Saamayn ku yeelanshada Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.
Sawir farshaxan oo ah nin dhalinyaro ah oo ka hor hadlaya dadweyne jooga suuq, mudaharaad iyo dhisme coddeyn wakhti doorasho.

Mawduucan wuxuu ku saabsanyahay in wax raad lagu yeesho gudaha Iswiidhan.

Waxaad akhrin doontaa waxa dimoqraadiyadda gudaha Iswiidhan ay tahay. Waxaad ka fikiri doontaa wixii ku saabsan sida adigu aad raad ugu yeelan karto bulshada. Waxaad xitaa akhrin doontaa wixii ku saabsan dimoqraadiyadda horumarkeeda gudaha Yurub iyo Iswiidhan. Waxaa intaas dheer inaad akhrin doonto sida Iswiidhan loo xukumo iyo kuwa ay yihiin xisbiyada siyaasada ee ku jira baarlamaanka Iswiidhan.

Mawduucan wuxuu sidoo kale ku saabsanyahay in la iska hubsado meesha war laga helay. Waxaad ka fikiri doontaa waxa ay tahay iska hubsashada meesha war laga helay iyo sida aad sameyn karto si aad u ogaato nooca macluumaadka ah sax.