Taariikhda Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 31/3-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay Iswiidhan taariikhdeeda. Waxaad akhrin doonta wixii ku saabsan sida Iswiidhan u horumartay kana tagtay bulsho beeraley sabool ah ilaa iyo dawlad shacbigeeda daryeesha.

Waxaad xitaa akhrin doontaa sida bulshada Iswiidhishka u doonaysay inay u baddasho bulshada ee u bilowday inay raad ku yeelato siyaasiyiinta si loo abuuro bulsho cadaalad ah. Oo waxaad ogaan doontaa dheeraad ku saabsan sida shaqaalaha Iswiidhishka ugu halgameen si ay u helaan xaalado shaqo oo sii fiicnaada iyo sida dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha ee Iswiidhishka u koreen.

Soo koobid dhinaca taariikhda Iswiidhan

Sanadihii 1600-yadii way ka weyneyd Iswiidhan inta ay maanta leegtahay. Iswiidhan waxay lahayd ciidan weyn oo dagaal oo xoog ku qabsaday dhul weyn. Boqorka Iswiidhishka ah magaciisu wuxuu ahaa Karl XII oo wuxuu doonayay in Iswiidhan ay intaas ka sii weynaato. Sidaas darteed wuxuu doonayay in uu ka guuleysto Ruushka. Laakiin askartii Iswiidhishka waxay ku guuldarraysteen dagaal ay la galeen ruushka kana dhacay magaalada Poltava 1709. Intaas ka dib Iswiidhan may noqon awood weyn oo gudaha Yurub ka sii jirta gudaha. Iswiidhan waxay gashay dagaalo badan muddo sanado ah laakiin intii ka dambeysay 1815 waxay Iswiidhan ku jirtay nabad.

Miyaad ogayd ka hor intaanad akhrin qoraalkan xagga sare in Iswiidhan ka qaybqaadatay dhowr dagaal intii lagu jiray sanadihii 1600-yadii?

Boqorka ayaa haystay awoodda ugu sareysa gudaha Iswiidhan waagi horre. Yaa wax go'aamiya gudaha Iswiidhan maanta? Miyay kula tahay in boqorku leeyahay wax ah awood siyaasadeed gudaha Iswiidhan maanta?

Qoys beeralay ah xilligii 1800-yadii oo ag taagan gaariga la jiido oo ay ka buuxdo caws ay jiidayaan dibiyo.

Sawir: Aarkiifiyada Ödeshögs Lokalhistoriska

Intii lagu jiray 1800-yadii waxay Iswiidhan ahayd bulsho beeralay sabool ah. Bartamihii 1800-yadii waxaa ku dhacay beeraha Iswiidhan wax soo saar badan oo xumaaday. Raashinki ayaa ku filnaan waayay dadkii oo dhan oo dadweynihi ayaa gaajooday. Dad badan ayaa doortay in ay ka guuraan Iswiidhan si ay u helaan wax ka fiican. Intii u dhaxaysay 1850 iyo ilaa iyo dagaalki koowaad ee aduunka 1914 qiyaastii hal milyan oo Iswiidhish ah ayaa u guuray Maraykanka. Taasi waxay ahayd in ka badan shan meelood meel ahaan dadka ku nool. Laakiin kuwii aan haysan awood lacageed oo ay ku guuraan waxay ku hareen Iswiidhan.

Wakhtigaas dadka qaarkood waxay u arkeen in kaniisadda Iswiidhishka ay lahayd awood xoog ah oo badan iyo in ay aanay ahayn casri oo ahayd caddaalad daro ku dhaganayd fikrado gaboobay iyo caqiidooyin. Waxa kale oo jira dad u arkayay in boqorku haystay awood xoog ah oo badan. Sanadihii 1800-yadii ragga ayaa haystay ku dhawaad awoodda oo dhan. Dhinaca bulshada iyo dhinaca qoyska labadaba. Dadka aan aqbalin taas waxaa laga goyn jiray saaxiibtinimada iyo qoyska.

Kaniisadda Iswiidhishka waxay raad ku yeelatay waxyaabo badan, tusaale ahaan sida qaar ka mid ah sharciyadu ka yihiin gudaha Iswiidhan. Caadooyin iyo dhaqamo badan waxay ka yimaadeen kaniisadda.

