiyada Iswiidhishka u dhisantahay. Waxa kale oo aad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan Iswiidhan sharciyadeeda aasaasiga ah iyo mabaa’diida ay dimuqraadiyada Iswiidhishka ku tiirsantahay, tusaale ahaan xaqa doorashada, xoriyadda hadalka iyo xoriyada saxaafada iyo daabacaada.

Dhowr gacmood oo kor u taagan oo leh midabo maqaar oo kala duwan.

Dalka Iswiidhan waa dimoqraadi. Dimoqraadi micnaheedu waa in dadweynuhu go'aamiyaan cidda dejinaysa sharciyada ee hogaaminaysa dalkan. Dadweynuhu awood weyn ayay ku leeyihiin Iswiidhan. Sidaas ma aha dalalka oo dhan. Miyaad garanaysaa dal qof keliya haysto awoodda oo dhan? Sidaas ayay xitaa Iswiidhan ahaan jirtay berigii horre, markii boqorku haystay awoodda oo dhan.

Dimoqraadiyadda Iswiidhan way horumartay muddo 100 sano ah. Tani muhiim ayay ka tahay Iswiidhan. Waa dadweynaha kuwa doortay siyaasiyiinta. Siyaasiyiinta iyo hey'addaha dawladda waa in ay u shaqeeyaan wanaaga dadweynaha. Haddii kale waxay waayo karaan shaqadooda. Waa mamnuuc in siyaasiyiinta iyo dadka shaqaalaha ah ay lacag ka qaataan qof doonaya in uu raad ku yeesho iyaga iyo in ay awoodooda u isticmaalaan in ay naftooda uga faa'ideystaan ama dad kale. Taas waxaa lagu magacaabaa musuq-maasuq. Siyaasiyiintu waa in ay caawiyaan dadweynaha, maaha in ay iyagu naftooda u daneeyaan.

Laakiin dimoqraadiyadu maaha oo keliya siyaasad. Dimoqraadiyadu waa in ay ka shaqayso xitaa iskoolka, goobta shaqada iyo ururada. Tani micnaheedu maaha in ardaydu wax go'aamiyaan gudaha iskoolka ama shaqaaluhu keligood go'aamiyaan hawlahooda shaqo. Laakiin haddii macallin, qof madax ah ama qof kale sameeyo khalad oo kuula dhaqmo adiga ama qof kale qaab xun waxa dimoqraadiyadu ay suurtagalinaysaa in aad joojiso taas.

Miyay ku soo martay in siyaasiyiin ama dad shaqaale ah ay sameeyeen khalad oo aanay dadka oo dhan ula dhaqmin si isku mid ah?

Dadku waxa ay dimoqraadiyadda ka sheekaysanayeen dhowr kun oo sano. Way adagtahay in la sharraxo dimoqraadiyadda si dadka oo dhan ay heshiis ku yihiin. Laakiin dadka badankoodu way isku raacsanyihiin in ay ku saabsantahay in dadku qayb ku lahaado go'aaminta. Waxa kale oo ay ku saabsantahay in awoodda ay wada qaybsadaan dawladda, shacbiga iyo siyaasiyiinta iyo in qaybintan u dhacdo si caddaalad, sinaan iyo qaab sharci ah.

Buuga sharciga Iswiidhan oo usha madaxa buuran ee garsooraha maxkamadda.

Distoorka

Distoorku waa heerka ugu sareeya ee sharciyadda oo waxaa ku jira bulshada qawaaniinteeda aasaasiga ah ee lagu dhaqmayo. Wax kale oo sharciyo ah ma la oggola in ay ka soo horjeestaan. Iswiidhan waxaa ka jira afar sharci oo aasaasi ah:

  • qaabka dawladda (hadafyada iyo qawaaniinta sida dawladu ay tahay in ay u habaysnaato)
  • xeerka xorriyadda ra'yiga iyo qoraalka (wuxuu ilaaliyaa hadalka xorta ah ee qaabka daabacan ah)
  • sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalka (xaqa in qofku hadlo oo cabbiro fikirkiisa)
  • sharciga dhaxalka boqortooyada (sida taajka boqortooyada loo dhaxlayo)

