Dawlad dadkeeda daryeesha horumarkeeda ku salaysan xuquuqda bani’aadamka iyo sinaanta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3 8 2021

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay dawladda shacbigeeda daryeesha ee Iswiidhan horumarkeeda.

Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan halganka xuquuqda bani’aadamka iyo sinaanta iyo sida halgankaasi ugu qaabeeyay Iswiidhan dawladda shacbigeeda daryeesha ee ay tahay maanta. Waxa kale oo aad akhrin doontaa wixii ku saabsan dhowr ah dhacdooyin muhiim ah, dadyow iyo tobbanaan sano oo ka mid ahaa halgankan.

Soo bandhigida khadka wakhtiga ee horumarka dawlad dadkeeda daryeesha

"Dadka oo dhan waxay dhasheen iyaga oo xor ah oo waa isku qiime iyo xuquuq." Tani waa hawraarta ugu horeysa ee ku jirta Qaramada Midoobay sharraxaadeeda guud ee xuquuqda bani'aadamka kana timi 1948. Waa kuwan dhowr tusaale dhinaca xuquuqda kale ee ku qoran sharraxaadan. Dhammaantood qaabab kala duwan ayay ugu saabsanyihiin dawlad daryeelka dadka:

  • Adigu waxa aad xaq u leedahay waxbarasho
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay xaalado shaqo oo fiican
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay in aad ku biirto urur shaqaale
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay heer nolol oo macquul ah (tusaale ahaan raashinka iyo dharka)
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay hoy
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay ilaalin bulsho (tusaale ahaan xanaanada waayeelk)
  • Adigu waxa aad xaq u leedahay caafimaad (tusaale ahaan daryeelka bukaanka)

Xuquuqahan waa in ay khuseeyaan dadka oo dhan, iyadoo aanay jirin takoorid. Takoorid micnaheedu waa in qof helo xuquuqo ka liita kuwa qof kale, tusaale ahaan iyadoo ay sabab u tahay jinsiga, midabka maqaarka, da'da ama dookha noocyada galmada.

Qaramada Midoobay (QM) waxay qoreen qoraalo gaar ah kuna saabsan carruurta, dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah, dadka asal ahaan ugu soo horeeyay dal iyo qaxoontiga maadaama kooxahaas badanaaba loola dhaqmay si aan caddaalad ahayn. Qoraalada kale waxay leeyihiin qawaaniin ku saabsan in la joojiyo takoorida haweenka iyo cunsuriyadda, maadaama xitaa dhibaatooyinkaas ay si gaar ah u baahsanyihiin. Qoraaladaas xuquuqda waxaa lagu magacaabaa heshiisyo caalami ah oo waxay muhiim u yihiin daryeelka dadka. Waxay ku saabsanyihiin waxyaabo ay ka mid yihiin:

  • Ilaalinta ka hortaga takoorida nolosha shaqada ee ay sabab u tahay jinsiga
  • Carruurta xaqooda in ay sheegaan waxay rabaan iyo in mar kastaba la eego waxa u fiican carruurta
  • Xaqa loo leeyahay fursado la mid ah kuwa dadka kale xitaa haddii aad leedahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah

Haweenku mar walba may soo lahayn xuquuq la mid ah kuwa ragga gudaha Iswiidhan. Xilligii 1800-yadii ma loo oggolayn haweenku in ay codeeyaan doorashada siyaasadda oo ma loo oggolayn in ay ka shaqeeyaan dhinaca xirfadaha oo dhan. Iyaga ma loo oggolayn in ay go'aansadaan qofka ay guursanayaan oo haweenka xaaska ah ma loo oggolayn in ay u taliyaan lacagtooda gaarka u ah. Haweenku waxay u soo halgameen in ay helaan xuquuq la mid ah kuwa ragga.

