Dimoqraadiyadda horumarkeeda

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

Ku saabsan Iswiidhan - qoraallo loogu talogalay wacyi gelinta bulshada.

Qiyaastii boqol sano ka hor ayaa haweenka iyo ragga qaan-gaadhay oo dhan heleen xaqa in la codeeyo gudaha Iswiidhan. Tani waxay dhacdo muhiim ah u ahayd horumarka Iswiidhan dimoqraadiyadeeda. Ka hor kooxo gaar ah oo keliya oo gudaha bulshada ah ayaa loo oggolaa inay codeeyaan doorashada baarlamaanka. Tusaale ahaan dakhliga iyo jinsiga ayaa go’aaminayay haddii laguu oggolaa in aad codeyso iyo in kale. Dimoqraadiyada Iswiidhan waxay u horumartay si dhakhso ah oo weli way sii horumaraysaa maalin walba. Waxyaabaha aynu maanta sameyno waxay raad ku yeelanayaan dimoqraadiyada maanta iyo mustaqbalkaba.

Qoraalkan wuxuu ku saabsanyahay dimoqraadiyada horumarkeeda. Waxaad akhrin doontaa sida dimoqraadiyadu u horumartay gudaha Yurub iyo Iswiidhan. Waxaad akhrin doontaa wixii ku saabsan dhowr ah dhacdooyinka muhiimka u ahaa dimoqraadiyada horumarkeeda gudaha Yurub iyo Iswiidhan.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan hogaaminta dalkooda, si toos ah ama iyadoo loo marayo in ay wakiiladooda ku doortaan doorasho xor iyo caddaalad ah.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay xorriyadda fikrada iyo xorriyadda hadalka. Taas micnaheedu waa inaad xaq u leedahay inaad wax u aragto oo u fikirto sida aad doonto. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad faafiso aragtiyahaaga iyo fikradahaaga oo u gudbiso dadka kale, tusaale ahaan dhinaca baraha intarnetka ee bulshada. Laakiin maaha inaad xorriyadaada u isticmaasho inaad faafiso neceyb iyo wax xun ka sheega dad kale iyo kooxo. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad diyaariso oo ka qaybqaadato shirar nabadeed, mudaharaadyo iyo ururo. Laakiin waxaad xitaa xaq u leedahay in aanad ka qaybgelin shir, mudaharaadyo ama xubin ka ahaato urur.

Dimoqraadiyadda horumarkeeda gudaha Yurub

Yurub taariikhdeedu way ka dheerayd dimoqraadi. Ka hor dimoqraadiyaddu intaanay soo shaac bixin waxaa dawladaha kala duwan ee Yurub hogaamin jiray boqor, tusaale ahaan amiir, boqorad ama boqor. Dimoqraadiyadda Yurub waxay u kortay maadaama dadku doonayeen inay helaan korodhka kala qaybsanaan siman oo awoodda ah.

Qoraalkan waxaa lagu sharraxayaa dhowr dhacdo oo muhiim u ahaa horumarka dimoqraadiyadda ee Yurub.

Kaniisadda katooliga ah ayaa awoodeedu yaraatay

Kaniisadda katooliga ah waxay lahayd awood badan gaar ahaan Galbeedka Yurub dhowr boqol oo sano. Boqorada haystay xukunka waxay fikradoodu ahayd in ay awooddooda ka heleen Ilaahay oo aanay ka helin dadweynaha. Intii lagu jiray bilowgii 1500-yadii dad badan ayaa doonayay inay wax ka baddalaan kaniisadda. Iyagu waxay u arkeen in kaniisadda katooliga ahi ay aad u xiisaynaysay awood iyo lacag marka la barbardhigo caqiidada Kiristaanka. Boqoro badan waxa ay doonayeen in ay ka xoroobaan kaniisadda katooliga oo iyagu ay helaan awoodda ugu weyn. Dhowr dal oo Yurub ah ayaa ka baxay kaniisadda katooliga oo noqday dad raacsan mad-habka barootastanka. Isbaddalkaas kaniisadda waxaa lagu magacaabaa ka baxii madhabta barootastanka ay ka go'day kaniisadda katooliga ah. Taas ayaa keentay kala qaybsanaan iyo diciifidda kaniisadda Kiristaanka ee haba ugu horeysee Galbeedka Yurub.