Distoorku waa in uu ilaaliyo dimoqraadiyadda oo sidaas darteed wuu adagyahay in la baddalo marka la barbardhigo sharciyadda kale. Waa kuwan tusaalooyin ah sida dimoqraadiyadda loo ilaaliyo gudaha Iswiidhan:

Sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalka

Sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalka wuxuu yahay in:

  • Dadka oo dhan loo oggolyahay ay lahaadaan aragti
  • Dadka oo dhan waa in ay awoodaan qaybsashada iyo gudoomidda macluumaad
  • Cid walba waxay xaq u leedahay inay faafiso aragtideeda

Sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalka micnihiisu waa in xitaa adigu aad awooddo sheegashada aragtidaada iyadoo aan lagu ilaalin ama lagu aamusiin. Adigu waa in aad awoodo in aad la socoto wararka ku saabsan dalkaaga iyo magaalada aad ku nooshahay. Adigu waa in aad awoodo in aad ka mid noqoto ururo oo aad awoodo in aad mudaharaado. Adigu waa in xitaa aad awoodo in aad ka sheekayso fikradahaaga oo qoraal u dirto siyaasiyiinta.

Dembi ujeedadiisu tahay in lagu yareeyo qiimaha dad ama kooxo kale oo shacbiga ah waa mamnuuc. Dembiyada noocaas ah waxaa lagu magacaabaa dembiyo nacayb ku salaysan. Nooc ka mid ah dembiyada ku salaysan nacaybka waxaa lagu magacaabaa cadaawad ku kicinta koox shacbi ah. Tani waa fariimaha wata hadal nacayb ah. Adiga ma laguu oggola tusaale ahaan in aad sheegto wax bahdilaya koox shacbi oo gaar ah.

Adigu maaha in xitaa aad sheegto wax khatar ku ah amniga Iswiidhan, ama qof kale ku dhiiri-geliso in la sameeyo wax dembi ah. Haddii sidaas aad samayso waa lagu xukumi karaa.


Nin dhalinyaro ah oo ka hor hadlaya dhegaystayaal jooga suuq.

Muxuu u jiraa sharciga aasaasiga ee xorriyadda hadalka?

Maxaa muhiim ah in aynu ka hadalno?

Xaqa codeynta doorasho

Xaqa codeynta doorasho waa in:

  • Dadka oo dhan codeeyaan doorashooyinka guud iyo kuwa joogtada ah
  • Codadka oo dhan waa in la tiriyo oo ay lahaadaan qiime isku mid ah
  • Siyaasiyiinta ku guul daraysata doorashada waa in ay awooda u dhiibaan kuwa guuleystay

Dhammaan dadka buuxiyay 18 sano waxay xaq u leeyihiin in ay ka codeeyaan doorashooyinka siyaasadda ee gudaha Iswiidhan. Natiijada doorashada ayaa go'aamisa kuwa ay yihiin xisbiyada siyaasadeed ee hogaamin doona dalka. Codkaagu wuxuu la qiimo yahay ka dhamaan dadka kale. Doorashooyinka oo dhan waa sir. Tani micnaheedu waa in adigu aanad u baahnayn in aad qof u sheegto sida aad u codeysay. Adigu waxaad xitaa xaq u leedahay in aanad codeyn gebi ahaanba.

Mabda'a sharciyan

Mabda'a sharciyan wuxuu yahay in:

  • Sharciyadu hogaamiyaan siyaasiyiinta iyo hey'addaha dawladda
  • Musuq-maasuqu yahay mamnuuc
  • Go'aamada khaladka ah rafcaan looga qaadan karo maxkamad

Iswiidhan tahay dawlad qaanuun ku shaqaysa. Sida ku cad distoorka Iswiidhan waa in shacbiga oo dhan loola dhaqmo iyadoo la ixtiraamayo xorriyadooda iyo qiime isku mid ah. Siyaasiyiinta iyo hey'addaha dawladeed maaha in ay shacabka qaarkood ula dhaqmaan si ka liidata kuwa kale iyadoo ay sabab u tahay jinsi, midabka maqaarka, dhaqanka, diin, luqad, da', awoodda laxaadka, dookha noocyada galmada ama shakhsiyadda jinsiga ka madax banaan. Dagaal iyo dhibaateyn u dhaxeysa shacbiga kala duwan, tusaale ahaan goobta shaqada ama gudaha qoys, waa mamnuuc. Xaaladaha badankooda taasi waxaa lagu muteystaa ciqaab.