In haweenka iyo raggu lahaadaan xuquuq iyo fursado isku mid ah dhinaca nolosha waxaa lagu magacaabaa sinaan. Tusaale ahaan waa in haweenku helaan daryeel caafimaad si dhakhso ahaan la mid ah ragga oo helaan mushahaaro sarayn ahaan la mid ah ta ragga haddii ay iyagu sameeyaan shaqo isku mid ah. Sinaantu waa in ay khuseyso dhamaan nolosha dhinacyadeeda.

Sinaanta oo loo sawiray sidii miisaan oo haweenay iyo nin mid walba dhinaciisa joogo lehna miisaan isku mid ah.
  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Ma bixin kartaa tusaale ah dhinac aanay weli ka jirin sinaan u dhaxaysa haweenka iyo ragga gudaha Iswiidhan?

    Sababtee ayay muhiim u tahay sinaantu, maxay kula tahay?

Dawladda mas'uuliyadeeda

Waa dawladda Iswiidhishka ta ay tahay in ay hubiso in dhammaan dadka ku nool Iswiidhan ay helaan xuquuqdooda oo buuxda. Dawladda, hey'addaha dawladeed, degmooyinka iyo gobolada ayaa mas'uul ka ah taas. Laakiin dhammaanteen ku nool Iswiidhan waxa xitaa waajib inagu ah in aynu kaalmayno si bulshadu u shaqayso. Tusaale ahaan dhinaca in la shaqeeyo oo la bixiyo canshuur.

Haddii aanad helin xuquuq la mid ah kuwa qof kale waxa tan micnaheedu noqon kartaa in lagu takooray.

Dadku wayihii soo jiray oo dhan waxa ay u soo halgameen xuquuqdooda iyo sinaan iyo caddaalad. Sidaas ayay ahayd xitaa gudaha Iswiidhan. Halgankan ayaa kaalmeeyay in Iswiidhan tahay bulshada ay maanta tahay.

Dhacdooyin muhiim ah iyo taariikhda sanadihii loo halgamay xuquuqda bani’aadamka
  • 1800–1850: Boqorkii ayaa xukunka laga tuuray oo dugsiga xanaanada ayaa laga dhigay waajib

    1809 waxaa xukunka afgembi lagaga tuuray boqorkii Iswiidhishka. Ilaa iyo xilligaas ka dib boqorada Iswiidhishka ma lahayn awood weyn. Markii dadweynuhu helay awood sii badatay in ay wax ka taliyaan ayaa ay isbadashay Iswiidhan. Waxaa dhacay dhowr wax oo u fiicnaa dadka oo dhan iyo dalka oo dhan. Tusaale ahaan waxaa la go'aamiyay in carruurta oo dhan xaq u leeyihiin in ay bartaan akhriska, qoraalka iyo xisaabinta. Iswiidhan waxay dhista iskoolo badan oo wax bartay macallimiin badan si carruur badan u awoodaan in ay dhigtaan iskoolka. Laakiin carruurta oo dhan may dhigan karayn iskool. Qoysas badan waxay ahaayeen beeralay oo waxaa loo baahnaa in carruurtu ay caawimaad ka geystaan beerta.

  • 1850–1900: Dad badan ayaa fursad u helay waxbarasho oo dadku la yimaadeen shuruudo ah in wax isbadalaan

    Waxaa xitaa la bilaabay iskoolo loogu talogalay dadka waaweyn oo waxay ahayd nooc iskool oo gebi ahaanba cusub. Waxaa isla wakhtigaasba jiray jaamicad laakiin taas dadka oo dhan may tegi karin. Wakhtigaas waxaa qofka looga baahnaa in uu horey u soo dhigtay iskool, oo bilowgii ragga oo keliya ayaa loo oggolaa in ay wax ka bartaan jaamicadda. Laakiin iskooladan cusub ee la bilaabay ayaa dadka oo dhan dhigan karay. Iskooladan waxaa lagu magacaabay kuliyadaha dadka waaweyn oo waxaa loogu talogalay dadka oo dhan, dadweynaha. Waa muhiim in dadka oo dhan helaan iskool ay dhigtaan si loo awoodo in la abuuro bulsho caddaalad ah.