Fikrado cusub oo ku saabsan dadka xilliyadii 1700- iyo 1800-yadii

Xilligii 1700-yadii waxaa bilaabmay waxa badanaaba lagu magacaabo wakhtigii baraaruga. Intii lagu jiray mudadan waxay dadku heleen dhowr wax oo cusub dhinaca cilmiyada kala duwan. Dadku waxa ay bilaabeen inay ka jeestaan kaniisadda markii faylasoofyo u sheegeen in iyagu keligood fikiraan oo aanay mar walba u baahnayn inay raacaan waxa kaniisadda ama kuwa haystay awoodda ay sheegayeen. Dadku waxa ay bilaabeen inay helaan fikrado cusub kuna saabsan sida bulshadu ay tahay inay u dhisnaato. Fikradahan waa la fidiyay si dad badan ay u awoodaan inay akhriyaan.

Dalalka Yurub waxaa dhiirigeliyay kacdoono ka dhacay Waqooyiga Ameerika xilligii 1700-yadii

Kacdoonkii Maraykanka waxaa xilligaas bilaabay dadkii ku noolaa Waqooyiga Maraykanka ee aan loo oggolayn inay wax ku yeeshaan go'aanka baarlamaanka Ingiriiska. Ingiriisku waxa uu xilligaas xukumi jiray waxa maanta loo yaqaan Maraykanka, isticmaar ahaan. Maraykanku waxa ay bilaabeen kacdoon oo heleen madaxbannaani ka dib markay ka guuleysteen Ingiriiska. Dalkii cusbaa ee la dhisay waxa uu isticmaalay faylasoofka Faransiiska Montesquieus fikradihiisi ku saabsanaa sida dal hogaankiisu ay tahay inuu u dhisnaado. Hogaankan waxa uu ka koobnaa saddex qaybood: awoodda sharci dejinta taas oo samaysa sharciyadda oo gaarta go'aamada, awoodda fulinta taas oo socodsiisa go'aamada oo hubsata in sharciyadda la raaco, iyo awoodda maxkamadda taas oo turjunta oo isticmaasha sharciyadda. Qaabkan loo qaybinayo awoodda waxa uu aad muhiim ugu noqday dalal badan oo ka dib noqday dimoqraadiyo.

Horumarkii kacdoonki Maraykanka ayaa dhiirigeliyay dalalka Yurub. Tusaale ahaan Faransiiska dad badan ayaa aan ku qanacsanayn sida boqorku u xukumayay dalka. Dalku waxa uu ku jiray dhowr dagaal oo kharash badan ku kacay. Waxaa intaas u dheerayd in dallagii beeraha uu xumaa dhowr sano oo dadku aanay haysan wax ay cunaan. Dadweynuhu wuxuu doonayay inuu qayb ku lahaado go'aaminta sida dalka loo xukumayo. Ugu dambeyntii dadweynuhu wuxuu ku kacay boqorkii oo ay kaga soo horjeesteen kacdoon bilaabmay 1789. Kacdoonkan dhiig ayaa ku daatay oo dad badan ayaa naftooda laga jaray, tusaale ahaan boqorkii iyo boqoraddii.

Kacdoonkii Faransiiska wuxuu noqday mid ka mid ah dhowr dhacdo oo muhiim ah oo raad ku yeeshay dimoqraadiyadda horumarinteeda gudaha Yurub iyo xitaa gudaha Iswiidhan. Ka dib kacdoonkan waxaa baarlamaanki Faransiiska go'aamiyay sharci cusub. Sharcigan wuxuu sheegay in awooddu ay ka timaado dadweynaha oo qofna aanu ka qiimo badnayn qof kale. Hase ahaatee ragga ayaa ugu badnaa kuwii xuquuqdan ka helay gudaha Faransiiska. Maanta xuquuqdan waxa leh dadka oo dhan oo maaha oo keliya ragga.