Ilaalinta in dadka si isku mid ah loola dhaqmo ee ku jirta sharciyada micnaheeda waxaa ka mid ah:

  • Sharciyada way u siman yihiin dadka oo dhan. Wax isbaddel ah maaha in ay yeelato haddii aad tahay taajir ama sabool, nin ama haweenay, jiran ama caafimaad qabtid.
  • Dadka oo dhan waa in ay raacaan sharciyada jira. Xitaa siyaasiyiinta, booliiska iyo dhamaan kuwa ka shaqeeya hey'addaha dawladeed waa in ay raacaan sharciyadan.
  • Booliisku ma ku xiri karo iyadoo aanay jirin sabab. Adigu waxaad xaq u leedahay in aad ogaato sababta.
  • Haddii aad gashay dembi ama lagugu eedeeyo dembi waxa aad xaq u leedahay in taas la baaro. Adigu waxaad xitaa xaq u leedahay in aad hesho garyaqaan ku caawiya oo ku difaaca.

Xorriyadda saxaafada iyo daabacaada

Xorriyadda saxaafada iyo daabacaada micnaheedu waa in:

  • Siyaasiyiinta iyo hey'addaha dawladeed la baari karo
  • Wararka aanay maamulin siyaasiyiintu
  • Eedaynaha beenta ah iyo kutidhi kuteenta ah laga hortago

Xorriyadda saxaafada micnaheedu waa in idaacadda, tiifiiga iyo joornaalada ay gudbin karaan wararka iyo macluumaadka iyadoo qof aanu oggolaan marka hore. Xitaa adigaaga ah shakhsi gaar ah waxa aad xaq u leedahay in aad daabacdo oo faafiso qoraalo iyadoo aanay khasab ahayn in la eego ka hor. Tani waxaa lagu magacaabaa xorriyadda daabacaada. Laakiin adigu ma faafin kartid wax kasta. Adigu waxa aad muteysan kartaa ciqaab haddii waxa aad faafisay ay bahdilayaan koox shacab ah, khatar ku tahay amniga Iswiidhan ama ku dhiiri-gelinaysid qof kale in uu sameeyo wax dembi ah.

Miyaad aaminsantahay in saxaafada, tusaale ahaan idaacadda, tiifiiga iyo joornaalada ay raad ku yeelan karaan siyaasiyiinta?

Oo siyaasiyiintu raad ma ku yeelan karaan saxaafadda? Hadday sidaas tahay qaabkee?

Kuwaasi waxay ahaayeen dhowr wax oo muhiim u ah dimoqraadiyad. Shacbiga Iswiidhan xoog ayay ugu soo halgameen in Iswiidhan ahaato dimoqraadiyad.

Dalalka oo dhan waxaa ka jira dad ay la tahay in dadweynuhu lahaadaan awood sii yaraata oo doonaya in ay raad ku yeeshaan dadka kale. Xitaa way ka jiraan gudaha Iswiidhan. Sidaas darteed waa muhiim in marnaba aan la joojin halganka wax walba oo fiican oo ku jira dimoqraadiyada, saabtoo ah si dhakhso ah ayay wax isu baddeli karaan. Adigu laga yaabee in aad garanayso dal ahaa dimoqraadi oo ka dib waayay taas?

Waxaynu u dhisaynaa dimoqraadiyadda si wadajir ah oo adiguna qayb muhiim ah ayaad ka tahay. Adigu waad ka mid ahaan kartaa urur ama xisbi siyaasadeed oo aad dad kale u wada halgantaan wax ay kula tahay in ay tahay muhiim. Adigu waxa aad xaq u leedahay in aad habayso ama ka qaybqaadato shir iyo mudaharaadyo. Si dimoqraadiyadu u badbaado waa in aynu is xilqaano. Maaha oo keliya dhinaca doorashada siyaasadda, laakiiin wakhti kastaba.

Qaab noocee ah ayaa adigu aad raad ugu yeelan kartaa bulshada?