    Dhammaadkii 1800-yadii waxaa shaqaale badan ay lahaayeen maalmo shaqo oo dhaadheer iyo mushahaarooyin hooseeya. Shaqaaluhu waxay aasaaseen ururo si ay wadajir ugu halgamaan in ay helaan xaalado shaqo oo fiicnaada. Ururadan weli way jiraan waxaana lagu magacaabaa ururo shaqaale. Si looga dhiidhiyo xaalado shaqo oo caddalad darro ah waxa shaqaaluhu diideen in ay mararka qaarkood shaqeeyaan, waxay sameeyeen shaqo joojin. In la sameeyo shaqo joojin waxay ahayd qaab loogu halgamo xuquuqda oo sii fiicnaata.

    1889 ayaa la aasaasay xisbi siyaasadeed oo cusub, Xisbiga shaqaalaha bulshada dimoqraadiga ah. Shaqaale ayay ahaayeen kuwii aasaasay xisbiga oo waxay doonayeen inay fiicnaysiiyaan xaaladaha shaqaalaha. Waxay doonayeen in ay kordhiyaan sinaanta gudaha Iswiidhan oo helaan bulsho caddaalad ah.

    Wakhtigaas kooxo gaar ah oo keliya dhinaca bulshada ayaa loo oggolaa in ay codeeyaan doorashada baarlamaanka. Tusaale ahaan dakhliga iyo jinsiga ayaa go'aaminayay haddii laguu oggolaa in aad codeyso iyo in kale. Taas dad badan ayaa u arkayay in ay tahay caddaalad darro oo rag iyo haween labadabu waxay ka mid noqdeen ururo kala duwan. Waxay u halgameen in dad badan helaan xaqa ah in la codeeyo. Waxay qaadatay wakhti laakiin ugu dambeyntii waxaa dhacay isbaddal.

  • 1900–1950: Halgankii lagu heli lahaa bulsho si dheeraad ah u leh caddaalad iyo sinaan ayaa sii socday

    Halgankii ku saabsanaa xuquuq codeyn oo dadka oo dhan ah ayaa sii socday. Tallaabo tallaaba ayaa caddaaladi korodhay oo ugu dambeyntii ku dhawaad dadka oo dhan waa loo oggolaaday in ay codeeyaan, maaha oo keliya dadka hodanka ah iyo kuwa awoodda weyn ku lahaa bulshada.

    Shaqaaluhu waxay sii wadeen in ay u halgamaan xaalado shaqo oo sii fiicnaada oo 1909 waxaa la sameeyay shaqo joojin weyn. Waxaa shaqo joojin sameeyay ku dhawaad 300 000 shaqaale ah dalka oo dhan markaas. 1931 milatariga ayaa toogasho ku dilay shan shaqaale ah oo shaqo joojin ku jiray gudaha Ådalen xilli uu socday mudaharaad nabad ah. Taasi waxay ahayd dhacdo muujisay sida ay u xooganayd iska soo horjeedyada ka jiray gudaha bulshada Iswiidhishka.

    Koox kale oo u halgantay xuquuqdooda iyo in aan la takoorin waa dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin. 1800-yadii waxaa ninka lagu xukumi karay laba sano shaqo ciqaab ah haddii isagu uu galmo la sameeyay nin kale. 1944 ayay sharci noqotay dadka ka hela dadka ay isku jinsiga yihiin gudaha Iswiidhan laakiin waxay weli ku tilmaamnayd in ay tahay cudur. Ilaa iyo 1979 in qof ka helo qof ay isku jinsi yihiin ma ku tilmaamna in ay tahay cudur.