Dimoqraadiyadda horumarkeeda gudaha Iswiidhan

Dhacdooyin kala duwan oo gudaha Iswiidhan ah ayaa raad ku yeeshay dimoqraadiyadda horumarkeeda iyo sida bulshadu u eegtahay maanta. Dhowr dhacdo xilliyadii 1800-yadii iyo bilowgii 1900-yadii ayaa si gaar ah muhiim u ahaa. Kuwaas ayaa u dhigay aasaaska Iswiidhan ah casri iyo dimoqraadi.

Laakiin sidee ayaa bulshadu ahayd gudaha Iswiidhan ka hor intaan dalku noqon dimoqraadi? Boqorka ayaa lahaa awood badan oo loo arkayay in uu doortay Ilaahay. Carruurta badankoodu may tegi jirin iskool. Hawenka iyo ragga dadka waaweyn ah badankooda ma loo oggolayn in ay wax ku lahaadaan go'aaminta sida Iswiidhan loo hogaaminayo. Dabcan wakhti dheer ayay qaadatay in wax laga baddalo xaaladan.

Qoraalkan waxaa lagu sharraxayaa dhowr dhacdo oo muhiim u ahaa dimoqraadiyadda horumarkeeda gudaha Iswiidhan.

1700-yadii: Wakhtigii xorriyadda iyo sharci cusub oo ku saabsan xorriyadda daabacaada

Xilligii 1700-yadii waxaa Iswiidhan heshay hab maamul cusub. Baarlamaanku waxa uu u qaybsanaa afar kooxood oo kala duwan, waxa lagu magacaabo dabaqado: dabaqad sare, baadariyo, hantiilayda iyo beeralayda. Dabaqad kasta waxa ay hal cod ku lahayd arrimaha ku saabsan sharciyo cusub iyo canshuuraha. Baarlamaanka Iswiidhan muu ahayn mid si dimoqraadi ah loo soo doortay laakiin dad intii hore ka badan ayaa loo oggolaa in ay wax ku lahaadaan go'aaminta. Awooddi ayaa loo qaybiyay bulshada oo waxa ay ahayd bilowga wakhti ay korodhay xorriyaddu. Sidaas darteed ayaa wakhtigaas lagu magacaabaa wakhtigii xorriyadda.

Baarlamaanku waxa uu ka koobnaa laba xisbi. Koofiyadlayda oo ahaa ugu horeyn dabaqadda sare xisbigooda iyo koofiyadlayda koofiyadaha jilicsan oo ahaa ugu horeyn xisbiga dabaqadaha hoose ee bulshada. Wakhtigii xorriyadda waxa uu dhammaaday markii boqor Gustav III sameeyay afgembi sanadkii 1772. Markaas ayaa boqorku helay awood dheeraad ah oo baarlamaanku waayay awoodii.

Isla 1766 waxa ay Iswiidhan yeelatay sharci ku saabsan xorriyadda daabacaada iyo hadalka, kaas oo sheegayay in dadka oo dhan ay xaq u leeyihiin inay wax qoraan, daabacaan oo gudbiyaan qoraalo ku saabsan wax walba. Ka hor 1766 waxay Iswiidhan ahayd dal leh faaf-reeb. Waxaa la oggolaa oo keliya in la qoro oo la daabaco wixii dadka awoodda haystaa ay ku raacsanaayeen. Dhammaan qoraalada iyo buugta la daabacayo waxay ahayd in marka hore la sii oggolaado. Sharcigan waxa uu shaqeeyay siddeed sano oo keliya, laakiin waxa uu ahaa isbaddal muhiim ah dhinaca taariikhda dimoqraadiyadda Iswiidhishka.