Dhamaadkii 1800-yadii waxaa bilaabmay warshado badan oo kordhay gudaha Iswiidhan, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Stockholm, Göteborg iyo Malmö. Shaqaaluhu badanaaba waxay haysteen mushahaarooyin hooseeya iyo maalmo shaqo oo dheer. Iyagu may qanacsanayn oo waxay badanaaba khilaaf kula jireen kuwa mulkiilaha ka ahaa shirkadaha. Shaqaaluhu waxay doonayeen inay baddalaan xaaladooda laakiin way adkayd. Kuwa mulkiilaha ka ah shirkadaha waxay haysteen lacag badan iyo awood weyn labadaba. Laakiin shaqaalaha ayaa badnaa oo waxay ka fikireen si wadajir ah ayaa inaguba aynu xoog u noqon karnaa. Waxay is habeeyeen oo bilaabeen ururo iyo xisbiyo siyaasadeed. Qaabkaas ayay u awoodeen bilaabida isbadalka shuruudaha shaqaalaha.

Bilowgii 1900-yadii waxay Iswiidhan bilowday in ay isweydaarsiyo weyn la yeelato dalal kale. Ganacsiga lala yeeshay dalalka kale xitaa wuu kordhay oo dadku waxay awoodeen inay u safraan dalalka dhexdooda iyagoo aan haysan baasaboor.

Dad hor fadhiya makiinado oo jooga warshad farsamo xilligii 1800-yadii.

Sawir: Madxafka gobolka Örebro

Iswiidhan waxa ay 150 sano horumartay iyadoo ka bilaabantay dal beeralay sabool ah ilaa dal warshado leh oo hodan ah. Miyaad arki kartaa waxyaabo ay iskaga mid yihiin dalka ama dalalka aad adigu horre ugu soo noolayd?

Dagaalki labaad ee aduunka

Intii lagu jiray qaybtii horre ee 1900-yadii waxaa dhacay laba dagaal oo weyn. Dagaaladan waxay ka bilaabmeen Yurub laakiin dalalka kale ee aduunka xitaa way ka qaybqaateen. Sidaas darteed waxaa lagu magacaabaa dagaaladaas dagaaladii aduunka.

1914 waxaa bilaabmay dagaalki aduunka ee koowaad. Dalal badan gudaha Yurub ayaa ka qaybqaatay dagaalkaas. Afar sano ka dib nabad ayaa dib u soo noqotay 1918. Markaas 20 milyan oo qof ayaa dhintay.

Iswiidhan kumay jirin dagaalkii kowaad ee aduunka laakiin dagaalkan raad ayuu ku yeeshay Iswiidhan. Intii dagaalkani socday lama haysan raashin ku filan dadka oo dhan. Dad badan ayaanaan ku qanacsanayn oo waxaa jiray rabshado iyo isqabsiyo ka dhacay meelo dhowr ah dalka gudihiisa, gaar ahaan magaalooyinka. Dad badan waxay aaminsanaayeen in Iswiidhan shaqaalaheedu ay samayn doonaan kacdoon, laakiin siyaasiyiintii waxaa lagu khasbay inay dhagaystaan dadweynaha oo waxay go'aamiyeen isbadalo waaweyn. 1919 wuxuu baarlamaanku go'aamiyay in maalin shaqo aanay ka badnaan siddeed saacadood, isla sanadkaasna haweenku waxay heleen xaqa in ay codeeyaan doorashada baarlamaanka.

Maxaad u malaynaysaa in ay sabab u ahayd in baarlamaanku go'aamiyay isbadaladaas?

Wakhtigii u dhaxeeyay dagaalada 1919–1939

Sanadihii 1920-yadii Iswiidhish badan way fiicnaatay xaaladoodu. Dadweynuhu wuxuu doonayay in uu raad ku yeesho bulshada oo waxay bilaabeen in ay wadajir ugu halgamaan waxyaab kala duwan, tusaale ahaan guryo fiican. Dad badan waxay ku noolaayeen guryo qabow oo xun oo ka codsadeen in mulkiilayaasha guryaha in ay si fiican uga hagaajiyaan. Wakhtigaas waxaa kale oo bilaabmay qaar badan oo ah kuliyadaha dadka waaweyn iyo ururo waxbarasho. Waxay ahaayeen iskoolo dadka oo dhan tegi karaan. Tani waxay keentay in dad badan wax bartaan, maaha oo keliya kuwa haystay awood dhaqaale iyo fursad ah in wax laga barto jaamicad ama jaamicad sare. Dadweynuhu waxay arkeen in iyagu ay raad ku yeelan karaan horumarkooda gaarka ah iyo horumarka dalka oo tani waxay keentay in dimoqraadiyadu ku xoogaysato Iswiidhan.