  • 1950–2000: Dad badan ayaa helay xuquuq xoog ah intii lagu jiray qaybtii labaad ee 1900-yadii

    Xuquuqda bani'aadamka dabcan way khuseeyaan xitaa carruurta, dhammaan carruurta aduunka oo dhan. Carruurta xuquuqdoodu waxa ay ku sharraxantahay wax lagu magacaabo Heshiiska caalamiga ee carruurta. Halkaas ayay ku qorantahay in dhammaan kuwa ka yar 18 sano ay yihiin carruur iyo in dhammaan go'aamada ku saabsan carruurta ay ku salaysnaadaan waxa u fiican ilmaha. Waa Qaramada Midoobay kuwa qoray Heshiiska caalamiga ee carruurta. 196 dal ayaa saxeexay oo ballanqaaday in ay iyagu raacaan taas.

    Iswiidhan waxay ahayd dalki ugu horeeyay aduunka ee go'aamisay in ay mamnuuc tahay in la garaaco carruurta. Taasi waxa la go'aamiyay 1979.

    1994 waxaa soo baxay Sharciga Taageerada iyo Adeega ee qaar ka mid ah dadka awoodooda laxaadku kala dhantaalantahay (LSS). Waa sharci dadka qaba hoos u dhac awoodaha laxaadka ah siinaya xaq ay u yeeshaan taageero iyo adeeg.

  • 2000–ilaa maanta: Xuquuqaha intii lagu jiray 2000-yadii

    Gudaha Iswiidhan waxaa ku nool dad u dhashay dalal kala duwan iyo kooxo dad ah. Shan ka mid ah kooxahan waxa ay joogeen Iswiidhan intii lagu soo jiray wakhti aad u dheer. Kuwaasi waa Yuhuuda, Roomarka, Saamerka, Finlaandiiska Iswiidhishka ah iyo Toornedalingaar. Iyagu waa Iswiidhan shanta loo aqoonsanyahay taariikh ahaan qaran in ay yihiin qowmiyadaha laga tirada badanyahay. Saamerka xitaa waxaa loo aqoonsanyahay in ay yihiin dadkii ugu horeeyay ee dalkan. Saamerka waxa ay xiriir xoogan oo wakhti dheer ah la lahaayeen aag dhul balaaran oo ku yaalla waqooyiga Iswiidhan, Noorway, Finlaand iyo Ruushka kaas oo lagu magacaabo Sapmi.

    Saamerka iyo qowmiyadaha qaran ee kale ee laga tirada badanyahay may lahaan jirin xuquuq la mid ah ta Iswiidhishka kale oo waxaa loola dhaqmay si caddalad darro ah. Iyaga waxaa tusaale ahaan ku adkayd in ay helaan shaqo oo qaar ka mid ah ma loo oggolayn in ay dhigtaan iskoolo la mid ah kuwa dadka kale. Dawladda Iswiidhan waxa ay qiratay sharaf rididaas iyo xad-gudubyadaas loo gaystay kooxahaas. Intii lagu jiray 2000-yadii qowmiyadaha laga tirada badanyahay ee qaran xuquuqdoodu way sii fiicnaatay.

    2009 ayay mamnuuc noqotay in la takooro oo qof loola dhaqmo si liidata iyadoo ay sabab u tahay jinsi, ka tirsanaanta qowmiyad, diin, hoos u dhac awoodda laxaadka ah, dookha noocyada galmada ama da'da. Isla sanadkaas ayaa lamaanayaasha isku jinsiga ah, micnihii laba nin ama laba haweenay ah, xaq u yeesheen in ay soo korsadaan carruur.

    2013 waxaa la joojiyay sharci ku khasbayay dadka in ay dhalmada iska xiraan si ay u baddalaan jinsigooda ay yihiin sharciyan. Jinsiga sharciyan waa jinsiga ku qoran diiwaan-gelinta dadweynaha, baasaboorkaaga iyo dukumentiyada kale ee laga helo hey'addaha dawladeed.