1809: Iswiidhan waxa ay heshay dastuur cusub

Intii lagu jiray 1800-yadii way isbaddashay Iswiidhan. Sanadkii 1809 waxaa xukunka laga tuuray boqorkii. Iswiidhan waxa ay heshay boqor cusub oo haystay awood yaraatay. Lixdii Juun isla sanadkaa ayaa Iswiidhan heshay dastuur cusub – qaab dawladeed sanadkii 1809. Sharcigan wuxuu yareeyay boqorka awooddiisa. Baarlamaanka Iswiidhan wuxuu helay awood dheeraad ah oo maxmadaha madaxbannaanidooda ayaa korodhay. Lixda Juun waa Iswiidhan maalinteeda qarannimo.

Inkastoo awooddu u kala qaybsanayd boqorka iyo baarlamaanka haddana Iswiidhan may ahayn dimoqraadiyad horumarsan. Laakiin sharciyadan cusub ayaa u fududeeyay Iswiidhan in ay dimoqraadiyadeedu korodho. Waxa tusaale ahaan sii fududaaday in dadku ay sheegaan oo qoraan waxa ay ka fikirayaan iyo aragtidooda.

Qaab dawladeedkii 1809 waxa uu si rasmi ah u shaqeeyay ilaa iyo 1975. Iswiidhan waxa ay heshay qaab dawladeed cusub 1974. Tani waa Iswiidhan qaab dawladeedkeeda imminka.

1842: Dhammaan carruurta ayaa loo oggolaaday tegista iskoolka

Sanadkii 1842 ayaa la dhaqan-geliyay iskoolka dadweynaha ee waajibka ah gudaha Iswiidhan si carruurta oo dhan u helaan waxbarasho. Iskoolka dadweynaha ayaa dad badan ku heleen inay bartaan wax akhriska iyo qorista. Tani waxa ay xaalad muhiim ah u ahayd horumarinta dimoqraadiyadda gudaha Iswiidhan.

Sababtee ayaa iskoolka iyo waxbarashadu ay muhiim ugu yihiin dimoqraadiyadda, maxay kula tahay?

1866: Baarlamaan laba gole ah ayaa la bilaabay

Sanadkii 1865 ayaa la baa'biiyay afartii kooxood ee baarlamaanka, wixi lagu magacaabi jiray dabaqado (dabaqad sare, baadariyo, hantiilayda iyo beeralayda). Sanadkii 1866 ayaa taas baddalkeeda baarlamaanku helay laba qaybood kuwaas oo lagu magacaabay golayaal: golaha hore iyo golaha labaad. Ilaa iyo 1971 waxaaa baarlamaanka Iswiidhan leeyahay hal gole oo keliya.

1800-yadii iyo 1900-yadii: Wakhtigii dhaq-dhaqaaqyada dadweyne ee gudaha Iswiidhan

Xilliyadii 1800-yadii waxaa Iswiidhan ka bilaabmay dhaq-dhaqaaqyo dadweyne oo badan oo kala duwan. Dadku waxa ay arkeen dhibaatooyin kala duwan oo ka jira bulshada Iswiidhishka: dhibaatada khamriga, xaalado shaqo oo liita, guryo liita iyo in haweenka loola dhaqmay si xun. Dad badan ayaa ka fikiray in dhibaatooyinkan la xalin karayay haddii dadweynuhu wada shaqeeyaan. Dadka isku aragti ahaa ayaa kulmi karayay, isku habeeyay ururo oo wadajir isku dayay xalinta dhibaatooyinkan.

Dhowr dhaq-dhaqaaqyo dadweyne oo kala duwan ayaa soo baxay, tusaale ahaan: dhaq-dhaqaaqa u dooda in khamriga aan la cabbin, kaniisadaha xorta ah, dhaq-dhaqaaqa haweenka, dhaq-dhaqaaqa beeralayda, dhaq-dhaqaaqa xaqa doorashada ee xorta ah iyo dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha. Dhaq-dhaqaaqyadan dadweyne waxay muhiim u ahaayeen dimoqraadiyadda, waxyaabo ay ka mid tahay in dadku barteen sida ay raad ugu yeelan karaan oo wax uga baddali karaan siyaasada. Dadka ku jiray dhaq-dhaqaaqyadan dadweyne waxay qaban jireen shirar, doodi jireen oo u codeyn jireen in la gaaro go'aan – si la mid ah sida dadku weli uga sameeyo baarlamaanka. Halgankan ka dhacay banaanka baarlamaanka wuu cusbaa gebi ahaanba. Dadka ku jira dhaq-dhaqaaqyadan dadweyne waxaa la dhagaystay codadkooda oo waxa ay u babacdhigteen dawladdii, kaniisadii iyo kuwii kale ee haystay awoodda.