Iswiidhan oo keliya may ahayn meesha ay wax u fiicnaadeen 1920-yeedii. Dhaqaaluhu wuxuu ka sii fiicnaaday qaybo badan oo aduunka ah oo waxaa dhacay waxyaabo badan oo fiican. Waxaa soo baxay dawooyin cusub, dadweynuhu waxay bilaabeen in ay dhagaystaan barnaamijyada idaacadaha oo waxaa suurtagashay in telafoon lagu wada hadlo Maraykan iyo Yurub dhexdooda. Siyaasiyiin badan iyo cilmibaarayaal ayaa u shaqeeyay in ay aduunka sii fiicnaysiiyaan.

Laakiin qaar tirsan cilmibaarayaashu waxay fikradoodu ahayd in dadka loo qaybiyo jinsiyo iyo in dadka qaarkood ka fiicnaayeen kuwa kale. Cilmibaarayaashan waxaa lagu magacaabi jiray baayalooji yaqaanada jinsiyada. Dadka qaarkood ayaa raacsanaa, laakiin dad badan ayaa fahamsanaa in fikradaha noocaas ahi keenayaan cunsuriyad iyo takoorid. Gudaha Iswiidhan waxay dhibaatadu ku dhacday ugu horeyn Yuhuuda, Saamerka iyo Roomarka oo ay kaga timi cunsuriyadda bayoolajiga jinsiga iyo takoorida.

1922 ayaa gudaha Iswiidhan laga dhisay machad bayoolaji jinsi oo dawladeed. Machadkan hawshiisu waxay ahayd in la helo sababaha keena dembiga, si xun u isticmaalka khamriga, dhibaatooyinka maskaxda iyo waxyaabo kale oo loo arkay in ay dhibaato ku ahaayeen bulshada Iswiidhishka. 1934 waxaa soo baxay sharci sheeegaya in dadka oo dhan aan loo oggolayn in ay yeeshaan carruur. Kumankum dad ah ayaa si khasab ah looga xiray dhalmada. Tani micnaheedu waa in qalliin lagu sameeyay iyaga oo aan doonayn si aanay u dhalin carruur. Maanta ma jiro machadkii bayoolajiga jinsiyadaha. 1976 ayay mamnuuc noqotay in dhalmada laga xiro dad jooga gudaha Iswiidhan.

Dad waaweyn oo fadhiya miisas kala duwan gudaha fasal xilli waxbarasho dad waaweyn socoto bilowgii 1900-yadii.

Masawirqaade: stadslexikon.helsingborg.se

Kooxo badan oo dad ah ayaa lagu takooray gudaha Iswiidhan iyo Yurub intii lagu jiray 1920-yadii. Miyaad aragtaa waxyaabo ay iska mid yihiin takoorid kale oo ka dhacday qaybo kale oo ka mid ah aduunka?

1929 waxaa burburay suuqa maalgelinta shirkadaha ee New York kuna taalla Maraykanka. Saamiyadii ayaa qiimahoodi dhakhso hoos u dhacay oo dad badan ayaa waayay lacag badan. Shirkaddo ayaa galay khasaare galay oo dad badan ayaa noqday bilaa shaqo oo ku khasbanaaday in ay iibiyaan gurigooda. Tani waxay raad ku yeelatay dhaqaalaha aduunka oo dhan oo bilowgii 1930-yadii waxaa gudaha Yurub ka dhacay qalalaase dhaqaale iyo shaqo la'aan badan. Dad badan ayaa noqday sabool oo ka welwelay mustaqbalkooda.

Jarmalka waxay naasiyiintu qabsadeen awoodda 1933. Naasiyiinta fikradoodu waxay ahayd in dadka qaarkood, tusaale ahaan Yuhuuda, Roomarka iyo dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin, aanay lahayn qiimo la mid ah sida dadka kale. Naasiyiinta hogaamiyahooda Adolf Hitler wuxuu yiri Yuhuudu waxay khatar iyo waxyeelo u leeyihiin Jarmalka. Jarmal badan ayaa dhaqaalahoodu sii xumaaday oo waxay rajaynayeen wakhtiyo sidaa ka fiican in ay dib u soo noqdaan. Dad badan waxay aaminsanaayeen Hitler iyo xisbigiisa naasiyiinta oo dad badan ayaa bilaabay in ay nacaan Yuhuuda. In la necbaado Yuhuuda waxaa lagu magacaabaa Yuhuud nacayb. Naasiyiintu waxa ay Yuhuuda iyo Roomarka ka qaadeen xuquuqdoodi muwaadinnimo oo qaar badan xabsi ayaa la geliyay laguna dilay.