    2020 ayaa Iswiidhan go'aamisay in xitaa wax kasta oo ku qoran Heshiiska caalamiga ee carruurta ay sharci ahaan ansax ka tahay gudaha Iswiidhan. Tani micnaheedu waa in qofkii aan raacin Heshiiska caalamiga ee carruurta lagu ciqaabi karo ganaax ama xabsi.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Sababtee ayay u fiicantahay iskoolada loogu talogalay dadka waaweyn, maxay kula tahay?

    Qaab noocee ah ayaa ay ugu sii fududaan kartaa shaqaalaha in ay u halgamaan xuquuqdooda haddii ay yihiin dad badan oo wadajir ah?

    Qaar ka mid ah dalalka aduunka waa ka mamnuuc in shaqaaluhu samaystaan ururo shaqaale. Sababtee ayay sidaas u tahay, maxay kula tahay?

    Miyaad oggayd in galmo lala sameeyo qof la yahay isku jinsi ay weli sharci darro ka tahay 78 dal oo aduunka ah, iyo in ciqaabteedu tahay dil gudaha shan dal?

    Ma sharci ama sharci darro ayay ka tahay dalka ama dalalka aad horey ugu soo noolayd?

    Miyaad ogayd in Iswiidhan ay ka jiraan kooxo dadweyne oo mar kastaba aan lahaan jirin xuquuqo la mid ah kuwa dadka kale. Maxaad ka fikiraysaa ee ku saabsan tani?

Dhacdooyin muhiim ah iyo taariikhda sanadihii loo halgamay sinaanta
  • 1800–1850: Fredrika Bremer – halgamaa dhanka haweenka xuquuqdooda

    1801 waxaa dhalatay haweenay lagu magacaabi jiray Fredrika Bremer. Waxay u halgantay haweenka xaqooda dhinaca waxbarasho, xaqa in la ahaad qaangaar sharciyan iyo xuquuqo kale oo raggu horey u haysteen. Tani halgan adag ayay ahayd wakhtigaas oo Fredrika Bremer waxa ay tusaale lagu daydo u noqotay haween kale oo badan. Waxa ay ku dhiirigelisay haweenka kale in ay xitaa u halgamaan in la baddalo xaaladaha iyo nolosha haweenka iyo gabdhaha.

  • 1850–1900: Haweenka xaqooda in ay naftooda u taliyaan

    Waagii hore ragga ayaa u talin jiray wax badan dhinaca haweenka noloshooda laakiin intii lagu jiray sanadahaas waxa haweenku heleen xuquuq weyn in ay naftooda u taliyaan. Tusaale ahaan haweenka xaaska ah waxaa loo oggolaaday in ay u taliyaan lacagtooda gaarka u ah. Haweenka waxa xitaa ay heleen xaqa in ay u taliyaan qofka ay guursanayaan oo waxaa sharci darro noqotay in nin uu garaaco xaaskiisa.

  • 1900–1950: Xuquuqda siyaasadda iyo xaaladaha oo u sii fiicnaaday haweenka leh carruur

    1919 waxay haweenku xaq u yeesheen in ay codeeyaan dhinaca doorashooyinka siyaasadda. Doorashadii baarlamaanka ee 1921 waxaa haweenka loo oggolaaday in loo dooran karo xildhibaano baarlamaan markii ugu horeysay. Haweenka siyaasiyiinta ah waxa ay muhiim ahaayeen sanadihii la soo dhaafay, weliba dhinaca arrimaha sinaanta iyo xuquuqda carruurta.

    Xilliyadii 1930- iyo 1940-yadii waxaa la go'aamiyay dhowr waxyaabood kuwaas oo muhiim u ahaa haweenka leh carruur. Waxaa bilaash noqotay in ilmo lagu dhalo isbitaal oo waxaa mamnuuc noqotay in haweenka laga eryo shaqadooda iyadoo ay sabab u tahay inay uur leeyihiin. Rugo caafimaad oo gaar u ah carruurta ayaa la aasaasay oo waxaa la dhisay guryo sii fiicnaaday looguna talogalay qoysaska haysta carruur.