1918–1921: Dimoqraadiyadda bilowgeedii –xaqa guud ee loo simanyahay codeynta

Intii lagu jiray dhammaadkii 1800-yadii waxay dadku ka bilaabeen gudaha Iswiidhan inay is habeeyaan si loogu halgamo xaqa guud ee loo simanyahay codeynta. Wakhtigii ka horeeyay in yar oo ka mid ah dadweynaha Iswiidhan oo keliya ayaa loo oggolaa codeynta doorashooyinka baarlamaanka. Waxa go'aamin jirtay qofka loo oggolaa codeynta waxay ahayd qofka hanti badan haysta iyo haddii qofku ahaa nin ama haweenay. Haddii aanad haysan hanti badan oo cayiman ama aad ahayd haweenay ma laguu oggolayn in aad codeyso.

Sanadkii 1909 ayaa baarlamaanku go'aamiyay xaqa codeynta guud ee ragga gudaha Iswiidhan. Ragga ka weyn 24 sano ee bixiyay canshuur ee soo sameeyay shaqada qaranka ayaa loo oggolaaday codeynta doorashada golaha labaad ee baarlamaanka. Ragga daryeelka saboolka uu daryeelay ama soo galay xabsi ma loo oggolayn inay codeeyaan.

Deyrtii 1918 ayaa ay nabad noqotay Yurub ka dib dagaalkii koowaad ee aduunka. Iswiidhan may ku jirin dagaalkaas laakiin raad ayuu ku yeeshay. Ragga iyo haweenka labadaba waa loo oggolaa inay caawimaad geystaan xilligii dagaalkaas dhinaca milatariga, beeraha, warshadaha iyo gudaha guriga. Dad badan ayaa aragtidoodu ahayd in dadweynahu helaan xaqa inay codeeyaan maadaama ay si adag u soo halgameen wakhtigii dagaalka.

Sanadkii 1919 ayaa baarlamaanku go'aamiyay in xitaa haweenka loo oggolaado inay codeeyaan doorashada baarlamaanka. Doorashadii baarlamaanka ee sanadkii 1921 waxa ansax ahayd xaqa guud ee loo simanyahay codeynta. Haweenka iyo ragga labadaba waa loo oggolaaday codeynta. Imminka qof kasta codkoodu wuxuu lahaa qiimo isku mid ah.

Laakiin miyaa run ahaantii dadka oo dhan loo oggolaa inay codeeyaan sanadkii 1921? Maya, waxay ahayd oo keliya qiyaastii boqolkiiba 55 ka mid ah dadweynaha kuwa awoodayay inay codeeyaan. Dhowr kooxood oo bulshada ah ma loo oggolayn inay codeeyaan. Kuwa aan loo oggolayn inay codeeyaan waxay ahaayeen tusaale ahaan dadka soo galay xabsi, dadka lagu lahaa deyman canshuur oo badan iyo kuwa aan ahayn mas'uulka sharciyan. Dad badan oo leh hoos u dhac awoodda laxaadka ma loo oggolayn inay codeeyaan haddii maxkamadii ay go'aamisay in aanay ahayn mas'uul sharciyan. Sanadkii 1989 erey bixintii aan mas'uul ahayn ayaa ka baxday sharci dejinta Iswiidhan. Tani micnaheedu waa in qofnaba aan lagu sheegi karin in aanay mas'uul ahayn sharciyan. Ilaa iyo xilligaas dhammaan muwaadiniinta Iswiidhishka ee ka weyn 18 sano waa loo oggolyahay codeynta doorashooyinka baarlamaanka.