Xaaladda adag ee dhaqaale waxay raad ku yeelatay xitaa Iswiidhan. Saddex meelood meel ahaan dhamaan shaqaalaha Iswiidhan ayaa ahaa bilaa shaqo xilligi wakhtigaas. Qaar badan waxay doonayeen isbaddal oo taas way heleen ka dib doorashadii 1932. Xisbiga shaqaalaha ee dimoqraadiga bulshada ayaa noqday xisbiga ugu weyn oo si wadajir ah ayay xisbiga kale, Ururka beeralayda, waxay bilaabeen in ay baddalaan waxyaabo badan. Isbaddal noocaas ah wuxuu ahaa ceymiska shaqo la'aanta. Taas micnaheedu wuxuu ahaa in shaqaaluhu awoodeen in ay u sii socoto in ay lacag ka helaan dawladda xitaa haddii ay noqdaan bilaa shaqo. Isbaddalo kale waxay ahaayeen in dadka oo dhan xaq u helaan fasax iyo in dadka oo dhan helaan lacag hawlgab oo fiicnaatay. Lacagta hawlgabka waa lacag qofku ka helo dawladda bil kasta marka qofku gaboobo ee joojiyo shaqada.

Fikradda qaar badan oo ka mid ah isbaddaladan waxay ahayd in dadka haystay dhaqaale fiican ay caawiyaan dadka aan haysan lacag badan oo la mid ah. Tani waxay sameeyeen iyaga oo u maraya in la bixiyo canshuur dheeraad ah. Siyaasiyiinta ayaa ka dib lacagaha canshuurta u qaybiyay kooxaha gudaha bulshada ee u baahnayd si dheeraad ah. Siyaasiyiintu waxay sheegeen in ay doonayaan in ay abuuraan bulsho leh caddaalad iyo sinaan. Bulshadaas waxay heshay xitaa magac gaar u ah. Waxaa lagu magacaabi jiray Hoyga dadweynaha. Laakiin dadka oo dhan ma lagu soo dhawayn jirin Hoyga dadweynaha. Qaarkood kooxaha dadka, tusaale ahaan Saamerka iyo Roomarka, may haysan shuruudo la mid ah.

Miyaad ogayd in Iswiidhan ay ka jiraan kooxo dadweyne oo mar kastaba aan lahaan jirin xuquuqo la mid ah kuwa dadka kale. Waa maxay sababta ay sidaas u ahayd, maxaad u malaynaysaa?

Laakiin qaabab badan ayaa isbaddalada siyaasadeed guul u noqdeen oo Iswiidhan way sii fiicnaatay. Qaar badan oo ka mid ah isbaddaladan way suurtagashay in la fuliyo waayo kooxo kala duwan oo bulshada ah ayaa wada xaajooday oo ku heshiiyay waxyaabo u fiicnaa Iswiidhan. Wada xaajood caan ah ayaa dhacay 1938. Markaas waxaa Saltsjöbaden oo banaanka Stockholm ku taalla ku kulmay laba urur oo waaweyn si ay uga wada xaajoodaan shaqaalaha mushahaarooyinkooda. Waxay ahaayeen ururka shaqaalaha, Landsorganisationen i Sverige (LO), iyo ururka shaqo bixiyayaasha ee Svenska Arbetsgivareföreningen (SAF). Iyaga ayaa ku heshiiyay siday u wada shaqayn lahaayeen ee uga heshiin lahaayeen shaqaalaha mushahaarooyinkooda mustaqbalka. Wada shaqayntan u dhaxaysa shaqo bixiyaha iyo shaqaalaha waxaa lagu magacaabaa "Nashqadda Iswiidhishka" oo tani waxay aad muhiim ugu ahayd horumarka dhaqaalaaha Iswiidhishka. Nashaqadda Iswiidhishka waxay keentay in dadku qaata mushahaarooyin hoose ay wax u fiicnaadeen oo farqiga dhaqaale ee bulshadu yaraaday.

Dagaalki labaad ee adduunka 1939–1945

1939 waxaa bilaabmay dagaalki labaad ee aduunka. Wuxuu ku bilaabmay in Jarmalki naasiga ahaa weeraray Boolan laakiin dhowr dal ayaa galay dagaalkan. Waxaa isku dhinac ahaa Jarmalki naasiga, Jabaan iyo Talyaaniga. Kuwa ka soo horjeeday waxay ahaayeen Midowga Soofiyati, Ingiriiska, Faransiiska, Maraykan iyo dhowr dal oo kale.