  • 1950–1980: Mushahaaro isku mid ah dhanka shaqo isku mid ah iyo sinaan korodhay dhinaca guriga

    1960 waxaa soo baxay sharci sheegaya in haweenku ay helaan lacag shaqo oo la mid ah ta ragga haddii ay sameeyaan shaqo isku mid ah.

    Xilliyadii 1960-yadii waxaa haweenku xitaa heleen xuquuq weyn in ay u taliyaan jirkooda. Waxa ay tusaale ahaan xaq u heleen in ay cunaan kiniinyada (ka hortaga dhalmada) si aanay u uureysan. Waxaa mamnuuc noqotay in nin xaas ah ku khasbo xaaskiisa in ay galmo la samayso. Xilliyadii 1970-yadii waxaa soo baxay sharci siinaya haweenka xaqa in ay uurka iska soo ridaan. Tani waxaa lagu magacaabaa ilmo soo ridid.

    Ilaa iyo 1974 waxaa jirtay wax lagu magacaabi jiray lacagta hooyanimada. Waxay ahayd gunno dhaqaale oo la siiyo haweenka guriga la joogay carruur yar. 1974 ayaa loo baddalay gunnada waalidka. Markaas ayaa xitaa raggu awoodeen in ay guriga la joogaan carruur oo gunno lacag ah ku helaan. Waxaa kale oo la dhisay dugsiyo xanaano oo badan iyo hoy wakhti firaaqo oo loogu talogalay carruurta. Tani waxay u fududeysay haweenka in ay dib ugu soo noqdaan nolosha shaqada oo shaqeeyaan lacag gaar u ah ka dib marka ay ilmo soo dhalaan.

    Waxaa kale oo la go'aamiyay in qof kasta uu canshuur ka bixiyo mushahaarada gaarka u ah, waxa lagu magacaabo canshuurta labada qof ee isqaba uu mid walba gaar u bixiyo. Waagi hore lamaanaha isqaba waxa ay canshuur ka bixin jireen dakhligooda oo la isku daray. Sharcigaas cusub ayaa keenay in haweenku ay haystaan dheeraad ka mid ah mushahaaradooda.

  • 1980–ilaa maanta: Xuquuqda siyaasadda iyo xaaladaha oo u sii fiicnaaday haweenka leh carruur

    Haweenku mar walba may lahaan jirin xirfado la mid ah kuwa ragga. Xirfadii ugu dambeysay ee ragga oo keliya loo oggolaa waxa ay ahayd milatariga. Laakiin ilaa iyo 1989 waxaa haweenka loo oggolyahay in ay ka shaqeeyaan xitaa milatariga. Tani micnaheedu waa in haweenku iminka loo oggolyahay in ay ka shaqeeyaan dhammaan xirfadaha gudaha Iswiidhan.

    1999 ayay sharci darro noqotay in lacag laga bixiyo galmada.

    2018 ayaa la go'aamiyay in qofka doonaya inuu galmo la sameeyo qof uu markastaba marka hore iska hubsado in qofka kalena sidaas doonayo. Waa sharci darro in galmo lala sameeyo qof haddii aanad hubin in qofkaasna doonayo galmo.

    Gunnada waalidka waa la sii waday in la horumariyo oo rag badan ayaa guriga la jooga carruurta marka ay yar yaryihiin. Laakiin weli haweenka ayaa qaata ayaamo dhanka gunnada waalidka marka la barbardhigo ragga.

  • Su’aalaha laga baaraan degayo

    Sababtee ayaa waagi hore haweenku aanay u haysan xuquuq la mid ah ta ragga, maxay kula tahay?

    Haweenka halgankooda xuquuqda wuxuu dhinacyo badan marka laga eego ku saabsanyahay xorriyad. Qaab noocee ah ayaa haweenku si dheeraad ah ugu noqdeen xor, markay heleen xuquuq waagi hore ay lahaayeen ragga oo keliya?