Intii uu socday dagaalka waxaa sii xumaatay xaaladda Yuhuuda. Naasiyiinta ayaa iyaga xiray oo u kaxeeyay kaamam waaweyn halkaas oo qaar badan oo iyaga ka mid ah lagu dilay. Kaamamkaas waxaa lagu magacaabaa xabsiyadii ciqaabta. Intii lagu jiray dagaalki labaad ee aduunka waxay naasiyiintu dileen lix malyuun oo Yuhuud ah waxa lagu magacaabo Tirtirid. Xitaa Roomarka iyo Boolandiiska waxaa loo gaystay xasuuq dadweyne. Jarmalki naasiyiinta ahaa waxay dileen kumanaan dad kale ah, waxaa ka mid ahaa dadka awoodooda laxaadku kala dhantaalanyahay, mucaaridka siyaasadeed iyo dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin.

Iswiidhan may ku jirin dagaalki labaad ee aduunka. Dawladda Iswiidhishka may doonayn in Iswiidhan ay ka qaybqaadato oo bilowgii dagaalka waxay Iswiidhan samaysay waxaabo badan oo Jarmalki naasiyiinta ay shuruud kaga dhigeen. Tusaale ahaan waxay Iswiidhan istaajisay Yuhuudii Jarmalka ee isku dayay inay u soo cararaan Iswiidhan. Laakiin Iswiidhan waxay xitaa caawisay kuwii dagaalkan ka soo horjeeday Jarmalki naasiyiinta. Iswiidhan waxay xitaa caawisay dalka jaarka la ah ee Finland, waxaa ka mid ah in 70 000 carruur Finlaandiis ah oo aan la sii noolaan karin qoysaskooda ay la noolaadaan qoysas Iswiidhish ah.

Wakhtigii ka dib dagaaladii aduunka

Dagaalki labaad ee adduunka wuxuu dhamaaday 1945. Jarmalkii naasiga ahaa wuu ku guuldaraystay dagaalkan laakiin dhinac marka laga eego cid weliba way guuldaraysatay. Magaalooyin badan ayaa qaraxyo baa'biiyeen oo 50–60 malyuun oo qof ah ayaa dhintay.

Ka dib dagaalki labaad ee aduunka cidnaba may doonayn dagaal aduun oo saddexaad. Dalalku waxay bilaabeen in ay wada shaqeeyaan si looga taxaddaro dagaalo cusub. Wada shaqayntan ilaa maanta way jirtaa waxaana lagu magacaabaa Qaramada Midoobay (QM). QM waxay ka shaqaysaa nabadda iyo amaanka aduunka iyo in la ilaaliyo oo la horumariyo xuquuqda bani'aadamka. 1948 dalalka Qaramada Midoobay ayaa cod ku meel mariyay sharaxaadda guud ee ku saabsan xuquuqda bani'aadamka. Ku dhawaad dalalka aduunka oo dhan way ku jiraan Qaramada Midoobay.

Maadaama Iswiidhan aanay ka qaybqaadan dagaalka waxay shirkadihi Iswiidhishka awoodeen in ay si dhakhso ah wax u soo saaraan oo mar kale dib u iibiyaan badeecadahooda iyo adeegyadooda. Dalal badan waxay doonayeen in ay ganacsi la sameeyaan Iswiidhan oo shirkadihii Iswiidhishka waxay sameeyeen macaashyo waaweyn. Shaqo la'aantu aad ayay yarayd xilligii wakhtigaas. Iswiidhan waxay noqotay dal hodan ah oo dawladdu waxay fulisay isbadalo siyaasadeed oo badan. Dhamaan muwaadiniintu waxa ay xaq u yeesheen daryeelka bukaanka. Dadka shaqeeyana waxay heleen afar toddobaad oo fasax ay lacag ku qaataan. Haweenka guriga la joogay carruur yar yarna waxay lacag ka heleen dawladda oo xanaanada carruurta ayaa horumartay si haweenku u helaan fursad weyn in ay shaqeeyaan. Dawladda ayaa qaaday mas'uuliyadda in dadweynuhu helaan dhaqaale fiican, caafimaad fiican, guryo fiican iyo waxyaabo badan. Saboolnimadii ayaa yaraatay oo Iswiidhan waxay u horumartay in ay noqoto waxa lagu magacaabo dawlad dadkeeda daryeesha.

Waxaa jira waxyaabo badan oo u fiican dadka ku nool Iswiidhan, laakiin sidaas may ahaan jirin mar walba. Dadka halgankooda ayaa keenay isbaddal. Isbaddal noocee ah ayaad dooni lahayd in aad aragto?

Ma bixin kartaa tusaale ah wax dadku u halgameen, gudaha dalka ama dalalka aad horey ugu soo noolayd?